Xaadir buu Idiin Yahayoo, Samarroon Xabadi Ma hadhin: Hambalyo Aroos
Posted by hiildan on July 30, 2008
Arooskaan u xaytayeen xooga saarlahaayoow
Xagayga hadaanan iman oon xalilayo hawl
Kuman kalaa xeeran oo xiisahaaga qaba
Xafladii lahabee dariiqyada xashiish mayaal
Magaaladii xaadhan suuqyadiina waa laxidhay
Ragaa xaragooni dumarkaa bundaadyo xidhan
Xidigahaa nuuri dayaxaa xayaabkariday
Durbaanaa xiimi damala’an xabeeb lahayn
Xaadir buu idiiyahayoo SAMAROON xabadi mahadhin
Xirfadii Alla baray iyo wilwilay xaf dhabanayaan
Xoogii Xirsi Muude Xildhibaanadii ukacay
Xaqiiqdii waxa katalin Xoghayeenadii TOLKIIN.
Waa hambalyada iyo bogaadina loo dirayo Boqor Faysal Maxumad Sacad iyo Boqoradiisa Idil.
Dhammaan reer Muxumad Sacad Iidle, ehelkooda, qaraabadooda, iyo asxaabtooda.
Dhammaan reer Caateeye Faahiye Nuur-haad, ehelkooda, aasxaabtooda iyo qaraabadooda.
Dhammaan asxaabta Boqor Fayasal Muxumad iyo inta magacaiisa granaysa
Dhammaan asaxaabta boqorada Idil Xasan iyo inta magaceeda garanaysa.
Dhammaan inta taqaana oo dhan ayaa runtii ku wada jira hambalyada Arooska, kuwaasi oo marka tiradooda laysku wada daro runtii ka tarjumaya murtida Marwo Isniino ee leh: Xaadirbuu idiin yahoo, Samarroon Xabadi ma hadhin.
……………………………………………………………………………………………………………………
Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca qooyskayga, magaca AllBoon.com iyo magaca dhamaan reer Caateeye waxan leehay: Arooskii qarnigee , noqda ugu qaaya wacnaa - WIIL IYO CAANO.
Abdiqani Ateyeh
……………………………………………………………………………………………………………………..

vanessa said
je t aime mon coeur