AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Hambalyo Iyo Salaan Dugsiga Isniino

Posted by hiildan on August 2, 2008

By Mukhtaar Muuse Barkhadle
Aslamu Calaykum waraxmatulahi wabarakatu. Aniga oo  ah Mukhtar Muuse Brakhadle  kuna Dhashay magalada Boon ee hada laga dhigay Degmada. Waxan aad ugu Faraxsanahay  Dugsiga dhawan lagafuray ee loogu magacdaray (Dugsiga Isniino).
 

Duugsigaas oo ay dadka reer Boon mudo ad ubadanba ay ku taamayeen  dawlad udhistama aanay jirin waxaa ilahay garan siyay Mr.idiris Muxumad sacad, gartayna inuu magaaladii uu kasoo jeeday ee uu kudhashay dugsi sare udhiso waanan ugu hambalyaynayna Idiris . Waxaanan Qurbajooga kale e Reer Boon ku wacyi galinayaa in ay Digsiga inta kadhiman soo dhamaystiran.
 
Boon waa Meesha maanta hogaminaysa Gobolka Cusub ee ay kasoojeedo magalo ahaan waxbarasho ahan iyo Xaga sport gaba. Lakiin xaga ay kaliidato dhaqalaha, dawlad dhaqalaha kacaawinaysana majirto. Marka dadka reer Boon ee dibadaha ku baahsani sidii ay waxsoosar ugashan lahayeen magaladooda haka tashadaan.
Waxaase nasiibdaro ah aniga oo ah Mukhtaarr Muuse oo kudhashay Boon hada kasokeeya Mudo kudhaw afar sano, ayaa markii an dawaday sawiradii dadkii xaflada lagu furaayay Dugsiga sare  aya qofna an kagaran waayay. Marka halkaas waxaa iiga muuqata in magalada ay dadkale soodagen oo dadkii ahaa aasiyanka ee ilbaxnimada magalada kasoojeeday anay hada deganahayn. Taasina ay keenayso Boon ilbaxnimadii looga yaqaanay in ay dadku kale ay yirahdaan Boob mar ayay boon ahayd. Marka hala dadaalo dadka rer Boon ah ee asiyanka ahoow
Mukhtar Muuse Barkhadle

2 Responses to “Hambalyo Iyo Salaan Dugsiga Isniino”

  1. hiildan said

    Aad iyo aad ayaan kuu salaamayaa Mukhtaar Muuse Barkhadle adiga iyo dhamaan ilma Muuse Barkhadle Xergeeye meel kasta oo ay joogaanba.

    Aniga Boon waxa iigu danbaysay malaha adiga oo yar ama an dhalanba, in ka badan 20 sanadood ka hor. Balse nasiib wanaag hadana waan wada gartay sawirada dadkii xaflada kasoo qayb galay ee ahaa reer Boonkii hore ee qadiimigii.

    Waa laga yaabaa inay dad cusubi kusoo kordhayeen ama Biireen Boon labaatankaa sanadood ee an arag Boon, waana wax iska caadi ah oo la qoob wadaaga is badalka nolosha. Waajibkeenuna waa inaynu gacmo furan kusoo dhawyano dadka cusub ee inagu soo biira.

    Mar labaad waan ku salaamay Mukhtaar.

    Abdiqani Yusuf Ateyeh.

  2. salamu cclaykum

    hambalyo
    waxaan halkan hambalyo bogaadin uga soo jeedinayaa dhamaan dadka ree boon anigoo ku hambalyaynaya dugsi sarre ee isniino ee dhawaan la furay waxa kale oo aan halkan ka hamabalyaynayaa idiris muhumed sacad oo dugsigan isniino ka dhisay magaalda boon . idiris waxaan u rajaynayaa guul, horumar, bash bash barwaaqo isaga iyo qoyskiisaba dhalianyarada ree boona waxaaa leeyayay kuwii ka aflaxa ee ak faaiidaysta dugsigaasi alla ha idin ka dhigo
    amin

    muhyadiin gurey
    dallas texas

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>