Dawladihii Soo Maray Soomaaliya 1960-69kii.

Magacdii Madaxweynayaasha iyo Wasiirada Dawladahaasi

Qaybta 1aad iyo  2aad:  

By: Mahdi Faarax Aadan (Mahdi Gandhi)

 

calanka-soomaaliya.jpgcalaamada-somalia.jpg

Qaybta Koowaad

Taariikh kasta waxay leedahay maalin la maamuuso hadaba Bishan Oktoobar waa Bisha loogu magacdaray Black History Month of Africa.Taariikda madoobayd ee Africa Soomaalidu Bishan Maxay ku leedahay ? Hadaba aan jaleecno magacyada Wasiirada Dawladihii Soomaliya ee 1960-1969

Magacyada wasiirada 1960-1969 Dawladihii Soomaaliya soo maray
Magacaanta Wasiirada Dawladihii ugu horeysay ee Soomaliya 1960-1969.
Luulyo 12 ,1960 Waxaa Cabdirashiid Cali sharmarke ku dhawaaqay,
Dawladii ugu horeysay waxaana Madaxweyne ka ahaa dawladan

aaden-cade.jpg

Aadan cabdulle Cismaan oo ahaa Madaxweynihii ugu Horeeyey ee
Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaliya Illaahay naxriistii janno haka
Waraabiyo.

Dawladan oo ka koobnayd 14 Wasiir oo kala ahaa sidan

1. Dr Abdirashiid Ali sharmaarke
Ra’iisul Wasaare

2. Cabdi Xasan Buuni
Ra’iisul wasaare ku xigeen

3. Axmed Xaji Ducaale
Wasiirka Wasaarada Beeraha

4. Cali Garaad Jaamac
Wasiirka Wasaarada waxbarashada

5. Cabdulllahi Ciise Maxamuud
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibadda

6. Cabdirasaaq Xaaji Xuseen
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha

7. Cabdulqadir Maxamed Aaden
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

8. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiirka wasaaradda Shaqada & Gaadiidka

9. Cali Maxamed Hiraabe
wasiirka wasaaradda warfaafinta

10. Cismaan Maxmuud Ibraahim
Wasiirka Wasaaraha hawlaha Guud

11. Sh.Cali JImcaale Baraale
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Xoolaha

12. Sh.Cabdulle Aw Maxamuud
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga

13. Maxamuud Axmed Maxamuud
Wasiirka Wasaarada garsoorka

14. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga.

Fiiro Gaara:- Dawladani waxay ku guulaysatay inay qotomiso jiritaanka qaranimada Qowmiyada Ummadda Soomaaliyeed in aan lagu gardaroon ooy leeyiihiin xuduudo iyo xeer Dastuuriya oo laga aqoonsanyahay Qarama Midoobay, Calanka Soomaliyeedna ka dhex babaddo calamada qaramada caalamka Adduunka .

Dimoqraadiyadu waa caano ee yayna inaga daadan ( Madaxweyne Aaden cade )
Wuxuuna noqday Madaxweynihii Ugu horeeyey ee Africa ee iska dhiiba Xukunka
————————————————————————-

Doorashdii ugu horeysay ee Xisbiyo ee Soomaliya ka dhacda waxaana Ka qayb galay Xisbiyo tiro badan Juun,1964tii Waxaa ku guulaystay Xisbigii SYL Madxweyne Aaden Cadulle Cismaan Wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay

abdirizak-xaaji-hosein.jpg

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuuna soo Magacaabay dhismo dawlad ka kooban

12 Wasaaradood iyo Wasiiradooda waxayna kala ahaayeen Sidan:.

1. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Dimoqradiga ee Soomaliya

2. Axmed Yuusf Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda

3. Aaden Isaaq Axmed Iidle
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga

4. Cabdulqaadir Maxamed Aaden
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha

5. Cawil Xaaji Cabdullaahi
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

6. Cismaan Maxmuud Cadde
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga

7. Cali Cumar Sheegoow
Wasiirka Wasaaradda Garsoorka

8. Sh. Cabdulle Aw Maxamed
Wasiirka Wasaarada Igaadhsiinta iyo Hawlaha Guud

9. Kanadiid Axmed Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashad

10. Jaamac Maxamed Ciise
Wasiirka Wasaaradda Beeraha

11. Yuusuf Aaden Maxmuud
Wasiirka Wasaradda Warfaafinta

12. Sh. Maxmuud Sh., Faarax
Wasiir Bilaa Wasaara ( ma lahayn wasaarad )

————————————————————————-

Bishii 7aad 1964 Dawladan waxaa soo kala dhexgaly Khilaaf Kaas oo loogu magacdaray hadaan soo koobno cod Khasaaray ama cod xumaadayWaxaana ka dhashay in Wasiiro xilka laga qaado oo Wasiiro cusub Lagu badalo kuwa la magacaaby waxaa ka mid ahaa.:

1 Cali Cumar Sheegow
Wasiirka Wasaaradda qorshaynta

2 Ismaaciil Ducaale Warsame
Wasiirka Wasaaradda Beeraha

3..Cabdirhman Xaaji Muumin
Wasiirka Wasaarada Garsoorka

4. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiir bilaa Wasaara ( wasiirka heehaaba )
ma lahayn Wasaarad iyo xafiis toona
Fiiro gaara :
Dawladan waxay ku guulaysatay inay qalinka ku duugto in Xeebtii Soomaliyeed ee Faransiisku Gumaysto ee Djibouti Madaxbanaani Qaadan karto ayna gu’i karto oo laga ansaxiye Golaha Dawlada. Siyaasiyiinta Soomaaliyeedna Badankoodu waxay
isku raaceen in dawladani ahayd maamul dawleed maamulkii ugu fiicnaa dawladihii soo maray Soomaaliya.

              ——————————————————————

abdirashid_ali_shermarke.jpg

Magacaanta Wasiiradda Dawladii Cabdirashiid Cali Sharmarke 1967-1969
10 juun 1967 Waxaa ra’iisul Wasaare noqday Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal Illahay naxariistii janno haka waraabiyo wuxuuna soo dhisay dawlad cusub oo ka koobnayd 17Wasaaradood iyo Wasiiradooda waxaana Madaxweyne noqday
Cabdirashiid Cali sharmaarke Illaahay ha u naxriistee Wasiirada la magacaabay waxay kala ahaayeen sidan :

1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Ra’iisul Wasaaraha & Wasiirka arrimaha Dibedda

2. Cali Cumar Sheegoow
Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda

3. Yaasiin Nuur Xasan Bidde
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha

4. Yaxya Yuusuf Iimaan Guuleed
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga

5. Xaaji Faarax cali Cumar
Ra’iisul Wasaare kugeen & Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

6. Xasan Xaaji Cumar Camay
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

7. Cali Maxmed Cosoble
Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada

8. Cabdinuur Maxamed Xuseen
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud

9. Xareed Faarax Nuur
Wasiirka Wasaaradda is Gaadhsiinta iyo Gaadiidka

10. Aaden Isaaq Axmed
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

11. Cali Caliyoow Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

12. Ismaaciil Ducaale Warsame
Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda

13. Cabdulahi Maxamed Qablan
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta

14. Aaden Shire Jaamac
Wasiirka Wasaradda garsoorka iyo Arimaha Diinta

15. Maxamed Cali Dacar
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

16. Cali Maxamed Hirabe
Wasiirul dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

17. Cabdillahi Jirde Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Maalgalinta iyo Horuumarinta.

cigaal.jpg

Dawladan mar labaad ayaa dib loogu noqday halkan kagama sheekayn karno oo waa taariikh dheer, Laakiin waxaa mar labaad loo dhaariyey Maajo 1969kii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaliya Illaahay ha u naxariistee inuu mar labaad soo dhiso dawlad Cusub wuxuuna soo dhisay dawlad ka koobnayd 16 Wasaradood iyo Wasiiradooda Waxayna kala ahaayeen sidan :

1. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal
Ra’iisul Wasaaraha & Wasiirka Arimaha dibedda

2. Hilowle Macallin Maxamed
Wasiirka Wasaradda Gaashaandhiga

3. Suufi Cumar Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

4. Yaasiin Nuur Xasan Bidde
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha

5. Aaden Isaaq Axmed
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

6. Aaden Shire Jaamac
Wasiirka Wasaradda garsoorka iyo Arrimaha Diinta

7. Xaaji Muuse Boqore
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha

8. Micheal Mariano
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta

9. Jaamac Gaani Axmed
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud

10. Cabdillaahi Ciise Maxamuud
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

11. Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

12. Maxamed Sh.Maxamed Sh.Dahir
Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqada

13. Cali caliyoow Maxamed
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta

14. Xirsi Bulxan Faarax
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha

15. Cabdillahi Jirde Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga iyo Horuumarinta Bulshada

16. Cabdillahi Maxamed Hiirad
Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Fiiro Gaara :
Dawladani waxay ahyd Dawladii ugu dambaysay ee rayada Waxayna ku guulaysatay xoojintii xidhiidhka Caalamiga Doorashadii dawladan waxaa ka dhashay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac rabshadahaas waxaa ka faa’iidaystay Taliyihii Ciidan Xooga Dalka Soomaaliyed, General Maxamed Siad Barre iyo sarakiishii Ciidamada waxayna ahayd dawladii lagu dilay Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
————————— Dhamaad Qaybta 1aad———————-

Su’aasha Caalamka ka taagan ?
Axmed Gurey oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
Xaaji diide iyo Geele Batal oo kalle Djibouti ma soo mari doonaan ?
Sheekh bashiir oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
Sayid Maxamed Cabulle Xasan oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
Cabillaahi Ciise oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
Aaden Cade oo kalle soomaali ma soo mari doonaa ?
Maxamuud Xarbi oo kalle Djibouti ma soo mari doonaa ?
Xasan guleed oo kalle Djibouti ma soo mari doonaa ?
Cabdiirashiid Cali sharmaarke oo kalle Soomali ma soo mari doonaa ?
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo kalle Soomali ma soo mari doonaa ?
Cabdidirisaaq xaaji xuseen oo kalle Soomaali ma soo mari Doonaa ?
Siad Barre oo kalle Soomaali ma soo mari doonaa ?
ismaciil Omar gelle oo kalle Djibouti ma soo mari doonaa ?

————————————————————-

nelson_mandela.jpglamumba.jpgsenghor-senegal.gif

Mandela              Lumumba         Senghor( Senegal )

luther-king.jpgmalcolm-x.jpgthomassi-sankara-burkino-faso.jpg

 Marthin                Malcolm        Thomas Sankara( Burkina Faso)

hassan-guuled.jpgjamal-abdi-nasir.jpgcabdillahi-iise.jpg

Guled                      Naser                C/Hi Ciise
Raggan oo kalle way inagu dhexjiran laakiin dadka kama garanayno.. Why?

1.Mandela 2.Lumumba.3.Senghor.4.Marthin.5.Malcolmx.
6.Thomas sankara(burcina faso) 6.H.Guled. 7.Jamaal cabdi Nasir .8.C/Ciise

Hadii tariikhdooda la qoro waxaa laga dhex arkayaa qabiil markaa
Dadweyna ayaynu waydiinaynaa halka aan kaga darno Taariikhda ?

Qaybta Labaad

 Magacyada Wasiirada 1960-1969kii dawladihii Soomaaliya soo maray & Magacyada Golihii sare ee Kacaanka ee Dawladii General Maxamed Siyaad Barre

calaamada-somalia.jpg

Magacaanta Wasiirada iyo Golihii sare ee Dawladii Maxamad Siyaad Barre
Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyed wuxuu afgambi ku qabsaday dawladii
uu Madaxweyne Abdirashiid Cali Sharmaarke Xukumaayey oo Ra’iisul Wasaare
u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Egal . Dhamaantoodba Illaahay ha u naxariistee.

siad-barre.jpg

General Maxamed Siad Barre

Saarakiishiisi waxay soo Magacaabeen Gole ka kooban 25 Sarkaal oo ka mid ahaa sarakiishii ugu awooda Badnayd xiligaas isla markaana ahaa Sarakiishii Samaysay Afganbiga. Waxayna kala ahaayeen sidan.
1 Sareeye Gaas . Maxamed Siyaad Barre
2. Sareeye Gaas. Jaamac Cali Qoorsheel
3. Sareeye Guuto. Maxamed Caynaanshe Guuleed
4. Gashaanle sare. Xuseen Kulmiye Afrax
5 .G/Le Dhexe. Maxamed Sheekh Cusmaan
6. G/Le Dhexe. Maxmuud Maxamed Mire
7. G/Le Dhexe. Maxamed Cali Samatar
8. G/le Dhexe. Maxamed Cabdalla Faadil
9. G/Le Dhexe. Maxmuud Geelle Yuusuf
10. G/Le Dhexe. Salaad Gabeyre Kediye
11. G/Le Dhexe. Axmed Maxmuud Cabdulle
12. Gaashaanle. Axmed Maxuud Faarax
13. Gaashaanle. Ismaaciil Cali Abokor
14. Gaashaanle. Maxamed Cali Shire
15. Gaashaanle. Cali Mataan Xaashi
16. Gaashaanle. Muuse Rabiile Good
17. Gaashaanle. Faarax Wacays Dhuule
18. Gaashaanle. Axmed Suleymaan Cabdalla
19. Dhame . Cabdi Warsame Isaaq
20. Dhame. Bashiir Cilmi Yuusuf
21. Dhame. Cabdirisaaq Maxamuud Abokor
22. Dhame. Cabdulqadir Xaaji Maxamed
23. Dhame. Maxamed Cumar Jees
24. Dhame. Axmed Xasan Muuse
25. Dhame. Cusmaan Maxamed Jeelle

24tii Oktoobar 1969 waxay soo saareen bayaankoodii ugu horeeyey oo ka koobnaa
13 qodob oo khuseeya Siyasaasada Gudaha iyo Siyaasadda Dibedda ayna isku raaceen in Dalka lagu xukumo Waxayna kala ahayeen sidan : -
——————————————————————————————

Qodobbada Siyaaasada Gudaha

1.In la dhiso Ummad u siman Shaqada oon lakal soocin, iyadoo loo
tixgalinayo waxkasta oo samaynaya nolosha dadweynaha Soomaliyeed

2. In dadka lagu hanuunsho horuumarinta dhaqaalaha, nolosha guud
Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed sida wadanku horay ugu maro

3. In la cidhib tiro aqoon darrada, dadkana loo iftiimiyo qiimaha dhaxal
galka ah eehidaha iyo dhaqanka Soomaaliyedd.

4. In la sameeyo sida ugu haboon saldhigii qorista iyo horuumarinta Af-soomaliga

5. In la dhameeyo musuqmasuqoo idil, qaraabo kiilka, qabyaalada iyo wixii kale
ee kharibay bulshada

6. In la baab’iyo asxaabta siyasadeed oo dhan.

7. In la sameeyo doorasho wakhtigii ay haboonaato doorasho madax banaan
doorasho madax banaan.

Qodabadda Siyaasadda Dibedda

1. In la taagero ururrada Gobanimo-doonka ah, iyo iskaashiga Caalamiga

1. In la horjoogsado dagaalna lagu qaado gumaysiga iyo gumaysiga cusub

3. In lagu dadaalo sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed laysugu keeni lahaa

4. In la ogolaado mabaadi’da nabadgelyada iyo wada noolaanshaha Addunka

5. In lagu socdo siyaasad cad ee dhexdhexaadka ah

6. In la aqoonsado mabaadi’da Ummadaha Midoobay iyo Ururka Midowga Africa.
Magacyadda Golihii Xoghayaasha iyo Wasiiradda

1dii Nov,1969kii Waxay Magacaabeen Golihii Wasiirada oo ka koobnaa
14 Xoghaye iyo Wasaaradahooga waxayna kala ahayeen sidan :
Wasiiradan badankkoodu waxay u badnaayeen dad rayada marka laga reebo
Generaal Jaamac Cal Qoorsheel.
1. S/Gaas . Jaamac Cali Qoorsheel
Xogahayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha

2. Cumar Carte Qalib
Xoghayaha Wasaaradda Arimaha Dibeda

3. Maxamed Canshuur Xasan
Xoghayaha Wasaaradda Gaadiidka & Isgaadhsiinta

4. Maxamuud Canbdi Caraale
Xoghayaha Wasaaradda Maaliyada

5. Maxamed Aaden Sheekh
Xogahayaha Wasaaradda Cafimaadka.

6. Xasan Cali Mire
Xoghayaha Wasaarada Waxbarashada & Barbaarinta

7. Maxamad Maxmuud Cismaan
Xoghayaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha

8. Maxamed Buraale Ismaaciil
Xoghayaha Wasaaradda Macdanta & Biyaha

9. Maxamuud Jaamac Axmed
Xoghayaha Wasaarada Warfaafinta & Hanuunitnta

10. Maxamuud Geelle Cilmi
Xoghayaha W/Shahaqada,garsoorka & Arimaha Diinta

11. Cusmaan Cali Nuur Qolof
Xoghayaha Wasaarada hawlaha Guud

12.Cabdulqaadir Aaden Cilmi
Xoghayaha Wasaaradda Beeraha

13. Axmed Maxamed Maxamed Maxuud Siilaanyo
Xoghayaha Wasaarada Qorshaynta

——————————————————————————————

27dii Abriil 1970 Waxaa gurihgiisa laga soo qabtay Generaal Qoorsheel

26dii Febraayo 1970 Waxaa la baabi’iyey Dastuurkii dalka u dhignaa ee Muddo 10 sannadooda lagu soo dhaqmaayey.

22dii Maajo Maxamed Siyaad wuxuu qudbad ku jeediyey qofkii aan la socon karayn
Kacaanka inuu shaqada fuliyo ama isaga tago.

27dii Abriil 1970 Waxaa gurihgiisa laga soo qabtay Generaal Qoorsheel oo lagu eedeyey inuu xidhiidh la leeyahay kooxo budhacada oo raba inay shaqaqooyin ka ridaan xuduudaha U dhexeeya Ethiopia iyo Somalia isla markaana uu xidhiidh la leeyahay la leeyahay Ethiopia uuna rabo dawlada afgambiyo.
7dii Maajo 1970 Waxaa lala wareegay Shirkadihii ajanabiga oo dhan oo la
Qarameeyey. Dalkana wuxuu ka bilaaabay Iskaa Wax u qabso.
Is Casiladii xoghayaasha: Xoghayaashu waxay isku casileen Xukuumada
oo doonaysay inay wax ka badasho Manhajka waxbarashada ooy ka cadhoodeen

12dii luulyo 1970 Waxaa is casilay saddex xoghaye waxayna kala ahaayeen sidan:
1B. Xasan Cali Mire / Xoghayihii Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta
Waxaana lagu badalay
1T.Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamed Abokor

2B Maxamuud Geelle Cilmi/ Xoghayihii Wasaarada Warshadaha iyo Ganacsiga
Waxaana lgu badalay
2T. Gaashaanle Axmed Maxamuud Faarax

3B. Cabdalla Aw Faarax Xasan/ Xoghayihii Wasaarada Beeraha
Waxaana lagu badalay
3T. Maxamed Xasan Cabdiraxmaan
——————————————————————————————

Muddo yar dabadeed waxaa isbedel lagu sameeyey Xoghayaashii hore ee
la magacaabay oo qaarkoodna xilka la qaadey qaarkoodna jagooyin cusub
loo Magacaabay waxayna kala ahayeen oo loo habeeyey sidan :

1.S/Guuto Salaad Gabarey Kediye oo ka mid ahaa Golihii sare ee Kacaanka
Waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga.
Jagadan cidna ma hayn waxaa hayey Gudomiyaha Golaha sare ee Kacaanka

2.G/dhexe Imaaciil Cali Abokor/ Golihii sare ee Kacanka
waxaa loo Magacaabay: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuuninta
waxaana Jagadan horey looga eryey Maxamed Jaamac Axmed

3. Cali Xaashin Sheekh Xuseen. Waxa loo magacaabay Xogahayaha
Wasaarada Hawlaha Guud. Waxaana jagadan horey u hayey oo laga ereye
Cabdulqadir Aaden Cabdulle.

4. Maxamed Cali Warsame. Waxaa loo Magacaabay Xoghayaha Wasaradda
Isgaadhsiinta Waxaana horey u hayey. Maxamed Canshuur Xasan

5. Saciid Ibraahim Xaaji Xuseen . Waxaa loo magacabay Xoghaya Wasaaradda
Xanaanada Xoolaha iyo Horuumarinta Reer Miyiga .Jagadan waxaa horey
u hayey. Maxamuud Maxamed Cusmaan

6.Sheekh Cabdi Qani Axmed . oo aha macllin Kulliyada Sharciga ka dhiga
Maadada Shareecada Islaamka .waxaa loo Magacaabay Xogahaya Wasaaradda
Shaqada Garsoorka iyo arrimaha Diinta .Waxaa Jagadaas horey u hayey
Cusmaan Nuur Cali Qonof.

7. Ibraahim Maygaag Samatar Xoghaya. Waxaa loo magacaabay Xogahaya
Wasaaradda Arrimaha Dibeda ,waxaa xilkaas laga qaaday Maxamuud Cabdi Caraale

INQILAABKII LAGU DILAY SARAAKIISHII GOLIHII SARE EE KACAANKA

6dii Maajo 1971dii Waaxaa Radio Muqdsiho si lama filaana uga hadlay Xogahaya Wasaaradda Warfaafinta & Danuuninta Dadweynaha: Gaashaanle Dhexe : Ismaacill Cali Obokor Wuxuuna shaaca ka qaday in la qabtay oo xabsiga loo taxaabay sarakiishan.

1. S/Guuto. Salaad Gabeyre Kediye
2. S/Guuto. Maxamed caynaanshe Guuleed
3. G/Sare. Cabdulqaadir Maxamed Guulledd ( dheel-dheel )

Saddexdan Sarkaal waxa lagu xumumay Diltoogasho ah 1luulyo 1970 waxaana
Lagu toogtay fagaaraha Dugsiga sare ee Booliska Xamar jajab Muqdsiho.
Waana maalintii Generaal Maxamed Siad Barre neeftuurey uuna ku jimicsaday xukunka.

Waxaana lagu eedeeyey inay qabanqabinayeen afgambi waxaana ku jirray 22 Sarkaal iyo hal qof oo rayada oo aah dadka siyaasada Soomalida ku guura.Waxaa amakaag iyo yaab ku noqotay xadhiga Korneel Dheel-dheel oon dambiga Shaqo kunlahayn ama aan la tuhmi karin. Badankoodana waxaa lagu xukumay xabsi da’iim iyo 1sanno ilaa 30 sannadood oo xadhiga sarakiishan.

Golihii sare ee Kacaanka Faa’íido iyo Khasaare wixiii laga dhaxlay

somali-airlines.jpg

Dhamaanteen wan ka dharagsanahay fa’íido iyo khasaare wixii dawladaasi gaysatey
Halkana kuma soo koobi karno , laakiin hadan yara taabano dhowr qodob oo ka midyihiin sida.

11kii Janaayo 1972dii Golihii sare ee Kacanku wuxuu go’aamiyey in luqadiihii shisheeye La cidhib tiro waxaana la go, aamiyey in xuruufta latiiniga Af-Soomaliga af-soomaali laga dhigo Dhamaana manhajka waxbarashada dalka oo dhan laga dhigo afsoomali.

Fa’iidooyinkii Dawladii Maxamed Siad Barre

In cadow soo Haweysan Dalka Soomaaliya

1973 waxaa Dhaman shaqalaha dawlada lagu amray inay ku khasbanyihiin Af-soomaliga inay qoraan ayna akhriyaan dhamaana xafiisyada dwalada lagaga shaqeeeyo. Waxana la qadey olole weyn oo loogu magacdaray OLOLAHA Afsoomaliga lana gaadhsiiyo Dhamaan baadiyaha iyo Magalooyinka dalka Jamhiiriyada Dimoqraadiga ee Soomaliya.

Dawlada Maxamed Siad Barre Boqolkiiba 70% dhaqaalaha Wadanka waxay galisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxayna sababtay in la dhiso Ciidan tayo iyo tiro leh looguna Magacdaray Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed kasoo jabiyey Quwadii ciidankii ugu quwada iyo Cududda weynaa Sub sahara Africa ee Ethiopia Tariikhda Africa, ee ku faani jirtey waligay lanagama guulaysan ismana dhiibin waxyna uubta ugu dhaceen Xoreynta Gobolka Soomali galbeed ee ,Gacanta ugu jirra Gumaysiga madoow ee xabashida. .1977dii

kamandos.jpg

(Galbeed waa la xoreeyey waarsaa gaagaxisay gulufku waa halkiisa Gayiga SOOMAALI baa leh /Xasa gannay )

Faa’iidooyinkii kalle ee Maxamed Siad Barre laga Dhaxlay

- Waxbarashada aas-aasigu waxay u ahayd Muwaadin kastoo Soomaaliyeed lacag la’aan

- Jidka Ugu dheer dalka ee ka bilowda Hiiraan ilaa Dilla iyo Jidka u dhexeeya Goroowe iyo Bossaso

- Dhismayaasha Gegooyinka iyo Marsooyinka Magaalooyinka Waaweeyn ee Dalka.

- Cusbutaalada , Jaamacadaha & jidadka Muqdisho badankooda iyo samafaraayasha kala hora gaadiidka Caasimada Dalka Soomaaliya Muqdisho iyo Bilicdeeda

- Gurmadkii Abaaraha ee Gobollada Woqooyi in dadka lagu daadgureeyo Diyaaraddo loona fidiyey gacan Bani’aadanimo iyadoo ogolaansho laga haysto
Dawlada Soomaliya.

- Dhismaha Jabhadii FLCS Jabhada Xoreynta Xeebta Soomaaliyeed ee Djibouti laguna tababaray Dooxada la yidhaahdo Heemaal ee Degmada Saylac .

- Qabashadii shirkii Midowga Africa ee lagu qabtay Muqdisho 1974tii African Village .

- Waxay ka mid noqotay Jaamacada carabta iyo ururada heer calamiya ee ka jirra Aduunka

- warshadii la qarameeyey iyo Shirakadihii la qarameeyey oo kumanaan qof oo
soomali ah ka haleen shaqooyin
Golihii sare ee Kacaanka Faa’íido iyo Khasaare wixiii laga dhaxlay

Dagaalkii 1977dii lagu jabiyey Ciidamada sida dadka qarkood aaminsanyihiin, halka kuwo kallena ay aminsanyihiin in dagalkaasi dal lagu xoreynayey, halka kuwa sadexaadna ay aaminsanyihiin ,In la badbadinaayey Xornimada Djibouti in Ethiopia iyo Somaliya Gacanta u galin labadooda ,
kala goostaan waxayna noqdeen Maroodiyaal laysku jabiyey…. Adigu macnayso……

Khaladaadkii ay samaysay Dawlada Maxamed Siad Barre

Qabiil iyo qarabo kiil aan loo aabo yeelin

Boob iyo hanti urursi afarjeebley ah.

Waxaana dhismay jabhado ka horyimid xukunkii kali taliska ahaa
Jabhadahaas oo Dastuurkoodu ahaa yaa tolaay iyo qataye adna qaado.
Jabhadahani isma waydiin maxaan ku badalna ?, maxaa ka dambeeya?
xitaa Siad barre eryada mooyee …. Insha allhaahu midkoodna ma odhan..!!!!!!!!
Burburkii iyo huwintii madafiicda muwaadiniyiinta iyo burburkii dalkoo dhan
Waxaanay reebtay radadka maanta aan ku joogno oo wali taagan.
Maxase ka dambeeyey ? dadweynahaa la waydiini halkaan Taariikhda kaga darayno ?
Siada Barre ha xumaado, ha fiicnanaado, ha eexdo, wax ha dumiyo, wax ha burburiyo. Wax ha dhiso Maxaa ka dambeeyey ? adigoo degan u fiirso dadaweynahaa la waydiin halka aan kaga darayno Tariikhda adigoon caytamin, shakhsiyadna aan aflagadaeyn, qabiilna an aflaagaadeyn .
Halkeen taariikhda kaga darnaa. ?

Sobobta aan maqaalkan u soo qaatay:

Siad Barre wuxuu yimid xili loo baahnaa, wuxuuna tagay xilli aan loo baahnayn.
Sidaa darteed Somalia, Somaliland ,iyo Puntland waxay joogaan wakhti loo baahanyahay Waxayna tagi doonaan wakhti aan loo baahnayn, Madaxdiina ha caayina ha aflagaadaynina, ee canaanta waxqabadkooda, iyo wanagoodana sheega.

Miyaad diidantahay inuu Siad barre Soomaali oo dhan kaga siiyey hay oo waliba hay
aabihii ummadoow hay. ma dhuuntoow siyaad hay oo waliba hay oo waligaaba hay
wadadii cadayd cagta saarnaye . iyo Siad Barre inuu Somali oo dhan inuu adkaa ?

Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo dhamaan Hogaamiyashii Somalia oo dhan

aaden-cade.jpg abdirashid_ali_shermarke.jpg siad-barre.jpg

maydadka-somalida.jpg

 

Isku Dubaridkii :
Mahdi Farah Aden
Mahdi Ghandi
Holland

Tariikhdan Qaybo ka mida Waxaan ka soo Xiganay Taariikhyahanka
weyn ee Soomaaliyeed ee lagu Magacaabo: Axmed Sabriye Gaaboow oo
aalaaba raad-raaca Taariikhda Soomaalida.,,

6 Responses to Dawladihii Soo Maray Soomaaliya 1960-69kii.

  1. farhan says:

    Aad iyo aad baan ula dhacay taariikhda dalkayga hooyo
    runtii waan u adkaysan waayey waxa hada ka dhacaya iyo markii la fiiriyo siduu ahaan jiray waana oo yey
    lakin oohin maxay kuu taraysaa dad iyo dal toona mahaysto oo aah ku faano ama aan iraahdo dalkaas dhisan ayaan ka dhashay ama u dhashay tani lakin waa wax naloo qadaray, hadaanu somali nahay waxaan niyada ku dhisanaa “mar ayaa nucada umada somaliyeed la a jiibi” lakin runtii waanu garan waynay inaanu is kaashano oo aan yeelano qaranimo ama qadiyad somaliyed.

  2. sandoon says:

    Marka hore waad ku mahadsantahay taariikhda dheer ee aad soo gudbisay ee ku saabsan dawladahii soo maray soomaaliya, laakiin markaad wax qorayso u fiirso dib u akhri waxaad qortay kana sax khaladaad ku jira.
    Waayo khalad badan baa ku jira qoraalkaaga, taariikh is daba marsan, iyo qoraalkaaga kelmadaha qaarkood oon dhamays tirnayn ama si khalada u qoran.
    Amaanta siyaad bare aad amaantayna haduu adiga kuu fiicnaa waxaa jira dad uu sixun u galay ama qabiilkiisa ha ahaato ama qaar kale ha ahaadaane, dadkaad leedahay nooloow bay lahahaayeen jacayl ay u qabaan umay lahayne cabsi baa ka yeedhsiinaysay, nin cunaa la qabtay ama xaar ma dhuus.
    taasina waxay ahayd sababtii keentay jabhadihii samaysmay, mid laakiin waan kuu qirsanahay inuu ahaa nin soomaaliya wax u qabtay wax wanaagsana hirgeliyey, ilaa iminka oo ay ka soo wareegtay mudo ku sima 18 sano ilaa maalintuu dhacayna inaanu soo marin masuul dhaamaa soomaaliya waqooyi iyo koonfur toona.

  3. Dhamaad says:

    Mahadsanid saaxiib sida hufan ee aad u soo bandhigtay qoraalkan. Waxaa hubaal ah in dad badan oo cuqdad ka buuxdo ay ku af xumaynayaan oo ay ku oranayaan Siyaad baad ammaantay. Siyaad maadan amaanin ee waxyaabo run ah ayaad ka sheegtay, waxtar badan oo uu sameeyayna waad ka tagtay.

  4. maxamed says:

    siyaad barre isagaa hore usheegay oo yiri taariikhda waxaa qori qofaan cuqdadkabin aana kujirin xasid nimo waxaana halkaan nooga muuqatoinay taasdhacday
    intaasoo mar xaladood oo aan lasoo koobi karin hadaan dib umilicsado maskaxdii fayoowbaa kama caasha taariikhdee soo soomaali oodhan maysan qirin wax tarkii iyo inuu san jirin qof udhaamo oo soomaray ilaa ay ictiraafaan kuwii kasoo horjeeday iyo kuwii aan kasoo horjeedinbo doqona yeelkeed oo waxayba la socon xaalka meeshuu marayo oo meesaan waxbo masaari karto

    abshir nuur faarax (abshir bacadle ) oo ka mid ahaa koox fanaaniin iyo abwaano misana jiibin iyo dhiir

    galin ka daba waday kooxihii qandaraaslayaashii ugu horeyay ee bur- burka soomaaliya horseeday ayaa mar uu ka qooma-meynaayay wixii la soo maray waxa uu ku qooma-meeyay sidan : ALLOW YAA NOO DIGA MARKAAN DUQA KU YAACEYNAY , ALLOW YAA NOO DIGA MARKAAN DARISKA KU YAACEYNAY abshir oo xiligaa arkay in halgankiisii uu noqday hal bacaad lagu lisay ayaa ku cataabay
    abwaan cusmaan guure oo ah nin magaalada muqdisho lagayaqaano ayaa tix gabay ah ka mariyay wixii dhacay wuxuuna ka yiri abwaan ku sidan anaa mudan hogaankoo mudaan rafaad usoo maray .
    midkalaa wuxuu yiri anaa kaa mudanoo naf iyo maalba uhuray .
    midkalaa wuxuu yiri mahuraanka shacabkow maska dila aan iri .
    midkalaa wuxuu yiri midiyaha anaaa utumay.
    midkalaa wuxuu yiri midiyaha lasheegaa anaa mariyay soofaha .
    midkalaa wuxuu yiri anaa mudanoo ku muday meeshee la-larabay
    HADABO MA INAAN IS WAYDIINAA MEESHAAN TAARIIKHDA UGA QOREYNO MISE WAAN GAROWSANAA HALYEEYGAAN KHAALIGA AH EE UMADA SOOMARAY ALLA UNAXARIISTEE??

  5. maxamed zaki says:

    waa ok waxa aad ka soo sheekaysay dhamaan tood wixii wanaagsanaa ee la qabtay iyo wixii la dilayiyo wixiila dhacayba lakaiin weli ma fiirisay maanta waxa ka taagan sooomalaiya ee ay marayso yaase w naagsanaa maanta iyo shalay waxaa lagaaga baahan yahay inaad ka soo sheekaysaa 1990 kii ilaa maanta oo ah 2011

  6. mohamed says:

    waxad ka sheekaysay Tariikh cajiib walal khayr allah ha kaasiyo waana ubaal in u Siyaad Barre dadka iyo dalkaba horu margadhsiyay una malayn maayo in u dib inoo so marayo qof nocaso kale ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.