Taariikhda Magaalada BAWN
December 24, 2008 3 Comments
By Aadam Aw-Cali Maasheeye
Aanigoo ah Adam Aw Ali Maasheeye, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan tusaale ka bixiyo dooda tariikhda magaalada Boon. Waxaan aad ugu Mahad naqayaa dhilayarta Aabaahey Aw Cali Masheeye ku xustey halkan.
Abaahey laba ayuu ugu jeclaa:
-
Inuu Boon iloobin ,
-
Reer Boona ay isaga iloobin
Maalin ayaa idhi: Aabo Boon waxaad u jecashay si aan qiyaas laheyn ee maxaad uga doorbidey magaalooyinka kale? wuxuu yidhi: “WAA MEEL DAD FIICAN , HAWO FIICAN”
Si kastaba ha ahaatee waxaa lahaa fikradooda ,TOBANKA ABAYAAL OO KOR KU QORAN. Waxaan hubaa Aw cismaan waaberi iyo Caateeye Faahiye , Cilmi Camir oo degan duleedka ,iney abaahay Aw cali maashaye iyo Ibraaahim aare (ibraahim gurey) , iska soo raaceen saylac oo markaa aabahey ka yimidey Ethiopia.
Waxaa la taagey dhismo guryo oo mar qudha ah, sida Boorama, Quljeed iyo Boon. Taas oo ay guryaagu ka taagneeyeen , tusaale Boorama , suqaaga gadiido, taasi waxay ku cadeynaa Boorama iyo Hargeysa iney ka da weeyney Boon,Ta kale waxaa loogu yimdey tuulada oo aqal qudha ku lahaa , odeygaa la odhan jirey Boon jilab yar, oo dadka qaarkii ay yidhaahdeen wuxuu ahaa reer Maxamoud , jibriil Yoonis , oo aan balaf ku maqley ,aanan hubin.
Markaa u soo loobto dadka ku qalda Boon iney tahey qabiilka Boonta, la magac baxday, waa khalad. Magaaladu waa Bawn , ee maaha Boon , eeg map ka aduunka xitaa waxaa jirey odey la odhan jirey Nuur Bawne . Qabiil Boonta ama midgan la yidhaah ee aflagaado iyo af xumo somaaliyeen , ee waxaa qabiil reer muuse dhariyo, iyagoo leh naaneys ah , howraar wanaag iyo naanays nin cadheysan bixiyey oo ah , Boonta ama midgo.
Markaa markasta oo la qoroyo tariikha yaa been laga sheegi wixii jirey. Hadii aan sii tixraaco, midgaan ceeb maaha , ee waa midig ,ku wii farsamad ku fiicnaa ama ku wii ugaadha gani jirey. Halka kuwa kale la yidhaahdo somaal ku wuu xoolaha soo maali jirey.
Si kasta waan jecelahay tariikhda, laakin internetka waxaa ku badan been aan raad laheyn.
Adan Aw cali iyo A/qani waan ku salaamay,walaal waxankuu sheegi,inaad sax tahay,Booen jilibyar,yahay Boon Farah Geedi Mahamud yoonis Cismaan ,waa Awowgayg waxa ka mida tafiirtisa Reer Haleel-Laba Dille ,iyo Sheekh mahamed Saaweer,maanta lafaha u badan Reer Mahamuud yooniska sida reer Faahiye Nuur iyo Reer Iidle,Hadaba Boon Jilib-Yar waxa Da’samadii ugu wacdara badnayd taariikhda Samaroon,waxana uu Aban-duule,waxa la yidhaa waxa uu Alla-Kood oo waxa u yimi Sheekh C/raxmaan Saylici oo ahaa MayMay(raxan-weyn) baa yidhi gadabuursi waxa uu dad diinta ku fiican ee Boonow kitaabkii ku noqda,Boona waxa uu ugu jawaabay hadaan raga Kitaabka u dhiibo ayaa wax iga celin,maalinta Gadabuursi waxa uu min Saylac ilaa Dooxada Faafan,ilaa Harar ti Barbara,waxa la yidhi il baa Sheekhii ka dhacday,oo ahaa nin waliya.
Ta Boon waxa yidhaa reer Xamarka ee Boon waa Boon maha Bawn.iyo sida khaldan ee ay hingaadiyeen,Boonta ka horna Boon way jirtay.
aad baan u mahad santahiin , MR SAME and Abdiqani ,inaad dooda aqoon iswaadarsiga ,tariikh somali lama heli karo , waana lagu wareeraa , ta qabiilka , abtirsiin baa daliil laga dhigtaa
abtirsiina odey ba odey bay kuu dhiibi , aan aqalkiisa la garaneyn,wuxuu lahaa aan la garnayn, sideedaba buugta tariikhda somaliadu waa wada sheek xariir, iyo reer hebel baa reer hebelka fiican, been iyo faan ayaa lagu qortaa buugta
waxaan se ku qanac sanahey , inii uu MR SAME uu sheekey ,inaan kalmadani aayna aheyn BAWN, ee aay tahey BOON
taas oo aan murama ka taagneyn , anigu waxaa eegey sidey mapka ugu qoran tahey ,waxaa laga yabaa iney nimanka ingriisku aay map sameyey aay khalad u qoreen ,
si kasta MR same ma noo fasiri karaa , macnah BOON inkastoo aan u melyn iney tehayey , naanaysa
markaa waxaa soo dhaweeyneyaa , tariikhda boon
ogoy somali waxay ku maahmaahdaa beeni raad male
markaa waxa kastoo aan ka doodeyno waa lahaadaa tariikh dhab ah .
markaa reer boon waxaa u soo ban dhigey ,
ma B bown baa mise waa B bawn
hadii aay tahey B. BOON , MUXUU YAHEY MANCAHEEDU
Very interesting blog post I like your website keep up the great blog posts