

- Yusuf Abdiqani Ateyeh


Baraf ku bahardaada guryaha iyo gawaadhida iyo geedaha
Carruuraha xaafaddu aad iyo aad ayay ugu riyaaqeen una soo dhaweeyeen weerarkan barafka. Dhammaantood way isku soo xoomeen iyagoo beerraqaya, waxayna ardaayada iyo dariiqyada ku muujinayeen fareshaxano la yaab badan, sida sawir nin baraf ah (snow man), iyo sawirada xayawaano kala duwa oo baraf ka samaysan..iwm.

Carruurta Deriska iyo Bandhigga barafka
Meel kasta oo ad marto waxad ku arkaysaa, carruur iyo xitaa cirroole ku ciyaaraya barafka, oo isku shiidaya, kana duubanaya sawirro badan. 
Si kastaba ha ahaatee, saaka waxay ahayd arooryo ka mid ah kuwa taariikhaha dalkan Ingiriiska lagu kaydiyo. Gaar ahaan dadyoowga innoo martida ah ee an horey waligood u arag baraf inay maqlaan mooyiye, waxay u noqota arrin xiiso badan. Sida mudane Engineer Saylici (oo maalmahanba marti innoogu ahaa London UK) oo an telefoon ku salaamay, waxna ka weydiiyay siduu kusoo toosay iyo arrimaha barafka, ayaa wuxu iigu jawaabay:
“Run ahaantii Cabdiqaniyoow, waan maqli jiray uun baraf, maantase waxan nasiib u yeeshay inaan indhahayga ku arko isagoo da’aya iyo isagoo daadsanba, waxay ii tahay taariikh xusid mudan”. !
Hadal iyo dhammaantii; wali weerarka barafku waa socdaa, wixii warar kale ah ee inagu soo kordha ayaamaha soo socdana, waynu idinla soo socod siin doonnaa.
HiilDanYare