Boon Gudaheeda Imisa Guri Ayaa Ku Yaalla, Imisa Qof Ayaase Ku Nool..?..!
March 3, 2009 50 Comments
Boon wakhtigan xaadirka ah imisa guri ayaa ku yaalla?; guri kastana imisa qof ayaa ku nool?, waa Su’aasha maanta?. Waxanse ka bilaabayaa markii iigu danbaysay Boon, ee an si rasmi ah u joogo (Dhawr iyo labaatan sanno ka hor), guryaha ku yaallay waalla tirin karaayay. Tusaale waxan ka xusuustaa [Afeef: waa inta an imika xusuusanahay oo kaliya], guryaha ay ka midka yihiin:
- Guriga reer Aw-cusmaan waaberi
- Guriga Reer Caateeye Faahiye
- Guriga Reer Ibraahim Guray
- Guriga reer Aw-Cali Maasheeye
- Guriga reer Muxumad Sacad
- Guriga reer Aw-Aadan Jaamac
- Guriga reer Muuse Barkhadle
- Guriga reer Muxumad Meygaag
- Guriga reer Rooble Xoosh
- Guriga reer Faarx Aadan
- Guriga reer Hufane
- Guriga reer Barkhad wayrax
- Guriga reer Axmad Kaahin
- Guriga reer Barkhad warsame
- Guriga reer Aw-sabiil
- Guriga reer Siciid Cusmaan
- Guriga reer Andi Baandaa
- Guriga reer Nuur Sugaal
- Guriga reer Aadan Saafiil
- Guriga reer Irrije
- Guriga reer Ismaaciil Aare
- Guriga reer Aadam Cadar
- Guriga reer Geelle Cadar
- Guriga reer Jibriil Cadar
- Guriga reer Miicaad Caynaan
- Guriga reer Buux
- Guriga reer Cabdi Sabban
- Guriga reer Cusmaan Axmad
- Guriga reer Rooble Barre
- Guriga reer Aw-Farxaan
- Guriga reer Dhega Yare
- Gurig reer Barkhad Warsame
- Guriga reer Daahir Barkhadle
- Guriga reer Cabdi Axmad
- Guriga reer Ciga Janni
- Guriga reer Jujuub(C/Laahi Aleel)
- Guriga reer Laba-leeke
- Guriga reer Dhabar -Sacle
- Guriga reer Sharmaarke
- Guriga reer Sharmaal
- Guriga reer Cilmi barkhad
- Guriga reer Cilmi wayrax
- Guriga reer Muuse Dixood
- Guriga reer Cige Dixood
- Guriga reer Aw-Muxumad Ibraahim
- Guriga reer Khayre
- Guriga reer Cusmaan Aare
- Guirga reer Nuur Cusmaan
- Guriga reer Muxumad cawar
- Guriga reer Cabdi Wayrax
- Guriga reer Wasiir
- Guriga reer Degganne
- Guiriga reer Cumar Maydhane
- Guriga reer Xasan Caateeye
- Guriga reer Caateeye Guray
- Guriga reer Fayrroor
- Guriga reer Aw-Cali (Saleebaan aw cali/barkhad aw-cali)
Guryahaas an kor ku sheegay waa inta ugu yar ee an xusuusto, in ka badan intaas oo imika an xusuusnayn ayaa iyaguna jiray dhawr iyo labaatan sanno ka hor. Guri kasta oo ka mid ah kuwaas an kor ku sheegnayna wuxu u sii kala baxayay dhawr guri oo kale, oo qooysaskoodu u kala qaybsamayeen, waxa kale oo dheeraad ku ahaa tukaanada iyo bucshuradaha kale ee ganacsiga.
Haddaba haddii ay Boon wakhtigaasi ka jireen 500 guri oo nooc kastaba leh (Daso; Daar; iyo Girgid..etc), guri kastana ay ku noolaayeen marka layku celceliyo (Average) dad gaadhaya 6 qof. Waxa markaasi la odhan karaa tirada dadka ku nool Boon gudaheeda oo kaliya dhawr iyo labaatan sanno ka hor waxay ahayd ugu yaraan (6 x 500 = 3000), saddex kun oo qof oo ku kala noolaa shan boqol oo guri.
Dhawr iyo labaatan sannadood kadib, oo ah wakhtigan xaadirka ah waxa la qiyaasayaa in guryaha iyo dadka ku nooliba ay toban laabmeen, maadaama baadiyihii intiisa badan laga soo guuray oo xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee isbadalay ay aad u saameeyeen mujtamaca reer Boon.
Si kastaba ha ahaatee, aynu u soo noqono Su’aalaheenii aynu qormadan ku bilaabnaye:
-
Boon imisa guri ayay lahayd berigii hore, dhawr iyo labaataneeye sanno ka hor, iyo wixii kasii horreeyay, ma soo wada qori kartiin guryahaas?
-
Boon imika imisa guri ayay leedahay, iyagana ma soo qori kartiin guryahaas? Iyo tirada dadka guri kasta ku nool.
AllBoon-AB.
waan idin wada salamyaa dhamaan asaxaabta iyo reerboon marka xiga aad ayuu umahadsan yahay hiildan waxaan ana raacinayaa inta uu walaalkay qoray guryaha boon ama xaafadaha boon intii una qorin golay ninba qaarbuu xasuustaa ana waxaan umalayn in aan ka danbeeyay markaa si aan tirada halkaa uka sii wadno aan kutaro 1 ibrahim guray
2 cabdi muuse
3 raage aw cismaan
4 ibraahim cabdi muuse
5 farax muuse
6 ismaciil cawaale
7 barkhad looxtuur
8 muuse barkhadle
9 axmed barkhadle
10 cabdilaahi alaale
11 maxamed dahir
12 reer meegaar
13 dahir ciro
14 ilma xuun
15 rer cabdi kharash
16 rer cabdilahi farax tabe
17 cali xajiste
18 dahir muuse gurcud
19 rer miisaan
20 xaaji muxumad
21 awfarxaan
22 jamac ileeye
23n rer cilmi camir
24 xasan dahir
25 ismaaciil cali maygaag
26 saleebaan cawaale
27 cabdi adan cagaagane
28 reer awcali feedhoole
29 xaamud guray
30 awnuur cali
31 rer nuux ismaciil
32 reer wadaad yare
33 reer adeerya maal
34 reer muxumad adan
35 reer dhaga yare
36 reer saleebaan aw cali
37 reer jamac walah
38 reer xuseen cali oday
39 reer maxamuud qayaat
40 reer sharmaal
41 reer irije
42 aw cismaan adan
43 reer xaji cadar
44 maxamed barkhadle
45 reer dahir ismaciil
46 reer muuse odowaa
47 reer diiriye gaab
48 reer curaagde
49 reer garab case
50 reer cilmi farax
51 reer maxamed jariskaxoor
52 reer cabdi dahi kurtin
53 reer mahdi jaawe
54 reer xasan cabdi
55 reer cabdilaahi dahir kahin
56 reer cali adac
saaxiibayaal waxaan xasuustay ayaan ku darsaday ana markaa aad ayaat umahad sandihiin dhamaan tiin nin walina haku daro waxa uu xasuusto reer boon een halgan ku qornayn maca salaama
57) reer ahmed (aw shabeel) ismail
how did you people forget that one? by the way he is my dad if u didnt know.
Tiro Ayaadba Ku Haysaanba…….Adeer Maxaa Meesha La dhahay Waa degmo…Haddii La iswada Garanaayaba.
Markii Horeba Waan dareensanaa In Dhagax Joogi Aysan Sidaas u badnayn… Marka Loo eego.. Deegaanadda Waqooyi Bari ee Gobolka Awdal…
I mean… Koonfur bari degaanka dhul beerdka ee gobolka
warya hiildan commentkaygii maxad u masaxday walaaal aan ku weydiiyo markalee ma waxad soo wada boon anagaa u badan bahabar celi ahaan???????????
Waryaa Shaabi in badanbaan iska kaa dhego tiraye, ma hubsatay waxad so qorayso. Walaal reer Boon waa reer Boon, hadday Boon u kala badan yihiin iyo hadday u kala yar yihiin iyo haddii walba iskuma qabsadaan arrintaas. oo waa reer Boon. Adigu ma Booramaad ka timid, halkaasaa badi layskugu faanaaye? kkkkkkkkkk.
loooool you guys stop the arguments
ilaahay afka ha qabto ninkii reer awdal kala saara ee xanuunsanaya sida ninka qoro horowo.
joojiya xanuunka aad fidinaysaan.
qabyaaladu waa xanuun waar ka jooga caruurtii samaroon ayaad rabtaan inaad kala qaybisaan.
edeb yeesha usgagyohow.
sheega gurigii ugu horeeyay ama maqaaxidii ugu horaysay ee boon yeelato ??? hadaan idiinka jawaabo waa MEEGAAR. markaa dadka aad tirinaysaan waa dad mar danbe imi meesha. ee cidii dhagxaii u horeeyay dhigtay waa MUUSAFIIN waa hadii wax laysku ogolyahay. muusfiin magaalo. magaalo aanay iyagu aas aasin ma jirto oo gadabuursi ku faano.
kkkkkkkkkkkkkkkk
wale waa yaab iyo yaabka yaabki takhriida anagu ma hayno run sheegow ,,wixi inta dhaafsanna waxa la weydiin hiildan yare oo afka boon ku hadla, ee waxan ku weydiiyay awdal ma waxad u haysata oo kaliya boon iyo borama ,,indeer yaan lagu yaabin ee aamus ilayn borama ayaan ogayn .boonna hadal dhabtaye , iskaba daayo awdal labadan magaalo ka badan kana weyn saylac ayaa jirta, lughaya jirta, baki ayaa jirta ,dila ayaa jirta, xariirad ayaa jirta, weeraar ayaa jirta, quljeed ayaa jirta ,magaalo cad ayaa jirta garbodadar ayaa jirta ,ali xaydh ayaa jirta, gargaara ayaa jirta ,goroyo cawl ayaa jirta , geerisa ayaa jirta, aashacado, ceel gaal, xalimaale ,seemaal, iyo millions ayaan halkan ku soo qorin ayaa jirta .
marka adiga maxa labada uun ku tusay waa yaabe??????????????????????????
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk., allaha sahlo Boon baa maanta muusafiin ka hadlayaa, barina dee aadan yoonis ama bahabar cabdallo ha ka dalaan , inay degan yihin , Muusafiin Magaalo waa maxay ,
muusafiinku siada la ogyahay maaha dad deegan leh , dadka ayay ku dhex nool yihiin , markaa Runsheeg waxa leehay WALIGIINBA DADKA AYAAD KU DHEX NOOSHIHIINE BOONA ISKAGA NOOLAADA CIDI WAXBA IDIN ODHAN MAYSO
Barjawanaag maxaad tidhi?. Ma adigaa Muusafiin wax ka sheegi kara?
Runsheeg, aad ayaan kuu salaamayaa, Reer Meegaar aad iyo aad ayaa looga yaqaanaa Boon, waan ka xumahay inaan kusoo darin listkii ugu horreeyay. Abityaashay iyagaa Boon iska leh.kkkkkkk
Hiildan ,
iscadee sxb , adigu guri ama beer kuma lihid , laakiin adeerka ayadegan
muumin , markaa ma ina muumin ayan ku qornaa maadaama aanu reer yusuf
caaateeye , waxba kuma laha .
yaa , mida kale Reer meegaar ayaa siiyay Beerta, taas ka
soo jawaab adoo runta ka hadlaya, Nin muusafiin ah walaahi waa bilaahi inaau ka hadli karin Boon , dadjiraba maaha, Minority weeyaan.
Iska barjee Inaadeer kkkkkkkkkkk
waryaada reer boon walahi qosal ayad tihiin sxbyaal kaftanka waa caadi lakin qabyaalada ma wanagsana iska daaya meel xun ayay gali doonataa. lakin maxa boon loogu diiday adaan yonis iyo bahaber cabdalo .sawka caalamkii ilbaxay ee meel walba dhalasho la iska siiyo boon ma israaiilbaa ilahay kama dhigee kkkkkkkkkk
Oo reerihii xeeeb-jire-na maxaaad hadhuudhlaha ugu darteen,reer aw bashiir ayaad illowdeen iyo reer daahir barkhadle,midda kale meegaar allaahuyarxame anaa aqaaan dhul buu ku lahaa iyo beerba,ee qabyaaladda naga daayoo si hufan u kaftama.
Siciid-yare
maxamed axmed c/laahi caateeye
aniga oo ah nin reer boon ah waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan wixii sheegta magaca boon gaar ahaan dhalinyarta halkan isku waydaarsatay kaftanka badan waxaanan ku darsan lahaa boon intan aad sheegteenuun maaha ayaan odhanlahaa
inigu waxaad sheehteen old boon laakiin waxaad ka tagteen new boon miyaaydaan ogayn
in ay boon tahay magaalo weyn oon la tirin karin
mise waxaad ku xissb tamaysiin uun barigii aad joogteen intii ku noolayd?
DHAMAAN WAN INI SALAAMEY INTA MEESHA WAX KU SOO QORTEY LAAKIN INTIINA BADAN MIDBAA INIGA QALDAN SXBAYAAL HORTA BOON WAN KU DHASHEY WELIGEED LAMA ARAG BOON OO QOLO QLO ISKU QAYBINEYSA DEE MALAHA BAHASHN QABYAALADA QURBAHA AYAAD KU BARTEENE NAGA JOOJIYA PLEASE BOON WAXAASI MA TAQAAN EE BORAMA AYA ALAGA YAQAAN EE HILDANOW SXB ADAA MAAMULKA HAYEE ANAGU HADAAN NAHAY REER BOON WAX QABYAALADA KA SHEEKAYNAYA HAKU SOO QORINA ODAYAASHA DHINTEY XABAALAHOODA U DAAYA ALLAAH HA U WDA RAXARIISTO HADII GURI BOON KU YAAL LAGA TAGEY RAGANI GURHA SOO QOREY MACNAHEEDU MAAHA QABIL AYAA LOOGA REEBAY MARKAA SXBAYAAL DHAAFA QABYAALADA ILAAHAYNA WAA CAAYEY BAHASHAASI .
HADANA REER BOON NAHAY DADKU WELIGEEDBA AADO IYO HUUNO UUNBEY ISKU SALAAMI JIREEN EE JOOJIYA WAX KALE CID KHAASI BNN MALAHA DADKA YAR YAR EE DANBA HABARINA QABYAALADA WALAHI ANIGA NINKA BOON KU DHASHEY DADKA KALE WA IIGA DHOWYAHAY DEE MALAHA DBADEN AYEY LA BARTEY BAHSHAASI LAAKIN U MALAYN MAAYO .
NABAD KU WAARA SXBYAAL.
TERVETULOA
BY AHMED GUREY BOON
Salaan ka dib,ma jirto qqbyaaladi ma jirto Boonn-na ma taqaano
lakiin bahasha axmadoow waa laysku gartaa uun.
Nbadiino
siciid
salamu calaykum..
rali ahada afsomaligaygu ma dhamaystirna ee kkkk
wuxuu Ahmed Gurey sheegay waa run..sxbyaal kaftanku waa caadi lakin waligiin ha soo hadal qaadina qabil iyo tribe..specialy if you call yourself reer Boon..thank you very much..
salams to all.
p.s
Ahmed Gurey walal waxaan ku waydiyay ma boon baad joogta? suasha labadna nanaystadu “Gurey” miyaa? Dawale walalki?
Ina ader waa ina aw-shabeel Australia ee waad salamantahay Dawale iyo reer boon oo dhana igu salam..
salaamu calaykum horta maxuma kaftanku ree boona hido ayay uleeyihiin kaftanka badan iyo dacaayada
laakiin mar haday kaftankii badnaa qabyaalad soo gashay taa uumbaa weynaane inaga joojiya qabyaalada
(dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane)
hadal horay ayaa loo dhameeyey markaa ree boonoow inaga daaya qabyaalada reer boon hido uma lahayne
DHAMAAN REER BOON WAN INI SALAAMEY MEEL KASTI OO AAD JOGTAAN SIDAAN HOREY U SHEEGAY BOON QABYAALAD MA TAQAAN HOREYSO IYO DANBAYSABA WAXA QABYAALADA KA SHEEKEEYAA WAA BOORAMA IYO WIXII KA SOO SAREEYA ANAGU HADAAD REER BOON NAHAY WW MID QUDHA DADKUNA WAA IS WEDA YAQAANEEN DADKUNA WELIGEEDBA AADO IYO HUUNO UUNBEY LA ISKI SALAAMI JIREY INTAAN WAX DHAAFSAN BOORAMA WEYDIIYA QOLYAHA QABLAAYADA KA SHEEKEEYOOW .
WIILKA LA YIRAAH INA AHMED ISMAACIL AWSHABEELOW WALALO MA IHI DAWAALE WALALKIS BOONA MA JOOGO LAAKIN ADIGA WAAN KU GARANAYAA OO AABAHAA AYAN AQAANEY MARKAA ABTI AMA DEER AMA INA ANA ABTI WELLCOME AYAN KU LEEYAHAY DHAMAAN REER BOONA WAAN SALAAMAYAA .
BOON WAXAY AHAYD DAD GACAL IYO XIGAL AH HAANA WAA SIDII AYUAN FILAYAA .
DHAMAAN REER BOON WAAN INI SALAAMEY DAL IYO DIBADBA
GAAR AHAAN TAFATIRAHA HIILDan yar/
scm bacda salaan aad ayaan inii salaamayaa dhamaan wixii sheegta
magaca boon gaar ahaan tafatiraha webkan allboon.com
hiildan yare intaa kadib waxaan u sheegayaa raga ku kaftamaya qabyaaladoow inaga jooja hadhow way inagu xumaane
inkastooy boon xadaaradeedu aduunka gaadhay dib ha inoo soo celinina ayaan ini odhan lahaa oo qabyaalada inaga daaya
AAD BAAN ISNII SALAAMAYAA
WABILAAHI TOWFIIQ
Cabdiqaniyoow xaafaddii reer aw aadan jaamac hadday joogtay maanta waa sidan
Reer Aw aadan jaamac
Reer abiib aw aadan jaamac
Reer mukhtaar abiib aw aadan jaamac
reer waliba ood xustay intii degganayd waa intaasoo dhan saddexdaa da’ood,haddaba bal hoos ka fiirso calaacalkaygakkkkkkkk
adeer siciidoow uguna dardee
reer sakariye abiib aw aadan jaamac
Sakariye iyo mkhtaaar waa ilmo abiib uun labaduba ee mukhtaar ma aha ina sakariye,sakariyena ´ma aha ina mukhtaar kkkkkkkkkk ee waa intaase reerkaga bilowdee adiguna!
adeer adigaan ku sugayaaye iga hor dhaqaaq kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
salaan sare dhamaan rer Boon! waaryadaheen sowdikani dhaafila guri tirn, masidani ayaad ku danbeyseen, waar kaftankiinu ha noqdo sideen wax u qabsanaa!! xageen ka bilownaa, iyo wax lamida, boon maana markaan xaqiiq ka hadalo way rajoxuntahay , waar aynu danta ka hadalo oo aan ka baxno kaftankani dhalayka ah,
waad salaamantihiin
Anigu Boon soo degi maayee aan maqlo reerkaaga yarkoowkkkkkkkkkkk
Salaansare reer boon mawaxaad raadinaysaan inta ey boonkakoobantahay iyo imisa guribaa ku yaal mise cida boonleh mise cidii ugu hor degtay? hadaba hadaan wax idiinka taataabto boonwaa magaalo magaalana lama tirinkaro cidwalbana waydegtaa hadiise ad rabtaan cida ubadan cida halka lagadhisay magaalada degi jirtay ama hareeraha magaalada imikaba degan baa ubadan.
hadiise adrabtaan cidiidhistaybilawgii ama aas aastay magaalada gurigii uguhoreeyayna kadhis tay waa Allaha unaxariistee Awcismaan Waabari kii kuxigayna waxaa dhistay Awcali Maasheeye deetana waa lalasoo degay ninba mar uu soodegayba kadibna waxaa uyimid Ingiriiskii wuxuuna mansuul uga dhigay kii hordhistay oo ahaa Awcismaan waanata siisay in ilaamaanta ilmihiisu munsuulka ahaado.
salaan sare yaa,ayuhal boon. waar horta meesha waxani ku sheekeeyaa ma Caruurtii 90kii dhalataa! waa sidee xaalku, boon dhiskeedii iyo hindisihii lagu dhidbay maaha wax madmadow kujiree, inaga dhaafa warkaasoo, magaaladii waatani wax uun kasii dhacayaane sidee lagu badbaadiyaa, maamul xumo iyo dhaqaale daro ayey ku habsadey boon. Raage iyo Gurcud waa asal madoorsheyaal aan waxba soo kordhinayn, aqoon maamulna warkeedaa, walina lama hayo Irbad ay dun geliyeen, boon hadii qoys soo dego qoysbaa ka guura, Murti sida Reer ALaybaday wax ma qabsanaa mise gurigee hebel iyo kii reer hebel ayaan ku wareernaa?
war ninki boon wax u qabaynayow waxba ha ku meeraysan Raage cismaan..waayo waxan ognahay tan iyo ila aabihi xukun kooda wanaagsan ee boon marna iska horkeenin..hadii boon aad rabtona in aad wax u qabato waxa hada lagu jira qaadhan ururin ee car wali jini ma bixiyay..soo sheegbal ninka weynow
Meelahaas uun bay ka leeyihiin dad baa qaadhaan ururinaya wallaahi
waan la xidhiidhay qaar ka mid ah in aanan wax war ah ka haynin ,laakiin
waaan iska bartay dadkeena oo horaa loo yidhi qiirada Sooomaali meel dher ma gaadho
inta qaadka iyo qabyaaladdu horseed u yihiin haddaba aan idin waydiiyee labadaas shay ma laga maarmay mise maya?
Intay sidaas ku socoto dhego ay wax ku maqasho malaha eh innoo wada yaa lahaan jiray iyo yaa u soo horreeyay!
Ayban bay baratee
Ustaadkii A’da keenay baan ahay!
Yaa laysku xariifinayaa?
Ninkase sheeegay beentoow raggii aasaasay maxaad midka aad isku reeerka tihiin uun uga soo qaadday?
Meeyay Rooble xoosh?
Meeyay caateeye faahiye?
_Niman-yohow sida islaamaha na waali maysaaan!
WSC, sxb Rooblow malaha wali riyaad ku maqantahay, kamaynan hadal Awcismaan Alla yarxam! waxaan ka hadlay Raage iyo Gurcud, wali lamahayo Irabd ay dun gesheen, waxa 10sano la sugayaa in magaalada loo sameeyo TOPPLAN si magaaladu u hesho jidad iyo dhismo habaysan, sanad walba lacag ayaa lanaga qaadaa, Booramaa lageeyaa wax warana kama soo noqdaan, Boon guri kastoo hada la dhiso waduu ku dhacaa, Boon waxay noqotay jago buldhuqe, ayaa mustaqbal xumadaa u aabo ah?
kkkk warsamow sxbow adiga ayaa taas aaminsan laakin anigu inta aad soo jeedo in ka badan ayaan soo jeeda kkkkkk ,,ee anigu raage iyo aabihii(aun) waan soo qaaday taasna waxa weeyi maanta magaalada boon waxay so gaadhsiiyeen heer ay la tartanto magaala madaxda awdal ee ah boorama, boon waa magaala kaliya ee marka laga reebo borama ugu guryo badan uguna qurux badan lagana hirgaliyay guryahay dhagaxa ah oo hada ay ku yaryihiin girgiduhu,taas waxa dheer maamulka raage inta imika si rasmi ah lugu magacaabay mayorka boon iyo ka horba wali ma dhicin in dadka ree boon maamul isku qabsadaan amba ay isjiijitaan boon waxa u kadhigay meel cidkastiba ku hamido in maalin uun guri ku yeeshaan ,taas oo kadhalatay dhaqanta dadka ree boon iyo maamulkooda fiican ,ta kale aw cismaan(aun) iyo raage tariikhda boon baal fiican ayay kaga jiraan ee waxan leenahay raage insha allah maalinta meesha uu baneeyo mid sidooda loo xasuusto ha lehelo oo halka ay gaadhsiyeen boon sare uga sii qaada.marka warsamow carabta ayaa ku maahmaahda (alximaaru yabda’u min xaysi bada’a abaahu,wal caaqilu yabda’a min xaysi intahaa abaahu)taas oo ah dameer waxa uu ka bilaaba halkii aabihi ka bilaabay arrin,caaqilkuna waxa uu kabilaaba halkii aabihi ku joogiyay arrin.
marka ha noqon dameer dib u socod ah oo ku meeraysta uun xukun badal iyo hebel ayaa xun ee noqo caaqil maanta halka ay joogto boon kor uga qaada adigo caawinaya maamulka boon iyo dadka ree boon ilahayna la kaashanaya.
inta waxan ku darsanaya boon waxan ka dhigi karna hadii ree boon aan nahay magaalo madaxka G. salal goorma laakin hadii aan sameyno dhowrkan qodob boon waxay xaq u yeelaynaysa magaalo madax in ay noqoto:
1-husbitaal guud oo boon yeelato lagana marmaarmo ka boorama
2- jaamacad weyn oo cusub oo boon yeelato
3-dugsiga sare ee boon oo la dhamaystiro
4- in la helo dhismoyaal waa weyn oo u gaara dawlada hoose ee boon
5-in la helo dhismo u gaar ah maxkamad boon yeealato
hada anigu inta ayaan soo bandhigay akhristayaasha aya inta kalena la lagasugaya.
maxa dhici kara hadii intaba ayaan sameyno waxa dhici kara dhalinta waxbarashada boorama u tagta in ay boon joogaan waxna ka bartaan waxkale oo dhici saylac garbodadar iyo xariiradba in ay dhalintu ka timaado oy boon waxka bartaan,iyo dhicana caafimaadka oo iyadna boon loo siyaamado gaar ahaan dadka ree salal u yimaadan
waxa kale oo dhici karta in dawlada hoose awood yeelato oo marka magaalo madaxda salal ay noqoto,, inta ayaan soo sheegayba wax hadii aan uga horayno saddexka degmo ee salal ka koobantahay
WSC, Ina Rooblow horta boon kama war haside iska aamus! waayo waligaa Boon laguma arag! kumaanad dhalan, kumaad korin, anagu Awowgaa Xasan Wacays ayaan garanaynaa iyo Aabaha oo Askari xalimaale ka ahaa, markaa Adigu waxaad Boon ugu hadashaaba majirto,
Dee hadad leedahay Ilma Cigejani ayaan isku qoys nahay horta iyagu hakusoo gudbayaan,
Raage anagaa dooranay 1995 markii xaaji muxumed xilkii halayga wareejo soo hordhigay gudidii boon, anagaa nidhi waaryaadhaheen bal ninkani Raage ee xaga Nadhi inaga soo gaadhay sanadkani inaga tegay dabayaaqadiisii maku daynaa inuu gudoomiyanimada inoo buuxiyo, taasi waan isku raacnay waanse ku qasaarnay oo ninkaan dabaasha aqoon kakale waa ladegaa, Raage intuu bOon joogo wax uu noo soo kordhieye majirto, isaga iyo Gurcud waa laba aan waxtar lahayn, Aqalada wanaagsan eed sheegtayna dadkii lahaa ayaa dhistaye ma Raagaa keenay? Boona way dhismi lahayde waxa ku fadhiya dhilinta boon joogta intaad wacdo weydii halkay sartu ka qunsantahay,
kkkkkkkkkk..wsc,war nimanyahow ma jeclayn meeshan in qof weyn oo aqoontisu yartahay ku la kaftamo oo wali boon aan soo dhaafin oo meelaha boon mashrafyada fadhiyi jiray amba fadhiyaba
oon garanayn waxay tahay horumar iyo fikir suuban ee waxan ku idhi been baad sheegtay markaad tidhi boon waliga laguguma arag taas waxay ii cadaynaysa boon in aanad soo dhaafin inta reerkiinu dego.. ta kalena boon madheertayda ayaa tala oo waan ku dhashay wax u baahan in aan cadeeyana maaha,raage hadii aad xukunka adigu u dhiibtayna dee maxad u calacalaysa maxad hadada aan joogno ka qaadiin hadaad nintahay ,, anigu awawka iyo aabaha waxba ka sheegi maayo oo cidgaranaysaba ma jirto in aad leedahay iyo in lagu soo helayba ma ogin waayo waxay noqon lahaydba waad isqarisay oo kaliya warsame ayaad soo qoraysa ,marka ogaw sida aad awawka iyo aabahayba u garatay, carada boonna si ka fiican ayay noo taqaan marka dhulka soo weydi,dhulka ayaaku jawaabi ,mashrafsiiste ah dameer dib u socda oo halkii awawki cida ka bilaabay ku socda maanta deed halkaygu waa ka xaaraan ee maalinta aad ka soo fikirto bal sidii boon magaalo madax ugu dhigi lahayn iyo hormarkeeda kale maalintas uun baan waxad soo qorto aan akhrin…kkkkkkkkkkkkkkk………
kkkkkkkkkkkkkkkkkk, hayaaay sawkaa yarkii Ina Rooble sidii riyaha ciyey!!!!!!!! Sxb maxaa kugu kalifay inaad mafrishkani aan ku fadhiyo eed sheegayso inaad iiga waranto, Waar xero Askareed ayad ku dhalatay, dhal-askareedna waad tahay, wixii aad ahaan jirtayna waa lagu faanaaye ogow, raage waa dameerka aad sheegayso walina waa tukubayaaye markuu fidhiisto waan jiidiye ogow, sxb iska cagamaydho, oo kaftanka iyo laablakaca gurigiina kula noqo, Boona aniga iyo inta reer Boona waxtar looga fadhiyeeye, siidaa maxmedyare
warninyahow anigu hadal in aan ku dhameeyay ayaan u malaynaya ee waxan ku lee yahay abahay magaca boon iyo ka borama wu ku hadla bulsho weynta boon iyo borama sharaf ayuu leehay,ee adiga inta in badan ku odhan maayo oo waxa la yiri af noolina wuu hadla eyna wuu ciya marka anigu eyga iska ciyaya ayaan ku haysta ,dameerka aan sheegayna raage maahe wa adiga kkkkkkkkkk boonna dadka u dhashay u da ,adiga libaaxlay ayaa laga helay,halkaas ayanan ku aqoonsanahay adiga,inta in kadadan ku odhan maayo abtinimo ayaa i xiraysa iska soo ci ………..ninweyn oo ciya omad horayn
Waan idin salaamay.
I dhegaysta bal
Maalin annaga oo Boorama joogna ayay niman tolka ihi Gurcud ka soo dacwoodeen,odaygii sheekha ahaa ee geed goble ayaa loo yimid waa Sheekh maxamuud caateeye eh,markaasaa la yidhi sheekh odaygii gurcud muxuu wad-wadaa?sheekhii ayaa yaabbay!muxuu leeyahay buu yidhi!odayga gurcud ihi kolkaas wuu danaysanayay oo arriin laga tashaday ayuu walaaqayay markuu wax isaga u dan ah ka waayay,sheekhiii ayaa kacay,iigu yeeedha buu yiri,waa loo keeenay,ma hadli kartid baa la yidhi
waa tii shib danbe laga waayay,markaas odaygaa waa iska jaahil isna sida ka ka sarreeya,waraabuhu wuu is habar-wacdaa juhaladu na way is habar-wacdaan,Wallaahi baan ku dhaartaye maalin aniga oo cartamaya kubadna in aan ku ciyaaro gedaashii iskuulka odaygii
Cali ismaciil Aabihii ahaa is hayna ninkii cumarii-na i soo raacay ayuu Raage meel shishe ka soo baxay wuu ii yeeray,markaasaan indho-cas ku eegay xaggiisii diidmo adag ayuu igala kulmay bal daya waligay oday xurmo leh sidaas kumaan waxayn markaa rage hadduu wax-tar leeyahay waji-gabaxaasi kuma dheceeen waligii waa laga caban jiray magaaladuna iyaadaa wax qabsata o waxay caan ku tahay Iskaa-wax-u qabsadii ay caanka ku ahayd markaas ninka warsame shaadhka haystoow ma kitaaab baan ku mariyaa in aad waayaha Boon xog-ogaal u tahay mise waad iska Aamusi?kkkkkkkkkk
bal soo jawaaab,Gurcud waa abtigay ad iigu dhaw waliba wax-ma-tareyaashana ma kala jecliye labadaasna isku xidha!abaalkooda way heli doonaan.Insha-Allaah,wax aan buuri-danbasle ahayn naga dheefi maayaan!
Siciid
Waan idin salaamayaa reer Boon.
Boon Maxaa guryo iyo dad iyo xafiisyo iyo wasaarado kusoo kordhay iyo maxaan ku kordhin karnaa ayay ahayd ujeedadaydu. Oday iyo laba oday faanintooda iyo fadeexadayntooda toona waxba Boon kama soo galayaan. sidaa daraadeed odayada iska dhaafa. Midna ogaada, nin qabiil wax ku jecel iyo nin wax ku necebna Allaa kala garan, taariikhduna marbay sheegi.
Docda kale; Dhalinyarada magacdooda qarinaysa ee la kaftamaysa dhalinyaro kale oo ay magacdooda garanayaan, iyagana waxan odhan lahaa, sidaas lama ammaanin. Qof ad garanayso ha isku soo qarin dabadeedna halla kaftamin.
Intaa ka sokow, BOON waxa weerar ku haya geed abaareedka la yidhaahdo TIINKA, xitaa guryaha dushooda ayuu ka baxay. Maxaa talo ah oo an Tiinka Boon kaga guri karna?
Waan idin salaamayaa walaalayaal, noolaada.
Abdiqani Ateyeh
abdiqani caateeye abti si fiican ayaad noola hadashay wanan soodhaweyna,boonna sidii caasimad looga dhigi laha ee tiinka waa runtayo looga hagaajinlaha wax fudud maaha ee maskax iyo maal iyo murug intaba way inaga doonaysa marka ilahay hadii la talo saarto lagana dhabeeyo fikirka waan gaadhi karna halka aan la doonayno boon in ay gaadho
WSC waar maantana mawaxaad gaadheen inaad odayadii aakhiro tegay iyo kuwii ifka joogayba caydaan walee waxaa layidhi geeloow geedwalba daaqoo markaad gamoor daaqdaa laguuyaabaa. Horta Maxamed Roobloow adeer ragan marna isku kaaqarinaaya marna daacad iskagakaa dhigaaya ha aaminin hana la tirsan waayo adu daacad baadtahay inaad Boon kudhalatayna 1983 maalintii orooskii Maxamed Cigena ku bood boodsiinaynay anaa kaaga maraga miyaadse ogtahay ragan ad la mormaysi inay kudhalikarayaan?
Taariikhda Boon, Boon waxay ahayd xoog xooluhu daaqaan biyihuna kafogyihiin allaya arxamu Acimaan iyaadegay waxaa lawaydiiyey wuxuu udegay meeshan biyihuna ka fogyihiin.Wuxuuyidhi waxaan udegayaa inaanku badbaado aniga iyo caruurtaydu dhulka biyahalena kaniicaan unacay Markasaa dhowr nin oo ilma adeeradiiyihi yidhaahdeen waar nink an u wehel yeelo dee tana waa lalasoo wada degay sidaasayna magaalo ku noqotay.
Mana aha waxmuran kataaganyahay wuuna ogyahay ninka boon kudhashay ama aabihii kudhashay kase isagoo lugaynaaya yimid madmadow baa kagajira waanata ay ragani u caayayaan Raage oo aqalkii aabihii uunkatalinaaya oon cidna xoolo kadhicin.
Waxay ilatahay ragii reer awdal isku diraayaa imikana raba inay reerboon isku diraan miyaynase ogayn in cidii Raage nacdaayi tahay mikiin cadhooday madaxaa wareeri ee Raage gurigii Aabihii joogo haduu dhintana inankiisu talindoono. Lax gabna a ayaa waxayku maah maahday hadii caano la igaga badiyo macidaa la igaga badin markaa ragani reerboon waxba umasoo wadaan hadal madhan iyo iskudirbaywadaan Reerboona raage way jecelyihiin iyaguna way is jecelyihiin cid an faa iido usoo wadina marabaan.
Takale ninka yidhi magaaladu waxaycaankutahay iskaa wax u qabso miyuu ogyahay ninkii sameeyey inuu ahaa ninkii magaaladaba sameeyee aw Cismaan waar horta barta taariikhda boon intaanad dad anad gaadhayn caayeysaan Rooble Xasana haduu askari ahaa wadan kiisuu u ahaa imikana waa Aaqiliinta Samaroonka adigana kaa sharafbadan.
Adigaa mudan Abti Rooble. Runtii magacaas Rooble Xasan wuu igu dhex wareegayaa. Waana iga Wallaahi si fiican kuuma garanayo, hana ila yaabin da’ana waan joogaa dalkiina waan kasoo raagaye. !
Ragga ku garanayna ee isku keen qariyay ayaanan haystaa, sida ninka Warsame la baxay ee is qariyay. Kolleyse waxan ku leehay barasho wanaagsan, soona dhawoow.
Ninka la magac baxay Garboole, isna waxan leehay walaal waxad iila cod egtahay sidii qof an anigaba iga da’ yarayn, markaa dee bal ninyahow sidii nin weyn u hadal, oo dhalinyarada hayska eryin. kkkkkkk
Hadal iyo dhammaantii; Dhalinyaradiina isku faca ah inaad si waanaagsan iskaga kaftantiin oo bilaa turxan ah, oo ad is bahaysatiin, wadajir iyo wanaagna ad ka shaqaysiin, ayaan idinkula talinaynaa aniga iyo dhalinyarada cuslaatay ee ila faca ahiba.
Garabkiina
Ateyeh
ree boon yar iyo weynba waan idin salaamaya.
nimanka warsame iyo siciid wata kaligay ayaa kaftankooda ku filna in aan ka badiyayna wey cadayd markii labo ay igu noqdeen hadana hadii aad in yar ugu dartay intii aan idhi waad mahadsantahay mudane adeer siciid garboolow anigana ha ii cabsan, marnaba iyagoo magacooda runta ah watana ilama kaftami karaan hadii ay weyn yihiin iyo hadii ay yar yaryihiinba kkkkkkkkk inay isa soo qariyaan mooyaane.
hadii aan u soo noqdo dhicana iyo abdtiqani caateeye ,oon isku kaa sheego xildhibaanka halkan ku qoran ayaa abbo ii ah http://allboon.com/2009/03/03/gurmadmaxaynu-ka-qaban-karnaa-biyo-laaanta-boon-ku-dhacday/
ta kalena dee waxa abti ii ah suldaan yuusuf cali cilmi ,jooga uk waad wada hadashiin,sida iyo nabad galyo
salamu calaykum reer boon.
dhalinta halkan ku falaadaysaay, aad baan inii salamay,
labbo inaad iska daysaan mid reer borama ah ama reer cadadeed ah in anad kula kafamin Boonism
waayo abiil buu yaqanaa qabiilkiisa ayuu boona la rabaa dadka kalana wuu asayaa tasina waxay inna dhaxalsiin doontaa in boon labbo damood oo horumar ahayn ay u qayb santo ama 3ba.
ta labaad in aad iska ilaalisaan anad u jawaabin nin hadalkiisu qadhmuun yahay oo arka uu wax qoraba dhinac u godaaya sheekadiiisa,,,kaasna waa shaydaane haba u jawaabina,,,
waxaan aad u salayaa ninkaa warsame oo ah nin reer boon asal ah guryahooguna ku yalaan boon,
lakiin maxamed rooble xasan walalo waad ku dhalatay Booon lakiin dhaqanka BOOn lamaad qabsan,, waxaad u badnayd reer borama reer baoramaad tahay,,abahana adoo yar buu boon kaa kaxeeyay markaa boramaa ku garadaysataye sheekada borame boon kama socoto, ninkana warsame waa nin inna adeerkaa ah oo lakiin reer BOON ah, Boona u damqanaya. ee hadalkaa hadal uga noqo hana ku celin mar danbe waxii tuurleh tuur buu leeyahay waxii fiicana wuu fiicanyahay,,,
ninaa siciid iasaguna odayada ixtiraam,, oo indhaan u caseeyay war mahee adiguna iska cudur daaro,,
warsamena waxaan leehay Raage iyo gurcud malig maahin oo waa bini adam way qaldamayaan, wanse u dulqadanaynaa waxay qaldaana waa wax inaga wada xumaday sidaad u dareemayso,,,haddaba lakiin waan samraynaa way iska tagi doonan ee markaa uun waramoow isa soo harax aan ku dooanee kolay nin aad BOON ugu damqanaya yaad tahaye,,waan ini salamay BOONIMDA AYANAN LGA TAGIN BORAMNA HANAGU SOO RARINA by kkkkkkkkkkk
Maxamad Rooble, waan ku gartay inaadeer, oo xitaa inaan mar is aragnay ayaan u malaynayaa. Abtiyaashaa waa Bahabar Muuse ee ma aha B/Celi, sidaa daraadeed adeer baan kuu ahay ama ilma adeer ayuunbaan nahay marba haddii B/Celi iyo R/Axamad dadka ay iska xigaan. Haddii ad igu tidhaahdo Abti adiga oo ayna B/Celi ku dhalin, dee waad isii fogaynaysaaye, iska kaftan ilma adeeer ayaynu nahaye, oo waliba kaftanka Boon haka bixin ee ku ekoow.!!!!
SCKUM WAAYAAB WAAYAAB MAANTA BOON AYAAN LA LEEYAHAY XEEBJIRE AYAA 10 GURIKULEH KKKKKKKKK
NINKA ISKU SHEEGAY NI UU BOON LEEYAHAY ANIGU GARAN MAAYO BOONA DADKEEDU WAA MIDAYSAN YAHAY EE
HAKALA SAAR SAARIN HADII KALE WAXAAD KA HESHO AYAAD LEE DAHAY ,
XASAN DAAHIR XASAN UK,
waar reer boon waan idin salaamay sxb marka hore
talabaad boon aniga baridhawayd baan dalxiis utagay waliba iyadoo wakhti fiican oo roobku siwanaagsan ugu da ay magaalada run ahaan tii marka loo eego meesha ay ku taalo iyo cimiladeeda waan ubogay waanan jeclaaday waaxan ku fakiray inaan dago si aan ugu nasta fasaxyadaydo ….
laakin nasiib daro waxaan layaabay dadka reer boon sida boon u buun buuninayaa iyo sida ay u dhaqmaan ayaa aad u kala fog waayo waxaaay rabaan inaan noqoto magaalo wayn oo caalamiya walina waxaay isku haysteen reerkan baa ku badan iyo reerkan baa ku badan waxaana layaabaan ama mucjiso la ah in nin aadan yonis ah ama reer nuur ama bahabar cabdala ah lo ay dagaan
markaas su aashaydo waxaay tahay sidaa u rabtaan inaay noqoto hayjadani magaalo waa inaa cidwalba laga helaa hadii kale dee sidaas borama unbaay qayrkeed uga hadhi