Gabayadii Raage Ugaas, Maxaad ka Xusuusataan..?
March 30, 2009 7 Comments
Albaabada bannaan kaan ka jiray, aqalna waan jiifay
Istanbuuli cadar layma marin, udugna way daaray
Oon baa i dilay oo biyaan, ku ag wareegaayay…….?
Raage Ugaas (AUN) wuxu ahaa Gabayaa caan ku ahaa badanaaba gabayada arrimaha murugsan iyo kuwa calaacalka ahba. Mid ka mid ah gabayadiisaas an wali la furfurin ayaan jeclaysannay inaynu akhristayaasha wadaajinno. Gabaygani wuxu yidhi:
Xalay Isniintii Waxa I helay, toban ammuuroode
Asal gama’na ways idihi hurdana, uurka kama seexan
Indhahana makala qaadahayn, aragna way muuqday
Afka kama dhawaaqayn hadana, aamus ma an yeelan
Ogaan uma qoslayn oo hadana, iligyaday muuqday
Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogay
Albaabada bannaan kaan ka jiray, aqalna waan jiifay
Istanbuuli cadar layma marin, udugna way daaray
Oon baa i dilay oo biyaan, ku ag wareegaayay
Onkod iyo hillaac roobna, wuu nagu itaaleeyey
Ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu lulayey
Awaartii ma nabin oo hadana, wuu anfacay kaynta
Anfariir xaluunbaan hurdada, oog la soo kacaye
Ilinkaan talaabada ku waday, waan abbaarahaye
Meeshaan abraarada ku tago, aakhir bal aan eegno
walal aad ayan idiin salamaaya salan kadib aad iyo aad ayaan idinku mahad celinayaa dadaalka wayn eed ku jirtaan iyo sida aad wax uwadan way fican tahay dhinaca kale waxaan wada ogsoonahay in dadka samaroon layidhaadaa uu leeyahay taarikhbaaladhan lakin nasiibdaro manaqaano mana baadhno tusaale maanta tarikhda samaroon leeyahay haduu isaaq lahaan lahaa waxa dhaca waynu yaabi lahayn lakin waxaa is way diinleh maxaa samaroonka u diiday
in ay qoran soon bandhigaan tariikhdaada sidaa daradeed waxaa iga dardaran hada waxaa sii dhamanaya dadkii iyo odayadii taarikhada ogaa amba wax ka soo gaadhay dadkii hore sida daraaded waxan ku talinayaa in dadka waa wayn tarikhda laga qore
wixii nool gaar ahaan dadka aadka u firi fircoon ee jooga
wadanka waxaan u soo jeedinayaa in ay odayasha waa wayn wax ka qoran markale waxan ka codsanayaa wariyashaa reer awdal sida
wariye abor xasan cafi iyo wariye cabdale cali yusuf wariye maxamed sh.cumar hayn
salamu calaykum
walaalo waxaan uu bahanahay heesihi cabdisilimo oo ahaa fanaankii somaliyeed ugu hor heesa fadlan ila soo xidhiidha hadaad wax ka haysaan heesihisi
waxaan aad ugu faraxsanahay qaabkaa aad wax uwadaan waxaana jeclahay inuu mustaqblka noqdo bogaan hooyga nolosha iyo iftiinka waa mahadsantihiin
waan salamayaa dhamaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan ku wa ka qayb qaatay in ay noo soo gudbiyaan suuganta soomaliyeed meeshi hore ay joogtay iyo meesha ay hada maraysoba
waxaan arkaa ineey wax idanka dhimanyihiin qaabka aad gabyada iyo taariikhda usoo ban dhigteen waayo abwaaniintii soo maaliyeed waad kala heeb soocdeen taariikhdiina waad heeb soocdeen tusaale ahaan waxaad soo bandhigtaan gabyadii calidhuux oo dhan iyo rag kaleba ee (guba) maxaad isoo qori weyseen gabayadii raage ugaas iyo qamaan bulxan iyo maxamed cumardage ee (guba) iyo ragii kale. hadab waxaan idinkula talinayaa taariikhda inaadan heeb soocin mar hadii aad dooneysaan inaad taariikh ururisaan.
s/cw/w dhamaan walaalaha ku hawlan ururinta suugaanta soomaaliyeed kadib waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in ay jiraan wali ehel u fikiraya jiritaanka asalka ah ee aan leenahay Allena ha idin garab galo waanan idinla jiraa mar walba
Asc waan idin salaamayaa dhamaan warsidayaasha bogan iyo walaalada fikradohooda ku qoray lkn wiilk1aad iy dhamaantiinba maxad ooga hada sheen gobayga raage ugaas gadaashii raage waa nin ogaden ah oo mahamed subeer ka ah oo reer cabdile ka ah oo reer ugaas xirsi ka ah oo reer ugaas samatar ka ah{malinguur} oo reer guuled ka ah oo reer faarax samatar ka ah oo ka soo jeeda g/fiiq/d/sagag dabcan wixii faahfaahin ah igala soo xiriira{00966504374078}