Salaan iyo nabad gelyo iyo naxariisi korkiina ha ahaaato meelkasta oo ad joogtiinba, hadii ad tihiin akhristayaasha sharafta leh ee xidhiidhka la leh shabakadaha HIILDAN.COM iyo ALLBOON. COM. Waxan idin ogaysiinaynaa in Emailkii hore ee hiildan@yahoo.com uuna gacanta innoogu jirin oo la xaday.
Monthly Archives: April 2009
Ruwaayadihii Reer Boon, Maxaad Ka Xusuusataan..?!!!
Boon waxa laga dhigi jiray riwaayado iyo majaajilooyin ay iska leeyihiin Reer Boon intooda badan, inta kalana ay ahaayeen murti horey u jirtay.
Heesta Maanta iyo AllBoon
Maqal iyo muuqaal wacan, waa MAKO iyo Canfar…!!!
Continue reading
Baro Magacda iyo Guulaha Ciyaartooyda Boon
By Maxamed Axmed Cabdilaahi iyo
Maxamed cabdi warmahaye
Salaamu Calaykum dhamaaan. Waxaan salaamaynaa ciyaartooyadii Boon meelkasta ooy joogaan kuwii hore iyo kuwa imikaba. Bacda salaan. Continue reading
Sheekh Iyo Boon, Maxay Iska Shabahaan..?
Wariye Cumar Xaddaari iyo C/maajid – Degmada Sheekh
Magaalada sheekh ayaa ah magaalo qadiimi ah marka loo eego magaaloyinka kale. Magaalada sheekh waxay ku taalaa meel banaan oo aad u hawo wanaagsan una jirta 67 Km magaalada Berbera xaga konfur-Bari.
Continue reading
Garoonkii An U Bixinnay Magaca Qaaliga ah Ee Xasan sh Muumin (AUN), Maxaa Loo Dhisi Waayay?
BY RASHIID CABDI BAKAAL
Waxaan salaamayaa walaalahayga damiirka leh ee damqanaya meelkastooy joogaanba, waxaan leehay salaamu calaykum.
Tacsi: Marxuun Farxaan Julian
Ilaahaybaa ina abuuray,dibna waan ugunoqonaynaa. waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan reer axmed judian meelkastooy joogaan iyo hooyadood ,waxaan ka tacsiyadaynayaa geerida ku timid marxuun FARXAAN AXMED JUDIAN oo si kadisa wadnuhu u is taagay kuna geeriyooday wadanka Denmark.
Continue reading
Tacsi: Marxuumad Aamina Sh Xasan Gaboobe (AUN)
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan halkan tacsi u diraynaa rashiid omer madoobe iyo dhamaan reer omer madoobe meelkastoo aay joogaanbe,hooyadood,oo maanta ooy bishu tahay – 20-04-09 aay ku geeriyootay magaalada Boorame marxuumada oo magaceega la oranjiray-AAMINA SH.XASAN GABOOBE .
Dawladda Hoose Ee Boorama, Ayay La Sugaysaa Qashinka..?
By Cabdilaahi Xaaji Saciid.
Shaki kuma jiro in xilka ugu wayn ee qashin ka nadiifinta magaaladu saaranayahay Dawlada hoose ee Boorama, oo run ahaantii la odhan koro xilkaasi way iska hilmaantay gudashadiisa . Taasina waxay hoosaasin iyo hodadaamo ku keentay dadwaynaha ku dhaqan magaalada oo xilkaasi gabi ahaantiisaba ku haleeyay Dawlada hoose . Taasina ma aha sida dhabta ah arin sax ah mar hadii ay Dawlada hoose dayacday xilkeedii waxa looga baahnaa dadwaynaha inay gutaan xilka ka saaran nadaafa oo cid kasbta dan u ah .
Colaada Dagaal ee Gabiley vs Dila, Waa Qandaraas Ay Qaateen Rayaale, Cirro iyo Raage.
By M shariif – Sanca
Allaahbaa Mahad oo dhan iska Leh,Nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato Nabigeenii Suubanaa Maxamad SCW,intaas kadib waxaan halkan kasalaamayaa dhamaan Mareegaha internetka ee JSL noona soo gudbiya wararka wadanka hooyo..
Tacsi: Marxuun Axmad Muuse Geedi (sanjab)- AUN

Anigoo ku hadlaaya magacayga, kan reer Cabdi Carwo, iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte,waxaan tacsiyaynayaa qooyskii uu ka baxay Marxuum Axmad Muuse Geedi(Sanjab).
Tacsi: Marxuun Cabdi Cumar (AUN)
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Dhammaan bahda AllBoon iyo HiilDan iyo akhristayaashoodu meel kasta oo ay joogaanba waxay si tiiraanyo badan uga tacsiyaynayaan geerida naxdinta badan ee ku timid walaalkeen marxuun CABDI CUMAR, oo shalay ku geeriyooday magaaladan London. Waxaynu Ilaahay uga baryaynaa marxuunka inuu ka waraabiyo naxariis janno, ehelkiisa iyo qaraabadiisa iyo dhammaanteenna innaga siiyo samir iyo iimaan.
Hambalyo Aroos: Boqor Maxamad iyo Boqoradiisa Faadumo

Hambalyo Hambalyo GacaL Iyo Sokeeyaba Guurkiina Lagu Farax, Dhamaan qoyska reer Xaaji Saciid Maxamuud waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan, Mudane Maxamed Idiris yuusuf iyo Marwo Faadumo Cabdilaahi Muxumed, oo uu maherkoodu saaka oo ay taariikdhu tahay 04/04/09 ka dhacay hotel Rays ee magalaada boorama. Waxayna leehiyiin, gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax, guule lagama waayee gobonimo ku aqal gala. Continue reading
DanYarta Awdal iyo Maxaa, Duufaano Kala Haysta?

Waa markii labaad muddo Labo sanadood gudahood ah, oo ay roobab duufaano iyo baraf wataayi ku habsadaan degaano ka mid ah gobolka Awdal. Doorkan maanta ahna waxay duruuftu taabatay dadweynihii ku noolaa caasimadda ummadda oo ah Boorama.
Tahniyad Aroos: Rashiid iyo Asma
Qoyska Reer Daahir Ojor Iyo Caruurtodu waxay Tahniyad aroos u dirayaan Boqorka Dr Abdirashiid Dahir Aye iyo Boqorada Asma Sheekh Abdilahi Sheekh Ali Jowhar oo meherkoodu ka dhacay Magaaladda Borame ee gobolka Awdal,Jamhuuriyadda Somaliland Tariikhdu mar kay ahayd 30/3/2009
Madaxweyne Obama oo Agrtayda Imianaya, Iyo Anigoo Ku Mudaharaadi Doona…!

London(AllBoon). Madaxweynaha dalka Maraykanka, Baraka Xuseen Obama, iyo madaxda dalalka adduunka ugu quwadda weyn ayaa dalkan ingiriiska yimid si ay ugu qayb galaan wada xaajoodka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee lagu magacaabo ‘G-20 Summit’. Kulankaasi wuxu berrito ka dhici doonaa carwada caalamiga ah ee Excel, kuna taala xaafadda CUSTOM HOUSE ee waaxda NEWHAM London.
Hambalyo Aroos: Boqor Dr C/Rashiid Daahir Aye iyo Asma Sh. C/Laahi Sh Cali Jawhar

Dhamaan Ardaydan oo wax ka barata dalka Pakistan khaasatan Karachi University Waxay Hanbalyo iyo Bogaadin Aan la soo koobi karin u Dirayaan Boqorka iyo Boqorada….
{ Boqorka Dr: Abdirashiid Dahir Aye iyo Boqrada: Asma Sheekh Abdilahi Sheekh Ali Jowhar }
Abaal Daranoow Ibraahim Ka Joog..!!!!
Abdulqadir Jaamac Cabdillahi
Aniga oo ka mid ah akhristayaasha website yada maxaliga ah waxaan halkan kaga jawaab celinayaa maqaal ku soo baxay Hadhwanaag News 30kii October.