Baro Magacda iyo Guulaha Ciyaartooyda Boon
April 23, 2009 18 Comments
By Maxamed Axmed Cabdilaahi iyo
Maxamed cabdi warmahaye
Salaamu Calaykum dhamaaan. Waxaan salaamaynaa ciyaartooyadii Boon meelkasta ooy joogaan kuwii hore iyo kuwa imikaba. Bacda salaan.
Anaga oo ka mid ah ciyaartooyda Degmada Boon gaar ahaan wakhtigan xaadirkaa run ahaantiina usoo hoynay Boon guulo waaweyn oo uguna dambaysay guushii lama ilaawaan ka ahayd ee u dhaxaysay gobolka salal degmooyinkeeda oo dhacday taariikhdu markay ahayd 06/jenuary/2009 oo ka dhacday caasimada gobolka Salal ee Saylac. Halkaas oo Boon ka soo qaaday zalal cup. Boon ciyaareheedii waxay u dhacday sidan:
Boon vs zaylac 5:0
Boon vs Geerisa 4:0
Boon vs Lawyacado 2:0
Boon vs xariirad 2:0
Ciyaartooyda oo sita koobkii ayaa iyaga oo farxad iyo rayrayn ka muuqato ku soo laabtay Degmadooda Boon halkaas oo lagu soo dhaweeyay waji furan oo farxadi ku dheehan tahay, Dhammaanna reer Boon way usoo wada baxeen ciyaartooyda guushaa lama ilaawaankaa u soo hooyay degmadooda. Gaar ahaan waxaa mahad gaara mudan ninkii naga haqab tiray xaga dirayska Boon solay oon ciyaarahaas oo dhan kaga qayb galnay. Runtii dirayskaa oo ciyaartowdii horeee Boon kaga safteen ciyaaro badan anaguna nasiib uyeelanay inaan ku safano ciyaaro badan. Ninkaasina waxa magaciisa la yidhaahdaa Xasan Muuse Subagle oo jooga Denmark.
Aad iyo aad baan u salamaynaa hadaa nahay xulka qaranka degmada Boon waa kii horey loo yidhi Rabi Lagama Quustee, Ragma Lagama Quustee hadaba waxaan ka rajaynaynaa walaalaha KALE ree Boon ee jooga qurbaha inay naga haqabtiri doonaan xaga qalabka sportiga aad baanan u salaamayaa dhamaan inta ku ab tirsata magaca Boon.
Hadaba Boon ayaa imika ka ciyaara ayay dad badini is weydiiyaan baan u malaynayaa? Boon waxaa ka ciyaara wakhtigan xaadirkan ciyaartooy aad u firfircoon
- C/laahi C/raxmaan Muumin c/qarash (ruqi)
- Maxamed Cabdi Warmahaye (macalin andi)
- Maxmad Axmed C/laahi
- faysal cismaan fariid(salwaad)
- maxamed axmed ibraahin (gaylaan
- c/salaan carab axmed
- maxamed yaasiiin xaashi
- mahad irije
- maxamed aadan good
- nimcaan maxamed c/qaadir
- maajid maxamed siciid
- maslax maxmed =======
- miisaan muxumed buux
- miisaan geele cadar
- cabdi jaamac diiriye
- maxamed xaamud obsiiye (duyuuro)
- cismaan mahdi isaq
- cabdi c/laahi muumin[biirsade]
- mukhtaar miisaan kaahiye
- subeer cabdi saban
Intaas oo ciyaartoy ayaa u safta degmada boon wakhtgan xaadirka ah
Aad baanan inii salaamaynaa dhaamn ree boon meelkasta oo ka joogaan caalamka
Allaaa Mahad Iska Leh
Waxa Sooo Diyaariyay
Maxamed Axmed Cabdilaahi
iyo Maxamed cabdi warmahaye
Boon- Selel
Adeer Maxamad Axmad Cabdilaahi
Aad iyo aad baan kuu salaamayaa, si fiican ayaad yeeshay. Halkaas kasii wad. Well Done..!!
Guul iyo Solay ayaan u rayjaynaynaa Ciyaartooyda Boon..!
Ateyeh.
adeer sidoo kale aad baan kuu salaamayaa salaan waalid nimo xushmad iyo qadarin mudan
bacda salaan
adeer sidoo kale aad iyo aad baan ugu farxay marki aan arkay webkan run ahaantiina waxaan ogaaday inuu noqon doono web ay ku kulmaan dhamaan wixii ku aftirsada magaca boon aad baanan idiinkumahad naqayaa gaar ahaan ragaa isku hawlay hawshan
aad baanan idiin salaamayaa
wabilaahi tawfiiq
salaani korkina ha ahaato dhamaan reer boon mel kasti oo aad joogtaanba ,waxa aad in lagu farxo mudan guusha ay soo hooyeen dhaalinta rer boon ee ciyaartoyga ah waana farxad weyn.
reer boon meel kasti oo ay jooganba wey ka tilmaaman yihiin dadka kale ,anagu berigaan boorama dugsiga sare ka dhigan jirney waan ka tilmaaneyn hadaan nahay reer boon dadka kale,hadey tahay xag wax barasho iyo dhan kasti .
waad garanaysaa nin soleygii boon cuney biyihii aftooxeedna cabey inuu ilaa buurtii libaaxley orod ku fuulayo.dhamaan rer boon mar labaad aad ayaan inii salaamyaa dhalintaa kubadda cagtana si gaar ah ayan u salaamyaa ,guusha inshaa alaah halkaasi ka sii weda .
yours sincerely
Ahmed dheere.,
congratulation.
aad baan ugu faraxsan ahay guushan ciyartooyada reer boon hay keenen. xidigyada mesha ka ciyaaray kuli waan wala garanayaa qar mooye.
special congratulation to the followin players oon la ciyaray waa dhow oon garanayo laciibnimadooda.
aad baad u dadasheen ragyahow.
C/laahi C/raxmaan Muumin c/qarash (ruqi)
Maxamed Cabdi Warmahaye (macalin andi)
maxamed axmed ibraahin (gaylaan
c/salaan carab axmed
nimcaan maxamed c/qaadir
maxamed xaamud obsiiye (duyuuro)
cabdi c/laahi muumin[biirsade]
mukhtaar miisaan kaahiye
subeer cabdi saban
ABDI BASHIIR ninka lagu magacaabo muu ka ciyaray mesha? ninkas waa lacib khatar ha..haduu dhawac daraaded ciyarin mooye ninkani maaxaa looga reebay? ka soo jawaba.
c/karim ahmed AUSTRALIA.
scm aad baan kugu mahad celinayaa sida fiican eed noogu hambalyaysay waxaanan ku leehay 100% thank you
intaa kadib
sxb c/bashiir waa ciyaartoy wanaagsan oo lawada yaqaano
kana mid ah ciyaartoyda boon laakiin aad baan uga xumahay
ninkaasi wuu ka baxay ciyaartoyda boon hawlo soo wajahay darteed
laakiin adigu ma intaa ayaad ka garatay ciyaartoydii boon?
mise qurbaawi ayaad noqotoo waad ilowday dhalinyaradii
by-maxamed axmed c/laahi
(diilaale)
in boon soley
Barbaartii dhulkaad tihiin
dhashii Boon baad tihiin
Wiilashaan baxnini jireen
Barbaarin jiraad tihiin
Xasan Muuse kuwuu u bogay
Qalabkana ka baahi tiray
Bigtiyo hillaacana ahaa
Een loo babac-dhigi karayn
DAlku u baahan yaad tihiin
Badhkayaga waan soo wadnaa
Bushmuhuun ka hadal maahee
Beryo wax la sugaa iman
Basaastuna way dhammaaan
Haddaan baaqa iyo heesta
Bqallaadh gabayga u dhigo
Balwada qaadkiyo sigaarka
Boholyoow hiyi-kaca qabiilka
Beentiyo waxan idiinka digay
Wixii belo dhaloo idil!
Siciid Cali
scm
Maxamed waad mahadsantahay, waad dadashay jawabtina thank you baan ku leeyahay.
kkk maya sxb ee in badan baan wali garta lakin naanays uun ban ku garan badan kood waayo mohamed iyo cabdi aya farabatay, marak sidas ayan intan han ku gartay.
salaamu calaykum, salaanta islaamku korkiina ha ahato dhamaan dadka islaamka ,gaar ahana reer boon , si khaas ah waxaan u salaamyaa ciyaartoyga reer boon waqtigan xaadirka ah ee guulaha soo hoyey weyna ku mahadsan yihiin dhalintasi ka soo badiyey meelo kala duwan .anigu laakin waxan kula tali lahaa ciyaartoyga reer boon iney isku dayaan iney sii balaadhiyaan ciyaartooda oo ay la ciyaar Borama,Gabiley,HARGEYSA, iyo magaalooyinka kale ee soomali land inatoo dhaqaale u baahn tahay .reerboonka qurbaha jooga ahna waxan kula talinayaa iney fan gareeyaan dhalinta ciyaartoyga ah si ay niyad ugu helaan calaal aqal in laga taageero qalabka sports ka ah oo lagu deydo muwaadinka XASAN MUSE SUBAGLEH OO run ahaantii caawiya ciyaartoyga.
aad baan inii salaamyaa dhamaan reer boon meel kasti oo aad joogtaan.
YOURS FAITHFULLY
AHMED DHEERE
Ciyaartoygii Boon hambalyo ayaan leenahay laakiin marka ciyaartooy la sheegayo miyaanan lagu soo darayn raggii sahamiyay ee wax ka dhisay garoonka qudha ee dhallintaasi ku ciyaarto isagoo ka mida garoommada ugu baaxadda weyn leh Soomaaliland oo dhan. inkastoo kuwa kalena dhulkii ku hareeraysnaa la boobay amma lagu maqanyahay.
Waxa ka mid ahaa raggii dhisayay garoonka Cabdi Maxamuud Gudaal, Mahdi Faarax Aadan, Hidhka, Maxamed Barkhadleh, Xuseen Djibriil, Laangadhe, Siciid Hindhiso, Xamarre, iyo kuuligii oon aan anigu ka mid ahaa,
Ciyaartoyga boon waxa ka mid ahaa lodkaygii uguna fiicnaa;
- Axmed Jiib
- Jiir Nuur sugaal
- Jiddi Gale (Jaamac)
- Ibraahim Abiib (Dhiico)
- Ibraahim Xasan (Rays)
- Gasle, goolhaye Karaama
- Idris Faarax
- Mukhtaar muumin
- Ina Meegaar
iwm
Intaa intii dhimatay waxan ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisii ka waraabiyo.
Walaal hyena waan iu salaamay,salaan qiiimo badan,war baad i xasuusisay runtii nimankaas aad xustay waan sii xusuustaa wajiyadoodii dhammaantood mar hore ayaana iigu wada danbaysay inina way dhimatayinnina way dhooftay inina dhulkii bay is hayaan,inkastoon berigaa yaraa haddana maalin ayay goolka ii dhiibteen ninka jiddi-gale Allaaa yarxame ayaa difaacii soo jiidhay waan ka hor tegay anna wuu i dhaafay sidaasuuna ku dhashay!waa xasuus waayo-waayo,aniguse waxan ahaa loodkii kacay 90 meeyadii garoonka Boonna ay ugu danbaysay badhtamihii 2001-dii,waxa loodkayga ahaa uguna fiicnaa raggan
Mustafe muumin caateeye
Ina AAdan taaloo
Dawaale cawaale
Ilyaas nuur sugaal oo waayihii danbe isagu Boorama degganaa)
Xasan barkhad warsame i.w.m haddase waxa kacay kuwa sare ku xusan oo markaan ka imnayay 9 jirro wada ahaa..yaaaaab wa taa adduunyadii!
Siciid
salamu alaykum waraxma ulahi aarakaatu
saaan iga gudooma ciyaartoyda Boon, waliba intii aan ku naqanay BOONTII hore inta danbe iyo inta dhexeba,,ee hayne u wan yahay iyo siciid cali,
ninkaa hayne labaxay waxa u soo qoray in aronka boon ay ragasi dhiseen,,,,waxuuna shegay rag dhisay yo rag ku ciyaay uun , wxase qurux aan in aad sifican u sheegto haddi anad garnayna aad waydiiso dadkii kaa waynaa e aqtigaa ciyarayey,,,,,,
garoonkaa BOON hal class macalina u la socday,,,waxaana uu claskaasi ahaa xulkani hoos ku qpran,kana,,,,,,,,,,
waxay u jeediyeen galbeed iyo barri,,,,,,markii hore muddo,
kadina rag intii hore ku jirtay iyo in hor leh ayaa badashay garoonkii oo u jeedisay sida garoomada caalamigu u jeedaan,, HYNANE markaas ayuu garnayaa,,,konfur iyo waqooyi isagoo u jeeda ayaad garnaysaa ayaan ku odhanayaa HYNOW,,waayo adigu garoonkii boodhle ayaad aad uga sheekayn kartaa,kkkkkkk
,,waxaan ku soo gaba gabnayaa,, on aad u salaamayaa ciyartooygii ugu tariikhda dheer BOON ee aan anigu garanayo,,
GEESOLE
CASOOD MUXUMED
JAMAAL
M/DHEGAYRE BY GALOW.
FRASKA CAD,
CABDI MXAMUUD ,,GUDAL
GOAL KEAPER ADAN LAANGADHE,,ALLHA U NARIISTO.1
AXMED MUXUMED
XUUN XAALE,
SICID MUXUMED
HINDHISO
ABIIB CAMIR
C/HI MICAAD
XAMARE,,,,ILLAHAY HA U NARIISTO<
HEADKA
YOONIS AW ADAN GOALKEEPER 2
XERGEEYE oo loo YQANAY NEUTERKA,
waa ciyaartoygiii ugu guusha badnaa BOON ee soo saaray in Boon laga badin karin kubbad cageed,
iyagoo hal malina aan laga badin ayey kubadoodii ku dhamaysteen, 1986dii,
markii gobolka Awdal ay u xoreedoon badhkood walibana ay ka badiyeen sanadkii ugu horeeyey ee la aasasay gobolka Awdal tobarrkii xulk awdalna loo soo xidhay ayey xulkaas la ciyaareen waxayna gushii raacday xulkii BOON oo XULKII AWDAL MALINTAA AYAA ISAGANA LAGU BILAABAY IN BOON OO TULE AH AY KA BADISAY AWDAL REGION ILAA MAANTANA WAA ay socotaa,, markaa waxaan aad ugu dardarayaa dhalinta reer Boon ah in aad dariiqaa la inii jeexay aad xajisaan ragaana aad taalo uga samaysaan BOON..HAYNE isagana waa in uu ragaa xusaa si uu macalimiintiisi uuna u iloobin u kaxaynayey quljeed, taberkana ku siinayey garoonka Boon,
waxaa igu kalifay in aan qoro tariikhdan ninkaa HYNE ee caruurtii isaga BOODHLE KULA CIYARAYSAY soo taxay ee ragii garoonka wayn ka ciyari jiray magacana Boon u sameeyay xaga kubbada cagta ka aamusaya,,
waxaan ku leehay haynoww ama siciid abiib, ragii kuu kaxayn jiray quljeed in aad la soo ciyaarto kuuna ahaa coach ka in aad ka amusto waa qalad adigan inta danbaa kaa amusi markaa ogow tariikda sideeda u xus,
waad salamantihiin by sheeeeeeeeeekhha
XAAMUD CUMAR CIGE AYAAN ILOOBAY OON KU DARIN
scw waxaan aad u salamyaa dhalinta sportiga BOON, kuwii hore kuwa dhexe iyo kuwa maanta,
tariikhda garoonka BOON hayne waa in aad aad u sheegtaaA
si sax ah BOON garoonkeeda One class ayaa sameeay inta kale way u ciyaartay uun,
in aad isku laaqdona maahin nin aan garoonkaa dhsina aad tidhaa wuu dhisay ku dhisayna aad ka reebto waa qalad lakiin waa lagu wada ciyaaray,
xulkiiiiiiii ugu ariikhda dheer Boon waa xulka ugu guusha badnaa , ee ilaa manta dariiqii uu jeexay ay inta danbina ku sii dhiiran yihiin, in awdal lala ciyaaro malinta xulku dhamaysto tababarka gobolada xulkii bilabay kana badiyay xulka Awdal,,gabdhii u soo hooyay Awdal tariikhda lama ilaawaanka ahaa ee muqdisho finalkii geeyayna waxay ahayeen hablo reer BOON ah oo rodad fudud iyo qori sku dhiibka ku guulaysatay bildhiina wdal halkaa uga soo hooyay,,
waa i anad noqn dad tarikhda xaasida ee noqda dad tariikjda nooleeya,, BONta danbaan lahadlaaa
uu Hyne u wayn yahay,,,,,,,,,
xulkaasi waxuu ahaa
Casood muxumed,
GEESOOLE
HAAMUD CUMAR,
JAMAAL
FARASKA CAD.
HINDHISO
ABIIB CAMIR
MAXAMED DHAGAYARE,
XAMARE
XUUNXALE
SICIID MUXUMED
MAXAMED BARKHADLE
CABDILAAHI MIICAAD
AADAN MUUSE ODAWAA
MUSE XASaN
HEADKA
LAANGDHe ALLAHA U NAXRIISTEE,,gaolkeeper 1
YOONIS AW AADAN goalkeeper 2
Hyena waa in aad ka ilaisaa tariikhda qaladka inta aan ilowsanahay waa in lagu daraa,
AXMED MUXUMED SACAD ayaaaaaaaan iloobay ciyaartoygii qaaliga ahaa,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
HALKAN WAXAAN KA SALAAMAYAA DHAMAAN CIYAATOYADA DEGMADA BOON EE USAFTA WAKHTIGAN XAADIRKA AH HA U HOREEYEE MED (DIILAALE)IYO MAJID MAXAMAD (CABDIKHADIIR (RABIILE) MAXAMAD AXMED (GAYLAAN)A_SALAAN (herery)maxamad yaasiin xaashi maxamad cabdi warmahaye maslax maxamad saciid miisaan muxumad buux cabdilaahi(ruqi) faysla fariid(salawaad) mukhtaar miissan (kaahiye) cabdi cabdilaahi(biirloo) cismaan mahdi(malabadane) iyo dhamaan wixii u safta magaca boon iyo waliba yaasir soodhocoo dr.guuleed maxamad (dhagayare)
halkan waxaan ka salaamayaa
dhamaan ardayda boon soley
iyo waliba ciyaartoyada kacaanka sanadka iyo waliba kabtanka xulka yaryar ee 2009 cabdilaahi axmed cabdilaahi iyo maris cabdi saban iyo axmed awsaciid iyo mukhtaar bashiir iyo khadiir sodhocoo iyo guuleed neeroo iyo dhamaan reer boon meelkastay joogaan umada muslinku byyy mahad irije cabdilaahi
ANIGA OO AHAXMED AWGA WAXAAN KA SALAAMAYAA HABLAHA UGU QURUX BADAN BOON WAXAA KA MID AHHABLAHAASI BCAASHA MAXAMUUD QAYAAD IYO SUCAAD XAAMUD IYO IDIL AXMED CABDILAAHI CAATEEYE ARAGSAN CUMAR XAAJI IYO ETC WAXAAN KALE OON KA SALAAMAYAA GAAR AHAAN GALAAS KAYAGA GALAAS EIGHT WAXAA KAMID AH CABDILAA AXMED AXMED AW SICIID SHAMAAKE CABDI IBRAAHIN ETC WAXAAN KALE STAR KA MAGAALADA MAHAD IRIJE CABDILAAHI GUULEED MAXAMED DHAGAYARE IYO KORMEERE SHAQAALAHA SABITAYSHAN KA IYO SALAAN TOON SOO DHAMAYNAYO NAFTU RAAXO JECEL
SALAAN KA SOCATA RAXMA RASHIID MAXAMAD(GABOOBE)HALKAN WAXAAN KA SALAAMAYAA DHAMAAN AKHYAARTA MEELKASTOY JOOGAAN IYO WALIBA WIXII AFTIRSADA GAAR AHAAN AXMED ALI GABOOBE IYO WALIBA MAHAD IRIJE IYO DHAMAAN WIXII GARANAYA MAGACAYGA GAAR AHAAN REER BOON IYO UMADA MUSLIN KA MEELKAS TOY JOOGAAN ALAAHU AKBAR BYYYYYYYY RAMXA RASHIID GABOOBE BOON SOLEY