Ruwaayadihii Reer Boon, Maxaad Ka Xusuusataan..?!!!

Boon waxa laga dhigi jiray riwaayado iyo majaajilooyin ay iska leeyihiin Reer Boon intooda badan, inta kalana ay ahaayeen murti horey u jirtay. 

Wakhtiyadii todobaataneeyadii waxan soo gaadhay koox hormuud ka  yihiin XUSEEN IIDLE, iyo ABIIB AW-AADAN,  oo hogaamin jiray kooxda ay ka midka yihiin Aadan Sharmaarke, Dharo, Nuux, Shabeel, Ismaaciil Geelle iyo qaar kale oo badan.  

Xuseen Iidle wuxu ahaa shaqsigii ugu qosolka badnaa reer Boon ee an abidkay xusuusto.  Wuxu matali jiray Sayid Maxamad Cabdulle Xasan. Tusbax dheer iyo koofiyad iyo cumaamad intuu qaato ayuu ku wardisan jiray luqad isaga u gooniya.  Markuu tusbaxa ku wardisanayo wuxu odhan jiray ASBARO  DHINDHAX…. ASBARO DHINDHAX.. ASBARO DHINDHAX…!!!!.  Kalmadahaas oo is daba joog ah ayuu majaajilooyinka ku matali jiray. kkkkkk

Docdka kale, Abiib Aw-Aadan Jaamac ayaa isaguna matali jiray hogaamiye kacaan  ah oo dhinca dhalinyarada ka socda.  Wuxu ku heesi jiray hees an ka xusuusto MACALINKA:  Macalinkeenu diida, wuxu ina leeyahay maya, ma ogoliine mayae, maxaad idina leedihiin?.   Waxa markaas ka daba jiibin jiray kooxda ay ka mid yihiin Nuux, Aadan Sharmaarke, Dharo iwm, oo odhanaya: Macallinkaanu raacsanahay, waxaanu leenahay Maya, ma ogoliine maya oo, Marnaba ka yeeli maynee.

Marka kooxdaas hore lasoo dhaafo waxa loo soo galayay facii dugsiga bilaabay 1975kii.  Waxay dhigi jireen ruwaaydo, mid ka mid ah ayaa magaceeda la odhan jiray DARUUR BAAN FILAYAAYE, CAR YAAN DAADKU KU QAADIN.  Waxa ku jiray Mahdi Gandhi, Axmad Muxumad Sacad, Yoonis Aw-Aadan Jaamac, Cabdi Daahir Ismaaciil (SALLID – AUN), Xamarre(AUN), iyo dhalinyaro kale oo an imika wada haynin, balse an dib usoo qori doono.

HADABA MAXAAD KA XUSUUSATIIN FANKII IYO SUUGAANTII REER BOON?. 

YAA KA SHEEKAYN KARA RIWAAYADII DARUUR BAAN FILAYAAYE CAR YAAN DAADKU KU QAADIN?

 

9 Responses to Ruwaayadihii Reer Boon, Maxaad Ka Xusuusataan..?!!!

  1. siciid says:

    Ku darso

    Mahdi jaawi
    Safiya hufane
    Hinda aw Aadan
    iyo qaar kale ayaaan anigu mar daaawaday waagaas Axmed muxumedna wuu la jilayay xataa
    Maxamed barkhadle xergeeye

    Siciid

  2. hiildan says:

    kkkkkkkkkkk

    Siciidoow anigu ma xusuusto safiya hufane oo heesta, waxanse soo gaadhay Siraad Hufane(AUN) oo noo heesi jirtay, waxay ku heesi jirtay heesii ‘ma ogtahay Siraadeey’.

    Maxamad Barkhadle Xergeeye wuxu i xusuusiyay C/Laahi Muuse Barkhadle oo laga yaabo inuu malaha ruwaayada la jili jiray Safiya Hufane, wakhtiyadii an Boon ka dhoofay..kkkkkkkkkkk.

    Abwaanka Abwaanada Boon wuxu ahaa YOOLAC (AUN. Heesihiisa ayay dhalinyarada qaarkood ku qaadi jireen.

  3. farxaan saciid sh.cabdi says:

    marka hore salaan qaaliya ayaa u dirayaa maamulaha allboon,marka xiga dhamaan reer BOON.
    wallaalayaal magacayga waxaa la yiraahdaa farxaan waxanan ku nool ahey boondheere,banaadir somalia waxa aan idin soo weydiisanayaa dalab inaad ii soo raadisaan ardey reer boon ah oo aan kuwada nooleeyn dalka ciraaq(IRAQ)sannadadii 1984-1987 markaas oo iigu aragti dambeysey.Haddii aan wax idiinka taataabto ardeygaa oo ahaa shakhsi ilaah mucjiso gaar ah siisey markaad u eegto ardeydayada wakhtigaa ,reer Jabuuti iyo reer soomaliyaba ee waxkabaran jirtey dalka ciraaq,ardeygaa oo isagu ka soo jeeday jaaliyada reer jabuuti laakiinse ahaa shakhsi aan qabiil aqoon oo cidkasta la noolaa,waxa uu ku abtirsan jirey marka qabiilkiisa la weydiiyo boon iyo hareeraheeda,xataa anigu ardeygaa qabiil uu yahey wallaahi ma garanaayo seddex sano ayaan asxaab eheyn.hadii uu geeriyoodey ardeygaasi ilaahey naxariistii jano haka waraabiyo ,hadiise noolyahey wallaalayaal isoo raadiya ama cid ehelkiis ah hadii ay ku nooshahey boon siiya emailkayga ha ila soo xiriiraan aabaal weyn ayuu ardeygaasi igu lahaa,igana gaarsiiya ehelkiis taariikhda aan ka hayo ardeygaa mudadii uu ciraaq ku sugnaa.xagga fanka,sida heesaha oo aan samatar lakala saari jirin,musikada oo uu garaaci jirey cuudka 12 xadhkood laha iyo quitar(elctric)mujaajilada hadalkeeda daa qosol miidhan,ciyaaraha,xagga kubadda cagta oo xariif ku ahaa(DHALIYE),orodada fud fuddud oo schoolka u matali jirey marka la tartamaayo oo xataa waxaa gacan qaadey oo uu la sewirnaa madaxweynihii saddam mar uu ku guuleystey 800m,xaga dhar xidhashada oo aad looga dambeyn jirey qaabka labiskiisu yahey oo ay hablaha wakhtigaaasi daba jabin jireen.intaa iyo in kabadan oo sharaf maamus leh ayuu lahaa ardeygaa reer boon aahi, soomana koobi karaayo,mudo badan ayaan kooxa fanaaniinta ah amaba kooxa ciyaaraha magaciisa iyo sawirkiisaba ka raadshey wolow aan imika sixi kareyn suuradiisa waayo wakhtigaa aad ayuu u d’a yaraa,dadkuna waxey ku xaman jireen ,ciyaartoy ama fanaan mid ayuu noqonayaa.laakiinse nasiib wanaag doraato ayaan web kan ka helay lughaya.com,markaan arkey allboon farxad aan la qiyaasi karin ayaa igu dhalatey,oo waxaaban moodey inan saxiibkey helay.hada dawlada somaliya ayaan u shaqeeya,wallaalayaa ardeygaa isoo hela ilana soo xidhiidhsiiya sida ugu dhaqsaha badan,ama cid eheladiisiya hadey jirto,waayo abaal aan la qiyaasi karin ayaan u hayaa ardeygaa.waxa aan filayaa inaad is weydiinaysaan waa kuma shakhsigaasi,waxa weyi ardey reer boon ah laakin jabuuti soo dirsetey magaciisan la dhaho….CIISE ROOBLE BARRE.
    alaah mahad leh

  4. shekhawi says:

    scw aad baan kuu salamyaa saxiibkaa BOON DHEERE ka soo tayaqsaday Boon, walalo ardaygaa CIISE ROOBLE BARE WAA NOOL yahay ma dhiman ee emailkaaga soo qor ha laguu soo diro profile kiisee. wuxuuna ku noolyahay qurbaha , waa aabbe caruur badan dhalay hadda , kii yaraa ama ardaygii yaraa ma ah,kkkkkkkk
    waa nin kubbada ciyari jiray, hobalada BOOna ahaa , in badana jabuuti ka heesay,, adaa lagu sutayaa in aad emailkaaga soo galiso ,,take my best wishes,

  5. farxaan said sh.cabdi says:

    asalamu caleycum
    Aad iyo aad ayaan ku salaamayaa wallaalkeyga SHEKHAWI ee ka soo jawaabey dalabkeygii waanad ku mahadsahantahey intaad ii hawl gashey,eebana ha ka jisaa’i siiyo aamiin.emailkeygu waa sidan hoos ku qoran (farhansaid1@hotmail.com)fadlan wallaal isoo dir cinwaankiisa ama wax telefon ah hadaad ka haysid amabe qurbuha halkuu kaga noolyahey amaba emailkiisa.
    thanks

  6. mustafe nuur rabiile [dagane
    maxamed barkhad warsame( dajiye
    maxamuud saleebaan cawaale ( dalmar
    faraxaan h.cabdi obsiiye ( dangarad
    axmed dahir cali ( deeqsi
    cabdi yonis candho ( dulmar
    iyo deeqa
    iyo dahabo
    abwaan axmed aw farxaan warse oo lahaa ruwayadaa
    waxaan waydiinayaa in aad xusuusataan ruwaa yadaa ragaasina ay dhikeen oo ahayd ruwayad aad u qoomo badan oo lahayd majaajilo heeso iyo hadalo kale oo dheeraa intaa oo looga dan lahaa rer boon waxaa la odhan jiray magaca ruwayadaa
    sadexda ku gadoonsan boon
    garbaha laga xidhay kafura
    waxaan leehay dhamaan reer boon bal iswaydiiya ruwayadaa cidii karanaysaana hasheegto ujeedada ruwayadaa muqaalakaa ciwaanka waa qayb ka mida heesaha ruwayadaa

  7. welldone says:

    welldone boon

  8. Hyena says:

    Ruwaayaddii ugu yaabka badnayd ee reer Boon dhigaan waxay u dhigeen reer quljeed.

    Waxayna noqotay ruwaayaddii ugu qosolka badnayd, waxayna ku soo gebogabaysmaysay sidatan:

    Reer quljeed ma idiin soo dhammaatay, iyo HHHHHAAAAAAAAAAAAAAAA
    Annagana way noo dhammaatay iyo orod ay hobolladiiba dhammaantood soo baxsadeen illaa Boon. Dadkiina qosol daateen.
    Badhkii la qabtayna ay ku dacwiyeen in loo soo galay ruwaayadda qosol dadkiina ay ka qosliyeen lacagtana anay soo celinaynin maadaama la qoslay.

  9. xasan jaamac says:

    aslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

    waxaan salaamayaa walaalaha maamula siteka allboon
    walaalyaal waad kumahad san tihiin sida fiicaneed usoomuujiseen ilbaxnimada reer boon eekudhisan oqoonta fanka midnimada iyo wada jirka runtii waawaxlxuso waxayna unoqonaysaa umada soomaaliyeed tusaale waxku oola .

    waxaanse halkan kasoojeedinayaa suaal

    maxaad kaxasuusataan malcaamadihii quraanka iyo macalimiintii dhigijiray
    iyo xadrooyinkii jirijiray iyo wadaadadii caanka ahaa?

    waad mahadsantihiin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.