Cajaa’ibka Quraanka

 By  Sh  Abdulrashid Sh Ali Sufi- Doha, Qadar

Cajaa’ibka Quraanka

Wadaad ka mid ah mufakiriinta Islaamka ayaa daahfuray tirooyinka isle’eg ee Aayadaha Quraanka Kariimka ahi ka hadleen, taasoo caddaynaysa sida Quraanku u sugayo sinnaanta dadka iyo sugnaanta in Quraanku yahay hadalkii Eebbe korree oo nasahnaaye, waxaana uu Sheekhaasi soo taxay kalmado iska soo horjeeda oo tirooyinkoodu isku sarjaran yihiin, waxaana ka mid ah:-

Continue reading

Fadka Saar Jabuutaay, Haka Muuqdo Fooddee..!!!

 

Waa lagaa filaayoo, lagaa foolinaayee, Fadka Saar Jabuutaay Haka muuqdo Fooddee”

 

Kii ka Naxoowna, Nafta Waa..!!

Kii ka Naxoowna, Nafta Waa..!!

Waxa la joogaa 27kii Juun, waa maalintii xorriyada dalkeena iyo dadkeena JABUUTI.  Durba Waxa kasoo wareegtay 32 sannadood, oo nabad iyo caano iyo xorriyad taam ah ay Jabuuti ku caano maashay. Laba iyo soddonkaas sanadood waxay  ahaayeen shalay oo kale, oo xusuusta xorriyada jabuuti waa mid  mar walba ku xardhan maskaxdeena.   Bal aynu dib u jalleecno 32 sanadood ka hor iyo  Boon  oo an  joognay markii calanka Jabuuti la saaray, qof an wakhtigaasi garaadkisu buuxinna kama tarjumi karo qiimaha iyo qaayahay  ay maalintaasi lahayd.

  Continue reading

Tahniyad Dhalasho: Waa Gabadh..!!!

Hambalyo: Dhalasho Farxad Leh
 
Dhamaan akhyaarta hoos ku qoran oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa sida Somaliland, Djabouti, South africa, Yemen, Jermany, U.A.E, U.S.A, U.K, Kenya, pakistan iyo Bangladesh waxey tahniyad qiimo leh u diyaraan saaxiibkooda qaaliga ah Mudane Qaalib Mohamed Abdillaahi iyo Marwo Hana Ali Saciid oo taariikhdu markey aheyd 21-06-09 gabadhi ugu dhalatey dalka Yemen magaalada sanca gaar ahaan Hospital ku yaala xaafada Shumayla oo magiciisa la yidhaahdo AL-KHAZAN gabadhaas oo loo bixiyey Mawada Qaalib Mohamed waxaan leenahay noqo tii dalkeeda, dadkeeda iyo diinteeda anfacda alaha aqbalo aamiin.
Continue reading

Waa Maxay Bacda uga shanqadhay Wasiirka Arimaha Gudaha Xeebaha Gobolka Awdal?

 

By MC Sharif – Sanca Yemen
  
Wacan oo Wanaagsan dhamaan akhyarta sharfta leh ee wax akhrida waxaan hawada iniisoo marinayaa salaan qaaliya.
Socdaalka uu ku tagay Wasiirka arimaha gudaha ee JSL C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ku yimid si kadis ah  isagoo kasoo galay wadanka dhinaca Jamhuuriyada Djabouti  lana sheegay inuu halkaasi u tagay arimo  xaasaasiya oo la xidhiidha in halkaasi lagasoo dajiyo badeecado iyo hub degaanada xeebta Bullo-Caddo ee u dhaxaysa Zeilac iyo Lughaya hadaba tuhunka uu ku tagay wasiirku in halkaasi ay jiraan warar sheegaya in ay  kasoo degaan hub iyo badeecado sida ay qortay Websiteka Gabileynews.com.

ALLA HA U NAXARIISTO FAARAX CABDILAAHI FARIID

Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca xaaskayga iyo carruurtayda , magaca qooyska reer Caateeye Faahiye iyo  magaca bahda HiilDan iyo AllBoon, waxan ka tiiraanyaysanahay kana tacsiyaynayaa geerida Marxuum Professor Faaraax Cabdilaahi Fariid. Waxa an tacsidan si gaar u gaadhsiinayaa Qooyskii uu ka tegay marxuunku ee London Uk, oo ah reer an lasoo barbaaray. Kuwaas oo kala ah Xaaskiisa DAHABO, iyo carrurtiisa; C/Raxmaan Faarax Cabdilaahi,; Maxamad Faarax Cabdilaahi, Muxyadiin Faarax Cabdilahi; Axmad Faarax Cabdilaahi; Faadumo Faarax Cabdilaahi;  Xaawo Faarax Cabdilaahi; iyo Saynab Faarax Cabdilaahi.

Continue reading

Safiirka Soomaliya U Fadhiya Turkiya, Oo Ka Tacsiyaynaya Geerida Marxuum C/Laahi Oomaar

Tacsidan waxa an si gaar ah u gaadhsiinayaa Wasiirka Arrimaha dibada Jamhuuriyada Soomaaliya, mudane Maxamad Cabdilaahi Oomaar. Waxan ku leehay Sacaadatu Wasiir: Ilaahay Samir iyo iimaan hakaa siiyo geerida ku timid Aabahaagii ad jeclayd ee marxuum Cabdilaahi, isagana haka waraabiyo Naxariistii janno. Halyeey iyo Oday Soomaaliyeed ayuu ahaa oo dalka dhan laga wada yaqaano, taariikhdana wuu ku xusan yahay. Adiguna waxad ku joogtaa raadkiisii, Ilaahayna hakgu asturo xilka iyo masuuliyada ad u hayso ummadda soomaaliyeed oo dhan, bedel khayr qabana hakaa siiyo geerida  marxuunka Aabo C/Laahi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Dr Hilaal Maxamad Aadan, ayaa isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timid Marxumm Cabdilaahi Oomaar Cawaale, wuxu u hadalkiisa u dhigay sidatan:  

 

Continue reading

Tacsi Cabdi Xasan Buuni(Aun)

From Ojor Family and Bulaale Family

Qoyska Reer Daahir Ahmed Iyo Carurtodu,waxan tacsi tiiraanyo ah u diraynaa qoyska iyo qaraabada iyo dhamaan bulsho weynta somaliland ee uu ka baxay allaha u naxariisto wasiirkii xiriirka golayaasha MARXUUN CABDI XASAN BUUNI oo ku geeriyooday magaalada london ee carriga Ingiriiska,ilahay inaga siiyo samir iyo iman,marxuunkana ilahay janada haka waraabiyo
  Continue reading

Tacsi: Marxuun Cabdi Xasan Buuni (AUN)

 By Axmad Carwo

Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka Somaliland Democracy Shield, waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta kale, ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Marxuum Cabdi Xasan Buuni waxuu ku geeriyooday magaalada london oo uu caafimaad u joogay.  Marxuumku wuxuu ahaa ruug caddaa siyaasadeed, waxaana uu ahaa siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee ugu da’ wayn dhamaan bulshada af-soomaaliga ku hadasha.

Continue reading

Maanta ma kastid mana kasban kartid wanaag, ee kas xumaadaa addaa wax ku la,a: Boon iyo Biyo

 By Yaasiin Siciid Cusmaan            

Scw salantaa islaamka dabadeed waxaan hanbalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa ,dhamaan waayeelka,haweenka ,culimada, dhalinyarada iyo cuqaasha BOON, meelkastoy jogaan.  Waxaan malmahani ina dhaafay ama usbuucan ka akhristay websiteka saylac.com in dhalinyarada Boon ay biyihii la wareegeen markii loo magacabay dad khaas ah,, waxan kaloon manta oon qorayo maqaalkani aan ka akhristay lughaya.com in dalinyaradii biyahaa isku xeertay uu police ka selel uu arintaa xaliyay uuna ku xaliyay wadahadal ka hor in cid dhex dhexaada loo sii dhiibo biyaha mamulkooda inta loo xilsarayo cid loo garto biyahaa,,,,,,waa sidaan ka akhrisatay,ama uba fahmay.

Continue reading

Boon iyo Maamul Xumida Biyaha

By Cumar Maxamad Qayaad (Xadaari)- Hargeysa
 
 
Baryahan danbe waxaa ka jiray boon khilaaf ku saabsan cidii maamuli lahayd biyaha ay Boon isticmaasho, Khilaafkan ayaa ah mid in mudaa soo jiitamaayay sida ay dad wax ogaal ahi ii sheegeen kadib markii maamulka degmada Boon ay si toosa ugu wareejiyeen dhalinyaro reer Boon ah.