Boon Maka Dhigi Karnaa Sida Jaziirada TUTTI oo Kale?

By Dr Yaasiin Siciid Axmad

 scw aad  baan u salamyaa dhamaan dadka wanaaga jecel dhamaantood meelkastoy ku noolyihiin.

waxaan maanta jeclaysay in aan uga waramo asxabtayda websitekan Allboon.com aan ku kulano. In ay jiraan dhul aad u qiimo badan oo ay qiimahaas dadka ku dhaqani ay keeneen.

 

               sudan-2003_1061576760_10_tutti_island_from_nile_road                         

   

Jziirada TUTTI  

 Aniga oo in muddaha ku nool dal east africa ah waliba ku jira urur goboleedka IGAD, wadankaas oo la yiraa SUDAN, waa wadan aad u balaadhan oo gadhaya bedkiisu malyun   km isku wareega ah, hadaba dalka intaa badkiisu leegayahay waxaa ku nool dad garaya 39 milyan oo qof.

waxay dadkaas noloshoodu ku tiirsantahay BEERAHA, Iyo khayraadka dabiiciga ee dalkaas. dadkasoo kala duwan jinsi ahaan waxaa loo qaybiyaa in ku dhaw 700 oo qoomiyadood, waxayna ku hadlaan 10 lahjo,waxase la isku af gartaa luqada carabiga,,dadkaa kala duwan waxay ka soo jedaan 10 dal oo xad la leh sudan,, sucuudiga oo xaga badda ah, Eretria,Ithopiya, Central africa, Dr congo,Uganda,kenya, Libiya, Masar,Chad waa dalalka xadka

mapdata

 la lh Sudan,,

dadkaasi waa dad aad u nabad jecel ahana dad aan noolankarin dawlad la,aan inkastoy ka soo kala jeedaan meelo kala duwan carab iyo afrikaan intaba, lakiin waa isku dan waana isku dal.

wadankaas waxaa mara wabiyada Nilka buluuga ah oo kayimadaa Ugandha iyo Nilka cad,oo kayimada xaga ithopiya labadaa nile waxay is kugu yimadaan magalada Khartoum oo magacaba aad ka garato, meshaas ay labadaa wabi iskugu yimadaan  waxaa la yidhadaa jasiirada TUTTI.

waa meel aad u quux badan oo aan anigu degaan ahaan ii dhaw subaxiina aan marro malinta aan caajisana aan ku yara dul fikirro, ilaa aan ku doogsado eegideeda.waxa ay tahay u jeedadaydu,, dhulkastaba ilahay waxa uu dhigay umad uu illahay u gartay,oo uu dajiyay

Umadaasi dhulkeedaa ay degantahay way ku nooshahay waxayna ka kasbataa nonol malmeedkeeda, waxay ku dhiiranadaan inay horumariyaan,, dadka degan dalkani waa dad aad u jecel dhulkaas oo intiisa badani saxaare yahay iyo kulayl waxaa dheer boodh sida roobka soo da’ a oo dadka ay ka qadaan xasasiyad iyo neef ama cudurada neefsashada ku dhaca,, iyadoo dalku sidaa yahay dadkani waxay aad uga jecelyihiin dalkood dalkasta oo aduunkan jirra ninkastoo yurub ama maraykanka ku nool ama joogaa dalkiisa ayuu ku soo noqdaa dalkastana ma aqbalayaan inay ku nooladaan way ka soo sahqaystan waxayna dhistaan wadankooda ,,,,

dadkaa reer Sudaan waxay dhan ka matalaan reer Boon , waa dhanka jecaylka tuulooyinkay ka soo jeedaan, ninka manta casimada joogaa waxuu malinta ciida tagaa tuuladiisii oo magalada casimad ah tukaan aad wax ka iibsataa ma jirro malintaa ilaa 4cishee ciida,waxaan manta is leehay in reer Boon ay heleen dad sidooda u jecel dalkooda,

wax yaabaha aan kaga dayankarno dadkani ee aan mudada badan dhex joogay waxa weeyi,,siday u beeraan dhulkooda oo aan inaguna u bahanahy in aan beerno

 Magaladii ama dhulkii Boon  cimiladu si ay u wanagsanaato dhulkuna isku badalo oo uu caradu u hesho nafaqo. Geedaha ku haboon Beerista magalooyinkeena ayaa jirra oo aan rabbo in aan soo qaadno kuna beerno dhulkeena.  waxaan reer Boon ka codsanayaa In nin walbaba oo reer Boon ah uu iga qaato geedkaas oo aan keeni doono Boon, geedaha aan keenayo waxa ka mida Geedka loo yaqaan GEED soomali oo aad u qurux badan jasiiradaana aad ka arki kartaan,, GEEdkaas oo cilmi ahaan soomaliya ka soo jeeda iyo geedo ubax ah oo sharaab ahaan loo cabbo loona yaqaan (karkadee),, oo aan keenay mar hore Boon,

 waxaan inigu siin doonaa bilaash iniguna waxaad ii balan qaadi doontaan in aad si qurux baan u Beertaan si bilicda magaladu u qurxonaato, ta kale haddii anan inagu qurxisan wadankeena ayaa inoo qurxinaya? ma dalal dadkale qurxisteen ayaad u tahriibi kadibna sidii dameerkii is moodi daartaad hoosmarayso ama geedkaad ag fadhiso ama beerta aad dalxiisaysaba in aad adigu leedahay?,,, waa maya waa wax laga xumaado.

Boon waxaan jecelahay in dadkani aad isku dhawdihiin xaga wadaniyada aan ka soo qaado waxay inagaga fiican yihiin si aan horumarka ugaga dayano,, waxayna horumar ka gareen qurxinta dhulkooda Beerista dariiqyada waxaan jeclahay in aan wax barsho oo qudha u joogine aan ka soo guuriyo waxyaabo badan oo ina anfacaya sida jajuurka yaryar ee dhoobada ah oo si fudud lagu sameeyo .

Jaziiradana iyo wabiga Nileka dhoobadiisana laga sameeyo si fudud dhoobada nuuceeda  waan haysanaa oo waa mid aan ka helayno dhulkeena, si fududna waa loo sameeyaa,reer Boon ha u diyaar garoobeen.

 In nin walba uu ka qayb qaato qurxinta degaaka iyo Beerista guryahooga hortooda,, oo ha iska iloobeen fadhi ku dirirka badan.

 Waxaan ku soo gaba gabynayaa,, waa in aan dhisanaa magaladii aanan ku beeraa meelo quxoon oo indhaha dadka soo jiita laga bilaabo guryaha ilaa magaalada duleedkeeda,,

markastoo Boon la qurxiyo waa markastoo dalkeena aan qurxinayno,, waxyaabaha la inaga dayan karana aan samayno, isha allaahu,,  

 

BY  yassin saed osman

  

                                                       

4 thoughts on “Boon Maka Dhigi Karnaa Sida Jaziirada TUTTI oo Kale?

  1. Salaamu calaykum walaal!

    Waxay ila tahay inaynu halkaas iska shabahno,waxan waliba anigu jecelahay inuu ninkasta gurigiisa ka bilabo si meel dhexe laysugu yimaaddo,anigu gurigayga waan dhisanayaa hadii Eebbe idmo ugu danbayn xaggagga danbe haddii Alle i gaadhsiiyo,waxanan noqon doonaa tusaale fiican!
    Maskax ururtay madax bay dhashaa!waa in loo kala baxaa GALOOL iyo QUDHAC!Heegan baanan ahay sidii HALYAY Marxuum MUXUMAD SACAD!

    Scidii yare

  2. balse waxan ilaaway in hawsha la qaybsado bishiiba fikirad bay keenaan,qaar iskuulka ha caawiso,qaar Isbitaalka,qaar isboortiga i.w.m Dr yaasiinoow adiguna taas ku Eekoow,ninba halkuu ku fiican yahay ha loo daayo,dawaarka dawaarlaha,abwaanka maansada,dillaalka dilaalinta,macallinka dugsiyada i.w.m dadka ayaa innaga yyaacaya haddii kale yaynaan kolba jiho u boodin.

    Wa salaaaam mar 2 aad

  3. Aad baan idiin salaamayaa macalimiinta Boon haddii ad tihiin, waa Dr Yaasin iyo Siciide. Boon waxaynu ka dhigi karnaa waxkasta oo aynu jecelnahayba. Haddii aynu rabno inaynu jasiirad ka dhigno, waa inaynu Harihii Boon isku wada xidhno aaynu ka dhigno Bad marka hore, dabadeedna badaas ka samaysan Haraha aynu Boon dhex dhigno kkkkkkkkk.

    Si kastaba ha ahaatee, waan fahmnay fikirka Dr Yaasiin, aadna wuu u fiican yahay. Siciidna sidoo kale, hawsha halla kala lahaado ayuu yidhi oo halla kala qaybsado. Anigu halkii ad igu soo qortiinba waan qaadan doonaaye, bal inoo soo qora qofba halkaad ugu talisiin iyo intii qaadhaan ad ku xukuntiin. Kadibna Boon aynu daruuraha gaadhsiino.

    Inataa ka sokow, waxan salaan iyo duco dhammmaan reer Boon uga sidaa, SULDAAN YUUSUF SULDAAN CAATEEYE SULDAAN FAAHIYE, oo idin leh,ALLAHA IDIN BARAKEEYO reer Boonoow.

    Abdiqani Ateyeh

  4. scw salantaa islamka dabadeed
    aad baad u mahadsantihiin dhamaan inta wanaaga jecel BOON uun kuma koobnee dad badan ayaa jirra oo wanaga jecel,,
    waxaa ajar inoogu filan in aan adeegsano aqligeena, inta aan aduunkan joogno ee aan ciida la inagu ridina aan camirno dalkeena gaar ahana Boon , ninba waxuu ku camirayo isagay u talaa,,,
    waxbarsho uu aqoontiisa hurayo, mamul wanaag uu tababro ku bixinayo, hanti iyo dhisme,etc ninwalba waxuu awoodiisu siiso waa awooda aqliga,, ayaan u jeedaa,,
    waxaan odhan lahaa si horayba loo yidhi ragu 3 waa iskagaga mid 3na way ku kala duwan yihiin.
    1-magaca 2-magta.iyo 3-moganka, waa iskaga mid, waxay ku kala duwan yihiin 3,, 1-wax tagay ka tagidii,
    2-wax jooga ka talintii
    iyo,3- wax soo socda ka fiirsigii,
    markaa maanta 3daa ayaa ina kala geyni reer Boonow ee ogaada..
    by sheekhawi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s