By Mukhtaar Muumin Caateeye

Waxaa si rasmi ah albaabada loogu furay Taariiqdu markay aheyd 01/09/2008 waxaa Nasiib u yeeshay oo noqday Class kii u horeeyey F1 arday Tiradoodu dhantahay 21 arday kuwaasoo ka kooban 12 wiil iyo 9 gabdhood .
Dugsiga sare ee boon Wuxuu U furay dad ka reer boon Bog Cusub oo Hididiilo badan Xambaarsan waxa uu sidoo kale abuuray rajo in badan La tiirsanaayey Nasiib wanaag Maalintii Sabtida oo ay bishu aheyd 06/06/2009 Ayaan soo Gaba Gabeynay Sanad Dugsiyeed kii u horeeyey Ee Dugsigu Dhamaystirmay Munaasabadaan awgeed waxaa isla maalintaa dugsiga lagu qabtay Xaflad aad u balaaran oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan Bulshada Boon ku dhaqan waxaa Xaflada Si balaaran loga hadlayey qiimaha Dugsiga uu ugu fadhiyo Bulshada Reer Boon iyo sida loogu baahanyahay in Daran yada Laga Dhabo.
Kaasoo Ka soo Qeyb Galayaashii Xafladaan ka hadlay waxaa ka mid ahaa dhinaca Raga ABIIB AW AADAN JAMAC , ABIIB ROOBLE XOOSH, SALEEBAAN CAWAALE BURAALE , MAXAMED IBRAAHIM GUREY , ISMAACIIL GEELE CAAMIR Iyo Marti sharaf kale dhinaca Haweenka Waxaa ka mid ahaa Haweenkii Munaasabadaan ka hadlay Faadumo Hufane Meydhane Sacaada Maxamed Dawal iyo Hooyooyin kale Dhamaan intii ka Hadashay Rag iyo Dumarba waxay ku nuux nuuxsadeen sida loogu baahanyahay in fursadan laga Mira dhaliyo taasoo u baahan iskashi iyo wada Jir.
Ugu danbeyntii waxaa mahad balaaran loo celiyey ALLAH oo gar gaarkiisa la’aantii aanu waxba sura galeen mar labaad Dhamaan dadweynaha Reer Boon ee Dibada ku wada Nool Rag iyo Dumar ba Dadaalka wanaagsan ee qiimaha badan ee abuurida dugsigaan ay ka geysteen iyadoo si gaar ah loo xusay idiris Maxamed sacad oo run ahaantii dadaal weyn oo maal iyo Waqti bal eh ku bixiyey sidii loo hir Galin lahaa dugsigan
















BY: Mukhtaar Muumin Caateeye
Maamulaha Dugsiga Sare Boon
Like this:
Be the first to like this post.
marka hore waxaan salaan balaadhan usoo jiidinayaa dadwaynaha reer boon meelkasta oo ay joogaan. Intaa kadib waxan aan aad ugu faraxsanahay dugsiga sare ee boon secondary school oo xaqiiqdii si wanaagsan iskugu diba dhacay. waxan mahad balaadhan ujeedinaya qurba joogta reer boon ee ku guulaysatay inay dayac tiraan hadaytahay dhisme iyo miishaarka macalimiintaba taasina waa guul ay gaadheen reer boon waxana loo baahanyahay inay halkaa kasii wadaan waxan kaloon iyagna mahad usoo jeedinayaa macalimiinta dugsiga dhamantood.
Waxan isagana aad ugu habalyaynayaa mamule mukhaaar muumin cateye oo isaguna mamul wanaagsan kamuujiyay halkaas mar aan soo maray dugsigeena boon waxan u khushuucay kala danbaynta ismaqalka uu ku shaqaynayay. Waxanan xasuustay dugsigii hore ee boon uu gacanta ku haynayay mudane Maxamed Daahir
Barkhadle, waxan kaloon dardaaran ujeedinayaa ardayda dhigata dugsiga inay usoo jiidaan samcad boon oo ay ku guulaystaan kaalmaha hore intaa dabadeed waxa loo baahan yahay dhiiri galin iyo isku duubnaan
waa walaal kiin maxamed barkhad warsame (Maxamad-Buux)
Ankara – Turkey
Aad baan u salaamayaa dhamaan macaliminta maamulaha iyo ardayda wax ka dhigata dugsiga sare ee boon isniino secondary school
waxaanan leehay well done boon
thats all
by-your respectable
brother
mahamed ahmed
Asc allboon dhammaantiin waan ini salaamaya reeer boon meel kasta ood ka joogtaan caalamka.
Wallaahi runtii aad ayaan ugu farxay guushan ad gaarteen waanad mutaysateen runtii hambalyo iyo tahniyad, waxaanan halkan ka arkay wajiyaal aan iloobay oo muddo ay iskugu kaayo dambaysay.
Kuwaaas oo ah aabeyaal iyo hooyooyin reer boon ah iyo waliba dhalin yar reer boon ah.
Oo u ka mid yahay maamulaha dugsiga sare ee boon mudane mukhtaar muumin caateye iyo waliba macalimiinta dugsiga.
Waad salaamantihiin dhammaantiin mar labaad.
Waxaan aad ugu mahad naqayaa allaah jalla wacalaa kadibna raggii fikirkooda gashay website kan kuna dadaaalay inay na tusaaan dhulkayagii iyo dadkayagii.
Waanan ku farxay runtii dadkaas aadka u dadaalay.
Guul ayaan innii rajaynayaa dhammaantiin
C/llaahi Cali Geele
Stockholm
Sweden
salamucalaykum waraxma,…………….bacdeen.
dhawaaq san baa iiga
baxay beeshii baryahaniye.
markasaan is moog
baydadka maansada badhaaye.
ma baydareeyee meel
aan ogabaan baal-degayaye.
Barbartani baxasanee
baaqa isku diraysaay
Xusuustii barisamaad
boholyowga is badaay
Barrtii aad ku barbarteen
iyo Boon xusaysaay
Baaqiinaan baxayaa
barwaaqo noo horseediye
Himilada barakaysaneed
ku haysaan beerkiina
Baroosinka inaad u
tuntaan baan ku buseeliye
Waligeen bahwaynteena
laga waa bakhaylnimo e
Barbarkaad ka joogtaan
baylah laga waaye
Bannaan hadal ma bilee
hagardaamo ka dhawra.
hugun beenihiyo dede
faan badan iska dhaafa.
dantu baadi weeyee nin
baariya male udhiibta.
baddii kay ku oontiyo
burburiye badow ka eega.
waa lagu bogsoodaa murtidii
baahida reebtaaye.
dhawaaq san baa iiga
baxay beeshii baryahaniye.
markasaan is moog
baydadka maansada badhaaye.
ma baydareeyee meel
aan ogabaan baal-degayaye.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
aad baan inii salamay asxaabta reer Boon sidaa bal nooga farxiya,
runtuna ayey been iniga noqon,,,,, by Sheekhawi
salaani korkiina ha ahaato dhamaan reer boon meel kasti oo ay joogaanba ,boon oo dugsi sare yeelatey waa ilaahay mahadiis anagu markaan dugsiga hoose dhexe ka baxno boorama uunbaa lanagu tuuri jirey oo iyana qurbe yar nagu noqon jirtey waayo waa meel uuna waalidkaagu joogin ,hadana magaca boon uunbaanu dugsiya ku hogaamin jirney .maanta oo boon dugsi sare yeelatey waa ilaahay mahadiis,ardeydaasi wey nasiib fiican yihiin .
waxaan halkani ka salaamayaa maamulaha dugsiga sare ee isniino mr mukhtaar muumin caateeye oo runtii aad iskugu duba ridey maamulka iyo kala danbeynta dugsiga.
waxa isna in la xuso mudan fikirkii ka danbeeyey dugsigan oo uu hormood ka yahay mudane idriis muxumed sacad.
dhamaan reer boon waad salaaman tihiin ,
JAALLE AHMED BARAKAAT
dhammaantiin bulshada wanaagga iyo sharafka badan ee reer awdal khaasatan reer boon..waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka asalaamu calaykum warraxmatu laah..salaan dabadeed weligeedba bulshada reer awdal waxay ahaayeen dadka lagu daydo xagga tacliinta..imminkana aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka ay tiigsatay degamada boon oo ah inay yeelato dugsi sare oo aanay horay u lahaan jirin taasna waxan leeyahay ilaahay haka abaal mariyo intii ku talisay iyo intii ku tacabtayba oo uu ugu horreeyo maamulaha dugsiga sare ee boon ee qoraalkan ku saxiixan waana mukhtaar muumin caateeye…waxana aad iisoo jiitay bilicda iyo aadaabta ka muuqata hablahan eebbe sharfay.khaasatan waxan la dhacay inanta gaaban ee abaal marinta la guddoonsiinayo..waxan ku leeyahay maasha allaah ilaahay haku daayo,,,dee kolley maaddaama aan muddo ku taamayay inaan gabar gudabiirsay ah guursado malaha tani waa taydii…..kolley waayeelku hadalkiisa kaftan buu ku dhammaystaaye..hadalkayga u qaata kaftan iyo dhab isku jira..inantaas aan calmadayeey adigana waxan ku leeyahay aynu wada xiriirno emailkayguna waa..obsiiyeq@hotmail.com
reer boon Abti waan idin salaamay aad iyaanan ugu farxaa wanaagiina aad samaysateen markaan arko.
waxaan leehay ilaahay haydin garab galo..ma ilaawin Boon oo ah meeshii solayga macaanad..siina wada wada oo tacliinta iyo wax barashada.