Waa Maxay Bacda uga shanqadhay Wasiirka Arimaha Gudaha Xeebaha Gobolka Awdal?
June 24, 2009 Leave a comment
By MC Sharif – Sanca Yemen
Wacan oo Wanaagsan dhamaan akhyarta sharfta leh ee wax akhrida waxaan hawada iniisoo marinayaa salaan qaaliya.
Socdaalka uu ku tagay Wasiirka arimaha gudaha ee JSL C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ku yimid si kadis ah isagoo kasoo galay wadanka dhinaca Jamhuuriyada Djabouti lana sheegay inuu halkaasi u tagay arimo xaasaasiya oo la xidhiidha in halkaasi lagasoo dajiyo badeecado iyo hub degaanada xeebta Bullo-Caddo ee u dhaxaysa Zeilac iyo Lughaya hadaba tuhunka uu ku tagay wasiirku in halkaasi ay jiraan warar sheegaya in ay kasoo degaan hub iyo badeecado sida ay qortay Websiteka Gabileynews.com.

Hore ayaan u ogayn in laga mamnuucay in lagalsoo dego dekada Zeiylac iyo Lughaya shidaalka kadibna ay ka dhalatay mudaharaad iyo gacanka hadal sida lughaya oo ay shicibkii la wareegeen saldhigii Poliska markii ay dhacday shaqaqo iyo mudaharaad joogto ahi kadibna ay socon wayday in loodiido oo laga mamnuuco shidaalkaasi kasoo degaya xeebaha Zeiylac iyo Lughaya waxaase lasaaray cashuur siyaado iyo dhabar jabin ku noqonaysa ganacsatadaa soo koraysa lugahana ay dawladu u qabanayso shirkada TOTAL ee ay xakuumadu jeebka ku shubato waxii ay cashuur ka qaadaan hadaba dhalinyartan wax kalasoo degaya meelahan uu wasiir Cirro ku maraayo sacdaalkiisaee dedaalkana uu ugu jirosidii uu u hakad u galin lahaa dhalinyartan ku dadaalaya sidii ay u samayn lahaayeen inay daboolaan baahiyaha Gobolka kolba waxa uu u baahanyahay ee ay ugu horeyso shidaalka ay Ethiopia inoogasoo gala iyada oo Yemen oo shidaalka soo saartaa aan la leenahay xaduud badeed aad u dhow oo uu laashka dheereeyaa ku imanaayo 3 saacadood xeebta Bullo-Caddo ilaa Yemen.
Shaki kuma jiro in wasiirka Arimaha Guduhu uu rabo in uu indha in dheeyo xog waraysina ugu jiro sidii uu u heli lahaa dhamaan ilaha dhaqaalaha ee Gobolka Awdal uu una sii siyaadin lahaa cunaqabataynta ay ku hayaan isaga iyo xulafadiisu kuna jiro in uu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulo sidii uu kolba isha yar ee u furanta Gobolka Awdal u saqiirin lahaa wasiirka safarkaasi dheer ee uu ku marayo xeebaha galbeedka JSL gaar ahaan xeebaha gobolka Awdal shaki kuma jiro inuu waxyeelaynayo caqabadna ku noqonayo dhalinyarada dadaalaysa ee hadii 2000$ oo dollar ay usoo diraan dadka dibadaha u jooga ee ay qaraabada yihiin ay ku bilaabaan soo dejinta shidaalaka laga keeno dalka Yemen oo ay ka helaan macaash yar oo ku filan nolol maalmeedkooga uu rabo wasiirkaasi bacaysani in uu mija xaabiyo oo ay tahriibaan sidii dhalinyaradii hore ee ilaahada ku dhimanay badaha Liibiya,hadii ay noqotay wasiirka Cirro in uu wadanka ka tahriibiyo dhaliyarta u dhalatay isaguna uu hantidii dadweynaha uu leexsado muxuu ku gartay?
maxaase lagasiiyaa xisbigan UDUB gobolka Awdal ee ay markasta ugu jiraan in ay ka shaqeeyaan waxii dhib ku ah sidii diwaan galintii sanadkii ina dhaafay oo dhibaatadii iyo shaqadii ka dhacday ay ilaahada laysku hor fadhiyo degaanka ceelbardaale oo waliba ku darsoo wasiirkani lugmasoo dhigin halkii lagu dhexdhexaadinayey labadii beelood ee fooda isdaray dhimashada iyo dhaawacuna dhexmaray wasiirku Cirrooy maxaad ka doontay Xeebtaasi dheer ee aadka u fog eed kusiganaysid in aad jidka ka lunto ama aad giriyaad afka saarto? halisna aad u tahay in hadii baabuurka aad wadataan iyo ilaaladaaduba aad jidka ka luntaan kadibna aad haraad u dhimataan ama halis kale oo ay kamid tahay miinooyinkii ka hadhay dagaaladii sokeeye ay kugu qarxaan? maxaadse u iman wayday halkii lagu dhexdhexaadinayey dagaalkii ka dhacay Reer Maxamuud Nuur iyo Reer Xareed?Maxay tahay u jeedada kadanbaysa in layidhaa hub ayaa kasoo dega degankaasi shaki kuma jiro in la doonayo cunaqabatayn lala rabo Gobolka Awdal oo aan ladoonaynin in madaxa sare loo qaado markastana aad u daba fadhiisato dekeda ay maamulaan HABAR AWAL ee Berbera oo si xun loola dhaqmo Ganacsatada Gobolka Awdal oo markasta cabasho ka keena sida aan ixtiraamka lahayn ee loola dhaqmaayo Ganacsatadaasi hadii ay kalasoo degaan bagaashkooga Lughaya maxaa dhacaaya? dawladuna ay qaadato cashuurteeda halka ay hada kasamaynayaa borobagaandada ay leeyihiin hubbaa lagasoo dejiyaa waxaan ku boorinaya dhamaan dadka ay deni ugu jirto in halkaasi ay ka shaqaystaan yaanay cidna ugu haybaysan waxii danta gobolka iyo danta gaar ahaaneedba ku jirto.
ugu danbayntii waxa aan leehay wasiir Cirro waa in aad ka waantoowdo bara bagaandada aad ku doonayso inaad ku waxyeelayso danaha Goboladayada waxkasta hadii la jeclaato Goboladaada anagana waan ka jawaabaynaa oo ma ogolin qadana mayno in lahor joogsado ama dacaayad raqiis ah lagu sheego goobaha ay danahayagu ku jiraan ee faraha kala bax oo ka shaqee waxii kula da’ah ee ay jirto nabadgalyada dalku sida arimaha kajira deegaanka ceel bardaale oo kale ayaa hawshaada iyo shaqadaada ah ee waa maxay bacda uga shanqadhay wasiirka arimaha gudaha xeebta gobolka Awdal?
Maxamad C/raxmaan Sheekh Shariif.
Yemen Sanca.