Waxa La Joogaa Juun: 26ka Juun
June 26, 2009 Leave a comment
Waxa la joogaa 49 guuradii kasoo wareegtay maalintii ugu horreysay ee Dal Soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calan soomaaliyeed oo xor ah. Waxana nasiib darro ah in maanta Isticmaarkii an ka qaadanay aqoonsiga iyo xorriyadda an hadana dib u weydiisanayno aqoonsigeena iyo xorriyadeena.

Waana wax laga xumaado. Waxa kale oo waxa laga xumaado ah in calankii an ugu hor taagnay Woqooyi isna loo tuuray Koonfur, lana hilmaamay halyeeyadii naftooda u huray gobanimadan qaaliga ah. Ilaahay an u barino inuu naxariistiisii janno ka waraabiyo Mujaahdiinta Runta ah ee la jihaaday gaalada, calankeenana iyo xorriyadeenana innoo soo dhiciyay. Sidoo kalana an Ilaahay u barinno inuu dalkeena Hooyo, ee maanta dib ugu noqday gunnimmo iyo gumaysi, gobanimo garansiiyo, una gargaaro
.
Hestan iyo laxankeeda, oo labo sanadood ka hor an si deg-deg ah u sameeyay ayaan ku xusayaa sannad guurada sannadkan.
Baydka Koowaad
Waa maalintaan Jinniyo
Jaan gumaysi tuurnee
Jeegada u laalneen
Jaaw nidhi Jirjiroolaha
Waa maalintaan Jidbiyo
Jacayl ku sallaaneen
Jaliiloow nidhi mahadaa
Noo Joojisay Calane
Waxa la joogaa Juune
Lix iyo Labaatankii Juune
Lix iyo Labaatankii Juune
Sida U Jaxaastaa
Jalddiga Qardhaastoo
Johored weeyiye
Jidhka ku haystoo
Jal marna ka dhigta
Jinaw iyo dheefe
Waxa La Joogaa Juun
Lix iyo Labaatanka Juun
Lix iyo Labaatankii Juun
Baydka Labaad
Waa maalintaan Jirriqaagiyo
Jabiso Jidhif lihaydiyo
Abeeso Dhul Jiiftay
Jarnay hadimadoode
Waa Maalintaan Jabhadihii
La Jihaaday Gaalada
Jibbaarkeen uga barinay
Naxariistiisa Jannaade
Waxa La joogaa Juun
Lix iyo Labaatankii Juun
Lix iyo Labaatankii Juune
Jalbeebta heelada
Jiibsha Ciyaartoo
Jugta Wilwilaha
Kaga Jibaadshoo
Jeeniga isa saaroo
Salaan Jawaaboo

Waxa La joogaa Juun
Lix iyo Labaatankii Juun
Lix iyo Labaatankii Juune
Nabad iyo Caano Aynu Ku Ciidno
Abdiqani Ateyeh