AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Fadka Saar Jabuutaay, Haka Muuqdo Fooddee..!!!

Posted by hiildan on June 27, 2009

 

Waa lagaa filaayoo, lagaa foolinaayee, Fadka Saar Jabuutaay Haka muuqdo Fooddee”

 

Kii ka Naxoowna, Nafta Waa..!!

Kii ka Naxoowna, Nafta Waa..!!

Waxa la joogaa 27kii Juun, waa maalintii xorriyada dalkeena iyo dadkeena JABUUTI.  Durba Waxa kasoo wareegtay 32 sannadood, oo nabad iyo caano iyo xorriyad taam ah ay Jabuuti ku caano maashay. Laba iyo soddonkaas sanadood waxay  ahaayeen shalay oo kale, oo xusuusta xorriyada jabuuti waa mid  mar walba ku xardhan maskaxdeena.   Bal aynu dib u jalleecno 32 sanadood ka hor iyo  Boon  oo an  joognay markii calanka Jabuuti la saaray, qof an wakhtigaasi garaadkisu buuxinna kama tarjumi karo qiimaha iyo qaayahay  ay maalintaasi lahayd.

 
Waxaynu dareemaynay in garbkeenii midig helay xorriyad, in waax ka maqnayd jidhkeenu  kusoo noqotay iyadoo wadata dareenkeedii nololeed. Guulbay u ahayd xorriyada Jabuuti guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee gobol kastaba.  Gaar ahaan sharfbay u ahayd dadka reer Boon oo la odhan karo waxay ku abtirsadaan Jabuuti. Ma jiro ama waa faro ku tiris dad reer Boon ah, oo an tafiir iyo taariikh ku lahayn Jabuuti. Waxnan kuba andacoon karnaa  in Boon ku fiicnaan lahayd inay ka mid ahaato Jabuuti.

Damaashaadka iyo dabaal degga maalintaasi weyni wuu badnaa 32 sanadood ka hor. Baabuurta ka gooshta  jidka isku xidha Boorama  iyo Jabuuti ee loo yaqaanay ‘dhiga dheerayaasha’, ayaa waxa dhammaantood ka dul babanayay calnka xorriyadda Jabuuti ee bilicda san.  Makhaayadaha iyo meelaha layskugu yimaado waxa dallacnaa samiicada oo heesaha idaacadaha Muqdisho iyo Hargeysa ayaa aad loo dhegaysanayay.  Farxad iyo damaashaad iyo faan-faan ayaa laysku wada salaamayay.  Solay iyo caano ayaa sooryo laga dhigtay, ciyaaraha sayliciga, saddexlayda iyo wilwilaha ayaa lagu badalay socodkii caadiga ahaa ee dadka. 

Macalimiinta dugsiyada Hoose/Dhexe  Boon, ayaa qaarkood waxay sharaxaad ka bixinayeen astaamaha calanka Jabuuti iyo sobabaha loo doortay. Iyagoo ku macneeyay inuu yahay calan muujinaya in Jabuuti tahay gobolka saddexaad ee ka maqnaa dalka Soomaaliya, astaanta  middaasi muujinaysina ay tahay calaamada cad ee saddex geeska ah.  Calaamada midabka dooga  ahina muujinayso bash-bash iyo barwaaqo iyo nabad, halka calaamada buluuga ahi la qoob wadaagaysay midda calanka Soomaaliyeed, xiddigta casina ka muujinayso halgankii qadhaadhaa ee dhiiga loogu daadiyay xorriyadda dalka.

djibouti-flag.JPG

 Docdda kale iyo damaashaadka guud ee dad weynaha soomaalieed, waxa jiray heeso iyo gabayo aad u trio badan oo maalintaa soo wada baxay. Heesaha loo sameeyay xorriyadda jabuuti aadbay u tiro badnaayeen, kuwa ugu xusidda mudan ee aynu xusuusano waxa ka mid ahaa Heestii kooxda Waaberi ee “Waa lagaa filaayoo, lagaa foolinaayee, Fadka Saar Jabuutaay, Haka muuqdo Fooddee”Hees kale ayaa jirtay oo aad u qaro  weyn una  qiiro iyo qaaya badan, waxa heestaa lahaa kuna luuqayn jiray Allaha u Naxaristee ‘Cabdilaahi Qarshe’.  Midhaha heestaas waxa ka mid ahaa,  Kii Ka Naxoowna, Nafta Waa”.

Si kastaba ha ahaatee, 32 sanadood ka dib oo maanta ah, Jabuuti si mug weyn oo adduunweynaha u muuqata ayay ugu dabaal degtay xorriyadaasi qiimaha badan.  Madaxweynaha dalka Jabuuti ahna madaxweynaha runta ah ee Ummadda Soomaaliyeed, si sharf iyo karaamo ku dheehantaahay ayuu uga hadlay munaasibadaasi.  Wuxu muujiyay madaxweyne Geelle sida uu haabka iyo hiyigaba ugu hayo dalka Soomaaliyeed ee ku hafaday aafooyinka siyaasadeed, isagoo mar walba Ilaahay u barya inuu dalkaas Soomaaliyeed kusoo celiyo haybadiisii iyo karaamadiisii qaranimo.  Jabuuti waa xor, waana xoghayaha Soomaliyeed.  Fadka saar Jabuutaay, haka muuqdo Foodee, Kii ka Naxoowna Nafta Waa.!

HiilDanYare

 

  

  

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>