By Rashiid Cabdi Bakaal
Waxaan salaamayaa walaalaha xorta ee caqligooga fiican had iyo goor kaashada ilaahayna ka baqa, waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka ,salaamu calykm. Waxaan halkan ka salaamayaa aanan ku faraxsanahay waxay qabteen ururada kala ah (Amuod foundation iyo IQRA).
Amoud foudation ; waxay qabatay halkan laguma soo koobi karo, ooy kaqabatay awdal iyo soomaaliya oo dhan, aaliin hadii aan wax yar ka taabtaabto waxa ka- mida waxay ka qabteen awdal JAAMACADA (AMOUD)ooy kaalin aad u wayn aay ka qaateen iyo dhakhtar aad u wayn ilaahaybaa wayne ooy ka dhiseen magaalada boorame xaga bariga oon anigu indhahayga aan ku soo arkay aadna aan ugu farxay, iyo iskuulo fara badan oo boorame ku yaala oo halkan lagu soo koobi karin ayuu urur kaasi qabtay wanaagna waxay ka helayaan ilaahay.
IQRA; hadii iyadna aan ka warano waxyaabaha aay qabteen, iqra iyadu waxqabadkeedu waxuu ku eegyahay waxbarasho, iyo dhakhtaro, iqra waxay ka biloowday waxqabadkeeda dhulka xeebta kadib markii dawlada soomaaliland aay indhaha ka qabsatay ayey dadkii deegaankaa daganaa aay isxilsaareen,ooy dhisteen iskuulo macalimiintana ilaa iminka aaynu joogno aay bixiyaan, iskuuladaas oo ku kala yaala ilaa lowyacado ilaa gabilay agteeda ilaa afcas ku yaala. iminkana waxay wadaan iskool layiraahdo (GAB HIGH SCHOOL)oo dhismihiisu socdo indhahaygana aan ku soo arkay, waayo iskuuladan iminka aay wadaan ee gacanta aay ku hayaan waa fasalada koowaad ilaa sideedaad, markaa si aay u galaan dugsi sare ayey iqra abaabushay inay dhisaan iskool boordina dhismuhuna wuu socdaa, ilaahayna ha u fududeeyo. iyo waxa kale een ku faraxsanahay ururada kale eedaacadnimada loo wado ee horumarkana wada.
ururka ARDAA ; ayaa isaguna jira. oo an aad ugu faraxsannahay, waa urur iminka soo kacaya ilaahayna ha u fududeeyo hawsha aay wadaan, marka wax laqabanayo waxuna yahay dad caawino u baahan,
ilaahay hortii ayaa wax loo qabtaa, hadaanad jecleesan dadka waxa wada waxa laga eega danta guud, hadii aay taasi aad kari waydo ururkale samayso.
ilaahay hortii ayaa wax loo qabtaa, hadaanad jecleesan dadka waxa wada waxa laga eega danta guud, hadii aay taasi aad kari waydo ururkale samayso.
Talo ku Socda Axmad Sh Faarax . Waxaan leehay AXMED SH. FAARAX IYO XULAFADIISII HORE IYO TAN CUSUB; hadii walaal ururkani ini dhibaayo ururkale samaysta oo magacaad doontaan u bixiya. Ilaa markii ururka lasameeyey ee lagu qabtay menasota u.s.a. ayuu axmed sh.faarax iyo xulafadiisu aay aflagaado aay wadeen ,ilaa iminkana aay wadaan, wax waa ladiidi karaa laakiin dadka shaqsiyaadka cayda waa laga daaya axmedoow, ficiltinku wuu fiicanyahay walaal laakiin adigu waxaad u qaadatay ficiltinkaagii dhinaca xun ee caydaa. Barigii laysku haystay jaamacada camuod ee la,isku fahmi waayey dadkii ka cadhooday ficilkii aay sameeyeen waxuu noqdayin jaamacad kale lasameeyo taa soo la yiraahdo (ELLO AMIRACAN UNE.)boorame ayey ku taalaa waana lagu wada farxay arday badanina waay ka dhigataa waana wax loo baahanyahay.
Markaa sida aan wax u aragno axmed sh.faarax iyo xulafadiisu waxay ficiltinkoodii aay ka dhigeen in dadka aay caayaan shaqsi shaqsina aay u caayaan, taasina maanta dadkeenu uma baahno axmedoow hadaanad wax u qabanayn walaal aflagaadada jooji ilaahayna waxaan kaaga baryeynaa adiga iyo xulufadaaduba inuu ilaahay ini soo hadeeyo.
ururkastoo daacadnimo lagu wadaana wuu shaqayn sida ururada kale laakiin hadii ururka loo samaystay waxyaabe kale ogaada inuu ilaahay idin arkayo meelna lama gaadho.
ururkastoo daacadnimo lagu wadaana wuu shaqayn sida ururada kale laakiin hadii ururka loo samaystay waxyaabe kale ogaada inuu ilaahay idin arkayo meelna lama gaadho.
ARDAAwaa urur shaqayn doona ilaahayna ha u fududeeyo dadka maamulka haya, dulqaadna ha yeeshaan.
salaamu calaykum.
Rashiid Cabdi Bakaal
ottawa on.