Telesom Haka Digtoonaato Tacadibka, Taxriirka iyo Tiiq-tiiqsiga ay Ku Hayso Danyarta Awdal

cakara1

Waxa nasoo gaadhay nuqul ka mid ah qoraal cabasho ah oo muwaadin Danyare iyo waliba naafo ah oo Reer Awdal ahi kaga cabanayo taciddi iyo tiiq-tiiqsi  iyo taxriir badheedh ah oo kasoo gaadhay shirkada Telesom ee gobolka Awdal/Salal.  Aad iyo aad baanu uga xunnahay sida naxariis darrada ah ee shirkadaha xaraanta ku naax-naaxay  ugu tumanayaan xuquuqda danyarta iyo naafada Gobolka Awdal,. Telsom waa inay ka digtoonaato dulmiga ay ku kacayaan, hor Ilaahayna dadka ugu xaq sooraan. 

Qoraalkaasi Sidan hoos ku xusan ayuu u dhignaa.

Continue reading

Xaalladaha Cakiran ee Somaliland, Sidee Looga Gudbi Karaa?

xadaari
 
By Wariye Cumar Maxamuud Qayaad (Cumar- Xadaari) – Hargeysa

Dalkan somaliland oo ahaan jiray mid  ku dhisan isfahan iyo wada tashi, isku tanaasul ayaa waayadan  danbee aad moodaa in  arimahaasi oo dhan soo yaraanayaan iyo dowlada hada jirta oo ku fashilantay  in ay wax ka qabato  arimahaasi ayaa waxaa ku soo badanaya  magaaloyinka  somaliland qar kamid ah dil arimo aan hore looga aqoon kuwaasi oo hadii ay sii socdan dalka  ku keeni doona burbur horleh.

Continue reading

Faa’iido Yaraanta Siyaasiyiinta Gobolka Awdal

By Samaroon Rooble Xasan

Siyaasiyiinta Gobalka awdal kuwa Cusub iyo kuwa Bislaadayba midna faa’ido uma soo wadaan Bulshada ku nool Galbeedka Somalia (Indigenous Adal People)Ila ay…

 

Akhristow wali ma isweydiiyay sababta keentay in Awdal(dadka) Khariidada Siyaasada Somaaliyeed ka maqnaato amba Koonfurta Somalia ha noqoto amba Waqooyiga Somalia ha noqote , ‘cajab caynaanshe’…!!

Continue reading

Somaliland Sideey Saaka Kusoo Toostay?

xadaari
By Wariye Cumar Xadaari – Hargeysa

Waxaa saaka  ka jiray magaalooyinka  somaliland gaar ahan  magaalada caasimada ee Hargeisa  iyo Boorama isku soo bax balaadhan oo ay isku soo baxeen xisbiyada mucaaradku kuwaasi oo isku soo baxoodu laxiriiro  go. aankii sharci darada ahaa ee madaxwayne Rayaale  dalka  kaga caydh shay wakiilkii Interpeace  iyo laalida go, ankii barlamaanka ay kagaadheen arimaha doorashada iyo go aanadiisa.

Continue reading

nin walaalkii gaday meel shishaa laga ganaxaaye, gacalkiyo xigaalka is hagraday gocasho dayn waaye

Mataankaagii ood xaasidaa murugaday keento
Reer Galbeed midoobaa og iyo kii macooda ahe
Masarba waa waxii lagu qabsaday gacal is magaaye
By Mujaahid Farxaan
 
Hunguri
Waxaan salaamayaa dhamaan bulshawaynta reer Adal gudaha iyo dibadaba waxaa kaloon sigaara usalaamayaa websayda bulshada Adal . Waxaan ka cod sanayaa fikradaha dhaliyarada iyo waxgaradka Awdal inay dhamantood soo gudbiyaan si talooyinka loo kala helo.

Continue reading

Somaliland Xidhe Ma Laha…

xidhe

Yaa Xidhi Kara HiilDan(AB), Door hore ayaynu qoraal iskuweydiinay Su’aasha ah, “Somaliland Xidhe ma Leedahay”?  Doorkan maanta ahna Jawaabtii Su’aashaas ayaynu helnay oo ah inaanay Somaliland haba yaraatee lahayn cid qabata oo ka qabata halista ay ku socoto. Somaliland Allaha u sahlo, ma arkayno sasaan iyo saadaal farxadeed oo dalkani ku socdo. 

Continue reading

Maskaxdiyo Garaadkii, Dadkan Muu ka Maqan Yahay?

By Mujaahid Farxaan
 
Waxaa  wax lalayaabo ah maanta bulshada reer adal ee dhiiguudu daadsan yahay meesha looyaqaan kalabaydh inay maanta usacabo tumaan kuwii dhiigooda qubay ee waliba sida arxandarada ah bilaawada umariyay aqoon yahankooda iyo ganacsatadoodii bulshada reer adal. Waxaa  wax  lalayaabo ah inaay  sookala dhawaystaan gacanku dhiiglayaal isu sheegay mucaarad iyo muxaafid dhamaantood  anigu waxaan u arkaa xulufo ku bahawday gumaadka iyo cadaadinta bulshada reer adal iyo indhulka aay leeyihiin bulsha wayta taariikhda fogleh ee reer adal inay  lawareegaan dadaan tariikhda geeska afrika horay looga aqaan

Continue reading

Nabad iyo Qabyaalad Laysku Khuukhiyo iyo Jeelka ‘Khuukhiye’ ee ku Yaalla Awdal

Nabadgalyadu waa midda ad keensato ee midhaheeda ad leedahay mase aha midda laguu keeno, deetana lagugu khuukhiyo jiritaankeeda. Qabyaaladduna ma aha midda qabiil wada dhashay isku khuukhiyaan dhexdooda, iyadoo qabiilooyin kale sobabteeda leeyihiin.  In laga hadli karo xaaladaha noocan ah marka ay ku haboontahayna, ma aha nacayb iyo kala fogayn dad, waxayse tahay xaq iyo xaqiiq iftiimin, si runta loogu wada xisaabtamo.  Sidaa daraadeed waxaynu ka hadlaynaa mawduuc jooga wakhtigii loo baahnaa in laga hadlo, Hogoog xumana yeelkadiisa.

Continue reading