Cigaal Shiidaad iyo Cigaalada Boorama..!
Carruureey Maalmo iyo Habeeno Wanaagsan..!!!
” Waa Cigaal shiidaad oo shil galay cidlana jooga” …!!!!

Carruureey; waxa jirtay sheeko ka mid ah sheekooyin badan oo Cigaal Shidaad lahaa. Waxay ahayd in Cigaal oo reerkiisa jooga, oo tol iyo xigtaba lawada ag joogo loo sheegay inuu Libaax soo dhaw yahay. Cigaal oo is yar giijinaya ayaa dabadeed yidhi; “iska suga hasoo dhawaadee jab baan la maaganahaye”. Markaasay dadkii kale iska sugeen oo is yidhaahdeen walee waxbuu isku ogyahay, ee aynu sugno. Waa layska sugay oo reenkii iyo gurxankii Libaaxa aya marba marka ka danbaysa soo durka, mar kasta oo Cigaal lagu yidhaahdo wuu soo dhawyahay Libaaxii, isna sidii oo kale ayuu ugu jawaabaa, “iska suga hasoo dhawaadee, Jab baan la maaganahaye”.
Libaaxii kolka wuxu soo gaadhay xeradii xooluhu ku jireen oo durbadiiba usoo dhacay, deetana neef xoola ah ayuu iska laadlaadiyay. Cigaal ayaa lgu yidhi waakaa Libaaxii soo dhacay, ee neef qaatay. Kadibna wuxu ugu jawaabay isagoo qosol gariiraya, “Iska yar suga halla baxee, jab baan la maaganahaye“. Neefkii ayuu la baxay oo Libaaxii la booday, hadana Cigaal ayaa loo sheegay inuu Libaaxii neefkii la baxay. Hadana wuxu ku jawaabay, “Halla yar durko ee wax yar isuga, Jab baan la maaganahaye”. !!.
Waa yaab, Libaaxii neefkii wuu la booday oo durba xawaare dheer ayuu la jaray. Kolba xaaladu uu Libaaxu marayana Cigaal waa lagu war galiyaa, isna kolba wuxu ku jawaabaa hadalo fuleynimo iska cad ah, oo ay a mid yhiin sida; halla fogaado ee iska yar suga, halla durko ee iska yar suga , halla libdho ee iska yar suga.!!!.. Ugu danbayntiina wuxu yidhi; hasoo noqdee suga jab baan la maaganahaye.. !!!!. . Waa Libaax qadeeyay oo dhergay oo raqdii neefka ku dul faataxaysanaya, ilaa maalin kalana dib usoo noqon maayo, oo dee nacas ma aha sida waraabaha. Hadaba taasi Cigaal ma waxay ka ahayd Fuleynimo mise geesinnimo?. Waxay ka ahayd Fuleynimo, oo reerkii oo wada jooga, oo gacal iyo xigaalba garabkiisa la joogo waxay ahayd inuu Libaaxa inaga rida yidhaahdo intuuna soo dhicin, oo warmaha lagala hor tego.

Haddaynu usoo noqono dulucda sheekadan, waxa jirta sheeko dhex martay hogaamiyayaasha reer Boorama oo aynu u bixinnay ‘Cigaal Boorama’ iyo kooxo dad qalato ah oo gobolka Hargeysa u dhashay. Qaar ka mid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Boorama ayaa matalaya Cigaal Shidaad [Cigaalada Boorama]. Waxa loo sheegay inay orgobayaal dad qalato ahi jiraan. Waxay ku jawaabeen; “horta yar suga hasoo dhaafaan Hargeysa”. Hadana Waxa loo sheegay inay Hargeysa soo dhaafeen oo ay Gabiley joogaan.
Waxay yidhaahdeen, “hasoo yar durkaane iska suga”. Way soo durkeen oo waxay soo gaadheen kala baydh. Waxay yidhaaheen iska yar suga Dila iyo Gorayacawl hasoo gaadhaan oo dad ha qaateene. Way soo durkeen oo dad reer Awdal ah ayay jidka u joogsadeen dabadeena way qasheen. Waxay yidhaahdeen, “waxba ka daba tegi mayno kana aarsan maynee, waxan sugaynaa mar kale inay soo noqdaan, oo dad kale inaga qashaane iska yar suga”. Walina Cigaalada Boorama waxay seeraha Boorama ku sugayaan inay Orgobayaashu halkaas ugu yimaadaan. !!
Ma laga yaabaa Orgobayaashu inay Cigaalada Boorama ugu yimaadaan Seeraha Boorama?; Ma geesinimay taasi ka tahay Cigaal Boorama?; mise waa fuleynimo?; ma nabad jacaylbaa mise waa nabad nacayb?. Carruurta reer Awdal ee cabsidan badani ku dul dhacday ayaa ka jawaabi doonta markay weynaadaan.
AB
Like this:
Be the first to like this post.
walalyaal waxaan idin ka codsanayaa inaad dadka khiyaaliga ka dayasaan
oo aad ugu sheekayasaa
diinta islaamaka
iyo wixii dan ku jirto uguna horayso fadaliga ramdaanka iyo khayraadkiisa
hdii ayadan sa samayn waxanu nahay alshbaab wxabaanu idin ka qabanaynaa
bari baa waxaa jiray wraabe iyo dawaco dawacadii ayaa waraabihii la heshiisay oo tiri waraaboow meeshaan waa jiilaal eynu aadno bada waxba kama wey neyo markaasee isi soo raacee dawacadii ayaa tiri halkaa waxaan ka heleynaa wax eynu cuno oo kaluun ah ee jamal kaas hoostiisa ayaa kaloon ku jiraaa ee adiga nookari ana aan soo gureee waraabihii waxa uu ku yiri maya anaa anaa soo guraayo ee adiga noo kari waa inta ey rabtay inteey qosol la dhacday ayey tiri wayahaye orod noosoo gur markii dambe waraabihii waxuu soo bixiyey kaluun fara badan warkaas ayuu ku yiri haye inoo kari dawacadii dab ayey shiday kaluunkii ayeey karis ku gashay waxey sameysay inteey kii koowaad soo qaaday ey hilibka ka bixisay ey maqaarka iyo la fahaa is dul saartay uga dhigtay in uu hilib dhaxda ku jiro aye y u dhiibtay waraabihii mar uu is yiri qam ka sii ayaa dhuuntaaa ka gashay la fahii malaayga markaas ayuu waraabihii meesha ku dhatay dawacadiina hakaas kluunkii ku cuntay waraabihii asagoo baahnaa intey ku shaqeysay asagoo dharkina kudishay meeshiii / qore/fadumina
wax lala yaabo ma in waraabayaal iyo orggobebe cunayo cidda dantooda ku aaminta reer Hageysa ,oo aan iyaguba dantooda isku aaminin , wey talo xunyihiin aabbayaashaa maanta ee reer awdal . talo isuma kaa sheegto.