Somaliland Xidhe Ma Laha…

xidhe

Yaa Xidhi Kara HiilDan(AB), Door hore ayaynu qoraal iskuweydiinay Su’aasha ah, “Somaliland Xidhe ma Leedahay”?  Doorkan maanta ahna Jawaabtii Su’aashaas ayaynu helnay oo ah inaanay Somaliland haba yaraatee lahayn cid qabata oo ka qabata halista ay ku socoto. Somaliland Allaha u sahlo, ma arkayno sasaan iyo saadaal farxadeed oo dalkani ku socdo. 

Siday noola muuqato, Dalku malaha saddex xusbi iyo afar xusbi toona. Wuxu leeyahay shantii golaha sare ee kacaankii barakaysnaa  ee xukunkii Milatari ee Siyaad Barre.  Shantaasina waa afarta nin ee makhaayadu u shidan tahay iyo golaha guurtida oo isku duuduuban, waa isku shan, waana siduu sheegay AMIIN CAAMIR. 

Shanta golaha sare

Marka afarta sare la dooranayo, shacabku uma codeeyo ee golaha guurtida ayaa u codeeya.  Doorashadan imika dadka lagu waalayo ee  la raadinayo ee wali dadka qaarkood sugayaani, waxay ahayd mid horey u dhacday. Waxay ahayd doorashadii dhex martay golaha guurtida dhexdooda  ee xukunka loogu kordhiyay afarta golaha sare ee kacaanka UDUBaysan.  Waalayska ogaa wixii dadaal iyo dagaal iyo duunyo ku baxay doorashadaas iyada ah.

Maantana waxa loolan ku jira waa shantii golaha sare dhexdooda oo raba inay iyagu is inqilaabaan, mana aha wax xusbiyo kale shaqo ku leeyihiin.  Marka laga soo bilaabo shaqaaqada Ceel Bardaale ee wali socota oo dhawaanahanna naf iyo maal ku hoobtay, ilaa iyo  qaraxyadii  ka dhacay Hargeysa ee lagu eedeeyay Al-shabaab iyo dhammaan xurgufaha qarsoon iyo kuwa qayaxan ee shacbiga Somaliland  looga dhigtay la haystayaasha.  Intuba waxay ku salaysan yihiin oo raad ku leeyihiin ama keenay sobabteeda waxay yihiin, waa Shanta Golaha Sare ee Somaliland.

Adduunyada diimuqraaddiyada ku caano maasha marna ku maqli maysid in Xusbiyo mucaarad ah  lagu eedeeyo qaraxyo dhacay ama dad la qashay. Way ka dhacaan dalkan Ingiirska intuba, oo qaraxyaa dhaca, oo dad qoorta laga gooyay ama jidhkooda la googooyo ayaa dhaca. Laguma eedeeyo asxaab mucaarad ah ee waxa dusha loo saaraa dawladda talada haysa oo lagu eedeeyaa inay amnigii dadka wax ka qaban weyday. Isla markaana dawladda ayaa si deg-deg ah wax uga qabata.  Laakiin Somaliland magaca mucaarad ayaa noqday sida  ’dameerkii wax xun side’, oo wax xun oo dhan lagu sifeeyo maadaama uu yahay ‘mucaarad’.  Kalmadii ayaa loo isticmaalay si mutaxan (negative).

Hadal iyo murti; shanta golaha sare ee kacaanka UDUBaysan iyagu xidhe ma laha, iyaguna dhexdooda isma xidhaane kaliya dhabarkay isku xoqaan, oo waa ii xoq an kuu xoqee.  Markay xoqniinkaas isu fahmi waayaan ama  isu xag-xagtaana, waxa qabata xummad la yidhaahdo ‘mucaarad’ oo ay ku cadho-furfuraan. Shacbi weynaha Soomaaliyeed ee Somalilandna ma xidhi karo shantaas golaha sare, oo shacabku iyaguuba u xidhan yahay.  Sidaa daraadeed marba haddii dad la qashay iyo kuwa la qarxiyay iyo kuwo la qadiyay iyo kuwo la qamaajiyay an intaba cid loo xidhi karin, oo ay dhammaantoodna u xidhan yihiin golaha sare ee kacaanka UDUBaysan, golahaasna is xidhi karin.  Dee markaasi waxa la odhan karaa Somaliland  Xidhe Ma laha, meel xun bayna ku socotaa.

HiilDan (AB)

Qormadii hore halkan ka akhrista:

http://hiildan.com/2009/04/28/somaliland-xidhe-ma-leedahay/.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.