Faa’iido Yaraanta Siyaasiyiinta Gobolka Awdal

By Samaroon Rooble Xasan

Siyaasiyiinta Gobalka awdal kuwa Cusub iyo kuwa Bislaadayba midna faa’ido uma soo wadaan Bulshada ku nool Galbeedka Somalia (Indigenous Adal People)Ila ay…

 

Akhristow wali ma isweydiiyay sababta keentay in Awdal(dadka) Khariidada Siyaasada Somaaliyeed ka maqnaato amba Koonfurta Somalia ha noqoto amba Waqooyiga Somalia ha noqote , ‘cajab caynaanshe’…!!


Political gameka dhulka Somalida Laga Ciyaaro waxad Mooda in Ayba wali Fahmin dadka sheegta Aqoonta iyo Ilbaxnimada Adal Empire waa (Ree Adale) Sababtoo ah Wali lagu ma arag Siyaasada Soomaliyeed Koonfur iyo Waqooyiba, Siyaasi ka madhan Dantiisa gaara ahaneed iyo ta bulshadiisa iyo dhulkiisaba ,etc

 laakin haddii aad u fiirsato Siyaasiyeen ku sheega Ku abtirsada SAYLAC waxad wada mooda dhammaantood Dependent Clause (dhibandhen Kloos) waliba Nooca la Yaqiin Noun Clause (Nawn kloos) Waxa garan kara Qofkaste oo khibrad u leh Garaamarka Luqada Ingiriiska Amba Bartayba macnaha uu sameynayo Noun Clause Iyo Acting Like Dependent Clause kuba,Hadaba iyadoo sida ay tahay waxan isku dayi in aan cadeeyo klooska iyo waxa ka dhexeeya maqaaalkayga maanta hadii ebbe raali ka noqdo.

 Akhriste hadaba waa maxay dependent clauseku Garaamar ahaan:

 Kloos sidiisa waa Jumlad dhantaalan laakin hada maxaan uga jeedna dependent Clauseka?,

 marka hore aan ku hor mariyo Clauseka(klooska) iyo inta uu ukalabaxo:

 Kloosku dhinaca garaamarka waxa loo kala qaybiya labo guud ahaan;

 1-Independent clause iyo

2-Dependent clause

 

S)Independent clause([indhibandhen Kloos]sow) maxaad tahay?

 

J)Eng=Independent clause is unit that expresses a complete thought and could stand on its own as a simple sentence.

  

J)Som= waa Hadal Bixinaya fidrad buuxda, goonina u istaagi kara kaligii, noqonkarana Jumlad Fudud

 

Tusaale: ,buug ayaan iibsaday (oo kale) , I bought a book

 

S)hadaba adna maxaad tahay Dependent Clausesow ([dhibandhen kloos]sow)​?

 J)Eng= Dependent clause is unit that can not stand on its own as a simple sentence and requires another clause to a complete its meaning.

 J)Som= waa hadal aan bixinayn fikrad buuxda ,goonina u istaagi karin ,had iyo jeerna u baahan in Kloos kale lagu daro si uu u istaago macnana u sameeyo.

 Tusaale: intii uu macalin kaygu cabayay Kofeegisa,(oo kale) While my teacher drank his coffee,

 Hadaba marka aad tiraahdo intii uu macalinkaygu cabayay kofeegisa dee su’aalo badan ayaa ku soo dhacaya qofkaste maskaxdiisa oo ah dee maxa dhacay? Hee wad dee? Iyo suáalo kale oo aad u badan ayaa ka soo bixi kara laakin ta hore hadii aan ku noqono bal ila eeg waxan nidhi:

 

buug ayaan iibsaday dee waa hadal dhan oo sheegaya in aad buug iibsatay oo fikrad buuxda marka kusiinaya. Hadaba  bal ila eeg sida Dependent clauseku(dhibanden kloosku) uu marka lagu daro Cluase(kloos) kale macna buuxa kuu siinayo amba markaas oo kaliya uun u istaagi karo jumlad ahaan tusaale:

 e.g While my teacher drank his coffee, I bought a book.

 e.g Intii uu macalinkaygu cabayay kofeegisa, waxan soo iibsadey buug

 hadda u fiirso Dependent clausekii markii hore macno buuxa aan sameyn karayn sida uu hada macno u sameeyay iyo waliba sida uu jamlad fudud u sameeyeen markii aan isku darnay

 hadaba anigu shaqsi ahaan Independent clause sideen u arka iyo Dependent clausekaba Siyaasad ahaan?

 1-Independent clause oo kale Siyaasiga ah waa siyaasi Nooce ah:

 waa siyaasiga hadalkiisu iyo mabda’iisuba ku siin karaan fikrad buuxda oo ku saabsan siyaasadiisa dhaw iyo ta fogba iyo heerka iyo sida uu la rabo bulshadiisa ,etc waana siyaasi markana Gooni u istaagi kara siyaasad ahaan.

 

2- Dependent clause oo kale siyaasiga ah waa siyaasi nooce ah isna:

 

waa siyaasiga hadalkiisu iyo mabda’iisuba ku siin karin fikrad buuxda oo ku saabsan siyaasadiisa dhaw iyo ta fogba ,had iyo jeerna dhaleecayn iyo waano aan muhiim ahayn u soo jeediya Bulshadiisa ,etc markaste ood dhageysato amba akhrido go’aanadiisa iyo aara’diisa waad ku wareeraysa oo su’aalo badan ayaa kaga soobaxaya ,mana’aha siyaasi gooni u istaagi kara siyaasad ahaan ila uu akhriyo siyaasi kale fikradiisa amba uu ku daba faylo mooyaane

 hadaba iyadoo aan ka reebayno siyaasiyiin magac weyn ku laha bulshada ree Adal oo dhammantood hada aan noolayn Alle ha u naxariiste

inta ka soo hadhay ee hada nool isku wada daro adigoo mid midna u fiirinaya kuwa cusub iyo Kuwii hore maxad ku tilmaami lahayd Ma Independent clause Politiciansba mise waa Dependent clause politicians amba intee ayaa ah Independent clause politician ,inteese ah Dependent clause politician? Taasi waxan u daynaya akhristayaasha.

 Aniga laakinse waxay ila tahay in dhammaan siyaasiyiinta sheegta Ree Adal Kuwa wadanka jooga iyo Kuwa Qurbaha joogiba in ay wada yihiin Dependent clause Politicians ood hada macnaheeda kawada dharegsantihiin

Hadii aad tusaale doonina waxa kaga filaan tariikhda oo ka marag ah nin kaste wiixi oo qabtay iyo wixii oo sameeyay iyo wixii uu yiri oo maanta loo heli karo si dhibyar.

 Waxa kale kuu cadayn kara anigoo cid gaara farta ku fiiqayn

xisaadihi ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka waqooyiga somalia iyo kan awdalba ee lawaayay cid arrin buuxa oo go’an oo gooni ah (macnaha cid kaara aan looga haybaysanin) la shiryimaada

 laakin waxan wada aragnay siyaasiyiin afkale kuwa hadlaya oyna marnaba danta bulshada ree adal ku jirin oo dhammaantood dadkale la socda.

 Diiwaangelinta beexantahay ,dhul bilili-qaysika ku salaysan gobolbixinta, musaafir qalashada ku salaysan aarsiga,cabudhinta dadka ree adal ,cunaqabataynta xeebaha ree adal, barakinta dadka rayidka ah,intaas iyo in kale oo badan,hadaba siyaasiga ree adal ah ee wax ka qabtay wa’ayo ,siyaasiga ka hadalay sida loola tacaalayo mustaqbalka dhaw iyo ka fogba oo qorsheeyay oo ree adal ahi waa kee?

 Waan aragnay in yar oo ka mida shacabka ree adal oo waxbadan diiday laakin meelna ayna marin diidmadoodu cidini xaalaynin sababto ah waxay wayeen siyaasi Independent clause politician ah oo dadkiisa wax la dareema xaqoogana sida rasmiga ah ugu halgama.

 Hada anigu waxan odhan laha tariikhda intay soo jirtay hadii ree Adal siyaasiyiintoodu sidan aan sheegnay u bateen,taasna ay tahay sababta kaliya ee keentay maanta in ay ka maqnaadaan khariidada siyaasada somaliya guud ahaanba iyagoo ah Independent clause politicians laakin ay kuwa jiraan meelkaste iyagoo ah dependent clause politicians ,waana marag ma doon in ay aqoonyahanada ree Adal kawada arrin miyaan behind closed doors ,arrinkoodana dadkale ku soo baxaan dibna iyaga loogu isticlaamo.

 

gebo gebo

Marka waxa weeyi ree Adal hadii ay sameyn kari wayeen Independent clause politicians kali kali ooy u badan yihiin Dependent clause politicians waxa ku waajiba in ay dhexdhooda isbiirsadaan si ay u sameeyan Independent clause Politicians ,

  

(macnaha dadka ree Adal In ay ka midooban waxkaste loo lagu wiiqayo wadajirkooda iyo dhulkooda iyo danta guud ee Gobolka Adal) si kale oon taa ka ahayn xal u heli maayaan,tusaale marka labo ree Adal ah oo aha Dependent clause aan isku keeno amba siyaasad isku keento dee waxay samaynayaan Independent clause sidoo markii aan isku darnay labada clause oo kale.

 Marka ree Adal waxay ka baxayaan qaabka Siyaasadeed ee hada wada ah dependent clauseka, hadii iyo kaliya hadii dhexdooda fikirkooda is aaminaan oo midna wax  diidin kukalena yeelin ,iskana joojiyaan kaalmaynta ay siinayaan politicianska kale ee ree adal ahayn si ay u kaabiyaan amba uga dhigaan independ clause politicians. laakin waa loo baahanyahay hadii uu ree adal caawinayaan.

  

By Samaron R. Hassan

  

Sida guul wacan

  

Regional state of Adal republic

 la soco qayb kale oon kaga hadli doono clause iyo sentence waxa ay kula duwanyihiin iyo siyaasad ahaan(political termanology) macno ahaaan sida aan uga jeedno insha allah 

5 thoughts on “Faa’iido Yaraanta Siyaasiyiinta Gobolka Awdal

  1. sx waad an bataan umalaynayaa markaad dib ufiiriso taariikhda waxaad arkaysaa in isaaq ka hor samaroon aanu jirin atan iyo intii soomaliyi caln heshay daadkii soamliland xoriyada u keenay hal nin oo soamarooni kuma jirin markaad siyaaad raacdeena halwasiir kuxigeen madhaafin anaagaa ku ku boqornay ee da\arood xadii ilaahay ku xejo deegaan ahaan caruurtay idinka xoogi lahaayeen wax kale daaye adna dhul iyo qofla\gowracay baad ka hadalay hadaan si daad u hadashay kuula hadlo hibo eebe ku siiyey habeen laiskama qaado ahdii maanta somaliland lawaayo waad ogtahay ilaahay mooyee wax isaaq kaa celin karaa majiro dantiina ha baal marina dhaxal uereebta caruurtiina somalidii horaa odhan jirtay baqalfardo lamirataa dhigood bay is moodaaye soamliland caruurta isaaq oon waxlabarin baajaamacad la idiin dhisy airport
    hadanana madaxwayne la idinsiiyey dhul bahan te intaa mahelin habarjcelo oo umadhatay ood idinka oofaqasha layseen inataa mahelin faqash nimadii aad maxaamed siyaad u adeegteen waalaydinku saamaxay ee ilaahay baryaaa oo toobadaa ufane wiilasha isaaq hablihiina u sad qeeya waliba kuwii xoriyada idinsiiyey lixdankii ingiriiis wuxuu yidhi gudobuursi waamar uuwar kuu sido iyo maruu kaasii sido waligiina ini gadabuursiyi madhaafin saajin taariikhdu yay kaaguracmin

  2. waar yarkan iidoor wagaashe miyaa la waayey wiilashii la hadli lahaa mise aanaa isku qaawiyaa aadooyin, ma uuba jeex baan u tirshaa, mise umalka iidoor baan ku sar gooyaa, mise inantii baasday baan tixraacaa, afkaa i cuncunaya , mise abidkiiba lama arag iasaaq nin uu dhaloo aabo leeyahay baan ka daraa.
    uduraxiim waa kee? ma kaan dhalay baa ee inantu la tegtay. ma iidoor waxahaan jiray baa jirey, mise haduun buu soo baraarugey,,…..

  3. Acw.waxaan idinku salaamaya ciid wanaagsan ku ciida caafimaad hadaan soo baruugay.. Hanqadhiyo hadaan hoorimaad haw la soo idhiyeee
    Hoosweyne iyo Buurcad baan soo habeen dhaxayee
    Hulkana waxaan ka soo boodayaa hawda waaberi eee
    Hasaawihii baan wadaa haragna saareyneeee
    Himbilooyinaan soo hadoodsaydee.hadhka wooble baan…
    Haangari dushiisaan arkoo agabar soo karee…
    Higtii iyo hamtii iyo markay hiririgtii yeedhay
    Ogaw kama hadhinee kuushaan sugaray samaroonawee..

    Samaroon warka caddee dugsi caruur hadda af baraysa uma dhigeysidee, mise sar beebtii aan meel gaadhsanay baad wadaa, tayo xumadu meeshay taal maxaad u abaari laadahay, mise afkaa diidaya iyo qoraalka, mise waxeenuu xilka lahaa ee dhuumo-dhuumo..baad wadaa…..kaftan kuna inoo furan, waa gedeedii ee siri
    gam, hoobalooy. hee. allaa… allaa. allaa. kkkkk.. kiii.. kooo..kuuu…

  4. salaan korkina ha ahaato, war horta i dhageysta awdalstate ilamaha iney jiri doonto waayo gadabuursi ayaa raba in u dhisto . hadii laga hadlo qoomiyada ku nool awdal uuma maleynayo in ay ka raali noqdaan dhulbalaadhsiga gadarbuursi taasoo keeni karta in awdalstate u hir galiweydo balse ay boorameba ay ku waayaan . su’aal baa taala meesha : goorma ayey gadabuursi ay dhul intaa leeg yeesheen ? iyaga oo dad iguu liintey oo somaliyana waxba ka ahaajirin kuwsoo kana qaybqaatey xusuuqii isaaqa iyo biliqeysigii hargeisa. halka kalena laayey ciise badan iyaga oo adeegsanaya faqash malaa odhan karaa in ciise iyo isaaq ogalaadaan gadabuursi xoog wax u ku helo? waa maya,,,,,,,,,, xataa hadii malakul jibriil soo raaco awdalstate dhismi meyso.

  5. waan taageersanahay awdal state waase haddii ay dhulka gadabuursi asalka u leeyahay uun ka talinayso:dhulkaasoo ah dilla,boorame;dhar wanaaje iyo aw barre.

    waad mahadsan tihiin tolkayoow

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s