AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Falsafadda Majeerteen: “Anigaa Ku Xukumaya, Adigu Maya”

Posted by hiildan on August 26, 2009

By Shamsan Shirdoon

Salaan dhamaan warbaahinta qowmiyadda soomaalida meel kasta ood joogtaanba. Sida aan la wada socono beesha majerteen ee howaan bostaha magaca Puntland  ee degaanka waxa ku dhacay xanuun aan dawo lahayn oo loogu yeedho ”Anigaa ku xukumaya,adigu maya”.


Tan iyo inta laga xasuusto taariikhda dadka afsoomaaliga ku hadla waxa lasoo maray marxalado kala duwan. Reer majerteen  markii gumeystihii Talyaanigu ka talin jirey Koonfurta Soomaaliya,waxay isku dayeen inay ka dhaadhiciyaan in dadka soomaalidu ay wada majeerteen yihiin marka laga reebo inyar oo faro ku tiris ah,si ay ugu helaan sadbursi,waxay xoog ku tageen oo dadkii lahaa ee deganaa ka qixiyeen magalada Kismaayo oo runtii ah magaalo ilaahay ku manaystay kheyraadka dabiiciga ah dhinac walba:beero,kalluun,xoolo iwm.Haddii maskax caafimaad qabtaa maamushona waa gobol biilin kara wadamada geeska afrika oo dhan. Markaa beeshani iyagoo ka duulaya kheyraadkan ilaahay ku manaystay gobolkan ayay degeen ilaahaddana ay lahaanshihiisa ku murmaan.

Gabadh kasta oo booyiso(jaariyad) u noqota gaalkii Talyaaniga waxay ka codsatay inuu ilmo yar oo ay dhashay ama walaalkeed ah oo agoon ah uu iskuulka kaniisadda ugu daro,halkaas oo ay xoogaa luqadda talyaaniga ka barteen,markii 1960-kii dowlad soomaliyeed la yagleelayna waxay miiska soo dhigeen in nin aan af talyaani ku hadlini aanu maamul dowladeed ka qeybgeli doonin.Waa tii abwaaniinta soomaaliyeed ku heesay ‘Afka qalaad aqoontu miyaa?maya,maya’.

Ilaa 1960 dowlad kasta oo dhalata waxay isa siiyeen labada jago ee ugu sareeya qaab-dhismeedka dowladnimada. Waanay u suurto gashay oo hankooda kumay qadin,balse waxay cadkii iska ciideeyeen markii wadaadkii daacadda ahaa ee Madaxweyne C/Rashiid Cali Sharmaarke oo beeshan kasoo jeeday uu jihadii hindisaha beesha dhinac kale u jiheeyey oo ah wax la qabsi iyo wax la qaybsi beelaha kale ee Soomaaliyeed. Balse siyaasadda beeshan oo ku dhisnayd ‘Aniga,Aniga’ cid kalena ma ogoli ayaa bishii Oktoobar 1969 maleegay dil lagu fuliyey AHUN Madaxweyne Sharmaarke.

Isla bishii Oktoobar 21-keedii ayaa Sareeye gaas Maxamed Siyaad Barre ciidamo uu horkacayaa inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegeen taladii dalka.Halkaasna waxa ku dhicisoobay hankii beesha majerteen  ku rabeen inay jagooyinka ugu sareeya dalka iyagu qaataan ileen horaa loo yiri wax badso wax beel bay leedahaye.

Sannadkii 1978 ayaa horboodayaashii siyaasadda ee beeshu ku heshiiyeen in ay xukunka inqilaab kula wareegaan iyagoo qaadaya odhaahdii soomaaliyeed:
Ninka degey rugteenii,
ruqiyana ku guursaday,
timaheedii kala rogay,
dumaal uu rag leeyahay,
gardarada ku raadsaday,
haddaan laysku ruux goin,
midkeen rubadda laga jarin,
raganimo maxay tahay?

Inqilaabkaas oo ay sooc ku ahaayeen saraakiishii ciidanka ee beesha oo uu hogaaminayo General Cirro ayaa habeen madow soo geliyey caasimadda Muqdisho ciidamo ay soo sooceen oo u badnaa beeshe,balse markii dhaqdhaqaaqu bilaabmayba waxa fashiliyey howsha meesha ka socota Gen.Maxamed siciid Xirsi Morgan oo soddogii Siyaad Barre u sheegay meesha wax marayaan,sidaasna waxa lagu qabqabtay dhamaan saraakiishii qaybta ka ahayd afgembigaas marka laga reebo Kornayl Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo baxsad kaga talaabay xadka Soomaaliya la leedahay Itoobiya.
Waqtigaas waxa bilowday in Cabdilaahi Yuusuf Itoobiya kaga dhawaaqay jabhaddii Kulmis,una gacan haadiyey shacabkii beeshiisu inay dagaal hubaysan kala hortagaan dowladda Siyaad Barre.

Dagaalo dhinacyo badan lagaga shiday,qorshe xumo horumarineed, qabyaalad iyo musuqmaasuq hadheeyey xukuumaddii uu gadhwadeenka ka ahaa Siyaad Barre kadib waxa wiiqantay awooddiisii dhaqaale,mileteri iyo diblomaasiyadeed,sannadkii 1991 ayaa awoodda laga tuuray rejiimkii Siyaad Barre.

Waxay siyaasiyiintii beeshani soo jeediyeen fikrad ah in Cali Mahdi maxamed laga dhigo madaxweyne ku meel gaadh ah,ninkan oo saaxadda siyaasadda Soomaaliya aan hore loogu arag,balse iyagu ay ujeedo ka lahaayeen si ay ugu kacsadaan awrkooda uguna fushadaan fikirkooda siyaasadeed. Cabsi ay ka qabeen General Maxamed Faarax Caydiid dartiis ayay geed dheer iyo geed gaabanba u koreen sidii ay isugu dhufan lahaayeen labadii beelood ee ay kasoo kala jeedeen Cali Mahdi iyo General Caydiid. Waxay Cali Mahdi dhegta ugu sheegeen in ninka Abgaal markuu soo dhasho uu qaabka ama sansaanka madaxtinimo uu la soo dhasho,halka kan Habargidir uu qaylo iyo qori lasoo dhasho,taasina waxay keentay inuu Cali Mahdi is jeclaysiiyo kursiga,taasina ay dhaxalsiiso dalka dagaal,burbur,barakac ilaa hadda aan dhamaan.

Mar haddii Cali mahdi madaxweynenimo ku adkaystay waxa isna dowlad ku dhawaaqay General Caydiid isla markiiba waxa caydiid soo martiyey Cabdilaahi Yuusuf oo raadinaya jagada raysal wasaaranimada Soomaaliya.
Shirar badan oo dib-u-heshiisiineed oo loo sameeyey Soomaalida si ay dowlad loo dhan yahay u smaystaan waxa fashiliyey beesha majerteen kadib markay ka dhex arki waayeen jaanis ay ku fushadaan fikradoodii guracneyd ee aan ku xukumo ku dhisnayd.

Sannadkii 2004-tii ayaa beeshu ku guulaysatay madaxweyne suuf iyo xanjo ah,balse in muddo ah ku magacownaa jagada ugu saraysa haykalka dowladnimo ee Soomaaliya,taasna waxa u fududeeyey hirgelideeda beesha caasimadda soomaaliya ee Muqdisho oo aan iyagu isu tanaasulin.
Magacas iyo maamuuskaas sidii la rabay beeshu ma uga faaiideysan kadib markay bilaabeen aargoosi qabiil oo lagu xasuuqayo beel gaar ah,iyo soo gelitaanka ay dalka soo geliyeen cadowgii ugu weynaa ee umadda Soomaaliyeed waa xabashidee.

Laga barayba laga badi baa soomaalidu dhahdaaye waxa oday Cabdilaahi yuusuf yeekaha ugu rogey ruug caddaaga siyaasiga ah ee beesha caasimadda Kornayl Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde). ”Bal dayaay waa kaa wadaadkii sii dabayshadaye” ayaa ka dhacday.Waxa dalka Jabuuti lagu soo dhisay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Sh.Shariif Sh.Axmed,waqtigii Shariifku ku jirey soo dooridda raysal wasaaraha xukuumadiisa baaq hanjabaad ah ayay beeshu Garoowe ka dirtay iyagoo ku hanjabay inay dowladda Shariifka qaadacayaan haddaanu raysal wasaare u magacaabin shaqsi kasoo jeeda majerteen, taasna waa loo yeelay.

Waxay dejiyeen shax sidii ay Soomaaliya oo dhan mustaqbalka gacanta ugu dhigi lahaayeen. Waxay soo casuumeen wefti uu hogaaminayo raysalwasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke oo isla gobolka kasoo jeeda.waxay kala hadleen qodobadan soo socda:

1-In magaca dowladda midnimo qaran aanay aqoonsanayn balse ay dowladda Shariifka u yaqaanaan dowladda federaalka soomaaliya e kumeelgaarka ah.
2-In loo saxeexo in majerteen  ay kheyraadka dhulkeeda si gaar ah u isticmaali karaan,cidday doonaana ay heshiis toos ah lasoo geli karaan,iyagoon soo marin federaalka,
3-In mucaawimooyinka dhaqaale ee la siiyo dowladda federaalka ah,qeybtooda toos loogu soo gudbiyo,
4-In leyliga ama tababarka sraakiisha ciidan ee dibadda loo diro qeybtooda loo soo gudbiyo,
5-In deeqaha waxbarasho ee soomaaliya lagu caawiyo badhkooda la siiyo,
6-In weftiyada ka qeybgelaya shirarka caalamiga ah lagu dhafo shaqsiyaad ay majerteen soo dirsato,si ay goobjoog uga ahaadaan heshiisyada la wada gelayo,
7-In hubka dowladda maraykanku ku caawinayso Soomaaliya qeybtooda lasoo gaadhsiiyo,
8-In dhaqaalaha iyo agabyada lagu bixiyo ladagaalanka budhcad-badeedka siduu u dhan yahay iyaga lagusoo wareejiyo,maadaama oo budhcad badeedku ka jiro degaamada hoos yimaadda maamul-goboleedkooda,
9-In dhaqaalaha lagu bixiyo la dagaalanka argagixisada 40% loo soo shubo iyaga,
10-In maadaama caasimaddii Soomaaliya qas iyo jahawareer ay sababeen dagaalada aan joogsiga lahayn uu ka jiro, xubnaha baarlamaankuna aanay naftooda ku aamini karin inay ku shaqeeyaan xaaladaas cakiran in si ku-meel-gaadh ah caasimadda Garoowe loogu soo wareejiyo.

Qodobaddan oo ilaa hadda aanu madaxweynaha iyo golaha baarlamaanku aanay wax jawaab ah ka bixin,haddana shaqsiyaad ka mid ah siyaasiyiinta beesha caasimadda Muqdisho ayaa ganafka ku dhuftay kuna sheegay laab la kac iyo waxaan suurto gal ahayn. Md.Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay inay Puntland ay ka mid tahay gobolada Soomaaliya,qaab dowlad-goboleedna aanay mansabkeeda ku qaadan,balse ay qaabkii 4.5 ku calaf qaadatay,isla markaana u soo jeediyey inay u hogaansanaadaan shuruucda dowladda midnimada qaran.

Puntland ayaa shaxdoodu tahay in Soomaaliya loo qaybiyo dowlad-goboleeyo sida:Puntland,Galmudug state,Hiiraanland,Banadirland,Bayland iyo Jubbaland. Waxay soo jeediyeen in la dhiso dowlad-goboleedyadaas oo ay shaqeeyaan. Xildhibaanada laga soo doorto 5-taas gobol ayaa iamanay dowladda dhexe dooranayana madaxweynaha dowladda federaalka.
Foormuladan khaldan waxay u dhigeen sidan:
1-Puntland=Majeerteen99%, Others+1%,
2-Jubbaland=Majeerteen80%,Others 20%, 
3-Bayland(Digil iyo Midhifle + Mareexan(Gedo),
4-Banadirland(Mudulood 90%,Others 10%,
5-Hiiraanland(Abgaal,Xawaadle,Gaaljecel),
Kismaayo waxay siiyeen Majeerteen,halka mareexaan ay ku cadaadinayaan inay isugu lugo-duwadaan Gedo,Ogaadeenna aanu degaan ahayn balse uu dool ku yimi gobolada jubooyinka.
La arki doonee damaca qaldan ee beeshani iyo shaxda qaldan ee ay dejisteen halkay kala dhacdo.

Wabilaahi tawfiiq.
jaamacducaale09@hotmail.com

   

 

7 Responses to “Falsafadda Majeerteen: “Anigaa Ku Xukumaya, Adigu Maya””

  1. wiil daarood said

    waryaa ninkaagan guda buursay…jaabbiyad xunoo laba qar ah ayaad ku nooshahay oo aad isaaq magan ugu tahay ka bax badaha soomaalida oo ka hadal dhibaatada boorame taal…iyo dayaca guda buursay uu ku jiro iyo horumarka ay tiigsadeen beesha isaaq..iyo xaq darrada taal gobollada waqooyi ee soomaaliya…majeerteen miyaad gaadhaa….war ninyohow yaan waqtigu kaa lumin haku habsaamin jamaahiirtaas sharafta badan,,waana ku ogahay fidmo iyo qurun iyo daarood kala geyn ayaad waddaa adeer daarood waa daarood marreexaan,dhulbahante,ogaden warsangeli are all my brothers marka baddayada ka bax.

  2. Cali said

    wadanka majeerteeen ama mareexaaan haloo dhiibo iyaga ayaa ku haboon xukun

  3. Cawil said

    Jaamac Dacaale sida muuqata harta adigu waxaad tahay shayduunu isin shaydaanu isinku waxaa lasheegay in uu ka sharbadanyahay shaydaanka caadigaa. waxaana lagu garanayaa in aad shaydaanu isintahay dadka walaalaha ah oo shaydaanka adiga oo kale ah awalto isku diray sida aad isigu dirayso xiligaan oo soomaali ayka ilbaxday qabyaalad waxay tahayna arkay.

    macaa dad isku beel ah ayaad kala saartay beelihii aad afka ku dhufatayna waxaa kamid ahaa
    1. Majeerteen.
    2. Mareexaan.
    3. Ugaadeen.

    dhamaantoodna waa isku beel marka waxaa halkaas kamuuqanaysa in aad u ciilqabto beesha Daarood

    waxaana kuu sheegayaa adiga ayaa mindhaa idman in aad ku fidmowdee maahan beeshaan mid aad wax ku yeelayso.

  4. ninkii qormadaan qorow waxaad waxaa kaa batay nacayb daarood ee uma ha qaldin. waxaase ayaan daro webka dadka aan aqoon waxa loogu talagalay oo wax iskaga qoraya sumcadiisana wax udhimaya.
    fadlan wax la taaban karo oo tayo leh dadka usoo gudbiya qabyaaladana joojiya waa bil ramadaane.
    majeertan waxba ku yeeli maysaane wax federal ugama baahnee iyagaa gubanayee koonfuriye dowlada horta iyadu haku heshiiyeen intaan cidkale lagaarin.

  5. hiildan said

    Aad baan idiin salaamayaa dhammaan,

    U malaynmaayo in qofka qoray qormadani uu yahay qabiilka ad ku wada boodeen ee Gadabuursi, xitaa haddii uu noqdo qabiilkaas iyo qabiil kale oo soomaaliyeedna, waxay ila tahay inuu xaq u leeyahay inuu cabiro fikradiisa. Haddiise wax idin dhibay ad ka dhex aragteen qoramadani oo cay ama af-lagaado ah iwm, fadlan soo sheega idinkoon cadhoonin. Mar walba fikradaha dadweynaha waynu soo dhaweynaynaa.

    Waad mahadsantihiin – Maamulka AllBoon (AB).

  6. samsam said

    salaan sare dhamaan
    aad ayaan uga xumahay waxaan in uu qof shir la yimaado xataa wax sax ah haduu soo qori lahaa wax dhan bay haan lahed waxaa na dhibaayah in uu kala saaro dad walaalo ah puntland malah majeerteen waa dhul u dhaxeeyah dad walaalo ah majeerten dhulbahante warsangali dishiishe kulii iyo darood iyo waliba qayb ay soo ceeriyeen reer koonfureedka ayaan haynaa marka saas oo kale wax looma qoro byyyyyyyyyyyyyyy

  7. sulbaan said

    wiil sacad ah ban ahay oo cidgaaraysaana aysan jirin soomaali oo idil waatee waa kuma qabiilka sacad gaaraa oo soomnaali ah caryaa sheega walee gobonimo la iidaa kkkkkk

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>