Af-gambigii Dhashay iyo Af-gambigii Dhicisoobay: Soomaaliya 1969 iyo 1979

 Labo af-gambi ayaa soo maray taariikhda dalweynihii soomaaliyeed inta la xusuusto. Labadaas af-gambi midkooda hore waxa ku dhashay kacaankii 21ka Oktoobar isaga oo an dhiig ku daadan.  Af-gambiga labaad oo midka hore ka danbeeyay muddo toban sanadood, wuxu noqday af-gambi dhicoobay balse dhaawayacay midnimadii Qaranka Soomaaliyeed oo aakhirkii u dhintay dhaawacaasi. Halkan waxaynu idiiku haynaa magacda, qabiilooyinka,iyo darajooyinka  dadkii ka qayb-qaatay labada af-gambi:

Continue reading

ADO Holland oo ka hirgalinaysa Degmada Boon dugsi xirfadaha farsamada gacanta lagu barto

 Hassan Giire and ADO team
ADO HOLLAND ( Awdal Development Org ) waa urur samofaleed oo ka hawlgala Gobolka Awdal iyo Salal Xaruntiisuna tahay Magaalaada Amsterdam. Ururka ADO HOLLAND wuxuu horey uga qayb qaatay dhowr mashaariic oo laga fuliyay Gobollada Awdal iyo Salal, mashaariicdaas oo u badnaa dhismayaal ka koobnaa  dugsiyo ,xarumo caafimaad iwm. Iyadoo intaasna  barbar socdaan wacyigalinta mujtamaca iyo baraarujinta sidii ummadu gacanteeda iyo kaskeeda ay  u kaashanlahayd.

Continue reading

Mucjiso: Haweenay Uuraysatay Iyadoo Hadana Uur Leh…!

   Woman Falls Pregnant While Already Pregnant                                                                                                          

Waxa ay ka mid tahay mucjisooyin aad faro ku tiris ugu ah caalam weynaha iyo culuunta sayniska. Haweenaydan ayaa waxay wararku sheegayaan in iyadoo Uur leh, hadana ay dareentay calaamadaha Uur kale. Kadib markii la baadhayna waxa la ogaaday inay leedahay Uur Kale.  Labada Ilmood ee caloosha ugu jiraayi ma aha mataano,  kolba mid ayaa calool galay waxayna kala weyn yihiin  labo todabaad iyo badh kaliya. Mucjisada noocan ah ayaa waxay khubarada caafiimaadku  ku sheegeen in magaceeda ama marxalada keenta  la yidhaahdo;  “superfetation” Continue reading

Murtida Abwaan Axmad-Daljir

nin salaada kaa bixinayoo meherka suureeya
insuleeqo loodiido oo laga subxaaneeysto
suuradaha halkeebeeykutaal aayad sugan keena
soomaalaay walaal kula dhashaad xume kuseeydhaane
surumada qiyaamaha ninkii siigo lagureebo
oosaciro laguleexiyaa magac xun saameeyey
inkastood qabiil sahan sateen silacu waaceebe
suuradaha halkeebeeykutaal aayad sugan keena
manaihi ragaan sareku qoran silacu waagaare
waana idin salaamaa abwaan saaxiyaan ahaye

-By Axmad Daljir

 

Continue reading

Ceebta Saxaafadda iyo Sirdoonka Somaliland ee Ku wajahan Colaada Bardaale

By Mc Shariif

shariif

Ciid wanaagsan guud ahaan shacbiga Somaliyeed, gaar ahaana waxaan halkan ka Salaamayaa shacbiga xalaasha ah ee JSL munaasibada ciid-alfidri waxaan ilaahay iniiga rajaynayaa barwaaqo iyo bash-bash in aan ku gaadhno sanadkaa sanadkiisa kale oo illaahay inaga dulqaado aafada siyaasadeed ee inalasoo daristay iyo afgaranwaaga dabaylaha colaadaha waji kastaba hayeehseene illaahayna bogeena burcad isku mariyo dhibaatadana inaga ilaaliyo dhamaanteen Aamiin.

Continue reading

Salaamo Hore iyo Reer Boon

Reer Boonkii hore salaamaha iyo hambalyooyinka islama dhaafi jirin, oo waxa ay u wadaagi jireen sida caanaha iy solaygaba ay u wadaagi jireen. Kuwa danbe iyo kuwa dallacayna inay ku daydaan ayaan rajaynaynaa, oo taariikhda dib u raacaan.  Halkana waxaynu idiinku haynaa salaamo iyo farriimo ay qurba jooga reer Boon isu weydaarsadeen shabakada SOMALINET, ciiddii sannadkii 2001.  Nabad iyo Caano Ku ciida Reer Boon:

Continue reading