NABAD IYO CAANO AYNU KU CIIDNO…!!!
September 19, 2009 10 Comments
Anaguna Ciidnee, Idinkuna Ciida, Nabad iyo Caano Aynu Ku Ciidno.

HiiDanYare
I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!
September 19, 2009 10 Comments
Anaguna Ciidnee, Idinkuna Ciida, Nabad iyo Caano Aynu Ku Ciidno.

HiiDanYare
Waxaan salaamayaa dhamaan dadweynaha gobolada awdal iyo salal,fadhliga ciida barakaysan in eebbe bisha bisheeda inagu gaarsiiyo bash bash, caafimaad barwaaqo iyo is afgarasho, isku tiirsanaan, is qadarin, is maqal, is ixtiraam, isku kalsooni, isdifaac, isarag, isninaamin , isdhisid,iskudani, isku-aragti, ismaqal, is-hanuunin, istusaaleyn,wa isku sheegis. Maanta waa maalintii labaad ee aan furo sitekan aadka u cajebta badan ee tuulo joogto dadka ku caayaan, anigu isku koobi kari maayo reer kaliya ee waxaan ahay nin ka balaaran reer ama tuulo, waxaad u eegtahiin dad u eeg in ay dadaalayaan ee halkaas ka sii wada oo joojiya cayda (personal) ah,waraiyaalkiinana ka dhiga kuwo intaas ka aragti fog. wa bilaaahi tawfiiq…..
Aad iyo aad baan kuu salaamayaa Dr Waraabe Cadde, ku ciid caafimaadsan, kuna soo dhawoow gobolka Boon.
asc waxan halkan kasalaamayaa dhamaan reer boon meelkasta oo ay joogaan waxan leehay ciid mubaarik gaar ahaan waxaan salaamayaa
marka hore habrawadagay siciid cali sharmarke inaabtigay cabdi qani yuusuf cateye waxan kaloon salmayaa gabadhaan abti u ahay nimco ahmed kaahin intaa dabadeed waxan salamayaa asxaabtayda qaaliga oo kala ah
maxmuud saleban cawale ilyaas jaamac cabdi
mukhtar cilmi camir ahmed dahir cali wali
sharmake nuux ismail cumar faarax maydhane
cisman cabdi roble mahdi cisman dahir ife
mustafe nuur rabile warsame abib roble
c/cabdiraxman ruqi xusen jamac diriye
c/ kariin maxmud suldan samatar abib aw adan
ruqiya yoonis cateye malyuun abiib aw adan
nicima mumun cateye ramxa maxamed cabdilahi
fadumo cabdi roble nimco cumar warsame
hodan cilmi shekh hibo nuux ismail
dhamantiinba waxan ini leehay ciid wanaagsan waa
walaakiin maxamed bakhad warsame
greece athens
waaryaa hiildan yare, kuma qorin (title) ama heerka aqooneed een leehay marka ka saar waynu kaftamiye , haddii kale kaftanku inoo socon maayo waayo wax baan tuurtuurayaa oo waad aragtaan inaan dhagaxjoog weerayay, dacarjoog weerayay, qoraxjoog weerayey beeralay baa ii hadhay, marka cidna ma dhaafin ee dadka haddii aad i garan ha macnayn ujeeda ilaa iyadu is micneysa, markaa raga baan rabaa in aan kaaga soo saaro godka haddii aan ul lala dhicin dhabarka ay sii jeedinayaan, murtidana way la dhimanayaan oo dhaxal u reebi maayaan ubadkooda, kuma jiraan haweenka reer boon waanay wada salaaman yahiin, kuwa gabya iyo kuwa buraan buraaba, bal waran wali waxaan boon ka sugayaa jawaab, habeenkii aanu ku dhexnay boon ee xamareyte naga xaday sambiilkii islaanta umushay mandheertu ugu jirtay , miyaad
haysaan xalkeedii? mise waan idinka dhaafaa. oo waan bedelaa…. walaalayaal wali DEMADAN BOON, kama aynaan tashan meesha uu saldhi, ee iyaanay ina qaadin hawo beeni ahi, kuwii horaan baanu u dab laanahayee, dhinaca kale amuu ceeb soo duwaa gobolkaa lagu magaacaabay salal guud ahaan, Boon waa meesha kaliya ee loogu qaatay magac in wax lagu sheego hadana bal aynu iska aragno, ma diidani wax soo kordha laakiin wax
Mr. Hiildanyare aniga oo ku nacsiin waa uu iga suaal, tolkay inuu hore u socdo kuwa ugu waaweyne ee habeen iyo dharaar u sioo jeedaaan ahay, laakiin reer boon suaashi aan idin weydiiyey ee biya, iyo bilista, iyo soleyga ugaadha iigama aad soo jawaabin, kaftankuna inoo furan…..
kkkkkkkkkkkkkkk Aad iyo aad baan kuu salaamayaa mudane Cadde, mar labaad soo dhawoow.
toloow miyay reer Boon kaftanka kugu eryadaan?.kkkkk , taasi ayaan kaaga cabsanayaaye?.
Si kastaba ha ahaatee Gobolka Salal waxa loo sameeyay xasarad, waana mid reer Boon wada dareensan yihiin.
Nasiib darro Boon meel dhexe ayay heehaabaysaa oo Saylacna kuma jirto, Booramana kuma jirto.
In xitaa midkoodna ay ku jirto anigu shaqsiyan dadnba kama lihi, waxanse dan ka leehay reer Boon
oo si run ah u midooba dantodana meel uga soo wada jeesta oo iska iimaansada solayga iyo caanaha badan ee Ilaahay siiyay.
Haddii an usoo noqdo su’aashaada ku saabsanayd sahaydii Boon lagaaga dhacay 1966kii …..kkkkkkkkkkkk.
Dee inaadeer anigu wakhtigaasi ma jirin mana joogin Boon, oo wax arrintaas ka jira ma hubo .kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Si kastaba ha ahaatee haddii ad wali wax nagu haysato, waxaynu u gubdin doonna Boon laftarkeeda’e,
fadlan soo qiimayso wixii lagaa dhacay.
kaftanku waa innoo furan yahay reer Boon aad ayay kuu soo dhaweynayaan, waanay ku wada salaamayaan.
Haddii an kaftanka wax ku daro, waxay ila tahay in Boon u dhiganto MADIINA, halka ay Boorma u dhiganto MAKA. Waxan uga dan leehay waxan reer Boorama kaga fiicanahay soo dhawaynta.kkkkkk
Waan ku salaamay adiga iyo dhalinta kugula talisey sitekanba, waad dadaleysaan, si wacan u wada malaha kuwii idinka waaweynaa ee saciid boon,cooli iwm waxaan ku leehay ku dar iidoor arimahiisa , wararka dalka xaalka soo kordha, ha u badnaado iidoor caygu, maxaa yeelay quraanka hadii aysan ku jirin cayda reer bani israa-iil ma macaanaadeen oo aan la oran yaa banii israaiil inaa fadhalnaakum calal caalamiin, udkuruu nicma tullaahi calaykum,oo haddana ay beeniyeen qawlu raxmaankii, waana qawmulfaasaqiin . taas waxaa la mid iidoorkan eebbe wax walba siiyey ee hadana kibrey, diideyna islaanimada , eebbe u tawbadkeenka, gaalkana daba nashlenayaa, iwm.
waan arkaa nin ku dheer soomaalinimada in aad tahay sida ka muuqata sawirka calanka buluuga ahi kugu sawiran yahay.
mida kale ma dhahin reer boon waa dad xun, mana dhahi karo, maxaa yeelay madheerbaa iigu taal, waan jeclahay horumarkooda , dib u dhacoodana waan ka xumahay, deegaan ahaan meel wacana way ku taal, soleyguna waa nicmad rabbi, dadaadu haddii ay yar tahay
sidaa u yartahay iyo sida hawsha aad u wadaa wey wacan tahay , sidaan ka arko sitedaka , dadaalka halkaa ka sii wad… reer boona wey salaaaman yahiin dhamaan ……kuwii idinka waaweynaa gabaabsi bay ahaayeen idinku midhaa shini cusub baad tahiin ….
kkkkkkkkkk
Mahadsanid mudane Cadde. Run ahaantii anigu shaqsiyan ma caayi karo reerka ballaadhan ee Binu Isaxaaq. Wixiise ay dhaliil ku leeyihiin, sida reeraha kalaba an uga faaloono, iyagana waalla tilmaami karaa.
Intaa ka sokow, Reer Boon, kolba sidii loo sii kala horreeyay ayaa Boon loo sii kala jecelyahay. Odayadii hore waxay ahaayeen reer Boon dhab ah, aadbayna daacad uga ahaayeen Boon nimada itaalkoodu meel uu dhigaba. Kuwan danbe waa “half-Boon half-Boorama iwm”, oo Booramana lugbay kula jiraan, Boonna lugbay kula jiraan, waxayna rabaan inay Laba faras isku hal mar wada fuushanaadaan. Taasina maah-maah ayay leedahay..kkkkkkkk.
Anyway; dhalinyarada cusub aadbay u dadaalayaan, waxana socda dhaq-dhaqaaqyo waxtar leh oo lagu kor yeelayo arrimaha waxbarasho; wacyi galin; wadajir; iwm.
Warbaahinta reer Boon iyaduna imika aad ayay usoo kacaysaa, durba waxa jira websiteyo badan oo reer Boon leeyihiin. Kuwo badan oo cusubna way soo socdaan. Hayadaha gargaarka ayaa iyaguna aad usoo kobcaya. Sida an saadaalinayana Boon waxay noqon doontaa gobol buuxa oo lagu soo hirto mustaqbalka dhoow..Insha Allah..
Solay iyo Caano
Ballanteennu Waa Boon
Ateyeh
HIILDANYARE, subax wacan , marka aan ku leehay reerka ku soo dar waa iga run, reer bani israaiilba qaar baa wacan oo waxaan adduunka ka socda iyaga ayaa horseed u ah, xuquuqul insaankan aan ku andacoon, gaar ahaan dadkan qaata garaamaha qaxootiga iyaga ayaa sameystay umana ay sameyn reer boon iyo cid kale.sidaas darteed reer iidoor haddii aad ka reebto caydooda waa bariis bilaa milix ah, marka waa lagama maarmaar mise xaalkeenu waa
miridii uu sheegayay faarax xabiib. xanuunkale oon iidoor ahayni kuma jiro dalka, dadka iyo diintaba, inkastoo durdur iyo dabaal mara doofaar abidkii ma daahiro ma daayo dabeecadiisii, marka reer ka waad yartee yey ku lumin , if iyo aakhiro toona ma le. xuma wey ku farxaan, samaha wey ka dhintaan, maalintay dhaawac arkaan bay dharaartii tukadaan, oo fantasye bay bixiyaan.
boon ka hadhimeyso burburka dalka, ciddii hormoodka ah dumista haddii aan la iska qabanna waxba ma soconayaan, waa qumulfasiqiin.. aamin ma le.. ha ka baqin odhaahdooda, warkaa ku siin tix raac….reer boona guul iyo gobanimo eebbe ha gaarsiiyo waa bahdeen ee… meeshay ku taal ha nicin waa goob gobeed, waa isku xidh guban iyo oogo, waa lama dhaafaan, lama caantaan, lama caayaan, waa meel mqofkii tega ee bukaa ku bogsoodo haddii uu adduun haysto, hawadeeda oo kaliya ku caafimaadin, saylac aakhiro tanka iyada ayay hogaamin, hawo ahaan, degmo ahaan, xagaaagii reer saylac boon bay iman doonaan, jiilaalkiina saylac, sannadkii lixbilood oo midba meel la joogo weeyee…
‘Sanadkii lix bilood oo Boon aynu joogno iyo lix bilood oo Saylac ah; Run ahaantii waa aragti fiican una baahan in sidaas loo wada fahmo, oo laysku diyaariyo sidii Boon iyo Saylac aanay u kala maarmeen. Waa inaan Solayga iyo Kalluunka kala badalano..!
Docda kale; inaadeer, dhib kasta oo haysta reer Awdal, waxan u aanaynayaa inay iyagu dhibkaas iska leeyihiin, oo haba yaraatee an cid kale la wadaagin. Isaaq uma keenin dhibkaas, Ciisana uma keenin, cid kalana uma keenin. Isaaq goonibuu isu taagay iyagoo hadana garabka ku haysta Gadabuursi. Ciisana goonibuu isu taagay iyagoo hadana garabka ku haysta canfar iyo Gadabuursi labadaba. Majeerteen goonibuu isu taagay iyagoo garabsaar la leh Harti iyo intii kale ee ay daris yihiinba.
Hadaba, Gadabuursi inuu gooni isu taago iyaga oo an ka go’in walaalahooda kale, ee dariska ay wadaagaan, maxaa uga ba’ay oo ka hor taagan?. Illeyn horaybaa loo yidhi ‘Kala go’ iyo kala lulasho, waxa la qaatay kala lulasho’. Innagoon cidnaba ka go’in ayaynu hadana goonideena isku maamuli karnaa……..
Anyway, dhibta haysata gadabuursi haddii wax layga weydiiyo; jawaabtu xaggayga waa “Gadabuursiyoow, Gadabuursi Iska Dhaw”…!!. Bal Boorama halla weydiiyo.!
Aadbaan kuu salaamayaa, mahadsanid
salaan qiima badan waxaan halkan kasalaamayaa dhamaan wixii ku aftirsada umada nabi maxamed(swc)gaar ahaan wixii ku aftirsada magaca degmada boon soley waxaan aanka salaamayaa ninka magaca qaala ah leh mr saleebaan irije cabdilahi iyo tasmiin cumar xaaji cismaan iyo dhamaan umada musliknka mamulaha dugsiga sare ee boon degmo mukhtaar muumin caateeye haan idhaadee waxaan amaan qaliya halkan uga dirayaa ninka layidhaahdo maxamad axmed cabdilaahi caateeye iyo dhamaan walaalaha ilma irije ha uhoreeyee ilyaas ibrahim cabdilaahi fadxiya ibrahin yasin ibraahin iyo waliba fihaama ibrahim ilhaan ibraahim hibo ibraahin waliba sacada ibrahim haboon ibraahin hodan ibraahim cabdilahi med ibrahim saadaad ibrahim usama ibrahim xamse ibrahim cabdirasaaq irahim waxa pre(mahad irije abdilaahi