Baro Dadka Kuugu Jira Taariikhda: Imisaa Reer Boon Ah..?!!!
September 23, 2009 1 Comment
Waxay u muuqdaan taariikho isku dhinac u janjeedha, oo an taabanayn dhan walba, lagmana yaabo inaynu dadkan ka dhex garano kuwo reer Boon ah. Balse waa dad soomaaliyeed oo lagu faani karo lana baran karo, akhris wanaagsan:
Wacan oo wanagsan mahad alleh baa iska leh
Taariikh kasta oo aduunka ka bilbaabataa waxay ku bilaabataa qof magacii taariikhdeenu waxay ku bilabtay inaga oo ah dad somali ah lakiin marka lago waa ku sii kal horaynaa somali nimada taariikheedan waxaa si ad iyo aad ah ugu soo dagalamay dad aad u badan uu uuka mid ahaa ninkii canka ahaa ee Maxamed Cabdule Xasan (Sayidka) markaa isaga ayaan ka bilabayana barashada dadka caanka a kuna jira taarikhda Somalida iyo tan adunkaba.
Waxaan rabaa in aan idiin sheego sida ay u soconayso barnaamijkani wuxuu su socanayaa wixii magac ah waa keenayaa wixii Taariikh nololeed ah baan ku so qorayaa ee sidaa ula socada waxaan kaga bialabay Sayidka taariikhdiisa Waxaan ka bilabaya markuu dhashay Kabacdina wuxuu soo kordhiyey iyo meeshuu ku danbeyey
waana tanaa.
wixii qalad ah oo aad ku aragtaan soo sheega
waataan taariikhdii sayidka
Dhalashadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego; ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka fogaadeen, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.
Taariikhda aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur oo sayidka maxamed awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Waxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.
Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeednna. waxuu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1). Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la weriyey in shiikh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu weynaa.
Shiikh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey dooxada “Casuura” oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo sodon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxa la weriyey shiikh cabdille isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro seed magan, kuna caan baxdey “Caro Seed” waxa la yidhi, waxay u dhashay 10
caruur ah, waxaana u weynaa Maxamed, hase ahaatee shiikh cabdille carruurtii uu dhalay waxey tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.
Shiikh Cabdille xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta “Taleex” 1913, qabrigiisuna waxa. laga dhisay qudbad caan ah
Maxamed cabdulle xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed ma laaso oo ah Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo “Sacmadeeqo” oo magaalada buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay “Gobaysane”,Waxaana la sheegay inuu ahaa gu’ barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1856. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay yidhaahdeen: sayidku maxamed saddex meelood ayuu ka la mid ahaa nabigii”scw” magaca da’da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn mayso guguu dhashay.wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah.Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo, reer miyigana waxaa u taliya roobka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn.Dabeecada ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoolaraac noqdo
Sidaas daraaddeed, waxaan oran karnaa:Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa xoolraac, lamana sheegin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa baa quraanka loogu bilaabay.Macallinkii quraanka u dhigi jirey waxa lagu naanaysi jirey “Kud quraan”. maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax lala yaabo ma aha oo ardada ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo badnaan iyo firfircooni. waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in calaamooyinkii macallimadu. ka muuqato,isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cimiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo.
Hase yeeshee, gadaalkii xertii buu ku mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.
Dhulka masaajid iyo madaaris midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go’nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo, ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado. waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato.
Haddaba, waxaa hubaal ah in Aw maxamed shirkaas culimda diintu markay dadka wacdiga iyo waanada u jeedinayaan ka faa’ideysan jirey. Sheeko ku-tiri-kuteen ah waxaanu ku maqalnay in Aw maxamed soddomaadkiisii dhul badan oo dalka gudihiisa ah oo kala duwan maray isagoo cilmi doon ah hase ahaatee taasi run iyo been miday tahay lama oga, waxaase la weriyey inuu cilmiga ka bartay Shiikh la odhan jirey Shiikh Abokor shiikh Ibraahim laguna naanaysi. jirey Abokor fool-dheere, oo degmadiisa ahayd dhinaca waqooyi ee webiga shabeelle waxa la wariyey sayid maxamed baa eegay Ceelka Walwaal, kolkaasuu dhererkiisii la yaabay oo waxuu yidhi “Cilmigii Abokor-fooldheere” ayaa buuxin lahaa, meel kasta cilmiga ha ka barto, nin kastaba ha ka akhristee, waxaa hubaal ah inuu sayidk maxamed diinta islaamka iyo Af cariba aad u yiqiin, gaar ahaan qaybta loo yaqaan “Cilmiaale” oo afka carabiga furaha u ah, markaasna wuxuu la baxay Shiikh maxamed Shiikh cabdille. Qore: A.A. mohamed
Ninkani waa Sayid cabdikariim sayid Maxamed Cabdulle Xasan from www.doollo.com ka fiir wax badan oo ku saabsan sayid cabdikariim maxamed cabadule xasan.
KAALINTA FANAANIINTA IYO HEESAHA
wacan oo wanagsan mahad alleh baa is leh
waa wax fiican in aad barato dadka soo sara heesaha iyo gabayada aad dhegasato markaa waxaan ku bilabaynaa halakan dadka sida fican loogu tixgeliyo suugaanta somaliyeed inta aan ka aqaan ama aan soo helay waa intan mida kale ee aan tabo in aan ku sii saro hadii alleh idmo waa taarikh nololeed koodii.
Cali Jamac Haabil
Oomaar Nuur
Maxamed Bulxan
Ismail Xayd Aflow
Muxumud Liiban Jadeer
Cumar Usteeliye
Yusuf Xirsi Magan
Barkhad Cas
Ina Khaliif Muuse
Maxamed Cali Kaariye
Hurre Badha-Tuug
Jamac Gacanlow
Cabdillahi Suldaan Timacadde
Bookh Cali
Cismaan Gabyaaye
Ina Cabdalle Muuse
Indhoolow Libaax
Cabdillahi Minjacase
Barkhadcas
Banfas
Axmed Cali Geydh
Cabdi Qays
Xasan Ganey
Sheekh Axmed Wacdiyow
Cabdulle Raage Taraawiil
Maxaad Gacal Xaayow
Cabdulle Geedanaar
Ugaas Nuur Ugaas Roble
Cali Bucul
Xasan Sh Muummin
Faarax Gololleey
Iyo Qaar kaloo badan
Gaarriye
Dharbaaxo Jin
Yusuf Maygaag
Xirsi Boqon
M.A.Caws “Yawle
Abdullahi Muuse
M.C.Xasan
Qamaan Bulxan
Raage Ugaas
M.C.Dage
Saahid Qamaan
Xarbi Dheere
Weerar Bulxan
Maax Dhegoole
Qawdhan Duale
Xasan Tarabbi
Nuur Dhegacun
Xaye
Camanje
Deyl Yogol
Xuseen Dhiqle
Maxmed C. Beenaley
Aw Yuusuf Barre
Dhoodaan
Singub
Max’d cismaan Tukaale
Xuseen Xasan
Waran-Kelyaale
Barre Jaajaale
Madar-Gariirood
Xandulle Nuur
Nuur Ducaale
Cabdi Hurre
Aw Muxumud Liibaan
Caalin
Cali Ducaale
Cilmi Boodhari
Ismaciil C Bulale
Ina Dubbe
Maxamed Fiin


Waxan walaalaheyga somaliyed aqon kororshi uracinaya ragkale oo can ku ah suganta ama tariqta somaliya. Sida. 1-xusen hodle 2-cilmi rage 3-farax caytame 4-aaw adan 5-sahid qaman 6-sheq yussuf 7-qorgab 8-dhonyacab 9-dhadhabeti 10-macalin farax 11-yussuf c/ dhabase 12-ugas barud 13-helale 14-rodo af-jano 15-farax wilwal 16-qaman bulxan 17-gobes c/ dhabase 18-ugas nur caburiye 19-werar bulxan 20-sh.c/ wahab mahad sanidin in badan oo kale aan halkan kuxin ayajiro ha is dhihin aqristow muxu usoo kobay intan baro inkale oo badana weydaba socota ok. Mansoyin halqabsi u,ah rag kor kuxusan 1-xusen hudle. waxa layiri haben habenada kamid ah wan gaya aya tirahda saladan ayan kor uturenaye inteyna sodhicin kagabe? Wuxu yiri 1- kar gabey mugaad maxamamow nagu kurbeyse, ana kama kur beysani, inan kalima wayaye, ninkii caawa meel uga kaca, waa korka utur 2-dhonyacab 1-idinkuna idila, idina waa idaba galeysane, aqal labada dah beynu nahay, oo kala dan beymeyno, dan ha looga baxo reer cilmi, yaa doone aqire gabeykale oo uu can kuyahay ” hadan nabada. celkan kurido cidiba- soo sarto!