ADO Holland oo ka hirgalinaysa Degmada Boon dugsi xirfadaha farsamada gacanta lagu barto

 Hassan Giire and ADO team
ADO HOLLAND ( Awdal Development Org ) waa urur samofaleed oo ka hawlgala Gobolka Awdal iyo Salal Xaruntiisuna tahay Magaalaada Amsterdam. Ururka ADO HOLLAND wuxuu horey uga qayb qaatay dhowr mashaariic oo laga fuliyay Gobollada Awdal iyo Salal, mashaariicdaas oo u badnaa dhismayaal ka koobnaa  dugsiyo ,xarumo caafimaad iwm. Iyadoo intaasna  barbar socdaan wacyigalinta mujtamaca iyo baraarujinta sidii ummadu gacanteeda iyo kaskeeda ay  u kaashanlahayd.

Hassan Giire and ADO team
 
Hadaba Dhawaan waxaa booqasho ku tagay Gobolka Awdal iyo Salal gudoomiyaha Ururka ADO HOLLAND Xasan Giire
ujeedada booqashadiisa oo la xidhiidhay  in la kordhiyo samofalka wixii daboolaya baahida aan kor ku xusnay
taas oo URURKA ADO HOLLAND uu go’ aamiyay in la dhiso dugsi lagu barto adeega xirfadaha farsamada Gacanta oo dabooli doona baahida mujtamaca ee mustaqbalka Labada Gobol sida:
 
- Farsamada aalada casriga ee Computerka qaybihiisa kala duwan
- Xirafada Kal-kaaliyayaasha Caafimaadka iyo Gurmadka degdega iyo Shaybaarka
- Tababarka macalimiinta Waxbarshada aas-aasiga ah
- Tababarka farsamada Dhimayaasha :
  a) Nijaarada ( fundiga)
  b) Wastaadka
  t) Ranjiga iyo qurxinta guryaha
  j) Qasabadaha ( tuumbooyinka )
  x) Dabka qulqula ( Korontada )
 
ado2
Iyo wixii macquula ee kor u qaadaya aqoonta farsamada gacanta si qofku uu sacabadiisa uu ugu dhargo uuna ugu faa’iidaynlahaa mustaqbalkiisa iyo ka deegaankaba. ADO Holland waxay wada shaqayn ka dhaxaysaa lana shaqayn doontaa hay’adaha wadaniga ee dhamaan ka hawgala jamhuuriyada Somaliland.
 
Ujeedada ADO HOLLAND
 
Ujeedada ADO HOLLAND waxay ku aroortaa hortuumarinta iyo kobkicinta horuumarka Labada Gobol.
Waxay kaloo ay rajaysaan in Dhismaha Dugsan cusub ee farsama gacanta ee degmada Boon uu dabooli dooni isla markana kaabi doono danta iyo baahida loo qabo barashada xirafadaha farsamada gacanta ee Wadar iyo waaxba.
ado5
 
ADO HOLLAND waxay kaloo ka codsanayasa kuna buurinyasaa inta cilmiga iyo caqliga Illaahay ku manatsay inay
garab galaan dhismaha iyo isticmaalka dugsiga cusub ee farsamada gacanta ee Degmada Boon.
ado3
 
Sidaa iyo wada shaqayn wacan.  ADO HOLLAND waxa soo dhoowaynaa cidii nagu soo kordhisa wixii talo iyo tusaale ah
wixii faah-faahina waxaad kala xiddhiidhi kartaa cinwaanka shabadkada ADO HOLLand.
http://www.awdaldev.org
awdaldev@hotmail.com
 
Coordinator ADO Holland
Cabdilaahi Mohamed
giire_5_9@hotmail.com
 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.