‘Soow Ma Aha?: Gabaygii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (AUN).

Shir aguugay waayeel abyamey, talo ashaashowday

Irdi jiq ah albaabo isku xiran, eel la bixin waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odayo lee geeyo

Xaajada afraha duubatee, loo olmami waayey

Inkastoo ayaan iyo ayaan, amarka loo guursho

Ninkii maalintaas ka arrinshaa, AAAQIL  Soow Ma aha?

……………SAYID MUXAMAD CABDULLE XASAN…….  

 Anshaxa iyo asluubta wanaagsan ee laga fili karo qof Binu Aadam ah oo khusuusatan muslim ah masuuliyadna haya, waxad ka dhex heli kartaan gabaygan qiimaha  iyo qaayaha iyo xikmadda badan ee uu tiriyay Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (Raxmatullaah Calayhi):            

SOOW MA AHA…?

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga ku isticmaalaya

Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaawaynin

Oo aan inkirahayn xaq, waa la ogolaadaaye

Nin salaada awqaadda faral u addimooaaya

Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya

Oo an afurin soonku, waa bilaha iideede

 

Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya

Oo inuu aahay yiraa, ku ixtixyooaaya

Oo an bakhaylnimo abkiis, lagu ishaaraynin

Nimaan diinka aafadi galeyn, aakhiru sebenka

Oo an Axmaarada sidii Obu u yaacaynin

Oo an gaalka ooradu ku taal, u askaraynaynin

 

Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfitaagaynin

Oo an ajuurada kufriga, ugu adeegaynin

Oo an ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin

Nin jihad ahoomina hayoo,ubaxa loo saaray

Ingiriiska eyga ah ninkii, ugu uleexaayey

Oo libin ajari leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoon xumidu waa eeraggoysnimo’e

Asraar ma fiicnee runbaa, lagu arooraaye

Ninkii aynigaas lagu yaqaan, Soow ISLAAM  ma aha?

 

Shir aguugay waayeel abyamey, talo ashaashowday

Irdi jiq ah albaabo isku xiran, eel la bixin waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odayo lee geeyo

Xaajada afraha duubatee loo olmami waayey

Inkastoo ayaan iyo ayaan, amarka loo guursho

Ninkii maalintaas ka arrinshaa, AAAQIL  Soow Ma aha?

 

Uu’ uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho

Sangootida ilwadda leh haddii, agabka loo qaado

Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo

Maantii warmaha oofta iyo araxda, laysku wada gooyo

Maantii aboodigu ka lalo, amaxa loo daadsho

Maantii asaayuhu ku dhaco, idil dagaalkeeda

Maantii fuluhu naga ordee, alabasee rooro

Maantii rag aan loo ileyn, naga ugaaroobo

Maantaa ninkii aarsan, Soow AARKA  dhici maaha?

 

Nimaan edebdarrooynin, xil waa laga ajoodaaye

Af-lagaado an jirin, nin aan kuula imaaynin

Oo kaa asluubanahoo, ku istixaynaaya

Ab uu yahayba Aadmiga ninkii, samo ekaynaaya

Abtirsiimo kii xigay nimaan, iniq  u dheeraynin

Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo diiqo

Aankula ekeekamin intaa, ururka uu joogo

Aan xaajo awgeed la gubey ubucda jeexaynin

 

Anfaacigiyo dhuuniga nin, aan ku anfariiraynin

Oo xeero soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin

Oo sida ardaalada wax cuni, alam ka siinaynin

Intuu aqalka baanjiyo, nin aan aradda guulguulin

Aagaanta ciirta ah nin aan, aaska dhiganaynin

Oo aan qunbaha awdanoo, ilixirkuu jiidan

Aaqibadaa loo galay, nin ay aakid ku ahaatay

Oo kuu ixsaan fail intuu, udug adduun haysto

Oo an abaal dhaca aqoon, soow  IKHYAAR  ma aha?

 

Ari badan lo’ iyo geel, intii mulug adduunyaad ah

Ugub dhalaya qaalmo ummuloo, laga unuun gooyey

Eeraan fardood iyo gammaan aradka duulaaya

Aqal weyn aroos ilicyo loo,  ilixir loo yeelay

Inaan quruxsan oo lagu ashbahay, awsi iyo khayli

Oo aqal asli ah loo geshoo, jalamtu eedaamin

Asteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keeni

Ummuurtii ad leedahay ninkii, kuu ebyoonahaya

Adduunka iyo aakhiro, ninkii kuu aslaaxahaya

Ninkii maalintaad iilan tahay, aano kugu qaata

Oo an abaaraha dhag yiri, oodda kugu jiidin

Itaalxumana an kaaga tegin, Soow IKHWAAN ma aha

  AllBoon (AB)

4 Responses to ‘Soow Ma Aha?: Gabaygii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan (AUN).

  1. dayax iyo waaberi

  2. maanta hhh a roob aad u xoogan ayaa degmo ka tirsan gobalka sh/dhexe oo magaceeda leeyraa aadan yabaal mahiigaan ayaa burburiyay

  3. websete aadan/yabaal waa degmo caana oo ka tirsan gobalka sh/dhexe waa degmo aad u macaan cimiladeeda waxaa eey leedahay beero lagu dalxiiso jawi macaan qoraaga waa c/zamad ali afyaanyo

  4. Gabayo sayid cabdule xasan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.