TAARIIKHDA DEGMADA BOON IYO DADKEEDUBA MAXAY KU CAANYIHIIN . QAYBTII 1
September 28, 2009 2 Comments
By Mohamed Aw-Aden (GASLE)
Run ahaantii boon waa magaalo kasoo jeeda ilbaxnimo sareeysa waa magaalo horumarka gadhay iskaawax uqabsada dadka kunooli malaha qabiil waxaayna ku abtirsadaan reer boon taasi weeyaan abtirsiinteedu dadka kunooli waa dad isjecel oo isku ixtiraama reer boonimada .
XAGAwaxbarashada reer boon waxaa dad jecel waxbarashada waligoodna lama arag qof reer boon ah oo wax barashada ku liita waxaana heerkaasi gaadhsiiyay awoowyaashoo
oo iskuu duubnaa oo jeclaa inay reer boon waxbarashada meel sare ka gaadhaan
xaga sportiga reer boon waa halayadii ciyaaraha ee gobalka awdal boon waxaa aad looga ciyaara kubada cagta oo guulo badan aay ka gaadheen waxayna ubadnaayeen qarankii awdal ee ciyaarihii gobalada ee dalwaynihii hore eesoomaaliya
Waxaay caanku tahay orodada iyo bootinta rag iyo dumarba oo aay bilado badan ka soo hooyeen run ahaantii boon waa hoyga sportiga
XAGA fanka Boon waa hoyga fanka ee gobalaka awdal waxaana ka soo jeeda hobolada aamina faaarax,xasanwado ,nuurdaalacay,maxamuud ciise tima jilic iyo ina kulmiya gaafane iyo rag badan iyo dumar badan oo aan halakan ku soo kaabi karayn
Boon waa hoygii horumarka waxaay hodanku tahay solayga oo ah waxa loogu jeclyahay waxaayna yidhaahdaan reer boon haday soori wax tari imisaan solay subag ku dhuuqay,run ahaantii solaygu qiimo badan ayuu ku fadhiyaa .
Waxay hodonku tahay xoolaha iyo beeraha waa dhul qiimo badan oo udub dhexaad u ah dhagax joogoo dhan
Boon waxaay ku guulaysatay inaay iskeed usamaysato inay biyo soo gashato iyadoo ka keentay meel aad ufog oo layidhaah aftoox dadwaynaha reer boon ayaana biyahaasi iskaa wax uqabso ku keenay inayar oo aay hayada undp kacaawisay mooyaane
Booneey iskaagiyo hawlihii iskaashiga adigaa bilaaboo halkii laga unkaad tahaye
Magaalada waxaa ku yaala laba shirkadood oo isgaadhsiinta ah oola kala yidhaah telsom iyo telcom iyo xawaaladaha lacagta
Waxaa kuyaala dugsiga hoose dhexe iyo secendary oo aay araday badani dhigtaan waxaana schoolka secondariga bilaabay oo maalgaliyay gancsadaha weyn ee idiris muxumed sacad ganacsadahaasi oo jecel horumarka boon
Waxaa ku yaala sadex masaajid iyomadarasado dadka boon waa dad aad ujecel barashada diinta islaamka waxaana ka dhashay sheekhyaal badan oo soomaalida caan ku ah
Boon waxaa ka dhashay dad caan ah oo aad looga yaqaan gobalka awdal iyo geeska afrikaba
Boon waa magaalo taariikhiya oo ay udhawdahay darbida jajaban oo ahayd magaalo malaayiin sano kahor ladaganaa.
Boon waa magaalo taariikhiya oo aad ku arkayso dhaqan ka soo jeeda dad ilbaxnimo fog leh,dadka reer boon waa dad isjecel oo had iyo jeer iskaashatada. Boon waxaay xidhiiidh ganacsi la leedahay jamhuuriyada jabuuti
Dadka reer Boon waxaa hal hays u ah, “inkastoo badii tago, berrigana ka soo dego, markaan Boon imaadee, isha bilic ku siiyaan, hurda boganayaaye” , taasi ood garan karayso qiimaha aay Boon ugu fadhido iyo jacaylka ay jecel yahiin inayna meel kasta ay ka jecel yahiin Boon ,Taasi oo muujinaysa cid kastoo reer Boon ahi inay jeceshahay Boon.
Waa hoygii waxbarashada waa saldhigii horumarka boon
lasoco qaybta dambe
Maxamad Aw-Aadan Jaamac
(GASLE)
Xigasho: BooramaNews
SCWW/ salaankadib Kasle horta waad mahad santahay waayo waxaad daysaaba wuu ku daayeeye inaan Boon hadal haynaa waxay inoo horkacaysaa inaan Boon hagaajino, marwalbana anigu waaan ku farxaa qofka reer Boona een arko isagoo hadal haya Boon waxaanan ku leehay halkaa kawad.
Midbaanse kugu darsanlahaa markaad kahadlaysay dhinaca fanaaniinta Boon waxaat taabatay kuwa caanka noqday oo keliya laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan is xusuusino reerboon ahaan kuwii Boonoodhan khaasatan kuwii madadaalin jiray dadka reerboon wakhtiyada cawsyada aroosyada shirarka iwm waxaana kamid ahaa allaha unaxariiso intii dhimatay inta noola hadaayee faaankii waynaa ee Xasan Ibraahin Migil(Yoolac)
Ina C/Saayaq, Cabdi Cismaan Waabari(Cabdikuus)
Sacaada Hufane
Ismaaciil Geele
Cilmi C/Waabari
Waxaajirtay wakhtiyadii Dawladii Kacaanka aad loo jeclaa waxaa laqaban jiray habeenkasta oo Jimca ah jirwayn oo reerboonoodhan ikugu iman jireer hanooninta markay laba qof qudbadeeyaanba hal qof baa heesi jiray ama buraanburi jiray ama gabyijiray hadaba waxaan ugu jelaan jiray markay allaaya arxame habaryar tay Faadumo Ducaale ama habayda Safiya Ceeteeye buraan buraan dhinaca heesaha dhamaan reerboon qofkii heesiba wuu cod qurux badnaa walaahi waangaran laahay sobobta, dadku way xishoon jireen uune kiihadlaaba kiikale kadaran waxaase marwalba noo heesi jiray Aamina,Sacaada,Cilmi,Ismaaciil ama Cabdilaahi Muxumed Sheekhdoon oo heesaha kacaan ka qaadijiray Gabayga isaga warkiisabadaa waxase ugu haystay ina C/Saayaq.
waxaan ugu necbaa wakhtiyada qudbada waxaanxusuustaa aniga iyo Timacab Labaleeke oo isku dulgamanay intii qudbadu socotay marka heestana sooboodnakkkkkkkk waxaa ugu qudbad dheereenjiray allaaya arxame Abtigay Rooble Xoosh iyo Caddilaahi Kaahite(Degene)
Waad salaamantihiin.
waxaan u jeedaa Timacad Labaleeke iyo Cabdilaahi Kaahiye raali ahaada magacda waan qaldee
Mida kalese Gasle miyaad ilowsantahay halhayska reerboonee ad kor kuxustay inuu kamid yahay heesihii Abwaax Xasan Ibraahin taas iyo kuwo kalooy kamid ahaayeen
Sidii BuurtiiGoodire,Dhabanada Libaaxlay,Toloow yaa jacyl udamiina,Boonbayku dhalatee, waa Dabayl kujiidhoo Jiro kugu abuurtee iyo qaarkaloo badaan