BOON Maxay Rabtaa?: Ma Saylac Mise Boorama, Mise Midnaba?.

Boon intii ay sidatay magaca Tuullo,  waxay muddo dheer ka tirsanayd degmada Boorama ee gobolka Awdal. isla mar ahaantaana muddo dheer ayay u halgamaysay inay qaadato darajada Degmo oo ay xaq iyo xuquuqba u lahayd, maadaama ay tahay meel kulmisa dad kala duwan oo qabiil kastaba leh.  Read more of this post

Miicaad Caynaan, Dulmiga Hallaga Daayo

Miicaad Caynaan Gadiid

Mudane Miicaad Caynaan Gadiid oo ah muwaadin reer Boon ah isla markaana aad iyo aad looga yaqaano Boon. Ayaa waxaynu dhawaan ku war helnay inuu Madaxweynaha Somaliland oo ay isku beel soke  kasoo wada jeedaan uga cawday tacadi lagula kacay oo lagu duudsiyay xaqiisa.  Cabashada Mudane Miicaad Caynaan Gadiid waxa lagu soo bandhigay shabakada RAMAASNNEWS, oo aynu kasoo xiganay, wuxuna u dhignaa sidatan hoos ku xusan.

Read more of this post

Gabaygii ‘ALLEYL DUMAY’ iyo Raage Ugaas

Wali waxaynu  ku guda jirnaa ururinta suugaantii aynu kusoo qaadanay dugsiyadii Hoose/Dhexe iyo Sare ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya. Gabaygan idinku soo maqan ee halkudhegiisu yahay ‘Alleyl Dumay’, wuxu ka mid ahaa gabayadaas aynu soo sheegnay. Waxa tiriyay Raage Ugaas (AUN), kadib markii gabadh isaga u doonanayd oo ad u qurux badnayn isla markaana Raage aad u jeclaa loo meheriyay Faarax wiil-waal.  Raage Ugaas  sida la soo wariyay aakhirkii wuu dili doonaa Faarax Wiilwaal, kadib markii ay isugu yimaadeen inay shax wada cayaaraan,  gabadhiina wuxu ku kaxaysanayaa xarrago iyo xoog. Waa marka uu odhanayo:

Read more of this post

Taariikhda Ururkii SYL ee u soo halgamay gobannimada Soomaaliya

SYL

http://www.xildhibanpublications.com/Wararka/somaliyouthleague.htm

Guulihii Kacaanka 21ka Oktoobar iyo Dhacdooyin Taariikhiya

Maj General Maxamad Siyaad Barre

Dhacdooyin taariikhi ah ayaa soo maray adduunyadan aynu ku noolnahay bisha Oktoobar 21 keedii, oo maanta oo kale ku beegan (21 Oct).  Midda ugu muhiimsan ee soo martay ummadda soomaaliyeedna waxay ahayd curashadii kacaanka barakaysnaa ee 21 Oktoobar 1969- kii. Kacaanaasi isaga ah, oo Jaalle Maxamad Siyaad Barre (Raxmatullah Calayhi) uu hogaaminayay.

Read more of this post

Allaha U Naxariisto Marxuum Xasan Nuur (Sanduuq).

Dhammaan dadka magacdoodu hoos ku qoran yihiin, waxay si wada jir ah uga tacsiyaynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid, MARXUUM- XASAN NUUR oo ku magac dheeraa ”SANDUUQ” oo ku geeriyooday magalada Boorama 18-10-09. Waxan marxuunka illaahay uga baryeynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan eheladii iyo caruurtiisii iyo qarabadiisiiba samir iyo iimaan uuka siiyo ”AMIIN”

Read more of this post

‘Midab Indha La’aanta’, Oo Dabiib Loo Helay: Cure For Colour Blindness. !!

Squirrel-monkey-takes-a-t-002

London(AB), Culimada Sayniska ee jaamicadaha Washington Seatle iyo Florida ee dalka Maraykanka ayaa waxay daah fureen ‘dabiib iriq’ (genetic cure)  oo loo helay cudurka loo yaqaano ‘Midab Indho La’aanta’ (Colour Blindness). Cudurkan oo qofka qabaayi aanu kala garan midabada qaarkood, sida cagaarka iyo casaanka ayaa waxay wararku sheegayaan inay  qabaan  malaayiin qof oo ku nool daafaha dunidan, haba u badnaadeed dadka caddaanka ah, gaar ahaan Ragga caddiinka ah..

Read more of this post

Hambalyo Boon News Online: Hambalyo..!

Hambalyaanu Leenahay iyo Hays Caawiso Boon

Hambalyaanu Leenahay iyo Hays Caawiso Boon

Waxaynu hawada kusoo dhawynaynaa shabakada bilicda san ee BOON NEWS ON LINE, iyo tafatiraheeda  da’da yar isla markaana dadaalka iyo dulqaadka  iyo daacadnimada badan ee naftii Hure  SAMAROON ROOBLE XASAN WACAYS . Waa lagu sugaayoo lagu saadaalinaayaye soo dhawoow Boon News On-Line.  Read more of this post

Taariikh Dhaqmeedka Gadabuursi

 GADABUURSI TRADITIONAL HISTORY

Aniga oo magacaygu yahay Maxamed Cilmi Maxamuud waxaan rabaa in si kooban uga faaloodo taariikhda rasmiga ah ee Gadabursiga ama tafiirtii sheekh (Muxumed, ama Sheekh Samroon)hadaba si jirta aduunkani aan ku noolnahay bulsho kaste oo meel ku nool oo la odhan karo magaca, waxay leeyihiin Asal-Raac fog oo ah mid ay ku noqdeen dadka jinsiyad ahaan meel kaliya ka soo jeeda.  Read more of this post

Cumaamad Saarka Ugaaska CIISE iyo SAYLAC.!

 Ugaaska Mustafa
Waxa isa soo taraya warar badan oo ku saabsan qaban-qaabada  Caleemo Saarka Ugaaska 19aad ee bulsho weynta  beelaha  Ciise. Ugaas kaas oo  wali  ah wiil yar oo ‘caano nuugga’  (da’ yar) ,  oo ‘dhiiggii habartii an dhiig kale ku darin’..! Waa Ugaas Mustafe Maxamad Ibraahim oo dhawaan bulsho-weynta beelaha  CIISE isu raaceen inay doortaan. Isla markaana ay rabaan inay ku caleemo saaraan magaalada qadiimiga ah ee SAYLAC.  

Read more of this post

Tahniyad Dhalasho Farxad Leh: Waa wiil, Waa Muscab..!!!

 

Wiil iyo Caano, Muscab iyo Caano..!

Wiil iyo Caano, Muscab iyo Caano..!

Dhammaan bahda HiilDan iyo AllBoon, waxay si wada jir ah tahniyad iyo bogaadin ugu dirayaan, walaalkood Mudane Maxamad Cali Ciye (Maamulaha SALALNEWS), dhalashada wiilkiisa MUSCAB.

Read more of this post

Ilmaadeer Makala Adkaado: AwdalWebsites

Waabab Cusub (New Websites) ayaa maalin walba kusoo kordha ummadda Af-soomaaliga ku hadasha. Ummaddaasi oo lagu tilmaamo inay ku jiraan safka hore ee  dadyoowga ugu waabab (websites) badan qaaradda madoow ee Afrika, gaar ahaan shabakadaha wararka iyo xayaysiisyada. Hadaba is weydiinta xusidda mudan ayaa waxay tahay, waababkani cusubi miyay cusub yihiin runtii, mise magaca ayuunbaa cusub oo dadka samaystay waa dadyoowgii awel horaba ku jiri jiray saaxadda saxaafada iyo suuqa internetka?.

Read more of this post

Roob Dab Ah iyo Qosol Dameer .!!

Carruureey Maalmo iyo Habeeno Wanaagsan..!

Dameer Qoslaya ..!!!!

Carruureey, waayo hore oo hore, ayaa waxa jiri jiray nin   xariif ah oo magaciisa la odhan jiray JUXA. Juxa wuxu lahaa  sheekooyin badan, waxana  ka mid ahayd, sheekadeenan maanta oo ku saabsan JUXA oo safar ay wada galeen koox kale.  Kooxda uu safarkaasi la galay waxay ka koobnaayeen laba nin oo Dameer wata, waxayna isku dayayaan inay khaayimaan JUXA.

Read more of this post

LABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali xaggee iska shabbahaan?: Qormo Xiisa Badan

ingiriis

WQ: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: Ingiriis@yahoo.com

Salaad Gabeyre Kediye, waxa uu ahaa ninkii soo dhiraandhiriyey ee ka dhabeeyey afgambigii 1969-kii. Saddex sano kaddib afgambigaas, July 1972-kii, ayaa waxaa dil toogasho ah ku xukumay ninkii uu isagu Madaxweynaha ka dhigay oo ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Read more of this post

Dulmiye vs Dulmane..!

Hasha Geela Cunta

Awdal xageeda  murugadu kuma badna,  kumana ba’na . Su’aasha is weydiinta mudan ee reer Awdal u taalina waxay   tahay: ma dhulka idinka maqan ayaa haboon in ad  si wadajir ah u xoreysiin?, mise dhulka idiin xorta  ah  ayaad  si  kala jir ah isugu   dulmiyaysiin?.

Read more of this post

Sawirro Hore: Xubnihii Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliya

Waxaynu halkan idiinku soo ururinay sawirro hore (Black and White) oo  ka kooban xubnihii aasaasay xusbiga hantiwadaaga  kacaanka soomaaliyeed ee ka hano qaaday dal weynihii laysku odhan jiray SOOMAALIYA.   Magacdan hoos ku xusan ayaa ka mid ah muuqaalada idinku soo maqan:

Read more of this post

Allaha U Naxariisto Suldaan Guray Nuur

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

TACSI

Dhammaan bahda AllBoon iyo HiilDan, iyo dhammaan tafiirta reer Caateeye Faahiye meel kasta oo ay joogaanba, waxay tacsi tiiraanyo badan oo wada jir ah ay gaadhsiiyaan, dhammaan tafiirta Suldaan Guray Nuur, geerida ku timid  suldaan Guray Nuur(AUN).

Read more of this post

Muuse Rabiile Good (AUN): The Ataturk of Awdal

Muuse Rabiile Good (Aabaha Awdal)

 Marxuum Muuse Rabiile Good (Raxmatullah Calayhi)- waa Aabihii aasaasay  Gobolka Awdal, Awdalta Cusub (New Awdal). Isaga la’aantiina ma jireen maanta gobol dadkeenu sheegtaan oo kuba faanaan, iskuna halleeyaan.  Waxaynu ahaan lahayn degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Hargeysa. 

Read more of this post

ALMADAR: Gabay

Waa gabay ka mid ah gabayadii aynu ku soo qaadanay dugsiyadii Hoose/Dhexe ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya.  Waxa tiriyay Gabayaa Xaaji Cabdi Muuse. Gabayaagu wuxu tebay duqaytidii hore ee ummadda hogaamin jirtay oo sii gabaabsi ahayd, iyo kartidii iyo karaamadii ay duqaytidaasi lahaayeen. Wuxu la hadlayaa dhalinyaradii wakhtigaasi ka qalin jabin jirtay dugsiyada gobolada Woqooyi Galbeed, gaar ahaan Hargeysa,  ee loo yaqaanay ALMADAR. Isagoo hoga- tusaalaynaya dhalintaasi, isla mar ahaantaana humaagsanaya hawlkarkii duqaytidii hore ayaa wuxu gabayaagu yidhi:

  Read more of this post

Saddexley Ha ii Tumin..!

Intay Somaliland(Isaaqland) sidan tahay, ama saxu qalad yahay, dhiig sarartu leedahay, safarkii dhacan yahay, seeraha Boorama seeftu iga taal, waan ka soomay siyaasade, sayliciga iga daa, sadddexlay ha ii tumin, saddex lay ha ii tumin…! 

Read more of this post

Marxuumad Masri ah (Egyptian Mummy), oo Geeriyootay Qarnigii 19aad, Imikana La Helay Sobabta Keentay Dhimashadeeda

Dr Granville's mummy: original drawings
 
Saynisyahanada dalkan Ingiriiska ayaa waxay daah fureen in Haweenay reer Masar ahayd (Egyptian Mummy) oo dhimatay qarnigii 19aad, aanay u dhiman xanuunkii markii hore lagu sheegay inay u dhimtay.  Khubarada caafimaadka oo baadhitaan ku sameeyay qalfoofkii iyo xubno haweenaydaas ka mid ah, oo lagu kaydiyay carwo(The British Museum), ku yaalla carriga Ingiriiska ayaa sheegay in sobabta dhimashadeedu aanay ahayn cudurka ‘Cancer’  oo kaga dhacay ‘ugxan sidayaasha’ (Ovarian Cancer), sida takhaatiirtii hore ee baadhay ku sheegeen.

Read more of this post

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.