Waa gabay ka mid ah gabayadii aynu ku soo qaadanay dugsiyadii Hoose/Dhexe ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya. Waxa tiriyay Gabayaa Xaaji Cabdi Muuse. Gabayaagu wuxu tebay duqaytidii hore ee ummadda hogaamin jirtay oo sii gabaabsi ahayd, iyo kartidii iyo karaamadii ay duqaytidaasi lahaayeen. Wuxu la hadlayaa dhalinyaradii wakhtigaasi ka qalin jabin jirtay dugsiyada gobolada Woqooyi Galbeed, gaar ahaan Hargeysa, ee loo yaqaanay ALMADAR. Isagoo hoga- tusaalaynaya dhalintaasi, isla mar ahaantaana humaagsanaya hawlkarkii duqaytidii hore ayaa wuxu gabayaagu yidhi: