Sawirro Hore: Xubnihii Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliya

Waxaynu halkan idiinku soo ururinay sawirro hore (Black and White) oo  ka kooban xubnihii aasaasay xusbiga hantiwadaaga  kacaanka soomaaliyeed ee ka hano qaaday dal weynihii laysku odhan jiray SOOMAALIYA.   Magacdan hoos ku xusan ayaa ka mid ah muuqaalada idinku soo maqan:


S/Gaas Maxamad Siyaad Barre; S/Guud Maxamad Cali Samatar; S/Gaas Xuseen Kulmiye Afrax; S/Guuto Ismaaciil Cali Abokor;  S/Guuto Axmad Saleebaan Dafle; S/Gaas Cabdalle Maxamad Faadil; S/Guuto Maxamad Sh Cusmaan; S/Guuto Cali Mataan Xaashi; S/Guuto Maxmad Cali Shire; G/Sare Axmad Maxamad Faarax; G/Sare Muuse Rabiile Good; G/Sare Cusmaan Maxamad Jeelle;  G/Sare Axmad Xasan Muuse; G/Sare Faarax Wacays Duule;

G/Sare Cabdi Warsame Isaaq; G/Sare Maxamad Cumar Jees; G/Sare C/Risaaq Maxamad Abubakar; G/Sare C/Qaadir Xaaji Masalle; G/Sare Maxamad Mire Muuse; S/Guuto Salaad Gabayre Kadiye; S/Guuto Maxmad Caynaanshe Guuleed; S/Gaas Jaamac Cali Qoorsheel; S/Guuto Axmad Maxamuud ‘Qoorwayne’; G/Sare Bashiir Yuusuf Qoslaaye.  Dadkaasi waxay dhammaantood ahaayeen xubnihii aasaasay xusbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, ee ka curtay Jamhuuriyadda Soomaliya 21kii bishii Oktoobar sannadkii 1969. Halkan ka daawo sawirro hore (Black & White) oo masuuliyiintaasi lahaayeen:

 

Waxay ka koobnaayeen 25 xubnood, oo markii danbe laga saaray shan ka mid ah, oo dacwad lagu oogay, dilna lagu toogtay.  Sawiradan ad aragtiin wax maka garan kartiin?; imisaa nool maanta, imisaase dhimatay?. Waxaynu kasoo guurinay xildhibaanpublications.com

Ateyeh (AB)

7 Responses to Sawirro Hore: Xubnihii Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliya

  1. halaaje says:

    Yaa salaam waa waayihii nalaga xishoon jiray sorry for that
    goblan talo aduunyoow maxay galabba meel joogtay

  2. koor says:

    anigu waxaan idiin hayaa sawirkii ismaaciil cali abokor hadii aad u baahan tihiin waxaad igala soo xidhiidhi kartaan emailka kor ku qoran, waadna mahadsan tihiin

    bye dhamaan

  3. abdikai says:

    sawirada ismaciil cali abokor ayaan u baahanahay sxb emailkaaga ma ii sheegi kartaa sidaan halkaas uga wada xidhiidhno

  4. m caddaan says:

    Dad aad Xustay ee aad tiri waxay aas aaseen XHKS. waa qalad. Malaha waxaad rabtay inaad tiraahdo waxay dhiliyeen Kacaankii 21-10-1969. Waadna ku mahadsantahay taariikhda aad aruurineyso, balse si sax ah u aruur

    Thank you.

    By Maxamuud Caddaan.

  5. Maxamuud M Caddaan says:

    Way ku mahadsantahay ciddii isku howshay inay aruuriso taariikhda soomaaliyeed. Waxaan rabaa inaan halkan ku sheego sixitaan ku saabsan cidda aasaastay xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed. Xisbiga H. K. S. waxaa la aasaasay 1976. Nimmanka aad meesha ku soo sawirtay waxay dhaliyeen kacaankii 21/10/1969. Qaar ka mid ahna sooma gaarin aasaaskii XHKS. Qaar waa laga saaray golihii sare sida: Qooraweyne, Qoorsheel iyo Qoslaaye. Qaarna waa la toogtay sida Ceynaanshe iyo Gabeyre.
    Marka ha isku qaldin Golihii Sare ee Kacaanka oo ahaa millitari waddanka qabsaday 1969 iyo XHKS oo la aasaasay 1976. Waxan kaloo jeclaan lahaa inaad sameyso haddii aad taqaanno liis muujinaayo sidii ay u kala sarreeyeen(isyaanitaa) markay xukunka qabteen. Waadku mahadsantahay mar kale aruurinta taariikhda ummadda soomaaliyeed. Taariikhdu waa wax muhiim ah oo cashir u ah jiilka soo socda waxaase shardi ah in si OBJECTIVE ah loo qoro.

  6. Ayanle says:

    waxaan waraysi lala yeeshay Mr. Khaawi ku maqlay inay 25 nin badankoodu ahaayeen reer woqooyi, ma runbaa? yaa ii sheegi kara nimankani gobolada ay ka soo jeedeen.

  7. duqa says:

    scww
    Saxiibka warsaday golihii sare ee kacanka sidan yey kala ahayeen
    1-gudabirsi (muse rabiilegood)
    1-ciise(farax faras)
    4-isaaq ah(ismacil cali abokor, axmed xasan,laxwas iyo caynashe)
    2-dhulbante (dafle iyo maxamed cali shire)
    1-warsangali(qorshel)
    2-majerten(geele iyo C/risaq Maxamud Abubakar)
    1-sacad ah(dhame bashir qoslaye)
    3-marexan(siyad, masale iyo cali matan)
    2-ogaden(jees iyo mire)
    3-abgal( kulmiye, gabayre iyo qorweyne)
    1-xawadle(jeele)
    1-carab yamni(fadil)
    1-tumalsamatar)
    1-murursade(maxamed sh. cisman)
    1-dir (cabdi warsame isaq)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.