Dulmiye vs Dulmane..!
October 10, 2009 1 Comment
Awdal xageeda murugadu kuma badna, kumana ba’na . Su’aasha is weydiinta mudan ee reer Awdal u taalina waxay tahay: ma dhulka idinka maqan ayaa haboon in ad si wadajir ah u xoreysiin?, mise dhulka idiin xorta ah ayaad si kala jir ah isugu dulmiyaysiin?.
Ayaan darrada ku habsatay Ummadda ku nool ardaaga Geeska Afrika, ayaa waxa lagu micnayn karaa murtida soomaaliyeed ee tidhaahda ‘Hasha Geela Cunta, Ayaa Ugu Cabaad Badan’. Cabaadka iyo oohin iska yeelka yaxaaska (crocodile tears) ee kuwa wax dulmaya, ayaa qaaradeena lagu maqlaa qorraxdii dhacda iyo qorraxdii dhalataba.
Waxay dulmiyayaashu durabaanada qaylada dheer u dayaamiyaani waxay tahay, si ay ugu muquuniyaan uguna qariyaan oohinta iyo cabashada runta ah ee ‘Dulmanaha’. Falsafadda noocan oo kale ah ayaa waxay dad badani ku tilmaameen inaysan ahayn kaliya mid uun ku kooban geeska Afrika, oo lala wadaaago. Waxana la tununsanyahay inay tahay falsafad ku xididaysatay mustacmaradaha qaarkood ee imka wali jira sida Xabashida iyo Yuhuudda. Haddii aynu dhan walba ka eegno guud ahaanba geyiga Soomaliyeed waxaynu ku arkaynaa sifooyinkaa aynu soo sheegnay. Hadda bal u fiirso:
(1). Koonfur Soomaaliya
Ka biloow Koonfur Soomaaliya, waxad arkaysaa in mar walba kuwa ugu cabaadka badani ay yihiin, kuwa ku daba dhuunta qoriga ay dadka isugu dhiibaan. Aalaaba waxa la maqlaa iyagoo ku andacoonaya in awoodo shisheeye adeegsanayaan Ummadda qaarkeed. Balse waxay is moodsiiyaan, cidda ay iyaga laftarkoodu u adeegayaan ama adeegsanaysa. Bil-xaqiiqatan, waxay u adeegaan hungurigooda waxana adeegsada wax kasta oo hungurigoodaasi ku hir gali lahaa, hadday noqoto adeegsi shisheeye, eeaxasho, laaluush, qaraabo-kiil, qabiilaysi iwm..iwm..
(2). Woqooyi Soomaaliya (Somaliland)
Goboladan iyaga ah ayaa waxa inta badan lagu sifeeyaa inay xuurto ugu jiraan ‘Aqoonsi la’aan Caalami ah’ iyo ‘nabad laysku khuukhiyo’ (hostile peace) oo labadaba Dulmiyuhu u adeegsado inuu ku jiciiriyo ama ku cabudhiyo Dulmanaha. Dabacan, dulmanaha Somaliland isaguba wuu hadlaa oo waxa loo dhiibaa samiicad diciif ah oo inta badan bilaa dhagax ah (without Battery) taasi oo lagu sheego Diimuqraadi, balse aynu ugu yeedhi karno ‘Diiq-muraadiyad’. Aalaaba cabashada ‘dulmanaha’ Somaliland waxa qariya Oohinta Yaxaaska (Crocodile Tears) ee dulmiyaha, oo isagu adeegsada samiicado dhaadheer oo meel fog laga maqlo, waa samiicadaha ‘dawladnimada’ oo aynu ugu yedhi karno ‘Dal-waalnimda’.
Dulmiyaha Somaliland mararka qaarkood waa sida ‘Dullin’ (Parasites) ku dul iyo duddo nool dhiigga dhibanaha ama dulmanaha. Mararka qaarkoodna waa sida RAH ku dhex jira dhijaan marna barwaaqo ah marna abaar ah, oo marna dhereg la warraaqa, marna gaajo la weydooba oo la ooya. Marka ay jaqayaan dhiiga dulmanaha mashxaradooda ayaa meel dheer laga maqlaa. Marka ay dhiigaasi iyo dhuuxa dulmanaha muudsadaan ee abaar iyo col ay ka yaabaana, dhulkay isku dhajiyaan ama waxayba bilaabaan oohinta yaxaaska. Si aanu dulmanuhu uga hoos bixinna waxay ciyaaraan tab iyo xeelad kasta oo dulmanayaasha lagu kala qaybinayo, hadday noqoto qaraabo-kiilaysi iyo qabiilaysi, … iwm..iwm.
(3). Awdal – Woqooyi Soomaaliya/Somaliland.
Dadka ku nool gobol weynaha ballaadhan ee Awdal, oo isagu ah gobol ka bilaabma Djibouti ilaa Gabiley,Lafa-ciise ilaa Lughaya. Waa Ummad aanay dulmiyahooda iyo dulmiyaysanahoodu isku hub iyo qori qaadan oo dil badheedh ah isu weerarin. Balse, hadana isu gar qaadan, isla mar ahaantaana kolba kooda wax dulmayi uu si dhib yar ugu dhex milmi karo bulshadeeda inteeda kale, ee dulman, isagoo adeegsanaya xarfado iyo xelado gaar ah.
Waxa loo aanaynayaa inay gobolkan raad weyn kusii leeyiin mustacmaradihii gaboobay oo si weyn gobolkan ugu kala qaybiyay saddex gacmood ama gobol. Gaar ahaan isticmaarka Amxaarada oo wali haysta qaybo ka mid ah dhul weynaha Awdal, sida gobolka Harawa ee kadinka ama gobolka shanaad ee itoobiya. Dulmiyaha Awdalna wuxu aalaaba noqon karaa ama dhici kartaba inuu noqdo mid inta badan kasoo shidaal qaadan kara isla isticmaarkaas Amxaarada, kaasi oo aragti isticmaaraysan ku asqayn kara dulmanaha Awdal.
Gabagabo iyo Gunaanad
Guriga aynu ku noolahay ee ku yaalla Afrikada Geeskeeda Bari, waxa ugu qaylo iyo oohin badan kuwa u badheedhay inay wax dulmaan, oo dadka dhiigooda iyo dhuuxoodaba ku dul noolaadaan. Waxayna ku sifoobaan, ‘Hasha Geela Cunta, Ayaa Ugu Cabaad badan’. Koonfur iyo Woqooyi, Bari iyo Galbeed Soomaaliya, intuba waa ay ka siman yihiin ayaan darradan iyada ah, haba usii kala darraadeene.
Awdal xageeda murugadu kuma badna, kumana ba’na’. Su’aasha is weydiinta mudan ee reer Awdal u taalina waxay tahay: ma dhulka idinka maqan ayaa haboon in ad si wadajir ah u raadsatiin una xoreysiin?, mise dhulka idiin xorta ah ayaabaad si kala jir ah isugu dulmiyaysiin?.
HiilDanYare

dadka dulman waxaan kula talinayaa iney dagaalamaan dadka wayka adgaanayaan dulmigu waa istaagayaa wax qasaare arki maayaan aniga waxaan qabaah iney dagaalmaan hadii kale waligood heli maayaan cadaalad waayo somali xishood maleha baqdin bay taqaan