Dulmiye vs Dulmane..!

Hasha Geela Cunta

Awdal xageeda  murugadu kuma badna,  kumana ba’na . Su’aasha is weydiinta mudan ee reer Awdal u taalina waxay   tahay: ma dhulka idinka maqan ayaa haboon in ad  si wadajir ah u xoreysiin?, mise dhulka idiin xorta  ah  ayaad  si  kala jir ah isugu   dulmiyaysiin?.


Ayaan darrada ku habsatay Ummadda ku nool ardaaga Geeska Afrika, ayaa waxa lagu micnayn karaa  murtida soomaaliyeed ee tidhaahda ‘Hasha Geela Cunta, Ayaa Ugu Cabaad Badan’.  Cabaadka iyo oohin iska yeelka  yaxaaska (crocodile tears) ee kuwa wax dulmaya, ayaa qaaradeena lagu  maqlaa qorraxdii dhacda iyo qorraxdii  dhalataba.

Waxay dulmiyayaashu durabaanada qaylada dheer u dayaamiyaani waxay tahay, si ay ugu muquuniyaan uguna qariyaan oohinta iyo cabashada runta ah ee ‘Dulmanaha’.  Falsafadda noocan oo kale ah ayaa waxay dad badani ku tilmaameen inaysan ahayn kaliya mid uun ku kooban  geeska Afrika, oo lala wadaaago. Waxana la tununsanyahay inay tahay falsafad ku xididaysatay mustacmaradaha qaarkood ee imka wali jira sida Xabashida iyo Yuhuudda. Haddii aynu  dhan walba ka eegno  guud ahaanba geyiga Soomaliyeed waxaynu ku arkaynaa sifooyinkaa aynu soo sheegnay.  Hadda  bal u fiirso:

(1).  Koonfur Soomaaliya

Ka biloow Koonfur Soomaaliya, waxad arkaysaa in mar walba kuwa ugu cabaadka badani ay yihiin, kuwa ku daba dhuunta  qoriga ay dadka isugu dhiibaan.   Aalaaba waxa la maqlaa iyagoo ku andacoonaya in awoodo shisheeye adeegsanayaan Ummadda qaarkeed. Balse waxay is moodsiiyaan, cidda ay iyaga laftarkoodu u adeegayaan ama adeegsanaysa. Bil-xaqiiqatan, waxay u adeegaan hungurigooda waxana adeegsada wax kasta oo hungurigoodaasi ku hir gali lahaa, hadday noqoto adeegsi shisheeye, eeaxasho, laaluush, qaraabo-kiil, qabiilaysi iwm..iwm..

(2).  Woqooyi Soomaaliya (Somaliland)

Goboladan iyaga ah ayaa waxa inta badan lagu sifeeyaa inay  xuurto ugu jiraan  ‘Aqoonsi la’aan Caalami ah’ iyo ‘nabad laysku khuukhiyo’ (hostile peace) oo labadaba Dulmiyuhu u adeegsado inuu ku jiciiriyo ama ku cabudhiyo Dulmanaha. Dabacan, dulmanaha Somaliland isaguba wuu hadlaa oo waxa loo dhiibaa samiicad diciif ah oo inta badan bilaa dhagax  ah (without Battery) taasi oo lagu sheego  Diimuqraadi, balse aynu ugu yeedhi karno ‘Diiq-muraadiyad’.  Aalaaba cabashada ‘dulmanaha’ Somaliland waxa qariya Oohinta Yaxaaska (Crocodile Tears) ee dulmiyaha, oo isagu adeegsada samiicado dhaadheer oo meel fog laga maqlo, waa samiicadaha ‘dawladnimada’ oo aynu ugu yedhi karno ‘Dal-waalnimda’.

Dulmiyaha Somaliland mararka qaarkood waa sida ‘Dullin’ (Parasites) ku dul iyo duddo nool  dhiigga dhibanaha ama dulmanaha.  Mararka qaarkoodna waa sida RAH ku dhex jira dhijaan marna barwaaqo ah marna abaar ah,  oo marna dhereg la warraaqa, marna gaajo la weydooba oo la ooya.  Marka ay jaqayaan dhiiga dulmanaha mashxaradooda ayaa meel dheer laga maqlaa. Marka ay dhiigaasi iyo dhuuxa dulmanaha muudsadaan ee abaar iyo col ay ka yaabaana, dhulkay isku dhajiyaan ama waxayba bilaabaan oohinta yaxaaska. Si aanu dulmanuhu uga hoos bixinna waxay ciyaaraan tab iyo xeelad kasta oo dulmanayaasha lagu kala qaybinayo, hadday noqoto qaraabo-kiilaysi iyo qabiilaysi, … iwm..iwm.

(3).  Awdal – Woqooyi Soomaaliya/Somaliland.

Dadka ku nool gobol weynaha ballaadhan ee  Awdal, oo isagu ah  gobol ka bilaabma Djibouti ilaa Gabiley,Lafa-ciise ilaa Lughaya.  Waa Ummad aanay dulmiyahooda iyo dulmiyaysanahoodu isku  hub iyo qori  qaadan oo dil badheedh ah isu weerarin.  Balse,  hadana isu gar qaadan,  isla mar ahaantaana kolba kooda wax dulmayi uu si dhib yar ugu dhex milmi karo bulshadeeda inteeda kale, ee dulman, isagoo adeegsanaya xarfado iyo xelado gaar ah.

Waxa loo aanaynayaa inay  gobolkan raad weyn kusii leeyiin  mustacmaradihii gaboobay oo si weyn gobolkan ugu kala qaybiyay saddex gacmood ama gobol. Gaar ahaan isticmaarka Amxaarada oo wali haysta qaybo ka mid ah dhul weynaha Awdal, sida gobolka Harawa ee kadinka ama gobolka  shanaad ee itoobiya. Dulmiyaha Awdalna wuxu aalaaba  noqon karaa ama dhici kartaba inuu noqdo mid inta badan kasoo shidaal qaadan kara isla isticmaarkaas Amxaarada, kaasi oo aragti isticmaaraysan ku asqayn kara  dulmanaha Awdal.

 Gabagabo iyo Gunaanad

Guriga aynu ku noolahay ee  ku yaalla Afrikada Geeskeeda Bari, waxa ugu qaylo iyo oohin badan kuwa u badheedhay inay wax dulmaan, oo dadka dhiigooda iyo dhuuxoodaba ku dul noolaadaan.  Waxayna ku sifoobaan, ‘Hasha Geela Cunta, Ayaa Ugu Cabaad badan’.  Koonfur iyo Woqooyi, Bari iyo Galbeed Soomaaliya, intuba waa ay ka siman yihiin ayaan darradan iyada ah,  haba usii kala darraadeene.

Awdal xageeda  murugadu kuma badna,  kumana ba’na’. Su’aasha is weydiinta mudan ee reer Awdal u taalina waxay   tahay: ma dhulka idinka maqan ayaa haboon in ad  si wadajir ah u raadsatiin una xoreysiin?, mise dhulka idiin xorta  ah  ayaabaad  si  kala jir ah isugu   dulmiyaysiin?.

HiilDanYare

One Response to Dulmiye vs Dulmane..!

  1. dadka dulman waxaan kula talinayaa iney dagaalamaan dadka wayka adgaanayaan dulmigu waa istaagayaa wax qasaare arki maayaan aniga waxaan qabaah iney dagaalmaan hadii kale waligood heli maayaan cadaalad waayo somali xishood maleha baqdin bay taqaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.