Roob Dab Ah iyo Qosol Dameer .!!

Carruureey Maalmo iyo Habeeno Wanaagsan..!

Dameer Qoslaya ..!!!!

Carruureey, waayo hore oo hore, ayaa waxa jiri jiray nin   xariif ah oo magaciisa la odhan jiray JUXA. Juxa wuxu lahaa  sheekooyin badan, waxana  ka mid ahayd, sheekadeenan maanta oo ku saabsan JUXA oo safar ay wada galeen koox kale.  Kooxda uu safarkaasi la galay waxay ka koobnaayeen laba nin oo Dameer wata, waxayna isku dayayaan inay khaayimaan JUXA.


Carruureey waxa dhacday, in markii habeeku galay ee la seexday, labadii nin ee kale ku tashadeen inay  JUXA  ka gubaan go’iisa quruxda badan ee habeenkaasi uu huwanaa.  Dabaddeed  waxay labadii nin shiteen sigaarka la qiijiyo ee qiiqiisa la nuuugo. Markaasi ayaa deeto waxay  dhamacadii sigaarka  ku qabteen meelo badan oo  ka mid ah GO’ii Juxa huwanaa isagoo hurda.  Gu’ii Juxa wuxu yeeshay calaamado badan oo daloola, kuwaasi oo gubniinkii sigaarku u geystay.

Saqdii dhexe ayuu JUXA soo baraarugay wuxuna arkay sida gu’iisii quruxda badnaa loogu dul gubay. Waxba muu qaylyine, intuu aayar iska aamusay oo sara kacay ayuu banaanka u baxay. Wuxu arkay dameerkii labada nin lahaayeen oo meel an ka dheerayn ku xidhan. Wuxu lasoo baxay billaawihiisii, kadibna dameerkii ayuu kaga jeemay( ama kaga saaray ama kaga gooyay)  haraga ama dubka hore ee wajigiisa iyo fuqiisa..!!

Carruureey, waaggii ayaa baryay, ‘waagii baryoow walalac’, oo waa lasoo   wada kacay. Kadib labadii nin ee Dameerka watay ayaa Juxa ugu bishaareeyay inuu xalay roob da’ay, oo waxay ku yidhaahdeen: “miyaanad Juxoow ogayn inuu xalay da’ay Roob  dhibco naaro ah wata,  oo xitaa  go’aagiina  dhibco dhimbiilo ahi soo gaadheen oo gubeen?”. Juxa oo si miisaaman u hadlaya ayaa isaguna wuxu ugu jawaabay:, “waan gartay, Allaylehe waa wuxuu Dameerkuba ku qoslayo”. !!!  Labadii nin ayaa yaabay, intooy is eegeen oo midba midka kale eegay ayaa  waxay u baxeen bannaanka, bal si ay u arkaan Dameerka qoslaya.  Iyadba waa Quduree, waxay arkeen Dameerkoodii ay jeclaayeen oo wajigii hore cas yahay,  bilaa dub ah, ‘mudh’ …!!!

GAH....GAH.....GAH..GAH...GAH GAH….GAH…..GAH..GAH…GAH

Halkaasina waxay ku ogaadeen in JUXA ku gartay khiyaamadoodii, isla markaana uu yahay nin an la xadi karin.  Way garawosadeen qaladkoodii, dib danbana ugumay noqon inay waxaas oo kale kula kacaan dad ay wada safar yihiin ama wada sahan yihiin ama wada seero yihiinba.

Carruurreey muhiimmadda sheekadu waxay tahay;  in dadka Binu-aadamka ahi ay heshiis ku noqon karaan,  marka an  qofnaba si badheedh iyo xarago iyo kibir iyo madh-madh ah, an loogu xad gubin xoolihiisa, xilihiisa, xeradiisa, xooggiisa, xeerkiisa, xorriyaddiisa, xuquuqdiisa .. iwm.  Balse,  marka taasi la waayo, ee munaafaqad iyo marmarsiiyo layskugu soo wada muquurto,  waa marka ay xitaa dameeruhu qosli doonaan, oo waa  ‘Dameer ka qoslin teennii…!

 

2 Responses to Roob Dab Ah iyo Qosol Dameer .!!

  1. artist says:

    My site is better than yours!

  2. Cali says:

    wee i cajibisi shhekadaan bal sheeko kale kusoo dara saaxiibayaal.
    oo laakiin xiiso leh oo ku saabsan juxa ama cigaal shidaad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.