Ilmaadeer Makala Adkaado: AwdalWebsites
October 13, 2009 1 Comment
Waabab Cusub (New Websites) ayaa maalin walba kusoo kordha ummadda Af-soomaaliga ku hadasha. Ummaddaasi oo lagu tilmaamo inay ku jiraan safka hore ee dadyoowga ugu waabab (websites) badan qaaradda madoow ee Afrika, gaar ahaan shabakadaha wararka iyo xayaysiisyada. Hadaba is weydiinta xusidda mudan ayaa waxay tahay, waababkani cusubi miyay cusub yihiin runtii, mise magaca ayuunbaa cusub oo dadka samaystay waa dadyoowgii awel horaba ku jiri jiray saaxadda saxaafada iyo suuqa internetka?.

Haddaynu tusaale usoo qaadano waababka ama websiteyada reer Awdal, waxa muuqata inay sii kordhayaan ayaamahan danbe iyagoo nuuc walba leh. Noocyadaas oo isugu jira, sida kuwo wanaagsan, kuwo wareersan, kuwo weydaysan iyo kuwo waafiya..iwm..iwm. . Hadana marka ad usii dhuun dalooshato waxa iyadna kuu bidhaamaysa in dadyoowga ka danbeeya hindisaha waababkani cusubi, aanay runtii ahayn dad ku cusub saaxada inernetka ama saxaafadda. Waa dadyoowgii horey u jiray ee aragtidooda iyo afkaarahoodaba ka dhiiban jiray walina ka dhiibta waababkii hore u jiri-jiray ama ka dhex hadaaqi jiray isla golayaasha (forums) ee mareegahaasi, ama si kalaba codkooda u dhiiban jiray.
Hadaba dadyoowgaasi haddiiba ay hore odhaahdooda iyo aragtiyahoodaba u dhiiban jireen, oo waxba aanay hakran jirin ama waxba aanay isula hadhi jirin. Misna ay wakhtigan xaadirka ah samaysteen waabab u gooniya, waxay is weydiintu noqonaysaa; maxaa laga sugayaa ama laga filayaa dadkaasi?. Ma waxa laga sugayaa inay fikradahii horey layskula soo maray ee shar iyo khayrba lahaa uun halkii ay kasii wadaan, mise inay soo kordhiyaan wax cusub iyo war cusub?. Haddii ujeedadoodu tahay inay halkii hore uun kasii wadaan wixii looga bartay, markaa macno weyn ma samaynayso inay mareeg ama waab u dhistaan wax hore oo tagey. “Wax tagey tiigsimaad ma leh”‘ , waababkii horaa xumaa, adna waab xun looma samaysto.
Hadal iyo dhammaantii; Awdal dadkeedu waxay u baahan yihiin aragtiyo cusub oo kor loogaga hinjiyo hogga ama uubta ay kusii hubuq leeyiihiin . Fikradahaas oo ka duwan kuwii hore ee hadhaaciga ahaa, ee hantaaq mooyiye inta badan an hibo u lahayn dadkeena. Jabkii Jabuuti ka qabsaday dadka reer Awdal 1948-49, iyagoo hogaanka haya, mid la mid ah ama kaba sii xun ayaa kusoo socda oo uga imanaya Somaliland iyagoo hogaanka haya. Taasi oo walaac badan laga muujinayo in xitaa magaca Awdal ka maqnaado mapka geeska Afrika, haddii an imika midnimo deg-deg ah iyo mawqif siyaasadeed oo mayal adag an laysla meel dhigin. Sidaa daraadeed waxay nala tahay, waab cusub haddii ad samaysato, war cusub la imo, kaasi oo ka duwan wax mar hore iyo mar danbaba laga wada hadlay oo lagu wada harraaday, laguna wada hoobtay. An maahmaah cusubna idinku dul sameeyo; “ILMA-ADEER MAKALA ADKAADO”..!!
AllBoon (AB)
halkan waxa aan kasalaamayaa reer boon salaan kadib waxa aan idinku baraaru jinayaa xisaabiya nafihiina
in ta aan la idin xisaabinin
miisaama inta aan la idin miisaamin
ilaahay khayrka ha inna waafajiyo
waa axmed oo idin leh asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh) (by axmed nuur cali ibrahim