Cumaamad Saarka Ugaaska CIISE iyo SAYLAC.!

 Ugaaska Mustafa
Waxa isa soo taraya warar badan oo ku saabsan qaban-qaabada  Caleemo Saarka Ugaaska 19aad ee bulsho weynta  beelaha  Ciise. Ugaas kaas oo  wali  ah wiil yar oo ‘caano nuugga’  (da’ yar) ,  oo ‘dhiiggii habartii an dhiig kale ku darin’..! Waa Ugaas Mustafe Maxamad Ibraahim oo dhawaan bulsho-weynta beelaha  CIISE isu raaceen inay doortaan. Isla markaana ay rabaan inay ku caleemo saaraan magaalada qadiimiga ah ee SAYLAC.  

Hadaba waxa la odhan karaa qorshahaas iyo abaabulka beesha ciise ku damacsan yihiin in ugaaskooda lagu caleemo saaro magaalada Saylac, inuu  yahay qorshe lagu gaadhay midnimo iyo wadajir iyo wada tashi iyo wax wada qabsi ay la yimaadeen beesha CIISE.  Dad weynaha Ciise, ee leh Masuuliyiin ilaa heer madaxweyne iyo muwaadiniin ayaa u guntaday oo heerkaas gaadhsiiyay. Waa sida halhayskii ‘Doobiye’ ee  laga yaqaanay Boorama, ee  ahaa ‘nin laa u doobiyay’. !

Haddaynu waxyar dib ugu laabano, sida loo soo xushay Ugaaskan ayaa ah arrin ku fadhida dhaqan, siyaasad, iyo falsafad Ciise. Arrimaha lagu soo xushay waxa ka mid ahaa:

  • In Ugaasku uu noqdo ‘Ciise ciise dhalay, ilaa saddex awoow’
  • Inuu Ka tirsanaado qooyska ‘Wardiiq’ ee Ciise
  • Inay dhashay Hooyo bilcan ah, oo an dumaal ahayn.
  • Inuu noqodo nin dhalinyar ah, kuna dhashay magaalo, walinadhiiggii habartii an dhiig kale ku darin” (dhagaroobin)..!.
  • In lagu caleemo saaro magaalada Saylac, oo xeerka cuusb ee ciise dhigayo.
  • Inuu ahaado nin quruxsan, Iyo qaar kale oo badan……

Sida wararka aynu ku hayno,  Xulashada Ugaaska Ciise waxa isugu yimid oo loogu yeedhay dhammaan wixii oday ciise ee yaqaanay cilmiyada ‘xiddigiska’ iyo ‘Faalka iyo  ‘ sixirka’  iwm.  Arrimahaas oo qaarkood ay aad u amakaag badan yihiin, balse hadana marka layska taago dhinaca uu Ciise ka joogo noqonaysa caado an ceeb lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, diyaar garow ballaadhan ayay beelaha Ciise ugu jiraan inay dhawaan Ugaaskooda  ku caleemo saaraan magaalada SAYLAC. Hindisahaasina waa mid ku abuuray  werwer beesha Samarroon, oo iyagu walaac badan ka muujinaya ujeedada ku qarsoon ee Ciise ka leeyahay Saylac.  Waxa la tuhmayaa inay tahay damac iyo dal ballaadhsi iyo waliba daandaansi ay u badheedhay beesha Ciise, oo awood ballaadhan iyo taageero buuxda  ka haysata Djibouti. 

 Dabcan, way jiraan Ciise ku dhashay una dhashay gobolka Awdal oo qarkood mansabyo sare kaba hayaan gobolada Awdal/Salal. Samarroon iyo Ciisana waa dhal iyo dhasheed, oo dadka way iska sheegtaan.  Balse,  marka lays dhafoor taabto, ee xaajada  la siyaasadeeyo, markaa sida qaalibka ah  Ugaaska waxa la odhan karaa kuma uusan dhalan umana dhalan Awdal/Salal, oo wuxu ka yimidday Itoobiya, halkaasna hallagu caleemo saaro.

Inkasta oo ay  Ciise ku dacwiyayaan inay tahay xeer Ciise in Ugaas kasta oo Ciise ahba lagu caleemo saaro Saylac.  Iyadna  waxay wararku xaqiijiniyaan inaanay arrintaasi waxba ka jirin, oo dhammaan Ugaasyada Ciise lagu caleemo saari jiray ‘gobolka Shinniile’, ee Itoobiya.  Dalkaasina yahay dalka ay ku dhasheen  una dhasheen ee ay ku haboon tahay in lagu caleemo saaro. Xukummadda Somaliland ayaa iyadna dhankeeda waxa an la hubin jawaabta ay ka bixin doonto in Ugaas u dhashay dalka Itoobiya oo leh dawlad gooniya,   lagu caleemo saaro dalka Somaliland oo leh dawlad.  Gaar ahaan marka arrintaasi loo xaqiiqsado inay xad gudub ku noqon karto xasiloonida qaranka Somaliland, oo ay ku abuuri karto carqalado iyo qalaanqal siyaasadeed.

Docda kale;  bulsho-weynta beelaha Samarroon waxay horey u doorteen boqor loogu magac daray inuu yahay boqorka Salal, Boqor Suleymaan Aw-Cali Maasheeye. Hase yeeshee boqorkaasi laguma caleemo saarin Saylac,balse waxa lagu caleemo saaray Boon.  Sidoo kale isna waxa jiray suldaan loogu magac daray suldaanka Salal, oo ah Suldaan Muumin Suldaan Caateeye suldaan Faahiye, isaga laftarkiisa waxa lagu caleemo saaray Boon, ee laguma caleemo saarin Saylac oo magaalo madaxda Salal.  Waxa iyadna horey u jirtay boqor lagu magaacabay boqorka geeska Afrika, Boqor Cumar Cali Aleel,  oo kasoo jeeda beelaha Samarroon oo isagana lagu caleemo saaray Itoobiya, oo ah dalka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo. 

Hadaba marka laga hadlayo dhinaca Samarroon ee arrimahaas aynu kor ku xusnay  laysku geeyo, ma la odhan karaa beelaha Samarroon iyagaa baylihiyay caasimadda Saylac intii ay hoos ugu jeedeen Boorama/Boon iwm ?,  oo iyagaa kasoo bixi waayay sharaftii ay ka mudnayd magaaladaas qadiimiga ahi.?  Taasina ay tahay midda keentay, inuu Ciise ka faa’iidaysto fursaddan dahabiga ah oo iyagu isu macsuumaan Saylac?. Mise waxa la odhan karaa,  Samarroon iyagaa ku macsuumay inuu Ciise isku caleemo saaro Saylac, waana heshiis labada beelood u dhaxeeya?.

Hadal iyo dhammaantii; doorashada Ugaaska Ciise, iyo Caleemo saarka isla Ugaaskaasi loogu talo galay ina lagu caleemo saaro Saylac, waa qorshe la odhan karo Ciise wuu u wada dhan yahay, una wada guntaday. Balse in arrinta khusaysa caleemo saarka Saylac, ay tahay heshiis labada beelood ee Samaroon iyo Ciise isla gaadheen iyo inay ku kooban tahay dadaalka iyo damaca Ciise,  iyadna waxaynu ku  arki doonnaa mustaqbalkan dhoow ee innagu soo aaddan, haddii ALLAHA awoodda lihi uu ogolaado.

 Ugaaska Ciise

 

Wargeyska HiilDan(Cadadkiisa 5552) 

Qormooyin La Xidhaadha ugaaska Ciise

Qormooyin badan oo maqal iyo muuqaalba leh ayaa durba dhex dawaafaya saxaafadda, qaar ka mid ah kuwa ugu xiisa badan ayaynu halkan idiinku soo guurinay, kuwaasna waxa ka mid ah:

 (1).    SIDA LOO DOORTO UGAASKA CIISE ( Togga Harar Blog)

 Geedka Ciise

 Natiijadii ka soo baxday kulanadii is daba jooga ahaa ee ay soo xidhiidhiyeen gudiga qabanqaabada ugaaska iyo gudigii xulida ugaaska ee loo yaqaano gandaha ee ka socday Waaruf iyo Gugumacad ama Geed ugaas ayaa ku dhamaaday malintii Khamiistii in lagu soo bandhigo Ugaaska 19aad Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays oo lugu soo wareejiyey Gacanta gandaha si loogu diyaaryo xafladaha caleemo saarka oo aad loogu hawlan yahay taaso ka dhici doonta magaalo madaxda Gobolka Selel ee Saylac.

Ugaaskan oo aad loo sugayey waxa damaashaad loogu riday meelo badan oo ka tirsan Geeska Afrika waana markii u horaysay ee Ugaas qaato muddo ka badan shan sano sida ay tibaaxeen xubno ka tirsan gudiga xulida ugaasku ee lagu magacaabo Gandaha.

Ugaaskan cusub ee Ugaas Mustafe ayaa ay da’diisu tahay 17 sano Jir ,sidoo kale beesha Ciise may lahayn wax Ugaas ah ilaa iyo 1994 oo uu dhintay Ugaaskoodii u danbeeyey.

Qaabka iyo dariiqa loo maro doorashada Ugaaska Ciise waxay ka duwan tahay qaabka ay maraan Qabaai’lka kale ee Somalida.

QABASHADA UGAASKA AMA HABKA LOO DOORTO UGAAS CIISAHA.

Ugaaska Ciisuhu waa inuu noqdo wardiiq wakhtishiile, Reer Xasan, Cabdale ama guntiwayne. Waa inuu noqdaa ciise, Ciise dhalaye 3 abtirsiimo,
Ugaaska hooyadii waa inay noqotaa bilcan, kolna ma noqoni karto dumaal ama xigsiin .
• Qolada Ugaaska hooyadii si cad umma qeexna, hasa ahaatee waa celeeye .
• Ugaas Wacays Cumar hooyadii waxay ahayd Reer Guulane.
• Ugaas Roble Faarax waxay ahayd Mamaasan.

Ugaas waxaa noqda nin quruxsan oo isku buuxa oo dhalin yar, Waa qof daggan, hadaladiisuna miisaaman yihiin, soona jeeda. Waa inuu noqdaa deeqsi, qof dulqaad badan oo samir leh, Waa inuu noqdaa qof aan iin lahayn waxaa la sheegaa in ay daruuri kor timaado qofka noqon doona Ugaas ama uu yeesho calaamado dadka gaar ka ah,
Nin madi ahi Ugaas ma noqdo.

Ugaasku waa astaanta udub dhexaadka u ah isku xidhka Ciisaha iyo xeerka.
Ugaasnimada Ciisuhu ma aha dhaxal carurtisuna kama dhaxlaan jagada ugaasnimada .
Ugaasnimada Ciisuhu ma aha mid ay koox yari ama qolo cayimi karto waa mid adag oo waddo dheer loo maro. Arintaas ayuu ciisuhu kaga duwanyahay qabiilada kale ee Soomalida.

Ugaaska waxaa qabta guddi ka kooban 144 Oday kuwaas oo kala ah Gande oo ka kooban 44 nin iyo boqolka Oday.

Boqolka Oday waxaa ku jira:

1) Guhaan: waa rag yaqaana cilmiga xidhigaha , faalka, faraha- dadkaasi waa kuwa aqoontooda la hubo, waxna looga soo joogay.

2) Geed joog : waa rag laga yaqaano dhamman galinada uu Ciisuhu dagan yahay sida Orax joog(waa geerisa), Ilkacase(saylac ilaa duudda, iyo Dameerjoog), jaan ma garato (ugul), Casajoog, Binin joog, Jidi gale,……

Guddidaas ka kooban 144 oday ayaa dagi goob ka dheer meel uu soo gaadhi karo cadawga Ciisuhu – Markii la qabanaayay Ugaas Xasan Xirsi guddida 144 oday waxay dagtay Waaruf.

Guddidu ayagoo ducaysanaya ayay hawsha baadhitaan ka ninkii noqoni lahaa ugaaska beesha ay u hawlgalyaan si foojigan oo habsamiya oo cidna la dareensiinayn xulashada la wado,Guddidu waxay iska dhex dooran 10 oday oo reeraha ugaaska laga qabanayo yaqaan.

10 kaas oday waxay soo baadhayaan ninkii ugaaska noqon lahaa. Waxay soo xulayaan 7 nin oo ay si tafatiran uga soo sheekaynayaan taariikhda isirkooda iyo dabeecadahooga isla markaana waxay tilmaamo badan ka bixinayaan hab-dhaqankooda, ka dib daraasadaas balaadadhan ee ku saabsan 7da nin ee la soo xulay, waxaa loo bandhigi 144 oday oo go’aan ka gaadhi doono markay xidigaha, faal iyo fareba ay u eegaan .

Waxayna tartansiinayaan kama dambayn labada nin ee isku soo hadha ee loo maleeyo in ay noqon karaan Ugaas.

Marka la xusho ninkii noqon lahaa ugaas, waxay odoyadu dul dagi doonaan Reer ka laga xushay Ugaaska, habeen dayaxu yahay 15 naad, waaberiga ayaa la qaban ugaaska ayadoo Reerkii uu ka tirsanaa aynan waxba arintaas ka ogayn oo ayna hurdaan, nin Sacad Muse oo Reer Guulane ah ayaa qabashada ku horayn isagoo leh “Lagu Reeyaw ugaas Rooble, Rayadaadaa dadka deeqdee” Markaasay odoyada kalina Ereyedaas ka daba odhanayaan iyadoo nin walba garabka taabanayo,Waxaa laga daadin dharkiisii duuga ahaa, waxaana loo xidhi maro xarrir ah. Waxaana u xidhi nin Wardiiq ah oo Yeesif Reer Geedi Cali ah.Waana reerka cimaamadda Ugaaska u xidha, kana tuurra

Waa la fadhiisiin Ugaaska oo waxaa lagu fadhiisin macaws, waana loo ducayn oo qandhuuftaa loogu tufi,Macawstana waxaa keena Xasan Gadiidshe, Reer Aadan. Dabadeed Ugaaska waa la wareejin. Habeenka u horeeya waxaa la gayn Guri Reer Xasan Gadiidshe ah, waxaana la siin Caano ama Cadiin, Habeenka 2aad waxaa soo dhawayn reer Wardiiq ah oo Yeesif ah.,Habeenka 3aad waxaa soo dhawayn reer Odoxgob ah.
Marka odoyadu ay soo dhamaystiraan wareejintaas, Ugaaska waxaa lagu soo celin reerkisii oo si cad loogu sheegi inay Ugaaska baylahda ka dhabaan oo sii fiican u hayaan muddada laga maqnaandoono.

Ugaaska wuu naga dhexeeyaa waana ammaano aan nii dhiibnay.

HABKA BOQRIDA UGAASKA IYO JIDKA LOO MARO UGAAS NOQOSHADA BEESHA CIISE.

Marka la qabto ugaaska ee la wareejiyo laguna duceeyo ayaa reerkii uu ka dhashay lagu soo celin, loona sheegi in ay ka ilaaliyaan baylahda muddada laga maqan yahay oo karaamadiisa la tijaabinayo.

Muddadaasi waa mid la tijaabinayo saamaynta ugaasku ku leeyahay roobka ama barwaaqada, colaadda iyo abaaraha waxaana lagu amri inuuna timaha iska jarin ka hor socdaalka caleema saarka boqrida ee lagu tagidoono Saylac, Saylac baa timaha lagaga jari iyadoo loogu maydhi doono biyo xareed ah, Boqrida ugaaska ciisaha maaha arrin sahlan.

Waa mid loo maro jid dheer oo nidaamyo iyo qorshe u gaar ah leh.
Reerkii uu ugaasku ka dhashay ayaa la waydiisan ammaanadii loo dhiibtay ugaaska waa la lugaysiin oo waxaa la marin dhammaan galinada Ciisaha, arrintaas oo looga dan leeyahay in uu ugaasku barto dhamman deegaanka beesha Ciisuhu dago iyo in uu ku duceeyo socdaalkaas barakaysan. Socdaalkani waa mid calaamado iyo astaamo gaar ah leh. Ugaasku wuxuu booqan goobaha taariikheed ee Ciisaha gaarka u’ ah, qabuuraha odoyadii laga tafiirmay Maqaamyada muhiimka ah iyo 12 ka Dixood ama Geed ee xeerka Ciisaha ku qeexan. Dix walba ama galin walba uu ugaasku booqdo waa lagu soo dhawayn, waa loo ciyaari waxaana la ururin sabeentii ugaasku xeerka u lahaa.

Marka socdaalka barashada deegaanka Ciisaha ay gabagaboowdo waxaa la gali socdaalkii boqridda ugaaska ee lagu tagayay Saylac. Goobaha la siimarayo ama la mari jiray waxaa ka mid ah Habaqo, Geel Case ama Siti, Biyo Qaboobe, Biya Baxay, Meeta, ugaas lagu baqor, Xasan Gaddiidshe, Ashkir Xagaa, Selel,Biyo Caanood,Toqoshi iyo Saylac. waxaa hubaal ah in 12 kii dixood ay ku soo biireen kuwa kale oo la nabadeeyay ama ka dheer meel uu cadaw ka soo weerari karo Ciisaha.

Waxayna tahay ama qasab ah in ugaaska la qaban dooni uu socdaal ku soo maro dhamman deegan ka Ciisaha. Dixaha ku soo biiray ciisaha waxaa ka mid ah Lalibala, Caydoora, Casbuli, Dhagaray, Gablalu, Dahawi, Cundhufo, Cadaytu, Karaaba, Cali Jiir, Afcase, Butuji,Geed Ugaas iyo Jabuuti. Boqrida ugaasku waxay ka dhici doontaa Saylac oo caado u ah. Marka ugaaska la keeno Saylac, waxaa lagu soo dhawayn ciyaarihi dhaqanka oo halkaas waxaa laga muujiin farxad gaar ah. habeenkaas ayaa ugaaska la bariin Saylac.

Maalinta labaad ciyaarihii way sii soconidoonaan hasa ahaatee salaadda duhur dabadeed, ugaaska waxaa laga xiiri timaha oo waxaa ka xiiri siday caadadu ahayd nin Sacad Muuse ah oo reer Makaahiil ka sii ah.
Dabadeed waxaa ugaaska la gayn Maqaamka Ibrahim Saylici halkaas oo xafladda bogriddu ka dhicidoonto. Waxaa halkaas ka dhici duco wayn. Maro 9 waar ah ayaa ugaaska lagu duubi ayadoo laga dhowrayo inay taabato dhulka isla markaana ay ducadu hareer socoto.

Marka ducadaas dheeri dhamaato waxaa ugaaska la gayn xeebta. Wuxuu ku maydhan biyaha badda. Ugaaska waxaa loo xidhi dhar cusub waxaana loo dhiibi cimaamad .Waxaa cimaamada uu dhiibi nin Wardhiiq Reer Yeesif reer Geedi Cali ah. Ugaasku cimaamadda ayuu xidhan wuxuuna noqon ugaaskii 19 aad ee taarikhda ugaasyada Beesha Ciise.

SOO LAABADKA UGAASKA.

Safarka soo laabadka ugaaska waxaa loogu horaysiin in lagu marti galiyo reer Sacad Muuse, reer Guulane, reer Axamed ah. Waxaana loo lisi hasha “GODO” reerka labaadi wuxuu noqon reer Dhabac reer Saciid ah – waxaana loo lisi saca “LEEFA”. reerka saddexaad waxaa la sheegaa Walaaldoon reer Kote iyo Wardiiq reer Yeesif, reer Sarardoon ah. Waxayna u lisayaan laxda “ DHARO’’. Socdaalka soo noqoshada ugaaska iyo goobaha la soo marin doono waa mid odoyada galbinaya ugaaska ay go’aan ka gaadhi doonaan sidoo kale meesha ama goobta xarruunta looga dhigi ugaaska waa arrin odoyada u taal in kastoo ay noqoni doonto meel badhtame ah.

Marka Saylac laga soo baxo waxaa la soo mari Ceel Gaal ,Selel halkaasaa laga bilaabi ururinta sabeenta “Badhicade” iyo ciyaaro dhaqameed aan kala joogsi la hayn. Xoolaha ugaaska loo uririyo waxaa loo dhiibaa reerka Fuurlabe. Waxaa laga soo noqon jiray Selel,Biyo Qaboobe, Biyo Canood, Biya Baxay… Xoolaha la ururiyo qaar waa lagu sadqayn, inta hadhayna ugaaska ayaa lagu dajin oo reer looga dhisi.

GUURKA UGAASKA.

Ugaaska waxaa loo dhisi socdaalka soo laabadka. Waxaana looga dhisi Yonis Muse, oo reer Geedi ah. Waxaa loo dhisi gabadh bilcan ah, xil-kas ah oo bilicley ah.

WAXBARASHADA UGAASKA.
WAXA LA BARI:

- Xeerka Ciisaha .
- Taariikhada Ciisaha.
- Xidhiidka Ciisaha iyo dariskiisa.
- Dhaqanka iyo Abtirsiimada Ciisaha.
- Deegaanka Ciisaha iyo Maqaamyada Barakaysan.

XIL KA QAADIS UGAAS.

- Xil ka gaadista Ugaas ku waxay dhacdaa marka khayrkii laga filaayay ugaaska laga waayo.
- Haddi deeganka ciisuhu yaalo soo food sarto abaaro isdabajoog ah,roobab xad dhaaf ah iyo cuduro lagu wiiqmo.
- Sidoo kale marka nabada ugaasku wax ka qaban waayo ee khilafaad ku bato mid doceed iyo ku dibadeed ayaa layswaydiiya xil ka qaadista ugaas.
- Guddi odoyaal oo ka kooban dixaha ciisuhu ku noolyahay ayaa gorfaysa arinta xilkaqaadista ugaas.
- Haddi laysku afgarto, waxaa lagu amri nin wardiq reen yesif, reer Geedi Cali ah in uu ka tuurro cimamada. Nidaam kaas ayaa Ugaas lagu Casila ama Xilaka looga qaadaa.

W/Q: Webmaster ka ToggaHerer: Oday Maxamed

http://togaherer.blogspot.com/2009/09/ugaaska-19-aad-ee-beesha-ciise-oo-lagu.html

  

(2).     Qaban Qaabada Caleemo Saarka Ugaaska Ciisaha Oo Socotoa

Ugaas Mustafa

 Hargeysa(Geeska) -Dalalka Djibouti, Itoobiya iyo Somaliland, waxa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoogan oo loogu diyaar garoobayo caleemo saarka Ugaaska cusub ee Beesha ciise ay soo xulatay dhawaan Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays, oo noqonaya ugaaskii 19aad ee Beesha Ciise.

Ugaaskan oo ah nin dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Beesha Wardiiq, waxa soo xulay odayaal afartan gaadhaya oo muddo dheer meel la yidhaahdo Waaruf oo Diridhaba kaga toosan waqooyi galbeed, u fadhiyay soo xulista ugaaskan.

 Ugaaskan, ayaa xafladiisa lagu caleemo saarayo waxa lagu qaban doonaa magaalada Saylac ee gobalka Selel oo ka tirsan Somaliland, waxaana la filayaa inay xafladaasi kulmiso masuuliyiin ka kala socda dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Djibouti. Sidoo kale xafladaas ka qayb geli doona dad tiro badan oo ka kala imanaya deegaanada gobalka Geeska Afrika oo ay ciisuhu degaan, waxaana dhaqdhaqaaqa xafladan loogu diyaar garoobayo si weyn hadda si gaar ah looga dareemayaa magaalada Djibouti iyo magaalada Saylac ee Somaliland ee xafladda lagu qabanayo.

 Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 http://www.geeska.net/content/view/635/1/

 

(3).     Maqaalo iyo muuqaalo Kale

 Khadadkan aynu hoos ku xusnay ayaad ka dheehan ama dhagaysan kartaan maqaalo kale iyo muuqaalo kale oo la xidhiidha caleemo saarka Ugaaska Ciise.

 http://siiti.net/index.htm

 http://www.youtube.com/watch?v=suI7jnmAJR0

http://www.youtube.com/watch?v=jWmsjnvsE6k

 http://www.youtube.com/watch?v=T5aqimJvelw&feature=player_embedded#

 

Ugaaska Ciisse Ugaaska Ciisse

16 Responses to Cumaamad Saarka Ugaaska CIISE iyo SAYLAC.!

  1. ugaaska ciisse maxaa geyaay saylac dolalo dheera umaba dhalaane, daadka dooranayaay see ma cawaan bay ahayeen mayna tariikhda saylac waax ka ogayn misee samaronka ku casumay owa iska invitations (peoples) halkasii see waxaa muqataa in ujeedo laga leyahay, lakiin tarikhdu mantaa ma bilameyso wa miid bugaag so jiirayaa ku qoraan.

  2. hassan yaquub says:

    WAAN U HAMBALYEYNAYAA CIISE IYO UGAAS LA HELAY WAAYO MUDDO LAAMA HAYN UGAAS CIISE KULMIYE
    UGAAS XASAN KA DIB- Nidaamkooda waxaad moodaa inuu shabaho habka ingrisku uga dambeeyaan boqorada
    oo kale – waxaanse la yaabaa ama u baahna in la iisoo faahfaahiyo habka lagu soo xusho ugaaska
    ciisaha maxaase loo waayey mudadii dheerays , fadlan ciisow iisoo jawaab maaha nin ciise ah
    laakiin waan idin jeclahay kala dambeyntiina iyo istixgelinta waa waxaad ku gaadheen
    heerka aad joogtaane -

  3. aden darar says:

    hambalyoo hambalyoo waxan hambalyo udi raya dhaman umada isse mel walbay jogan

  4. rocky says:

    Ka noxow nafta waa,
    Ha odhan maaha ciise waa nin dhalad ah oo ciise ah ,(Caduur dhawdhawdu uma dhacsana ).sida afsoomaaliga loo akhriyo soo baro ,kor ayaa laguugu faahfaahiyay sida loo doorto karaamadiisa inuu nin dhalad ah oo ciise ah yahay . Halgan ayaa loo maray doorashadiisa.
    Sidaa ayaa loo xushaa ugaaska ciise, .

  5. samatar diraneh says:

    ca va

  6. geudi says:

    samaroonko riyo ayed kojira wa zaylac wa xundhurta cisse,
    samaroon dhulmale dadkaley dhulkisa ayo shegta mar walba
    wa nasib daro

  7. WA GADABOUSI MAYA ZAYLAC WAX LAGA WEYDINAYA
    UGAAS CISSEHO WA DHULKISI TAARIQDA ZAYLAC MIYAD LASOCO DEE.
    GADABOUSI

  8. Dr.Nimcaan Xamare says:

    Waan Taagarsanahay Ugaaska cusub ee beesh ciise hadaan nahay shacabka Kililka 5aad meeshi la rabo halagu caleemo saaree.

  9. youssuof ali says:

    reer baniqurayda aad bay uganaxeen caleemosaarka ugaaska yaase kala tashanaya caleemo saarka saylac taasi waxa ay u taala dadka iskaleh degaanka saylac oo ah beesha ciisaha

  10. youssuof ali says:

    saamiya waan kuu jawaabilahaa laakin waxa aad iga noqotay naag gadbuursi istaahilna kuma tihid in aan ku jawaabo

  11. guled says:

    UGAASKA CIISE !!!!!!!WAXBA KAMA JIRAAN WEEEYI ARINTANI WAX SOCON DOONANA MAAHA YAALEH SAYLAC YAALE HALF OF THE DJABOUTI COUNTRY…WAXANI WAALA ISKAGA DANBEEYAA …MARDHAWE ISKA WATA HADA HAWSHA CALEEMO SAARKA UJEEDADASE WAALA WADA OGYAHAY.

    viva samaroon.

  12. Oday laftiis says:

    kkk ciise waraabe doorosho xumaa oo u daranaa dantiisa kkkkkkkk

  13. rayso rooble says:

    ILEEN AYNA WUU CIYAA AFNOOLINA WUU HADLAA BAL UMADDAN CIISE INAY GAADHAAN KU RIYOO NAYA EEGA
    RIYADA CASRIGA AH EE DAAHIRIYOOLE KU RIYOONAYO SAWTAAD RUN MOO DEEN SAYLAC CIISE AYAA LEH OO KA TALIYA KANA TALIN DOONA ORDAYA OO BOORAME OO BOODHKU KU LIQAYO BILIC UYEELA OO FIJAANKA KA WEYNAADA

  14. saamiya cali says:

    asc wrwb ilaahay haw fududeeyo xilka ugaaskaa dada yar aamiin aamiin

  15. shire xagar says:

    hambalyo ugaaska ciise , sidaa u doorateen allena waa idinku sharfayaa waayo qiimo weyn
    buu leeyahay , isna alle ha ka dhigo sidii ugaas xasan oo kale taariikhdiisa ayaan
    maqlay qiimuhu lahaa. dersina ugu filan qolada deriskiinna ah ee soomalilnd ee ku waalatay
    booradda iyo suldaamada kunka gaaraya een macnaha lahayn , waxii alle boqraa boqran , ee ciisow
    alle ha idin sharfo . saylac waa run waa meel ciise reer geeddi dego yaa ku haysta.
    waa cidina – noo soo duceeya anana haddaan nahay reer somalilnd in ugaas oo kale yeelanno
    .
    suaal baan qabaa ciisow . maxuu qabaa ninka dumaalka ahi- iyo xigsiisanku-

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.