Taariikh Dhaqmeedka Gadabuursi

 GADABUURSI TRADITIONAL HISTORY

Aniga oo magacaygu yahay Maxamed Cilmi Maxamuud waxaan rabaa in si kooban uga faaloodo taariikhda rasmiga ah ee Gadabursiga ama tafiirtii sheekh (Muxumed, ama Sheekh Samroon)hadaba si jirta aduunkani aan ku noolnahay bulsho kaste oo meel ku nool oo la odhan karo magaca, waxay leeyihiin Asal-Raac fog oo ah mid ay ku noqdeen dadka jinsiyad ahaan meel kaliya ka soo jeeda. 
Taariikhda rasmiga ah ee Sheekh Samaroon iyo Faraciisu mahan mid lagu soo koobi karo (Ilbaxnimada, Bulshonimo,Dhaqan,iwm) halkani base intii ilaahay naga garansiiyo ayaan halkani kaga hadli doona haduu Rabi Idmo.

 Runtii taariikhada hore u soo jirka ah ee Dadka Gadabuursigu waa mid sal iyo raadku leh gabi ahaanba somaliya garahaan Qaybta Gobolada Waqooyiga halkaasi oo ah meesha sida rasmiga ah ay degaanka ugu yihiin. hadaba badaan dadkani waxaa lagu magaacaabaa dad matali kara bulsho weynta Somaliyeed qaybaheeda kal duwan ahana dadku kasbaday arintaasi qaybo badan oo udub dhexaad u ah qaybaha bulshada oo ay ka mid yihiin (dadnimo la dhaqan, Caqoon, Waayo aragnimo iyo xeeldheeri). Gadabuursigu waa dadkii ugu horeeyay ee madaxtinimo somaliya ka dhisan tahay qabtaa taasi oo ahayd Boqortooyadii (Ifad/ Awdal Empire) taasi oo ay fadhiisimaheeda ugu waa weyn ahaye Gobolka Awdal.

 Gobolka Awdal waxaa uu ka tirsanan jiray dulmaamulkii Ingriiska waxaanu ahaa gobolka Awdal halkii ugu horaysay ee uu ka soo galo Ingiriisku markii u soo dagayay Somaliland ama gobolada waqooyi ee Somalia madashii ugu horaysay ee qorshaha ugu jiraytahay in uu dego waxay ahayd Magaalada Saylac oo markaasi hoos iman jiray ismaamulka Gadbuurisga runtiisa jirtay wakhtigaasina dadka reer Saylac dadka ugu Ilbaxsan ahaan dadka waayo arag ah ee markaasi maamulka iyo talooyinka gobolka wax laga su’aalo waxaa sidoo kale degaan magaalo madaxda Gobolka Awdal Markaasi. Hadaba markii ingrisku soo degayay dhulkaasi waxaa ay markii u horaysay is arkeen oday beeleedada reer Saylac kuwaasi oo lahaa dad waayo arag ah caqoon buuxdan u leh maamulka iyo hawlaha uu u socodo markaasi ayay odayaashu ay yidhaahdeen aan ogaano arinta uu u socodo ragasi ma talaya Ingriisa oo u socday in ay degaan ka dhigtaa Saylac ay raashinka ama saadka u dhigaan ciidamadood fadhiismiha ku leh Bariga Afrika iyo Jasiirada Carabta, Halkaasi ama magaalada saylac waxaa isku yimiday ragii matalayay ingiriiska waxaan ku yidhaahdeen waxaan idila soconaa Heshiis kaasi oon ku rabno dekada Saylac, si aan fadhiisin aan uga dhigano waa sida ay qormadu u dhignayde. ka dib markii ay arintii falan qeeyeen waxaa odayaasha reer Saylac waxay isku raaceen inay ka yeelan nidaamka ay u socodaan Ingiriisku, waxay ka dib ay odayaashii ay u sheegeen ragii matalayay Ingiriiska in waxii heshiis ah ay ku kala sexeexan doona Bada dhexdeeda iyaga oo arintaasi ka watay arimo waayo aragnimo leh oo ku tusinaysa sida ilbaxnimadoodu ahayd wakhtigaasi taasi oo ay ka dhax leen iswaydaarsigii u dhexeeyay jasiirada carabta iyo bariga afrika oo markaasi xudun u ahayd bariga afrika ahaydna halka ay ku soo degan jiren dadka ka kala socoda qoomiyahda kala duwan ee markaasi halkasi u imanaya ganacsiga ee haystay jinsiyada kala duwan.

Magaca Rasmigaa iyo Naanaysta

Hadii aan ka hadlo magaca Gadabuursigu waa naanays ku timid mar ay degaal kala dhex mareen qoomiyada Itoobiyaan ahaa ee la odhan jiray Galada mar ay islaayeen Boqortooyadii (Xamadu-Diin) halkaasi oo ay si goon ah ay ugu soo duuleen Qoomiyadaasi oo ay kolkaasi iska kaashadeen dadka Somaliyeed ee markaasi ka tirsanan jiray (Xamadu-Diin Empire)ee deganaa Gado halkaasi oo markii hore ay dadka somlaiyeed ay degaan ku ahaan jireen markii danbe ee farcankii soo badanayo ayaa waxa suurto gashay in ay u soo guuran dadka Samaroonku Deganka rasmiga ah ee hada degan yihin halkaasi waxaa lagu jabiyay Gaala (Oromo)sidaa darteed waxaa halkaasi ugu baxday labo magac oo kala ah markii hore ee ciidan ka uu soo kaxaystay oo loo bixiya (Gado-biirsay) iyo markii kale ee uu guulaystay oo loo bixiyay (Samroon) maga dhabtaana waa (Sheekh Muxumed)sida uu qoroyo buuga (Futuxul Xabash) waxaa uu ka soo jeeda Sheekh Muxumed Carabta oo aad ka heli kartaa taariikhda rasmiga ah ee bilaw ilaa dhamaan Sheekh Muxumed Ilaahay ha u naxaristee.

Magacaanta somalidu inta badan ay ku magacawdo dadkani

1. Gadabuursi 2. Samroon Siciid 3. Reer Sheekh Muxumed

 

MAAMULKA AMA SANDANAD GADABUURSIGA

Gadabuursiga maamulka ugu sareeya ee ay leehiin waa Saladan ku dhisan UGAAS, SALAADIIN, XEERBEEGTI, maamulkani wax uu ku dhisan yahay labo dhinac oo kala ha Diiniyan iyo dhaqan Wadani ah oo suuban, Gadabuursi waxay saldanadoodu tirsataa 17 Ugaas qoyska SAMROON ee iska leh saldanda waxaa la yidhaahda Reer UGAAS, Waana hanta la yidhaahdo MAKAAHIL dhanka farcanka GADABUURSI oo u kala bax sadex oo kala ah sidan hoos ku qoran.

Xubnaha uu ka kooban yahiin Samaroonku Guud ahaan:-

1. Maxamad Case 2. Makaahiil 3. Habar Cafaan

Dadka Gadabuursigu waa dad runtii maamulkood iyo kala daynbay waligood lehaa ilaa iyo maanta aanwax isbadal sida wakhtigan hada jirta oo nin aabihiiba aan saldana meel ka soo galin hadaa Somalida kale u caleebo saarto, hadaba saldana Samaroonku waa mid aan is dhalan rogin oo sidii lagu yaqaanay ah

Hadii Taariikhda Rasmiga ah ee soo jireenka ahaa ee GADABUURSIGA aad rabto waxaa ka raadsataa buuga magaciisa la yidhado (FUTUUXUL XABASH) ee yaala magaalada Herer garahaan maqaamka Sheekh CABDIL QAADIR, Buugasi ood ka heli karto Bilaw ilaa iyo dhamaystir Taariikhda Gadabuursiga,

 DAGMOOYINKA IYO DAGAANKA GADABUURSIGA

 Dadka Gadabuursigu waxay gadaan ahaan ay dagaan Gobolka Awdal gobolkaasi oo ay ka mid ah Gobolada Waqooyi ahan ka u xiga Cidhifka waqooyi ahan Gobolka ugu qanisan dhinaca Shidaalka lehna ilaa 3 ceel oo shidaal ah oo la sahamiyay oo aan wali la qodin oo leh shidaal Dabiiciyan ah, iyo waliba Gobolka Awdal waxaa kale oo uu leeyahay Ban wayn oo ku wanagsan dhinaca wax beerista, (banka Giriyaad)Waxaa kale oo uu leeyahay Gobolkani Buuro Dahab kuwaasi oo ay ka mid yihiin (Siimood iwm)dhamaan silsilada Golis ee martaa gobolka Awdal waa mid masno ah oo dhan waliba ku leh tixraac dahab gobolkani waxuu uu yahay mid bikrad ah oo wali dahaadhan yahay macadantiisi. Gobolkani Waxaa uu leeyahay bad aad iyo aad u baax wayn, sidoo kale gobolkan wax uu u qaybsan yahay labo is leeg oo kala ah buuralay iyo xeeb midkastaan uu ku wanaagsan yahay qaybaha biini adamku u baahan yihiin kuna hirgali karto meertada dadka waaqicaasi degan.

INTA DAGMO EE UU KA KOOBAN YAHAY GOBOLKA AWDAL

Gobolka Awdal waxaa uu ka kooban yahay 4 dagmo kuwaasi oo kala ah sidaa hoos ku qoran

1. Degmada Borama 2. Degmada Baki 3. Degmada Lughaya 4. Degmada Saylac

Afartani degmo waa inta uu ka kooban yahay Gobolka Awdal kuwaasi oo aan meelaha qaar kood aan kaga soo hadalnay kor,

MAGAALO MADAXDA GOBOLKA AWDAL

Magaalo madaxda gobolka Awdal waa magaalada BAKI taasi oo ah magaalo madaxda rasmiga ah ee Gobolka Awdal, wakhtigii la magacaabay ama la bixiyay gobolka Awdal meeshii sida rasmigaa ah loogu doortay Magaalo Madaxda waxay ahayd Magaalada (BAKI) waxaanay ku taala magaalda BAKAI Dhulka ugu rooban uguna beeraha iyo barwaaqada iyo nimcada badan marka loo eeg Gobolka Awdal dhinaca roobabka iyo cimilada kaleba waxaanay leedahay magaalada waxyaabo faro badan oo aan odhan karno waxany kaga horumarsantahay dhulka kale, Magaaladan ayaa waxay leedahay Biyo dabiiciya oo tayadoodu aad u sarayso laguna tilmaami karo in ay yihiin Kuwo si dabiici ah uga nadiifsan waxyaabaha biyaha badala, kuwaasi oo aan u baahnayan in dib loo sii sifiyoo,waxaa la ogaaday markii khuburo cilmi dheer u leh ay sahamiyeen oo ay u sheegan waxgaradka iyo cuqaasha halkaasi degan.

 WAXSOOSARKA, WAXBARASHADA IYO HIMILIDA MUSTAQBALKA

Degmada inta badan dadka degan waa dad inta badan aaminsan sida khayradka dabiicigaa iyaga oo nidaamkoodu uu ku salaysan yahay nidaamka Interonational-ka ah ee loo isticmaalo beeraha waxsoo saarkeedna waxaa loo dhoofiyaa inta badan sida (Borama, Djibouti, Hargeisa iyo dhamaan Somaliland. Degmadani waxay leedahay dhanka waxbarasha dugsiyo dhawr ah oo kala ah sida; Hoose/dhex / Dugsi sare/ iyada oo lagu talo jiro in laga dhiso jamacad wakhtiyada inagu soo foolka leh,

MAGAALO MADAXDA KALE EE UU LEEYAHAY GOBOLKA AWDAL

 BORAMA: wakhtigani xaadirka ah waxaa ay tahay magaalo Madaxa Gobolka Awdal oo dadka ahna sidoo kale magaca ku xardan qofkaste oo u dhashay Gobolka Awdal “Borama” runtii ay aad u jecelaystan dadka Dalka Jooga iyo kuwa Qurbo Jooga ah, runtii Magaalada Borama meel aad iyo aad loogu dhaadan karo ahna meesha kaliya ee taariikhda somaliyeed la ogyahay in ay tahay xudunta waxbarashada somaliyeed ka aflaxeen ragbadan oo manta caalamka wax laga waydiiyo halka qaar kalena ay ka noqdeen qaar runtii si wayn noloshood ay u gacan qabatay, waa magaalo ilaa hada ay ka muuqato dhaqan dhex-dhexaad ah oo bulshada qofkaste oo taga ku noolan karo, Sidoo kalena aanu ka xiiso go’ay jecelaystana ina noloshiisa inta ka dhiman uu ku dhamaysto madashan Qaaligaa, Marka aad ka eegto aminiga oo runtii lagu amaano, noqtayna Borama meeshii kaliya ee ay nabadu ka islaaxdo “meesha kaliya ee nabada lagaga daydo, Somaliland” Markii ay burburtay Dawladii Maxamed Siyaad Barre, Iyada oo ku horimartay Waxbarashada iyo kobcinta Fikirka iyo Caqoonta Bulshada weynta, Sidoo kale waxay dadku ku jecelaystaan Borama, Dhaqanka aan kala reebka layn ee aan hayb-sooc lahayn ee ay dhaqanka u leeyihiin Dadka dhaladkaa ee degan magaalo Madaxda Borama. Waxaa Borama lagu amaana in ay tahay Hoyga Waxbarashada Somaliyeed, Adiga oo ka tusmo qaadanaya Dugsiga sare ee taariikhigaa ee Ingriiskii dhisay ahna maanta Jamacada ugu tayada Badan Somaliland ee AMOUD UNIVERSITY oo ah meel mudan runtii in si weyn loo xasuusto, Jamacada AMOUD waa hooyada dhabada u xaadhay maanta jamacado badan oo ka jira Jamhuuriyada Somaliland lana soo garab taagnay jamacado badan in ay siiso wax kaste oo garab ah oo daruur ah loogana baahdo, ilaa mantana ay hoo iyo hiilba la garab taagantahay Jamacadaha kale ee ka jira Somaliland.

 Sidoo kale waxaan Goobtani aan ka maqnayn jamacada cusub ee ka curatay Borama laguna magacaabo EELO AMERICAN UNIVERSITY oo iyana noqotay jamacadii u horaysay inta taariikhda somaliland la ogyahay laga bilaabo Kuliyada ugu tayada badan ee ay ka midka yihiin Engineering, medical doctor, Jamacadani EELO AMERICAN UNIVESITY waa mid uu aasaasay nin wadani ah jecel dadkiisa iyo ciidiisa hooyo in uu wax ku darsado, ku han-weyn in uu waxka dhigo dhulkani ku caankaa waxbarashada oo magaciisa la yidhaahdo “AXMED XAASHI ABIIB” taariikh weyna hore ugu lahaa dalka maraykanka iyo sidoo kale jamacada qaaliga ee AMOUD UNIVERSITY sida oo aan cidna ka caawin jamacada ayaa waxa uu ka midho dhaliyay fikirkiisa ahaa in uu bulsho weynta wax ku darsado taasina waa mid uu gaadhay, qofkaste oo gobolka Awdal u dhashayna waa mid uu abaalo ugu hayo waligeedna la xasuusnaan doono.

 Sh.Ali Jawhar Secondary School: Waa dugusiga sare ee ugu la midka ahaa Amoud dhinaca dhismaha iyo Darajadaba wax uu ahaa fikir ay horimariyeen waxgaradka iyo caqoonyahanadii wakhtigii Ingriiska oo dhaxal uga reebay bulshada gobolka Awdal iyo kuwo kelba dugsiga Sh.Cali Jawhar waa mid magaciisa lugu bixiyay mis macno weyni ku dheehan yahay, taariikh qaaliyana dhinaca ku haysa, Dugisga ayaa wax uu ahaa markii ay dawladii siyaad bare jiri jirtay dugsiyada ugu miisanka weyn uguna tayda badan tacliinta iyo tiro-badnaa marka aad u eegto dugsiyada sare ee ka jiri jiray goboladii waqooyi ee ingriisku xukumi jiray “Somaliland”, ilaa mantana waa mid ka sii facfac badan marka aad u eegto sidii uu ahaan jiray.

 Dugsigan ayaa wax uu yahay iyo ka camuudeed qaar ay soo booqdan sanad waliba Qurba joogta Somaliyeed ee caqoontooda ka soo qaatay Gobolka Awdal iyo Amoud, Sh.Ali Jawhar, dadka gobolka Awdal xasuusiya qiimaha iyo waxtarka ay lahaayeen Dugsiyadaasi aan kor ku soo xusnay, halka qaar kaliyna marka ay arkaan ay dub u xasuustaan taariikhahoodii mahadhada ahaa ee hore u soo mareeyn bari-samaadkii ee Camuud iyo Sh.Cali Jawhar oo ay qaarkood sheegan in ay ku xasuustan marka ay yimaadan Borama iyo hoygii waxbarashad waxyaabo badan oo ay mudan tahay Borama.

 MAGAALO MADAXDA LUGHAYA

 Lughaya: Waa magaalo madaxda gobolka Lugha sida ay magaceedu ka muuqato waa meel dhexa dacalkana ku haysa Bada-cas kuna taala xeebta Gobolka Awdal dhinaca kalena ku haysa labo dhagadka iyo banka qiimiga weyn ee giriyaad degmadan oo ah degmooyinka gugu baaxda weyn ayaa waxay xukuntaa dhul balaadhan, magaaladani ayaa wax ku nool dad way badan oo kala jaad jaad ah waana meel runtii aad iyo aad u qaali ah marka aad eegto dhinaca Cilmilada iyo goobta ay dhacdo, waxaa magaaladani sida rasmiga ah ugu badan degaan ahaan u leh reerka BAHABAR-MUUSE, ee Maxamed Case. magaaladan ayaa waxay ahayd magaalooyinka ugu waxsoo dajinta badan iyada oo marar badan lagu soo qaatay mashaariic hori mari oo in laga sameeyo lagu talo jiray balse ay ka soo gaadhay burburkii Dawladii Siyaad Barre, kuwaasi oo ay ka mid ahayd mashruuc lagu samaynayay in karuure laga smaeeyo beero waa weyn oo laga beero bariiska, Aale Sonkarka i.w.m. mashruucaasi oo uu maal-galiyay ninkii qaaliga ahaa ee la odhan jiray “CANBALAASH” runtiina ahaa nin wadaniya jecelna in uu dhulka iyo manficiisa tuso dadka si ay wax ugala soo baxaan, intii wakhtigaasi ka danbaysa hadan sidoo kale kamuu madhnayn in uu ka midho dhaliyo mashruucii ama mid la hal maala balse wakhtiga ayaa u suurto galin wayay, isagoo ku talo jirana tiisii ayaa ku timid, Alla Ha u Naxriistee Gees naga Baxay ayuu ahaa.

Lughaya waxa yaabaha ay caanka ku tahay waxaa ka mid ah waa dhul-daaqsimeed waana meel ay ku noolan karaan xoolah iyo sidoo kale waa dhul wax beerashada ku haboon.

 MAGAALO MADAXDA DEGMADA SAYLAC

Saylac: Magaalo madaxda degmada Saylac waa Saylac, qofkaste oo maqlaa Saylac runtii marka yarba waxaa maskaxdiisa ku soo dhacaysa meeshii oday ka sheekeega ahayd ee taariikhda weynayda ka timiday ilbaxnimada iyo ganacasiga qarniyadii hore iyo kuwo maanta casriga ah ee jira, runtii aragtidayda waxaan odhan karaa waa magaalada kulmisay waxgarad iyo reer magaale markii dadku faro ku tiriska ahaayeen, waa dadka aan ka hadlayo ee reer Awdale waxay garteen badhtamihii qarnigii 19aad in markii ingriisku uu ku soo duulay dalka Somaliland ay noqodeen dadka ree Sayac dadkii u horeeyay ee ku gartay gumaystaha ingriis in uu wato dan iyo waxqabad isaga u gaar ah, waxay waxgaradkii iyo reer magaalihii wakhtigaasi jiray iyo Gumaystihii Ingriis isku afgarteen in ay isku yimaadan wax la garan karo oo qodobaysan ka dibna gumaystihiin Ingriis waa uu ka yeelay arinkaasi wax la tageen badweyta saylac oo ay ka soo saxeexeen gudoonkii Gumaysta Ingriiska Qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen (1) In aanu ku dhalin ninka ingriis wax jinsiyadiisa ah. (2) In aanu waxba ka badalin dhaqanka iyo diinteena suuban ee Islaamka (3) In aanu isku adkayn Markaste oo loo baahdo in uu ka guurana uu ka guuro, sida ugu dhakhasaha badan. heshiiskani oo sidaan sheegnay ka dhacay bada Saylac dhexdeeda ayaa waxa uu noqday mid kaliya ee ilaa maanta marka la suureeyo lagu tilmaami karo dadka reer saylac in ay ahaayeen dad ilbaxnimo fog lehaa iyo waayo aragnimo qoto dheer. waxgaradkii iyo cuqaashii wakhtigaasi ka saxeexday Heshiiska Ingriiska waxay kala ahaayeen sidan Hoos ku qoran:-

S/N Magaca Nasabka Ka Ayo 1. X.Khayre Maxamed Case Habar-Muuse 2. X.Diide Maxamed Case Habar-Xuseen (Bahabar-celi) 3. X.Kuul Maxamed Case Habar-Xuseen (Bahabar-Celi)

Tuulooyinka ay xukunto degmada saylac waxaa ka mid ah sidan oo hoos ku qoran:- 1. Lawyacaddo 2. Toqoshi 3. Casho-cado 4. Ceel-gaal 5. Geerisa 6. Jidhi 7. I.W.M.

Dhinaca bada markaan eegno waxay bada gobolka Awdal ay leedahay jasirado caan ah oo la kala yidhaahado:-.

1. Sacada-Diin 2. Ceebad 3. Mushaayikh 4. Abu-milix 5. Shariifada 6. i.w.m

ahana jasiirada ugu waa wayn marka loo eego dhamaan jasiiradaha Bariga Afrika Soomliya, waxaa sidoo kale jira in jasiiradaha qaarkood ay ku nool yihiin Duur-joog ay ka midka yihiin Cawlka, Deero-deerada iyo Bakaylaha i.w.m. taasina waxay ku tusinaysaa badka ay ku fadhiyaan jasaa’irka dhaca Bada Gobolka Awdal ee Saylac.

LAWYACADDO

Lawyacaddo: waa magaalada Xuduuda Djibouti u xigta waana magaalo yar oo markii gumaystayaasha Ingriiska iyo Fransiisku ku xoogaysteen Goblka Djibouti iyo Awdal ayaa waxa Lawyacaddo laga dhigay xad u dhexeeya Awdal iyo Djibouti waxana isla markii xadka laga dhigay lagu sameeyay magaalada Lawyaacddo Bandarad ama sar taasi oo gumaysta ingriisku ku baadhi jiray dadka iskaga gudbayay labad soodimood ee Awdal Djibouti sartaasi oo ilaa maanta ka dhisan magaalada Lawyacaddo ahna waxyaabaha ugu waa weyn ee Lawyacaddadii hore laga sii arko waa magaalo caan ku ah gadiska iyo isku gudibka labada wadan ee Somaliland iyo Djibouti waa magaalo dadka jooga ay u badan yihiin dad u soo shaqo yimiday oo waxga dadka qaarkooda ay degaan ku yihiin ilaa ka hor gumaystihii Ingriiska, Lawyacaddo magaalo si ahaan kooban oo ku fadhida bad dhan 3KM.

Wakhtiyadani danbe Lawyacaddo waxaa is xoogan u soo degay shirkado Badan oo danaynaya DATA iyo VOICE kaybalka bada ee Djibouti si ay uga qaatan oo ay ugu isticmaalan hawlahooda waxqabad ee kala du-duwan waxaa ka jira shirkado ay ka mid yihiin

1. TelCom Somaliland 2. Telesom 3. SomTel 4. STC 5. Africa Online

Intaasi oo shirkadood waxay kala yihiin qaar internet uun ka qaatay Djibouti iyo kuwo Internet-na ka qaatay Adeeg isgaadhsiineeda ka bixiya magaaladan Lawyacaddo waxaan shirkada adeega bixiyay ka mid ah Shirkada TelCom Somaliland iyo Shirkada kale ee Telesom

MAGAALADA TOQOSHI

 Toqoshi: waa magaalo u dhaxaysa Saylac iyo Lawyacaddo kuna caan ah waxsoorka cusbada magaalada ayaa waxay tahay magaalo aad uga yar marka aad u eegto Saylac iyo Lawyacaddo hada marka aad eegto dhinaca shaqaalaha ka shaqeeya ay ee joogtada dhan yihiin 100 qof ama badan waa magaalo wax soo saarkeedusi xoogan ugu tiirsan yahay Cusbada dhariga lagu darsado, Cusbadan waxaa loo iib geeya dhamaan magaalooyinka kala duwan ee Somaliland iyo qaar kal mid ah Ethiopia, dadka halkani ayaa waxay yihiin qaar mulkiila yaal ha iyo qaar u shaqeeya waxayna nolushu ku dhisan tahay labadaasi dabaqadood, waxaa intaasi u weheliya dumbar badalato la yidhaahdo oo iyana magaalada yimaada dhar iyo raashina ku badasha qaar ka mid ah cusubada kala soo saaro dixaha milixda, cusubadani ayaa ah mid aan inta badan dhalin balse leh wakhtiyo ay dhasho iyo wakhtiyo loo hagaajiyo sidii ay u dhali lahayd, milixlayda magaalada toqoshi ayaa wax uu ku xidhan yahay shabakada (Network) lagu magacaabo (Iskaashato) oo nidaamkoodu ogol yahay ninka haysta hal ceel iyo ninka kale in si cadaalada ah lagu sooro oo lagu kala xukumo, waxaana xubnahah iskaashatada loo soo doortaa si dhex ah, waxaana ay leeyihiin dhismayaal (Xafiisyo) lagu magacaabo guriyhiin iskaashatada. dadka ugu magaca weyn leh magaalada Toqoshi waxaa ka mid ahaa Maxamuud X.Cumar X.Khayre oo ahaa odayga iyo nabadoonka magaalada Toqoshi ahaana sidoo kale muwaadinkii u horeeyay ee ka dhisa Guri Dhagax ah magaalada Toqoshi oo ilaa mantana ay dhisan tahay, fikirkeedana lahaa in dad badan oo reer Toqoshiyaad ah ay maanta degaan ku noqdaan magaalada Toqoshi markuu u qaybiyay dhul beereed milix oo badan si ay uga soo baxaa nolol maalmeedkooda, Maxamuud X.Cumar X.Khayre Sidoo kale waxa uu ahaa nin taariikh wayn ku leh Degmada Saylac iyo Sidoo kale Gobolka Awdal, wax uu ahaa odayaasha wax laga waydiiyo dhacdoonka iyo arimaha Degmada Saylac, Alla Ha u naxariistee Maxamuud X.Cumar X.Khayre waxa uu ahaa nin ilaa 8 ilaa 9 Oday u tirsada daganaashiyaha degmada saylac oo ka soo jeeda Qayska aadka loogu yaqaanay Saylac ee Reer X.Khayre dadka badankoodu yaqaan, Maxamuud waxa uu ahaa nin deeqsi ah oo aan dadka soo kala dhawaysan lehna dhaqankii dhexda ahaa ee reer Saylac wax uu ahaa nin ku barbaaray magaalada Saylac iyo Borama kuna soo kala lahaa ganacasiyo kala duwan.

Waxyaabaha taariikhda leh ee Maxamuud Cumar X.Khayre lagu xasuusto ka mid ahaa isaga oo qaaday masuuliyada (Xilka reerkooda) isaga oo jira 19 sano oo kaliya markii uu dhintay X.Cumar X.Khayr kuna dardaaray walaalihiin, waxaa sidoo kale taariikhda yaab kale ee maxamed Cumar lahaa ahayd iyada oo taariikhda somaliyeed la ogyahay inta ay ragii hore ku guursan jireen oo ahayd 40 sano ugu yaraan ayaa Maxamuud X.Cumar X.Khayr ku guursayd ooridiisii u horaysay sida laysheegay 19 Sano magaceedna waxa la odhan jiray Dayibo Beegsi, Maxamuud X.Cumar X.Khayr Waxa uu aduunka kaga tagay 4 raga iyo 8 haweena Alla ha u naxariisteen waxa uu ahaa geesi mudan in lagu daydo taariikhdiisana laga dhigo mid si weyn loo qoro.

MAGAALADA CASHO-CADO

Casho-cado: waxay u dhaxaysa Saylac iyo Ceel-gaal waxay tahay magaalo yar oo kooban, kana kooban labo daamood, casho-cado waa magaalo yar oo doox dhexmaro maro kuna badan tahay meherada nooca makhaayadaha kuwaasi oo dakhligoodu ku xidhan yahay gawaadhida badeecada iyo kuwa yaryar ee rakaabka (qareen-goo-ga) oo ay si xoogan ay wax uga iibiyaan, sidoo kale waa magaalo ay isku yimaadan dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaw-dhaw magaalada casho-cado sidoo kale magaalada casho-cado iyada oo leh ceel laga waraabiyo xoola awgeed ayaa waxaa si oo kale si xoogan u yimaada dadka waraabka xoolaa, intaa waxaa kale oo dheer Casho-cado waa meel leh Kasmbam Cashuurad oo lagu cashuuro dhamaan xoolaha la geeyo Djibouti maxsharkeeda xoolaha ee Al-JAABIRI waxaa kale oo lagu cashuuraa Alabaha kale ee loo wado magaalada Djibouti.

 MAGAALADA CEEL-ISLAAM (CEEL-GAAL)

 CEEL-GAAL: magaalada ceel waa magaalo u dhaxaysa magaalada CAsho-cado iyo Geerisa waxayna caan ku tahay ceelka shidaalka Somaliyeed oo ahayd meeshii ugu sanka wanaagsanatahay wakhtigi dawladii siyaad bare ee laysku af-gartay in laga soo saaro shidaal kaasi oo ay somaliya ku talo jirtay in ay qodoto sidoo kale lagu han weyn in ay wax soo saar wayn u noqondoonto dadka iyo dalka somaliyeed ilaa maanta magaalada Ceel-gaal waxay caan ku tahay taariikh dheerna ku leedahay in ay tahay mustaqbalka Bulsho weynta dhulkaasi degta iyo gabi ahaanba mandiqadani oo dhan.

 MAGAALADA GEERISA

 GEERISA: magaalada geerisa waa magaalo kala badha buura leyda iyo xeebta gobolka Awdal ama Selel iyo Awdal wax ay tahay magaalo yar oo inta badan dadka rakaabka ah ay ku nastaan, waxaa degan magaalada Geerisa Askarta mililtariga ee Maxamed Xudhuun oo xukuma ciidama militariga gobolka Awdal oo dhan ahna nin si weyn uga soo shaqayn jiray dawladii siyaad bare sidoo kale nin macaan oo waxgaadnimo iyo xilkasnimo ku dheehantahay ah.

awaanshiyaha ay meelkaste awgeed iyo arima kale oo bulsho weynta u dan ah waxaa suurto gal noqotay BORAMA in ay noqoto magaalo Madaxda, sida guud ahaaneedna lagu magaaco magaalo madaxda Gobolka Awdal, Magaaladan oo runtii ay ka jiraan dhamaan gadiska ganacsi ee dhankaste waxaa ay kulmisay bulsho weyn faro badan oo runtii si weyn uga shaqaysta kuna nool, Si weyna u camiray bilicda iyo Horusocodka magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama.

 Xigasho: http://so.wikipedia.org/wiki/Gadabursi_traditional_history

4 Responses to Taariikh Dhaqmeedka Gadabuursi

  1. samatar abib robleh says:

    waxan aad u salamaya marka hore qoraaga taariikhdan soo baaray ee waqtiga ku lumiyay waxanan leehay waad mahadsantahay .hada wxad soo sheegtay inu buug la irah futuuxal xubuush ka sheekeeyo taarikhda samaronka ,bal waxan ku waydinayaa hadi aad wax ka ogtahay in la heli karo kuwo ingriis ku qoran waayo taarikhda adunka ingriis ayaa lagu wada qoray badanaa markaa bal maadaama aw ingriisku gumaystay laftigeeda somaliland ,intii u gumaysan jiray noloshu siday ahaydna hadaad haysto taarikhedda waan kaa sugaynaa inshaha adoo mahadsan

    samatar

  2. ahmed muuse says:

    walaal hortaa aad iyo aad aayn kusalamayaa aad iyo aad ayaad u mahadsantahay sida ficaan ee ad uga shakaysay thaarikhda dheer ee samaroonka u ku leyahay adunka lakiin walaal waxan u bahanahay bugaa ad sheegtay iin lagu qoro english iyo somali sii loo akhrisaan karoo oo walaal daadka in ugu soo bandhignoo aad ayaan kusalamayaa walaal mahadsanayd

  3. muwaadin says:

    salaamu caykum waxan aad iyo aad gufaraxay sida wanaagsan eed huuno husoobandhitay .
    dagaanada beelwaynta gadabuursi .
    dee waxan kale oon markale ku odhan lahaa adiga iyo hiildan.com waxad haysaan shaqo qaran alaha idin laqabato .aamiin .aamiin,

    sahal{ireland}

  4. ilyass says:

    salaamu calaykumwalaal aad baad u mahadsantahay waana wax ay aad ugu baahantahay jiilka cusub in ay akhristaan taariikhda nasabkooda laakiin walaal waxaan aad u jeclaan lahaa adigoo ku soo bandhiga buugaag koley hawsha waad gashee ilaahayna hakula qabto dadalkaaga hiil iyo hooba waan kula garabtaaganhay handaan nahay qurba joogta samaroon…………………………………………..nabada awdal ha waarto……..sxb samaternaa aad baan u salaamayaa…..by

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.