
London(AB), Culimada Sayniska ee jaamicadaha Washington Seatle iyo Florida ee dalka Maraykanka ayaa waxay daah fureen ‘dabiib iriq’ (genetic cure) oo loo helay cudurka loo yaqaano ‘Midab Indho La’aanta’ (Colour Blindness). Cudurkan oo qofka qabaayi aanu kala garan midabada qaarkood, sida cagaarka iyo casaanka ayaa waxay wararku sheegayaan inay qabaan malaayiin qof oo ku nool daafaha dunidan, haba u badnaadeed dadka caddaanka ah, gaar ahaan Ragga caddiinka ah..