Gabaygii ‘ALLEYL DUMAY’ iyo Raage Ugaas
October 24, 2009 11 Comments
Wali waxaynu ku guda jirnaa ururinta suugaantii aynu kusoo qaadanay dugsiyadii Hoose/Dhexe iyo Sare ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya. Gabaygan idinku soo maqan ee halkudhegiisu yahay ‘Alleyl Dumay’, wuxu ka mid ahaa gabayadaas aynu soo sheegnay. Waxa tiriyay Raage Ugaas (AUN), kadib markii gabadh isaga u doonanayd oo ad u qurux badnayn isla markaana Raage aad u jeclaa loo meheriyay Faarax wiil-waal. Raage Ugaas sida la soo wariyay aakhirkii wuu dili doonaa Faarax Wiilwaal, kadib markii ay isugu yimaadeen inay shax wada cayaaraan, gabadhiina wuxu ku kaxaysanayaa xarrago iyo xoog. Waa marka uu odhanayo:
Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu, qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco, qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!
Si kastaba ha ahaatee Raage Ugaas wuxu ka mid ahaa gabayaaga soomaaliyeed kuwa ugu mucjisada badan, ee aad loo xiiseeyo murtidooda. Gabaygan Alleyl dumayna waa mid ka tarjumaya murtida qarada weyn ee looga bartay Abwaan Raage Ugaas (AUN). Waana sidan hoos ku xusan:
Alleyl dumay albaabadoo xidhan, uunku wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax, iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa, udub dhexaadkiiye
Labadii wax laga eegi jiray, waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah, kaliya uun baa oge
Aboodigu malalo garab haduu, iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii, adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay, iimi kaga taale
Aroos uma galbado nimuu wadnaha, arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu, ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed, aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale, meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa, uurkutaalada e
Ninka illo biyaleh soo arkoo, ooman baan ahaye
Ninkaa ooridiisii nin kale, loo igdhaan ahaye
Nin Ugaas aabihii yahoo, aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow ninkaa aayar uun, aamusaan ahaye
AllBoon(AB)
Gabaygan maadan soo dhameystiran, ee waaka isagoo dhameystiran sxb.
Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Usha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaaye
Aroos Uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Amba Qaadka geediga kobtaan awrka marinaayo
orod kulama boodiyo anoo soo argaagaxaye
Ilaalada halkaan ka arda dhigi waan odorosaaye
Nin walaalkii Ugaas yahoo eedday baan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi
Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho
Subxaana laah, ALLA GOOYEY OO NABI INKIRAY, OO ISLAAM MA AHI
NINKAA OORIDAYDII QABAA, UBAD HADDUU YEESHO.
kkkkkkkkkkkkkk.
Sxb Gorey dheere aad iyo aad baan kuu salaamay, gabaygan waxan kusoo qaadanay suugaantii dugsiyada Soomaaliya. Waanad ku mahadsantahay haddii ad ku dartay intii uu Kacaanka Soomaaliyeed ka reebay gabaygaas, ee la xidhiidha qabyaaladda iwm.
Waanan maqalnay inuu Raage Ugaas aarsaday oo dilay ninkii ka qaatay naagta, isagoona ninkaasi wali ka ilmo dhalin. Nin dhagaroobay dheh kkkkk.
Maxaad soo raacin kartaa taariikhda AAR GOOSIGA, ee Raage Ugaas, miyay u wada jirtaa sida loo soo sheegay?
Haa sxb, Maqaal aan ka diyaariyay baa jira waa dhaweyd, sababtoo ah raage ugaas warfaa waa aniga Awoowgay Afraad oo waan ku abtirsadaa, Marka, Link gan ka akhriso, maqaalkeygii
http://www.wabishabeele.com/maqaaldetails.php?subaction=showfull&id=1266898924&archive=&start_from=&ucat=2&cayn=tah&PHPSESSID=&num=2912
Aad iyo Aadbaan kuu salaamayaa walaal, waanan akhristay qormadaada aadka u qiimaha iyo qaayaha badan. Run ahaantii waxay ila tahay inay Qisadani ku fiicnaan lahayd in laga sameeyo Filim Soomaaliyeed, waxa ku dhan waxkasta oo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed leeyahay. Sida Murti, magac(Famous), Dagaal, nabad, qurux, dumar, jacayl, iwm.
Su’aalbaase wali an ii kala caddayn oo filayaa inaad ii bidhaamin doonto, taasina waxay tahay, GARAAD FAARX XIRSI WIILWAAL. Ma WIIL-WAAL Lafatarkiisiibuu ahaa, mise waa will uu Awoow u ahaa?. Hadana waxan k uweydiinayaa, ma wiilwaalkii dhammaa ee aynu maqalnay ee caanka ahaa, qudhiisii weeyi?
Mahadsanid Faarax
Abdiqani
Wacaleykum salaam walaal,Waanad ku mahadsantahay.
Wiilwaal laftirkiisii ma,aha, ee waa wiilkiisii.. wiilwaal waa naaneys, magaciisa saxda ahi waa Garaad Xirsi Garaad Faarax. Wiilwaal laftirkiisu wuxuu noolaa qiyaas ahaa 1780-1815.
Wiilkiisa Garaad Faarax ah iyo Raage Ugaasna Waxay Ahaayeen 1820 ilaa 1875.
Raage ayaa ka dhimasho dambeeyay oo loogu aaray garaad faarax, oon umaleynayo in la dlay gugii gobeysane 1880. Nin Abasguul oo Ina dhey-liqe la dhaho baa dilay.
Ninkan uu raage dilayna waa Garaad Faarax Garaad Xirsi(WiilWaal),Garaad Faarax.
Aad iyo aad baan u gartay waanad ku mahadsantahay. Kolleyba anigu waxan ahaa taageerayaasha (Fans) Raage Ugaas, oo aadbaan u jeclaa gabayadiisa oo inta badan an kusoo dhiganay suugaantii Soomaaliyeed ee iskuulada Hoose/Dhexe/Sare.
Anda haddii ad tahay tafiirtii Ugaaska, kolley waxan filayaa inaad gabayaa tahaye, ma jirtaan wax gabayo ah oo ad tirisay? kkkkkk.
Maya ina adeer anu ma gabyo, waanse xafidaa, Hadii aad webkan leedahay oo tafatire ka tahayna, Gabayada Raage ugaas aan ka hayo oo badan iyo qisooyinkada waan kuu soo gudbin karaa, Maqaal ahaan.
Ok Brother, waxba ma leh haddii aanad gabyin, waxase muhiim in aad gabyaaa xafid tahay suugaantana aa jeceshahay.
Haa ewalaal anigaa ka masuul ah(Tafatire ) shabakadan AllBoon.com iyo HiilDan.com labadaba, waxanan aad u jeclaan lahaa inaad iisoo dirto wax alla wixii taariikh iyo murti ad ka hayso ABWAAN UGAAS RAAGE (AUN), waxan u samayn doonaa BOG u gaar ah. Aad iyo aad baan u xiisaynayaa.
Emailka ad iigu soo hagaajin kartina waa: hiildanyare@yahoo.com
Magacayguna waa: Cabdiqani Yuusuf Caateeye
Nabad iyo Caano iyo Barasho Wanaagsan
Haa ewalaal anigaa ka masuul ah(Tafatire ) shabakadan AllBoon.com iyo HiilDan.com labadaba, waxanan aad u jeclaan lahaa inaad iisoo dirto wax alla wixii taariikh iyo murti ad ka hayso ABWAAN UGAAS RAAGE (AUN), waxan u samayn doonaa BOG u gaar ah. Aad iyo aad baan u xiisaynayaa
. anu ma gabyo, waanse xafidaa, Hadii aad webkan leedahay oo tafatire ka tahayna, Gabayada Raage ugaas aan ka hayo oo badan iyo qisooyinkada waan kuu soo gudbin karaa, Maqaal ahaan.
Aad iyo aad baan u gartay waanad ku mahadsantahay. Kolleyba anigu waxan ahaa taageerayaasha (Fans) Raage Ugaas, oo aadbaan u jeclaa gabayadiisa oo inta badan an kusoo dhiganay suugaantii Soomaaliyeed ee
asc walaal waan ku salaamay aniga raage ugaas nin wax badan ka aqoon jiray ayaan wada joognaa taariiqda gabaygaan wax iiga sheegay marka saxibkey gorey waxaan ka doonayaa inuu noo sheego gebedha ay labada nin isku haysteen magaceedii hadii aan sidaan u maqlay sax tahay iyo inkale? Faarax iyo raage ugaas dhalyo maka dhaxeysay oo dhanka hooyada ahi? ugaasne waaba sheegtay inuu ogaadeen yahaye faarax wil-waal yuu ahaa qoladiisa? Mahasanid
masha allaaaaaaaaaaaaaaah gabaygaaaan saaaaaaaaaaan u raaaaaadinaaaayay leeeeeeeeeeee