Miicaad Caynaan, Dulmiga Hallaga Daayo

Miicaad Caynaan Gadiid

Mudane Miicaad Caynaan Gadiid oo ah muwaadin reer Boon ah isla markaana aad iyo aad looga yaqaano Boon. Ayaa waxaynu dhawaan ku war helnay inuu Madaxweynaha Somaliland oo ay isku beel soke  kasoo wada jeedaan uga cawday tacadi lagula kacay oo lagu duudsiyay xaqiisa.  Cabashada Mudane Miicaad Caynaan Gadiid waxa lagu soo bandhigay shabakada RAMAASNNEWS, oo aynu kasoo xiganay, wuxuna u dhignaa sidatan hoos ku xusan.


 Oday 80 Jir Ah Oo Lagu Dulmiyay Shaqadiisii Oo Dhambaal Culus U Diray M/Weyne Rayaale.

Markii Laga Jaray Boqol Kun Oo Shilin Oo Uu U Qaadan Jiray Mushahar Ayuu Hargeysa Ku Leeleelayaa Muddo Saddex Bilood ah.

Hargeysa(Ramaas) Oct. 11, 2009 – Meecaad Caynaan Gadiid (Meecaad Boon), oo ah oday waayeel ah oo 80 Jir ah, kana mid ah waxgaradka degmadaasi, ayaa cabasho ka muujiyay dulmi uu sheegay in lagaga sameeyay shaqo ilaaliye ah(Watch Man)  oo uu ka hayay Xarunta Caafimaadka degmada Boon ee Gobolka Gobolka Awdal, waxaanu sheegay inaan muddo aad u dheer aan la siinin mushaharkiisii oo dhamaa 100, 000 oo shilin.

Oday Meecaad Caynaan, oo sheegay in ay Gunadiisa yar ay isku tuur tuureen maamulada dawlada Hoose ee degmada Boorame iyo Gobolka cusub ee Salal, wuxuu shabakada Ramaas News u sheegay in isagoo xanuunsanaya uu cabashada arrintan u gudbiyay xafiisyadii qaabilsanaa kuwaasi oo illaa imika aan waxba uga qaban.

“Waxaan joogay Magaalada Hargeysa  muddo saddex bilood ah si aan dawlada ugala hadlo in la ii amro in la i siiyo oo meel la ii saaro 100.000 shilin Somaliland ah oo aan mushahar ahaan uga  qaadan jiray dawlada Hoose Boorame,  oo igu  siin jirtay ilaaliyenimada MCH-ka degmada Boon, oo iga jartay markii la magacaabay Gobolka Salal, waxaanay i yidhaahdeen u tag Gobolka Salal, maamulka Gobolkaasina waxay igu yidhaahdeen u tag dawlada Hoose ee Boorame, ”ayuu yidhi Odaygaasi oo ay oogadiisa ka muuqatay xanuun iyo diif aad u badani.

Muwaadinkaasi wuxuu Madaxweyne Rayaale u diray Dhambaal culus waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne Waxaan si sharaf iyo maamuus mudan kaaga codsanayaa inaad ii amartid inaan la igu duudsiyin shaadh dawladeed oo mushaharkaygaasi boqolka kun ee shilin ah meel la ii saaro. Haddii aad iga gacan siisid arrintaasi waxaan kuu rajaynayaa liibaan adduunyo iyo mid aakhiraba waxaanad noqonaysaa masuul u hiiliyay caddaalada.”

Miicaad Caynaan Gadiid

 

Dhambaalka odaygaasina wuxuu u qornaa sidan:-

Warqad Ka Socota Miicaad Caynaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.