BOON Maxay Rabtaa?: Ma Saylac Mise Boorama, Mise Midnaba?.
October 31, 2009 4 Comments
Boon intii ay sidatay magaca Tuullo, waxay muddo dheer ka tirsanayd degmada Boorama ee gobolka Awdal. isla mar ahaantaana muddo dheer ayay u halgamaysay inay qaadato darajada Degmo oo ay xaq iyo xuquuqba u lahayd, maadaama ay tahay meel kulmisa dad kala duwan oo qabiil kastaba leh.
Hadaba dhawaan hal sano ka hor markii la magacaabay Lix/Todoba gobol oo cusub oo ku soo biira dalka Somaliland ayaa waxa Boon loo aqoonsaday inay noqoto degmo ka tirsan gobolka SALAL oo magaalo madaxdiisu tahay SAYLAC. Dadka reer Boon lama weydiin afti ku saabsan inay rabaan inay noqdaan degmo ka tirsan Saylac ama degmo ka tirsan Boorama, ama gobol iskii u madax bannaanba.
Sida qaalibka ah, reer Boon waxba kuma haysan degmada Boorama ee ay ka tirsanaan jireen mudada dheer, oo Boorama oo ku macaashtay waxbarasho nooc walba leh, Boon looma samayn hal dugsi oo dhexe oo cusub iyo mid sare, macalimiintoodana iyagaa ka bixiya mushaharka. Iyagaa samaystay dugsi sare kuna talo jira dugsiyo kale. Xitaa ma leh xafiisyo dawladeed iyo xarumo dawladeed oo loogu adeego baahida bulshada reer Boon. Sidoo kale ilaa iyo imika ma muuqato waxtar ay ku heleen inay noqdaan degmo ka tirsan gobolka SAYLAC, oo ah mid cusub iyo mashruuc yabooh dawlada Somaliland kaga qaato dawlada Djibouti. Sidaa daraadeed degmada qadiimiga ah ee Boon waxay dhex heehaabaysaa Boorama iyo Saylac, waxayna ku jirtaa murtida tidhaahda, ‘laab la kacay lugase kuma joogo’. Degmo noqotay Boon, meel ay u jeedana iyo lugo ay ku joogtana lama yaqaano.
Hadaba akhristayaasha AllBoon waxan ku marti qaadaynaa inay codkooda ka dhiibtaan isla mar ahaantaan si xilkasnimo leh uga doodaan, waxa ay Boon rabto. Aynu is weydiino, Boon ma waxay rabtaa inay ahaato degmo hoos timaada caasimada Saylac iyo inay sideedii hore ahaato tuullo ka tirsan degmada Boorama?. Iyo inay labadaasba ka kaaftoonto oo Boon noqoto degmo iyo gobol iskii isu maamuli kara?.
AllBoon (AB)
magaalada boon in iyadu noqoto magaalo madaxda salal ayay aniga ila tahay oo laga soo wareejiyo magaalada qadiimka ah ee jabuutina u dhaw ee wax ka soo socdana aan lahayn,,waxa weeyi sidii markii horeba boorama ay u wada hoos iman jireen macal saylacdu hadana waxay ahayd uun in boon magaalo madaxda la siiyo saylacna boon hoostimaato.
anigu waxan qaba boon gobol ma noqon karto kaligeed, booramana ku ma noqon karto oo hadii ay ku noqoto dhulkaasba ree jibouti ayaa sheegan inta soo hadhay ee waxa weeyi ‘xeego siday xeego ku noqota ilkana ku nabad galaan’ dhulka hada ree jabouti madaxda loo ga dhigay waxa aan ku soo celin karna oo aan kaga hortagi karna inaga oo boon magaalo madaxda siina saylacna degmo boon ka tirsan noqoto sidaasna aan ku maamulno dhulkeena…
xita hadii aan nidhaahdo boon kaligeed wey istaagi karta waxa weeyi dee waxan ku dhacayna bila xeeb taasna ma fiicna.
al muhim anigu waxan qaba saylac halaga soo wareejiyo magaalo madaxda, boon na halugu soo wareejiyo
sida iyo nabad galyo
SAMAROON, salaani korkaaga ha ahaato,
Run ahaantii waxad igaga soo baxday meel aad u fiican oo an iskaba filaynin. Saylac iyo xeebteeda kama maarono oo waa dhulkeenii, balse inaan hogaanka u hayno ayay ku fiicnaan lahayd si aanay nooga hoos bixin. Sidani ay ku socoto , waa alloow sahal amuuraha. Toloow Somaliland ma nabadbaa ?!
Marka hore salaan bahda allboon.com walaalayaal ad ayad u mahadsan tihiin adiga iyo inta kula fikir ah marlabaadw axaan rabaa in aan ka hadlo m owduuca ah midkay rabtaa Boon run ahaantii waxa aan kula talin lahaa dadwaynaha re boon in ay ka mid noqdaan saylac ayna is baladhiyaan kana faaidaystan khayraadka bada dakadaha iyo dhamaan dhulka baaxada wayn ee giriyaad sida aynu lawada socono maanta waxa curyaamiyay maamulka ka jira hada riyaale waa bur buriyay waxa uu qaybiyay G.awdal waxa uu siiyay saylac ilaa sacadadin dadkale markaa wxaaxn udhan karaa maanta waxa loga bahan yahay odayyasha ree boon wax garadka ree boon dhamaan in ay ka hadlaan maamulka guud ee saylac iyuo ila kasta oo dhaqaale oo aan haba yaraatee dadkii xaqa u lahaa ann marnaba la sin
waxaan u so jedinaya in ay maamulkan daba dhilifka ah ee ka jiray waqooyiga ay faraha kala baaxaan bixinta ay bixinayaa dhulka sharcidarada ah ee aan dadkii lahaa lagala tashan
talabaad maalmahan wax dhagahaygu maqlaanin la bixiyay gasiirada sacadadiin. taasina waxaan u shegaya cid kasta oo isu dayda in ay dagto ama ay wax ka samayso waxaanu gka qaadi doonaa talaabo adag oo lagu yaqaano samaroon\
ina riyaalena maanta isaga oo aan waxba u qaban dadkiisii iyo dalkisii in uu hadana noola yimaado af lo soo dhibay ka yeelimayno
hargeisa maxamed samaroon
salaan huuno maraka xigat bon waxa ay rabtaa borma taas um baahana suaal!!!!!
suldaan midan kara samaroon oo dhan maxamed c/naasir jaamac