Bahda AllBoon Iyo HiilDan , waxay salaanta ciidda oo kal iyo laab ah u dirayaan dhammaan akhristayaashooda, ehelkooda iyo qaraabadooda iyo asxaabtooda meel kasta oo ay aduunka ka joogaanba. Macal Ciidee wada dhaha, Wa-ciidal Caafiya.
Monthly Archives: November 2009
Ku Ciida Caafimaad iyo Barakada Xajka
By
Ahmed Arwo
Mahad oo dhan ALLE ayaa leh. ILAAHA inaga dhigay Muslim, ILAAHA inagu tilmaamay inaynu nahay ummadda ugu kheyr badan ummadaha, Waxa nasiib leh inta Alle waafajiyey xajka sanadkan, ee hilow iyo qalbi furan ku ajiibay amarkii Eebbe, kuwa yidhi Labayka Allaahu Labayk.
Jaalliyadda Awdal/Salal ee Dalka Switzerland, oo Ka Tacsiyaynaya Geerida Marxuum Qaasim(AUN)
Inaalilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun anagoo ah jaliyada awdal salal iyo gabilay ee kudhaqan dalka switzerland waxaan tacsi tiiranyo leh udiraynaa qoyski iyo qarabadii uuka baxay marxuum Qasim sh Yusuf oo ahaa wasiirka macdanta iyo biyaha ee somaliland oo ku geeriyoday dalka sucudiga anago kal ah:
Allaha U Naxariisto :Marxuum Qaasim Sh Yuusuf

Bahda AllBoon iyo HiilDan waxay tacsi gaadhsiinayaan ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii iyo dhammaan qarankii uu ka geeriyooday wasiirkii Macdanta iyo Biyha Somaliland, Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf. Ilaahay Marxuunka naxariistii janno haka waraabiyo, dhammaanteenna haynaga siiyo samir iyo Iimaan.
Bridging The Gab: Awdal Websites..!
Wcays Qaasim X. Daahir.
waisqa@hotmail.com
The Internet or the World Wide Web is indeed a wonderful, and amazing addition to our lives.
Masuuliyiinta Reer Boon/Boorama Oo Ka Tacsiyaynaya Geerida Guddoomiyihii Salal
Waxaan ka tacsiyaynaynaa geerida ku timid Gudoomiyihii Gobolka Salal, Marxuun CAWAALE XASAN ISMAACIIL. Waxaanan u tacsiyaynaynaa xaaskiisii , caruurtiisii , iyo ehelkiisii , anagoo ah Madax dhaqmadeedada iyo Maamulka Degmada Boon.
Continue reading
Allaha U Naxariisto Guddoomiyihii SALAL
Bahda AllBoon iyo HiilDan waxay tacsi ka gaadhsiinayaan ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaanba bulshada gobolka Salal, geerida ku timid marxuun Cawaale Ismaaciil Xasan oo ahaa guddoomiyihii gobolka SALAL. Ilaahay marxuunka haka warabiyo naxriis janno, dhammaanteena haynaga siiyo samir iyo iimaan.
Gabay Jacbur: ‘Nabadu Jalxad Weeyee, Car Kumaa Jabinaaya’?..!
Suugaanta soomaalidu waxay leedahay noocyo badan oo an la odhan karin dhammaantood way nidaamsanyihiin ama nidaam loo wada dhigay ayay haystaan. Qaarkood ayaa magaca suugaanta la wadaaga murtida iyo erayada balse kaga duwanaada hanaanka iyo habka loo dhigo. Gabayada loo yaqaano jacbur oo inta badan loo adeegsado murtida maada ah ee loogu talo galay in dadka lagaga qosliyo, isla markaana uu hormuud ka ahaa C/Laahi Macalin Dhoodaan ayaa ka mid ah suugaantaas aynu soo sheegnay. Mid ka mid ah ayaynu halkan idiinku soo guurinay, balse is weydiintu waxay tahay gabaygan yaa tiriyay, mase noqon karaa jacbur?:
Continue reading
Qaybinta Dhulka Samarroon Iyo Qabasho La’aanta Dad-Qalatada
By Mujaahid Farxaan
XUKUMADA SOMALILAND WAY KARTAA DHULKA REER AWDAL INAY U QAYBISO CIISE IYO ISAAQ MASE KARTO INAY SOO QABATO KUWII HALDOORKA REER AWDAL HILIBKODA WADHAY KALABAYDHKA MIYAA??
Gobanimo KU Dhinta, Gunnimo KA Dhinta
By Mujaahid Shariifka

Mar hadii aanay bulshadaasi ka baqaynin wax naftooda, dhulkooda, khayraadkooda, xoolahooda, aanu jirin habayaatee wax khatar galin kara ama looga cabsado xaquuqdooda. Ha ahaado wadankale oo duullimaad milatari kusoo qaada ama maamul xumo kaga timaada gumaysi dhexdooda ah oo ka dhaca wadankiisa dhexdiisa habayaraatee hadii aay bulshadaasi ka xoryihiin dhamaan khatarahaasi kala duwani waxaan odhan karnaa bulshadaasi waxay haystaan xornimo taam ah FREEDOM.
Gabaygii ‘Qayb Libaax’: Xuseen Dhiqle
Labadii Qofee inagaga hadhay, Qaafadii DumarkaTii Quruxda roonayd , hadday Cali la QooqaysoQudhoo kaliyaa nagu hadhoo, Qalabku noo yiileTanna Qaata, Naadaba Ragbay Qaac u shidataaye
Waa gabay ka mid ah Suugaantii aynu kusoo baranay dugsiyadii H/Dhexe/Sare, ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya kuna salaysan qiso dhab ah oo taariikhda soomaaliyeed aad ugu baahday. Burburkii ku dhacay daraawiishta kadib markii cirka iyo dhulkaba isticmaarku ka weearay, ayaa wuxu keenay in soomaalidii kale iyagii dib u bililiqaystaan, oo xitaa dumarkoodii rag kale loo dhiso. Xuseen Dhiqle oo ahaan jiray nin gabayaa ah isla markaana xafidi jiray gabayadii sayidka ayay arrintani si gaar ah u taabatay kana gabyay. Sheekadan oo dhammays tiran iyo gabayga oo intuba maqal iyo muuqaalba leh ayaan halkan idiinku soo guurinay. Dheehasho iyo dhageysi wacan.
Halaga Tashado Siyaasiyiinta Iyo Salaadiinta Tayada Xun.
By Mujaahid Farxaan
Waxaynu wada ognahay meesha aay ina dhigeen sisasiyiinteenu iyo saladiinteenu. Waa kuwa inoo loogay warabaha ee maanta halka aan taganahay ina dhigay, waa kuwa xaqeenii u qaybiyay bulshada aan la dariska nahay.
Badheedhaha AllBoon: Gurigii Jacaylkiyo, Waayeelkii Godobta

Gabadh Soomaaliyeed ayaa guyaal hore waxay ku heestay: “gurigii jacaylkiyo, waayeelkii godobta, keebaan gogoshiisii ku hurdaa, go’a yaa ila huwaday, gacantu raaxo daranaa, guudkayga saarani”. Waa qormo ku saabsan BOON iyo waayaha cusub ee SALAL.
Ka Taxadira Dariiqa Gabiley Iyo Dad-Qalatada
By Mujaahid ShariifkaSocotada Reer Awdal waa bartilmaameedka ay ku cadho furfurtaan markasta oo ay ciidamada jiida hore ee Kadleeye Army ay dhagaha kasoo tumaan dadqalatada uu hogaanka u yahay Mujrim Maxamed Maxamoud Rage.
Sharafta iyo Karaamada Luntay ee Bulshada Awdal, Sidee Lagu Soo Celi Karaa?
By Mujaahid Farxaan

sidaaynu wada ognahay bulshada awdal iyo salal waxay marayaan xalad muruga leh marka loo eego aqoonyahankodii sida arxan darada ah loo xasuuqay ee aan inlaahada laba isla sooqaadin waa arin aan looga baran bulshada ku dhaqan geeska africada bari dhamantood waayo marka aay dhacdo arintan oo kale waxaa isxilsaari jiray reerka dhibta gaystay oo kuwa loogaystay dhibta la hawl gali jiray.
Gabaygii Taleex iyo TIMA-CADDE
Anaa kaa tol roon waa waxaad, u tariqi weydeene
Tawalleeye Binu-Aadamkii, taag darraan jiraye
Gabayaagii weynaa ee caanka ahaa aadkana u mucjisada badnaa ee C/LAAHI SULDAAN- TIMA-CADDE (Raxmatullah Calayhi) ayaa tiriyay gabaygan soo socda. Timacadde wuxu gabaygan ku xusayaa sida soomaalidu qabiilka isugu disho halkii ay cadowgooda guud dhan uga soo wada jeesan lahaayeen. Hadday Soomaalidu taageeri lahayd SAYID MAXAMAD CABDULE XASAN(AUN), maanta halka ay joogto ma joogteen, waa sida aynu ka fahmi karno gabaygan isaga ah:




