Gabay Jacbur: ‘Nabadu Jalxad Weeyee, Car Kumaa Jabinaaya’?..!

Suugaanta soomaalidu waxay leedahay noocyo badan oo an la odhan karin dhammaantood way nidaamsanyihiin ama nidaam loo wada dhigay ayay haystaan. Qaarkood ayaa magaca suugaanta la wadaaga murtida iyo erayada balse kaga duwanaada hanaanka iyo habka loo dhigo. Gabayada loo yaqaano  jacbur oo inta badan loo adeegsado murtida maada ah ee loogu talo galay in dadka lagaga qosliyo, isla markaana uu hormuud ka ahaa C/Laahi Macalin Dhoodaan ayaa ka mid ah suugaantaas aynu soo sheegnay. Mid ka mid ah ayaynu halkan idiinku soo guurinay, balse is weydiintu waxay tahay gabaygan yaa tiriyay, mase noqon karaa jacbur?: 
Continue reading

Gobanimo KU Dhinta, Gunnimo KA Dhinta

By Mujaahid Shariifka

MCShariif

Qarannimo ama gobanimo waxay la macno tahay marka bulsho ayna uga daba fadhiisan bulsho kale, noloshooda ama sharaftooda guud iyo tan gaar ahaaneedba.

Mar hadii aanay bulshadaasi ka baqaynin wax naftooda, dhulkooda, khayraadkooda, xoolahooda, aanu jirin habayaatee wax khatar galin kara ama looga cabsado xaquuqdooda. Ha ahaado wadankale oo duullimaad milatari kusoo qaada ama maamul xumo kaga timaada gumaysi dhexdooda ah oo ka dhaca wadankiisa dhexdiisa habayaraatee hadii aay bulshadaasi ka xoryihiin dhamaan khatarahaasi kala duwani waxaan odhan karnaa bulshadaasi waxay haystaan xornimo taam ah FREEDOM.

Continue reading

Gabaygii ‘Qayb Libaax’: Xuseen Dhiqle

Labadii Qofee inagaga hadhay, Qaafadii Dumarka
Tii Quruxda roonayd , hadday Cali la Qooqayso
Qudhoo kaliyaa nagu hadhoo, Qalabku noo yiile
Tanna Qaata, Naadaba Ragbay Qaac u shidataaye

Waa gabay ka mid ah Suugaantii aynu kusoo baranay dugsiyadii  H/Dhexe/Sare, ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya kuna salaysan qiso dhab ah oo taariikhda soomaaliyeed aad ugu baahday.  Burburkii ku dhacay daraawiishta  kadib markii cirka iyo dhulkaba isticmaarku ka weearay, ayaa wuxu keenay in soomaalidii kale iyagii dib u bililiqaystaan, oo xitaa dumarkoodii rag kale loo dhiso.  Xuseen Dhiqle oo ahaan jiray nin gabayaa ah isla markaana xafidi jiray gabayadii sayidka ayay arrintani si gaar ah u taabatay kana gabyay.    Sheekadan oo dhammays tiran iyo gabayga oo intuba maqal iyo muuqaalba leh ayaan halkan idiinku soo guurinay.  Dheehasho iyo dhageysi wacan.

Continue reading

Sharafta iyo Karaamada Luntay ee Bulshada Awdal, Sidee Lagu Soo Celi Karaa?

By Mujaahid Farxaan

mujaahid-farxaan

sidaaynu wada ognahay bulshada awdal iyo salal waxay marayaan xalad muruga leh  marka loo eego aqoonyahankodii sida arxan darada ah loo xasuuqay ee aan inlaahada  laba isla sooqaadin waa arin  aan looga  baran bulshada ku dhaqan geeska africada bari  dhamantood waayo marka aay  dhacdo arintan oo  kale  waxaa  isxilsaari  jiray reerka dhibta gaystay oo kuwa loogaystay  dhibta la  hawl  gali jiray. 

Continue reading

Gabaygii Taleex iyo TIMA-CADDE

 Anaa kaa tol roon waa waxaad, u tariqi weydeene

Tawalleeye Binu-Aadamkii, taag darraan jiraye

Gabayaagii weynaa ee caanka ahaa aadkana u mucjisada badnaa ee C/LAAHI SULDAAN- TIMA-CADDE (Raxmatullah Calayhi) ayaa tiriyay gabaygan soo socda. Timacadde wuxu gabaygan ku xusayaa sida soomaalidu qabiilka isugu disho halkii ay cadowgooda guud dhan uga soo wada jeesan lahaayeen. Hadday Soomaalidu taageeri lahayd SAYID MAXAMAD CABDULE XASAN(AUN), maanta halka ay joogto ma joogteen, waa sida aynu ka fahmi karno gabaygan isaga ah: 

Continue reading