Gabaygii Taleex iyo TIMA-CADDE

 Anaa kaa tol roon waa waxaad, u tariqi weydeene

Tawalleeye Binu-Aadamkii, taag darraan jiraye

Gabayaagii weynaa ee caanka ahaa aadkana u mucjisada badnaa ee C/LAAHI SULDAAN- TIMA-CADDE (Raxmatullah Calayhi) ayaa tiriyay gabaygan soo socda. Timacadde wuxu gabaygan ku xusayaa sida soomaalidu qabiilka isugu disho halkii ay cadowgooda guud dhan uga soo wada jeesan lahaayeen. Hadday Soomaalidu taageeri lahayd SAYID MAXAMAD CABDULE XASAN(AUN), maanta halka ay joogto ma joogteen, waa sida aynu ka fahmi karno gabaygan isaga ah: 

Tirtirsiinyo Soomaali waan, looga taag heline

Sayidkii Taleex degay marakay, turunturraynaysay

Haddaad maalintii taabacdaan, tani ma joogteene

Anaa kaa tol roon waa waxaad, u tariqi weydeene

Tawalleeye Binu-Aadamkii, taag darraan jiraye

Tulud Geela Awr roorsadaybaad, isu tumaatidiine

Todobaatan Alif baa ku lumay, ma i taqaanaaye

Cadaawa raggii tirin lahaa, waydinkaa tiraye

kelidey intaan tebey ka badan, tiryo dheeraade

Tiibiidu(TB)Soomaalidaay, maaha tiif cudure

Tallaalkeedu waa noloshaan, Taabi laanahaye

Isticmaarkan Tamashlaynayaa, tuubo loo sudhaye

One Response to Gabaygii Taleex iyo TIMA-CADDE

  1. nadaiya says:

    woooooooooooooooooooooooooooooooooooooooow the best somali poem

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.