Badheedhaha AllBoon: Gurigii Jacaylkiyo, Waayeelkii Godobta

Guriga Jacaylka iyo Waayeelka Godobta

Gabadh Soomaaliyeed ayaa guyaal hore waxay ku  heestay: “gurigii jacaylkiyo, waayeelkii godobta, keebaan gogoshiisii ku hurdaa, go’a yaa ila huwaday, gacantu raaxo daranaa, guudkayga saarani”. Waa qormo ku saabsan BOON iyo waayaha cusub ee SALAL.


 (1).     Guriga Jacaylka

Guriga jacaylka ee qormadeenu,  waa Awdal/ Salal, waa guryo samaad iyo goobo  raaxo badan oo lagu gam’i karo. Gelin kastaba carruuruhu  golay ku cadaloolaan, cirrooluhuna ka cibaaro faaloodo isagoo foollo caddaynaya, cid kastaa ku calool fayoowdahay, farxadna lagu caano maalo. Waa ciidda hooyo waa carriga soomaaliyeed ee Ilaaha caadilka ahi inagu abuuray. Balse carro walba cid uunbaa u badata cidna way u yaraataa. Cid uunbaa u werwer badnaata , cidna way u waraab badnaataa. Cid uunbaa dhibteeda iyo dheefteedaba ku dhaadata, cidna dheefteeda oo kaliya ayuunbay ku dheregtaa, dhibteedana way ka carartaa.

Guriga jacaylka marka loo wada guntado ma gaagaxo mana gudho jacaylkiisu, geesigiisuna ma liico, gabdhihiisuna ma gumoobaan. Marbaase dhacda gurmadkiisa la gabo sobabo gurracan awgood.

(2).     Waayeelka Godobta

Guriga jacaylka marbay gabanadiisu gabaan, godolkiisu yaraadaa, ubadkiisu gabnoobaan, ummadiisu gasiirtaa. Markaasibuu goonyihiisa cadaawe goostaa, geesigiisu gaagaxaa, gabdhihiisuna guumoobaan. Waana markaasi marka ay gacan cadaawe iyo waayeelka godobtu soo geed fadhiistaan. Waa waayeelka godobta midka dabadeed reerkaasi  u noqda garaad iyo indho ay ku guuraan.

 Waayeelka godobtu ma laha garasho dheer iyo jacayl gaamuray, ma yeesho fogaal aragnimo iyo fiiro lexo jeclo, mana faaqido waxa kusoo fool leh iyo wuxu falayo toona. Dantiisu waa mid gaaban, ujeedadiisu waa aar-goosasho, gef iyo gunnimmo mooyiye, gobanimo ma xeeriyo. Waayeelka godobtu cid walba wuu noqon karaa, wuxuse u badnaadaa inta aanan u damqanayn ciidda hooyo, ee dheefteeda mooyiye an dhibteeda dan ka lahayn

 (3).     Gabagabo iyo Gunaanad

Boon waxay gundhig u tahay gobolka Salal, nabadbay ku guurtaa, samahay gardaadisaa, wanaagbay gorfaysaa, gobnimay astaan u tahay. Waxay guri la wadaagtaa Saylac iyo Saca diin, Garbo dadar iyo Gargooraay, Giriyaad iyo xariirad. Gabi ahaanba intaas oo goobood iyo gacano badan oo hoos yimaada ayay  guudka ka ilaalisaa,   gocondhada ka gooysaa, gocoshada u diidaa, gucustana la dheeshaa. Waxay abaal gashay oo idil, waxay ahayd in loogu gudo  inay abid ku hurudo gurigii iyo gogoshii jacaylka, guddoonshe sarana u ahaato.

Balse waayeelkii godobtaa goonyaheeda soo galay, oo Saylac gaar u goostay, Sacadu-diin gabraaranaaya, soo gaadhay ilaa ceel baxay, geerisyo u guguuranaya  Garbo dadar. Sidaa daraadeed waxay Boon tebaysaa garbaheeda madhan iyo goobahay jeclayd oo gogoshii laga rafacay,  geesiyadeedii oo gaagaxay iyo dadkeedii oo hurdo galay.

Waayeelka godobtu aayar uun waaxyaheeda ma goosteene, gabanadeedaa u gacan hoosaadiyay.  Sidii geedkii hadlaybay iyadna Boon leedahay Gudinyahay ima gooyseen,  gobolkay haddaanu kugu jirin”.  Cidlay gooni u joogtaa, waxayna ku goohaysaa, sida heestii guyaal hore gabadhi ay ku guuxday: Gurigii jacaylkiyo, waayeelki godobta, keebaan gogoshiisii ku hurdaa, go’a yaa ila huwaday, gacantu raaxo daranaa, guudkayga, guudkayga saarani… guudkayga saarani….. 

AllBoon(AB)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.