Halaga Tashado Siyaasiyiinta Iyo Salaadiinta Tayada Xun.
November 11, 2009 Leave a comment
By Mujaahid Farxaan
Waxaynu wada ognahay meesha aay ina dhigeen sisasiyiinteenu iyo saladiinteenu. Waa kuwa inoo loogay warabaha ee maanta halka aan taganahay ina dhigay, waa kuwa xaqeenii u qaybiyay bulshada aan la dariska nahay.
Waa kuwa iibsaday dhiiga aqoonyahankeena iyo halyeey geena waa kuwa ku faraxsan meesha aan taaganahay ee raalida ku ah waa kuwa kala dagalamaya inay toosan oo aay wax tabaan shabaabka iyo dhalinyarta bulshadeenu waana makarafoonka uu isticmalo cadowga bulshada awdal.
Madama aaynu wada ognahay meesha aay ina dhigeen siyasigeena iyo saladiinteenu maxaa looga bahan yahay jiilka soo koraya ama dhalinyarta mustaqbalka ? waxaa looga bahan yahay inay katanasulaan talada iyo dabasocodka saladiinta iyo siyasiyiinta waayo meeshaay inoowadani mahin meel anfacaysa dhalinyarta iyo bulsha waynta awdal midna hadii aan laga tanasulin dabasocodka siyasiyinta iyo saladiinta awdal waxaa halis kujira jiritaanka bulshawaynta awdal
Dhalinyartu waa awooda bulshada waa mustaqbalka bulshada waana kuwa ubahan inay katashadaan mustaqbal kooda waayo saladiinta iyo siyasiyiinta mantu mardhoow iyagu wayka faruqayaan dunida markasta dhalinyartu waata mahuraanka ah inay gartaan waxii iyaga iyo bulshadoodaba dani ugujirto waxaa muhiim ah inay dhalinyarta bulshada awdal doortaan hogaan ugaara oo aay jeexaan sees la jaanqadikara sadasha tagan ee manta mid maxali ah iyo mid caalamiba
Gabagabadii maqaalkan; dhalinyartu haka tanasulaan siyasiyiinta iyo saladiinta tayada xun ee maanta la hadhay mustaqbalkooda ee xalaleeyay in xaqooda aay qabsadaan dadyoowga dariska nala ahi. Lagama yaabo hadii aanay tashan da yarta bulshada awdal inay cidkale tolo kusoo kordhinkarto waana muhiim inay unkaan hanaan maamul iyo hurmuud wadani ah
By farhan adan warsame