Labadii Qofee inagaga hadhay, Qaafadii DumarkaTii Quruxda roonayd , hadday Cali la QooqaysoQudhoo kaliyaa nagu hadhoo, Qalabku noo yiileTanna Qaata, Naadaba Ragbay Qaac u shidataaye
Waa gabay ka mid ah Suugaantii aynu kusoo baranay dugsiyadii H/Dhexe/Sare, ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya kuna salaysan qiso dhab ah oo taariikhda soomaaliyeed aad ugu baahday. Burburkii ku dhacay daraawiishta kadib markii cirka iyo dhulkaba isticmaarku ka weearay, ayaa wuxu keenay in soomaalidii kale iyagii dib u bililiqaystaan, oo xitaa dumarkoodii rag kale loo dhiso. Xuseen Dhiqle oo ahaan jiray nin gabayaa ah isla markaana xafidi jiray gabayadii sayidka ayay arrintani si gaar ah u taabatay kana gabyay. Sheekadan oo dhammays tiran iyo gabayga oo intuba maqal iyo muuqaalba leh ayaan halkan idiinku soo guurinay. Dheehasho iyo dhageysi wacan.