Gabaygii ‘Qayb Libaax’: Xuseen Dhiqle
Labadii Qofee inagaga hadhay, Qaafadii Dumarka
Tii Quruxda roonayd , hadday Cali la Qooqayso
Qudhoo kaliyaa nagu hadhoo, Qalabku noo yiile
Tanna Qaata, Naadaba Ragbay Qaac u shidataaye
Waa gabay ka mid ah Suugaantii aynu kusoo baranay dugsiyadii H/Dhexe/Sare, ee Soomaaliya markii ay ahayd Soomaaliya kuna salaysan qiso dhab ah oo taariikhda soomaaliyeed aad ugu baahday. Burburkii ku dhacay daraawiishta kadib markii cirka iyo dhulkaba isticmaarku ka weearay, ayaa wuxu keenay in soomaalidii kale iyagii dib u bililiqaystaan, oo xitaa dumarkoodii rag kale loo dhiso. Xuseen Dhiqle oo ahaan jiray nin gabayaa ah isla markaana xafidi jiray gabayadii sayidka ayay arrintani si gaar ah u taabatay kana gabyay. Sheekadan oo dhammays tiran iyo gabayga oo intuba maqal iyo muuqaalba leh ayaan halkan idiinku soo guurinay. Dheehasho iyo dhageysi wacan.
QAYB LIBAAX.
Qayaashoow Libaaxbaa Dhurwaa, Qaybi yidhi soore
Wuxu yidhi hilbaha jeex bal qabo, Qoon dhan baanu nahaye
Markaasuu Qababalihii, Qoonsaduu dayaye
Dhirbaaxuu il kaga soo Qaadoo, hoor kasoo Qubaye
Af-Qashuushle goortuu dhintuu, sii Qataabsadaye
Qanbaruursi iyo oohinbuu, Qoondunuunucaye
Dacawuu kolkaas soo Qabsaday, sida Qisaaseede
Iyadoo Qadh-qadhibuu ilkaha, Qoorqabkii xoqaye
Wuxu yidhi Qanjaafulo xumeey, tali Qaddaarkaaga
Adeer gacale Qaar iyo dalool, Qaaxo iyo feedho
Qummud iyo baruur, iyo legiyo Qawdhihii kuruska
Kuu wada Qorsheeyaye, isloow neefka wada Qaado bay tidhi
Markaasuu wixii Qaday [Habar dugaag], Qabsaday qoobab kadafleeye
Waxa la yidhi Qabiil ma leh dayooy, Qayliyaha Aare
Innagoo Quruun dhan ah, maxaa Qado innoo diiday…?
Qacdii hore haddaan dayay, kobtii weerku sii Qulushay
Darbaa kuu Qismo ah, waa wuxuu eeday Qaar yara e
Aniguna Qudhaasaan ahoo, lay qulquladeeye
Duqii innoo Qab weynaa, wakaa Qooqa loo dilaye
Qaddarkii Ilaah, iyo Rabbaan Quud ka sugayaaye
Qudhaydaan u yaabaye, miyaan idin Qasaarteeyay
Waar ma anoon Qudraba hayninbaan, Qabash kasoo waaqsan..?..!
Anna Qayb Libaax weeyi, taad igu Qasbaysaane
Dadka igu Qoslaayiyo kobtaan, ka Qalbi diidaayo
QADAYEEY Adduunyo uma socon, waad i Qaxarteene
Qadankii dariiqo iyo haddaan, Qaddiimadii waayay
Labadii Qofee inagaga hadhay, Qaafadii Dumarka
Tii Quruxda roonayd , hadday Cali la Qooqayso
Qudhoo kaliyaa nagu hadhoo, Qalabku noo yiile
Tanna Qaata, Naadaba Ragbay Qaac u shidataaye
IMIKA IYO HAATANA BAL GABAYGAAS XUSEEN DHIQLE TIRIYAY IYO SHEEKADA LA SOCOTABA, WAXAD KA DHEGAYSAN KARTIIN ISAGOO MAQAL AH MUDANE LIBAAX LAFTARKIISA OO AF-SOOMAALI KU HADLAYA…!!!
AAD U DHEEHDA UNA DHEGAYSTA CAJALKAN.
Like this:
Be the first to like this post.