Gabay Jacbur: ‘Nabadu Jalxad Weeyee, Car Kumaa Jabinaaya’?..!
Posted by hiildan on November 16, 2009
Suugaanta soomaalidu waxay leedahay noocyo badan oo an la odhan karin dhammaantood way nidaamsanyihiin ama nidaam loo wada dhigay ayay haystaan. Qaarkood ayaa magaca suugaanta la wadaaga murtida iyo erayada balse kaga duwanaada hanaanka iyo habka loo dhigo. Gabayada loo yaqaano jacbur oo inta badan loo adeegsado murtida maada ah ee loogu talo galay in dadka lagaga qosliyo, isla markaana uu hormuud ka ahaa C/Laahi Macalin Dhoodaan ayaa ka mid ah suugaantaas aynu soo sheegnay. Mid ka mid ah ayaynu halkan idiinku soo guurinay, balse is weydiintu waxay tahay gabaygan yaa tiriyay, mase noqon karaa jacbur?:
Jacbur aan jacbur saaray,
Duqsi aan joonyad dulsaaray.
Digaagad jaawi u dhiibayoo
Saarka soo jebinaysa.
Jirjiroole gaboobayoo
Lacag jeebka ku haysta.
Komishan jaahil ahaayoo,
Xisaabtay jacbursheen,
Ka jar been lagu oogay,
Soo jawaaba la leeyay.
Xisbi qiiro jibaysanoo
Isagoo jiqilaystay
Joojiyaay la leeyay.
Mirqaan buuraha jiidhayoo,
Jebis weyn ka baqaaya,
Jawaan joonyad xambaartay,
Jaas galbeedi la dheelay.
Jacaylkii xisbiyoobay,
Jaambad gaaban ku boobay
Jilba joog ku liqeen.
In dhawaydba ma jiifsan,
Markuu jaafa jirqaayo,
Foodkii joog lagu miisay.
Ma jin baa lagu doortay,
Natiijadan jaahwareersan,
Jiidanaysa inkaaro,
Kursi jorj la horgeeyay,
Car janjeedhi la leeyay,
mid juqaalshay dhegaha
midna jiib raminaayo,
midna jeeb madhan gaadhay
midna jeel ka baqaayo baan
jahwareeryada oogan,
laysu jaakirayaaye.
Nabaddu jalxad weeyee,
Car kumaa jebinaaya.Bal hadda barbar dhiga, gabaygan maqalka iyo muuqaalka ah ee C/LAAHI DHOODAAN:



.