Murtida Sanadka: Lababa Meelbay Ku Fiican Yihiin

MCShariif

By Mujaahid SHARIIFKA

Salaan sare dhamaan Saxaafada xorta ah sanad wanaagsan ayaan idinleehay dhamaanteenba sanadkana ha noqdo mid u horseeda bulshada Awdal,Somaliland iyo Somaliyaba dhamaan mid dhaama sanadihii aan soo dhaafnay inoona horseeda horumar iyo barwaaqo,Murti Somaliyeed ayaa tidhaa  Laba Hadalkay ku fiicantahay,2 aamusnaanta ayey ku fiicanatahay,2 socodka ayey ku fiicanyihiin,labana  fadhiga. 

Continue reading

Dadka Reer Awdal Waxa La Gudboon In Ay Marka Hore Iska Qiimeeyaan Qofka Ayrabaan In Uu Mashraxa Siyaasada Magacooda Ku Fuulo Oo Uu Iyaga Matalo Si Aanay Hadhaw Uga Qoomamaynin

By Cabdale Faarax Sigad

Waxa nasiib daro ah iyada oo Daahir Rayaale wakhtigii uu mashraxa siyaasada fuulayay aan laga fiirsan oo aan la iska qiimayn taasina ay tahay ta maanta keentay dhibaatada taagan ee ah in laga cawdo oo lagu eedeeyo in uu yahay nin danihiisa maahee aan danta dadka reer Awdal danaynayn, ayaa hadana waxa muuqata in dadka reer Awdal ay mar labaad si dhibyar iskugu dhiibayaan nin aan lahayn talo ama wax muuqda oo lagu raaco kaasi oo ah Mudane Saylici oo u taagan mansabka madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga kulmiye .

Continue reading

Samarroon Wuxu U Baahanyahay Soohane Hubaysan iyo Saanad Militari

mujaahid-farxaan

Mala odhan karaa rayaale waa madaxwaynaha beelaha jaarka sida beesha dhexe iyo beesha ciise waayo mudane rayaale waa xubin utaagan sugida amaanka beesha dhexe iyo waxoogaga ciise ee daaqsinta uyimada eebaha beesha samaroon waayo tusaale ahaan xaqii mansab ee beesha samaroon horaa loo qaatay oo mansab aay kuhaystaan maamulka rayaale majiro iyada oo aay taasi jirto waxaa soo kordhay inuu rayaale diyaar uyahay maanta unuu dagaan usameeyo reer guuraga doolka ah ee beesha ciise rayaale waxuu dagaanka xeebta ee beesha samaroon uga raadshay dad maamula dawlada djibouti ee ismaciil cumar utaliyo kadin ismaciil cumar waxuu rayaale kusoo daray mamulayaalka gobolka maanta ka taliya.

 

Daahir Rayaale Dantiisa Gaarka Ah, Ayuu Siistay Karaamadii iyo Sharaftii Samaroon

By Mujaahid Farxaan

mujaahid-farxaan

ismaciil cumar geele waxuu ubalan qaaday ina rayaale inuu hantidiisa gaarka ah dhigto bangiyada djibouti aanu magangalyo siiyo hadii beesha dhexe iyo beesha samaroon aay maxkamad la tiig sadaan ismaciil cumar waxaa kale uu ina rayaale ku caawiyay sharciga djibouti bidaqada amase kaarca  wadaninimada ee djibouti kaas oo hada xaaska ina rayaale iyo ciyaalkiisuba aay dibadaha kujoogaan sharci jabutiyanka ah taas badalkeeda waxuu ina rayaale ismaciil cumar ku cawiyay inuu ku wareejiyo dhul xeebeedka samaroon ee dagaan ahaan aay dagaan beesha maxad case.

Continue reading

Baroordiiq iyo Cambaarayn Qaraxii Hutel Shamo: By Jaaliyadda Kuala Lumpur

Baroordiiq loo sameeyay Masuuliyiintii, Barayaashii, Taqaatiirtii, Ardaydii qalanjabinaysay, waalidiintii iyo dadkii xaflada lagu martiqaaday ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtey xaafada Sentul East oo ku taal Koonfurta magaalada kuala Lumpur, Waxaana soo qabanqaabiyeen Gudoomyaha Jaaliyada Galmudug Ambassador Zakaria Abdi Siyad iyo aqyaar kale ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u tiro badnaa oo ka kale yimid qaybaha ay ka kooban tahay magaalada Kuala Lumpur oo dhan, iyadoo Hallkii lagu qabanayay baroordiiq u qaadi waayay dadkii Soomaaliyeed ee sida weyn uga gilgishay qaraxadii foosha xumaa ee lala beegtay dadkii ka soo qayb galay xafladii qalin jabinta ahayd ee lagu qabtey magaalada Muqdisho Qamiistii la soo dhaafay ayna ku nafwaayeen dad ka badan Dhowr iyo labaatan qof ayna ku dhaawacmeen dad ka badan 60 qofood, kuwaasoo ahaa dhaqaatiir, macalimiin jaamacadeed arday dhamaysatay waxbarashada caafimaadka ee shahaadada Degree, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku meelgaarka ah iyo qaar ka mid ah dadkii ka soo qaybgalay xafladii qaraxa lala eegtay.

Continue reading

Tacsi: Marxuumiintii ku Qudh Waayay Qaraxii Muqdisho

 

 

INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN
 
Dhammaan Qooyska reer Suldaan Yuusuf Suldaan Caateeye Suldaan Faahiye, meelkasta oo ay joogaanba. Waxay si wadajir ah uga tacsiyaynayaan geerida naxdinta badan ee ku timid Marxuumad Doctor QAMAR AADAN CALI, oo ahayd wasiirkii wasaarada Caafimaadka Soomaaliya, oo dhawaan lagu dilay qaraxii bahalnimada iyo waxshinimada iyo axmaqnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho. Waxan sidoo kale ka tacsiyaynaynaa marxuumintii kale ee masuuliyiin iyo macalimiin iyo Arday intaba lahaa ee isla qaraxaasi qammuunyada badan iyaguna ku qudh waayay.

Continue reading

Tacsi: Marxuumad Saynab Yuusuf Maxmad (AUN)

FROM: ADAL STUDENTS ASSOCIATION
                                                                                       

 ISLAMABAD, PAKISTAN

DHAMAAN  JAALIYADA REER AWDAL/SALAL  EE KU DHAQAN  DALKA PAKISTAN  WAXAY TACSI TIIRANYO LEH U DIRAYAAN DHAMAAN  QOYSKA ILAMA   YAASIIN ISMAACIIL(NIRIG).

Continue reading