Mala odhan karaa rayaale waa madaxwaynaha beelaha jaarka sida beesha dhexe iyo beesha ciise waayo mudane rayaale waa xubin utaagan sugida amaanka beesha dhexe iyo waxoogaga ciise ee daaqsinta uyimada eebaha beesha samaroon waayo tusaale ahaan xaqii mansab ee beesha samaroon horaa loo qaatay oo mansab aay kuhaystaan maamulka rayaale majiro iyada oo aay taasi jirto waxaa soo kordhay inuu rayaale diyaar uyahay maanta unuu dagaan usameeyo reer guuraga doolka ah ee beesha ciise rayaale waxuu dagaanka xeebta ee beesha samaroon uga raadshay dad maamula dawlada djibouti ee ismaciil cumar utaliyo kadin ismaciil cumar waxuu rayaale kusoo daray mamulayaalka gobolka maanta ka taliya.
Ismaaciil cumar waliba waxuu rayaale kadhamaystay in lasoo dajiyo dhul xeebeedka beesha samaroon qaxootiyada ciise ee dagan dhegagoo iyo holhol iyo hora cawsa qoxootiyada ciise ee lagasoo rarayaa holhol iyo dhegagoo xagaykasoo jeedaan waxaykasoo jeedaan dhulka itoobiya ee kilalka 5aad qoxootiyadani waxay soo qaxeen oo aay djibouti soo galeen markii makahiilka galbeed waa makayldheere bahabar cabdalo iyo celi aay soo dhirbaxeen ciisaha itoobiyo ee aay waliba xoolihii kala hadheen qaxootiyadaa kasoo qaxay makahiilka galbeed ee itoobiya ee beesha ciise rayaale isagaa dibu dajin usameeyay suaasha iswaydiinta mudani waxay tahay muxuu dhaafsaday dhulkaa tolkii ee tariikhiga ah rayaale ??Runtii badhitaan badan oo aan samaynay waxaan waynay waxa maanta rayaale dhulka tolkii uu ku badashay oo aan dhaafsanayn kaarka djiboutianega waa arin mucjiso ah rayaale miyaanu ogayn djibouti lafteedu inay tahay dhul samaroon kamaqan sideedaba (geesigu madhuuntee dharabtuu kamuuqdaa) waa erayadii abwaanka dada yar ee maxamed muumin ababe arinta iswaydiinta mudani waxay tahay dawladaha hoose ee mamulka rayaale waxaa taala dacwad layidhaa kuqabso ku qadimayside taasi oo loo isticmalo jagooyinka magalooyinka borama hargaysa iyo burco arintii jagooyinka ku egayd manta waxaysocotaa dhulkaa baladhan ee bad iyo bariba leh inay beesha ciise tidhaa 9 ugaas baan saylac ku caleemo saaray waa goorma goortan ugaas ciise lagu caleemo saaray saylac ?Saylac ma diridhabay noqotay mise casbuli iyo calidoora ilayn ugaaska ciise dhulkasaa lagu dooran jiray oo lagu caleemo sari jiray intoo laqawiyee saylac meel nin qaawan lagu caleemo saaro matahay ?Gabagabadii maqaalkan waxaan leehay waar dhulka awdal manta dhinac walba weerar baakaga socda isaaq ceelbardale iyo lughaya ayuu duulan kuyahay ciise saylac iyo boon buu duulan ku yahay ,markaa maanta samaroon umabaahna manta suldaan bakoorad sita iyo siyaasi cod raadinaya ee waxuu ubahanyahay soohane hubaysan iyo sanad mulatari ee samaroon ha istaago amase ha isdhiiboLAX DHUKANI ABAAR MOOG ,DHULKA LAGUMA JOOGEE, DHACDADIYO AMUURAHA ,NIN UDHUUN DALOOLOO DHABAGALA HADAAD TAHAY, WAXBA KUUMA DHUUNTAAN ….erayadii abwaan maxamed muumin ababeby farhan adan warsame

aslalykm
waxaa ii muuqata in reerkii samaroon ahaa ay indhaha ka qabsanayaan weerarkan qaawan ee kagasocda dhan walba, kagana imanaya labada reerood ee jaarka la ah. Gadabuursi wuxuu kasoo guuray gabilay oo jirbriil abokor la wareegay, wuxuu kasoo guuray jibouti oo ciise la wareegay. waxaan is waydiinayaa halkee loo wadaa reerkan. maanta oo nin walbaa dhulkiisii gaadh kahayo xagee samaroon jiraa, ma marti buu ku yahay dhulkan uu degan yahay.