Awdaleey Dadkaaagii, Dibi Foofay Weeyaan..!
December 28, 2009 1 Comment
Toloow yaan la doodaa
Da’da gabay hingaadshoo
Dadkaygii wax fahansiin ..?..!!!!
By Maxamad Gacan

Da’da gabay cabdoow
hadan doobir kol u qaato
ma dareersho maansada
hadaan duulku ila jiidhin
madaneeyo xajada haday
dacal u dhaafayso
danta guud an eegee
miyaa hadalka la ii diidey
Awdaleey dadkaagii
dibi foosey weeyoo
ma daneeyo waylaha
ku daboolan xeradii
markuu dooga helo ee
dibiriyo cirkisee
dig kasiiyo calafkii
ma dareemo maatida
iyo kuwa itaal daran
neefkiise dihinee
waylihii dareemee
doono xeradii
dib u celin kumaagaa
durduruu sameeyaa
aniga dadkaygii
dary ba la galiyoo
ma dareerto maatadu
dhulkii dooga waynaa
dhiigaa duleeloo
madagana warkaygani
dibirawayn gadaasheed
calixaydh docdeedii
qolqolkii ragbaa dagay
dariiqi ma mari karo
dadqalba inoo yimi
xaajadu daboolane
daaha yaa ka ragi kara
bankii duudka waynaa
buurihii daboolaa
khayraadka dihiniyo
dhulkii dahabku yaaliyo
dareemada qurxoonayd
saylac way ka durugtoo
duul kalaa ka taliyoo
ma dagana warkedii
dagaankii dilaadee
danta guud ahaa iyo
madalkii ma daayana
anigana dushaydaa
lagu kala dareeroo
aroorseel midbaa dagay
mid kala ka daba yimi
sacadiin ka daahfurey
doqnoow dhulkaagii
lagu kala dereeryoo
dulmi bay u eeg tahay
hadii duulku kula dago
dab mashido halyaygii
daandaansi ma leh maris
lughayuu ku dabar go,ay
geesaale diidbuu
dubaakhiisu uu yahay oo
kala durug ujeedada
dudub wuu hurdaa wali
qabriguu dulyaalaa
siyaaruu ka daba dhacay
kiisa dayrka fuulaa
dhulka uma so dago
kaba daahan xaajada
ma damqado ciisena
danbas baa lamariyoo
meel uunbuu dagiigaa
aniga dadka u wayn
ku dagalaa qaarkale
waa mayordoonoo
muuse fiin damweeyaan
danta guud ma eegee
nin kalaa ku daba jira
hirdanka uu la doontaa
sidii dibi is giiraa
haduu dabinka soo galo
dacalada ka riixaa
dila waa la dumiyuu
la dudaa walaalkeen
dulmi buu tirsanayaa
la daba ishii bidix
cadeedana ka daahaa
bankii baa ladagay buu
ninkii dibiga meeraray
doormooday kaligii
ka didaa ureedoo
ku dilaa dadkoo idil
cabdalana dabkuu shiday
iyo dabinka uu dhigay
diirsha ku dhacayoo
jaarana kasii durug
ka danaysay ciisaha
celigii dadkaba nacay
oromada kadaba roor
daris buu ku yeeshoo
maba doono samaroon
waa la dagay duleedkii
obokor dulyaaloo
xuunshalay dusheediyo
maba dhaafo xayndaab
alow yaa dabkaa shidan
taar uun ku dira oo
dulmigaa u sheegoo
halyaygii malagu dilay
dareensiiyo roobloo
danta guud u sheegoo
u daah fura aqoontaa
jidgoona ka daba dira
ninka dibada tagayee
ka dibiray aqoonee
duunyo eebe siiyee
ka damiina hawlahan
dibi foosey weeyee
dad nimada ayaa bari
danta guudna fahan siin
duulkaa qurbaha dagay
dib u eegin doobtii
xuduntood ku duugnayd
dadkii ilaawee
la garaada duunyada
waa saxar dabayliyo
duufaanku qaadoo
shalow weyn ka daba ridey
waxa aniga ii daran
ninka duluca fura ee
deeqyar ka baxiyee
dariiqii dilaad iyo
daaweeya boorame
danta guud ilaashee
xeebtii dareemee
iskuxidha dab iyo shilin
damaciisu wayn yahay
alahayoow dadkaygii
diintaada fahansii
dadnimada ha moogsiin
dareenkooda soo celi
damacooda kor u qaad
daymada dhexdoodiyo
ka dabool xumaatada
sadexdana ka dabargoo
ha dareemo cadowguye
markii duulku roonaa
dadnimadu wacnaydee
xadhig dabari jiidnaa
haadkaa duleedkiyo
doofaarku qaylada
dacal buu lamari jirey
imikan danba tidhi
hadii duulku liicoo
dadnimadii halowdoo
sadex uun la daba maray
in la daaco xagaloo
dacawadu haratido
darbigii adkaan jirey
willkay ma doogsado
wuu dabooley qalinkii
ma daahfuro shahaadad
doqonkuu la jiifaa
doormood shaxaadoo
dulmi buu ku sugan yahay
haweenkii danbaa tidhi
daahiina hoos gala
ka daboola dhagahiin
duruufaha arliga jira
damqashana ha xaalayn
diracaaga ku eekoow
lasinow dadkaagoo
dareenkaa iska iloow
dulmanoow da,daydii
duqaydii maxa helay
yaa duqeeyay waayeel
hadalkii u diidoo
dulmariyey kaaraha
doobtii haratiyey
sadexdaa ka dab ridey
danaystaha ka wad dhigay
siyaasigii dadkaygoow
madaxdii dalkaygoow
dareenkiin maxa helay
aaway dadnimadii
dantii guud maxa helay
yaa daweeyo howlaha
ka damqada xumaatada
dib u socodka diidoo
hogaamiyo dadkiisoo
jahligana ka dabar jara
waxa diidey taasoo
danta guud hareer maray
damiin shilin ka daba dhacay
kiisha wayn dabooshoo
iimaankii dabraayiyo
damiirkii ka foofoo
dadnimadii ka sara maray
malaha waan danbaabnoo
dunuub baa la galay wayn
yaa eego dirirkoo
xidigaha ka daashoon
daah furi ujeedada
dulucdeeda ya garan
Toloow yaan la doodaa
Da’da gabay hingaadshoo
Dadkaygii wax fahansiin ..?..!!!!
Yaa Salaam, Af-kaaga caano lagu qabay
Allaylehe Abwaan dheh..